SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DOHA
Yaad Laciideysaa? Aniga- Makkah

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waa wax iska muuqda walaaca ay qabaan dad badan ciida soo dhawaatey awgeed. Ma’ahan inaay kaxunyihiin bisha dhamaatey ee waxaay kawalwalsanyihiin cidii ay laciidilahaayeen iyo meeshii ay ciida kutukanlahaayeen madaama uu hogaanka muslimiinta meelaha ay joogan uu gacanta ugu jira dad kacaado yeeshey khilaafka bisha Soon, gaar ahaan kuwa allergic ku ah S.Arabia.

Khilaafka Ramadanka wuxuu kanoqdey dadka qaarkood aktooda “Argoosi” loola jeedo reer S.Arabia oo la’aaminsanyahey inaay gacan siiyaan wahaabiyiinta(A name given to Saudi Sheikhs). Waxaadse yaabeysa markaad S.Arabia tagtid oo lagaba aqoon magacaas ay dad badan kucolaadiyaan Sacuudiyiin wadaadada ah. Waxaa lamid ah marka ay gaalada kugu yirahdaan: “Mahamadians ayaad tihiin sida aan anagu unahey Christians ee maxaad noola yaabeysaan!”

R/Galbeedku ayagu culumadaas waxaay uyaqaaniin magacyo kale oo fara badan sida ayagoo yirahdoo: “Raga mayalka adag ama usuuliyiinta” waxaadna mooda inaay kacabirfiicanyihiin Somalida kusheegta culumada S.Arabia inaay yihiin Wahaabiyiin.

Hadaba haddii aad tahey dadka aaminsan in lakhilaafo S.Arabia iyo culumadooda waxaa kuu taalo inaad kajawaabtid su’ashaan oo ah: “Maxaad udooratey inaad khilaaftid? Inta aanan jawaabta kaa sugin waxaan filaya inaad tahey labo mid; waa mida hore inaad kashakisantahey diintooda! Haddii ay sidaas tahey waxaad shaki galisey jiritaanka Makkah waayo mar haddii aad culamada reer Makkah kashakidey waxad kashakidey meeshaas oo dhan.

Ama inaad aaminsantahey inaay Sunadaba sidaas tahey maadama aad kusoo qaan gaartey ayadoo waligeed soonka la-is khilaafo oo aan waligeed laysku raacin! Haddii ay sidaas tahey, tana tii hore kadaran Diintii dhameyd ayaad kuxukuntey inaay kudhisantahey Khilaaf! Mana garanayo mowqif kaliito oo uu qof muslim ah istago.

Taageer wadaadka R/ka miyaay kaa tahey?.

Waa kuu doqonimo haddii aad aaminsantahey wadaad kudhashey Makkah oo aabihiis iyo hooyadiis Carabyihiin reer Makkah ah oo ku abtirsada Nabiga S.A. Wasalim oo waliba utaagan khidmada Makkah iyo dadka Beytka Allah yimaada, ayaa diinta dibindaabyeynaya oo wadaad tuuladiina kudhashey oo xitaa Arabiga dhib kuyahey ayaa kasaxan oo aan lasoomaya! Sow cadaalad daro ma’aha!

Qofka waxaa lagu qadariya meesha uu kashaqeeya.

Waxaad ubaahantahey inaad marka hore isbarbardhigtid Makkah iyo tuulada aad kasoo jeedid! Waxaad raadisaa fadliga ay Makkah leedahey bal in labarbardhigi karo meesha aad kasoo jeedid.

Markaad ogaatid fadliga Makkah, waxaad eegta ninka kunool ee kashaqeynaya meeshaas mayahey qof lagu tuhmi karo been iyo inuu Muslimiinta soominayo marka uu doona oo uuna afurinayo marka uu doona. Haddiise aad culumada reer Makkah been kutuhmeysid, maxaad ka aaminsantahey culamada tuuladaada ee xoolaha lasoo dhaco xalaaleyn jirey! Raggii fadwoodey dhibaatada maanta kataagan Somalia inuu yahey Jihaad!

Kaba kaaley intaas oo dhan, haddii aad macaaradid reer Makkah oo aad kutuhintid been abuur, sow taas wax udhimi meyso Qiblada aad utukatid. Diimaha aduunka kajira meesha kacbada u ah waa tix galiyaan oo waa rumeystaan waxii kasoo yeera gaar ahaan wixii diinta laxariira ee adiga maxaa kugu dhacey oo aad ugu soo taagantahey Ahlu-Makkah.

Waa inaad kala saarta dawlada Saudiga iyo Culamadeeda.Dowlada mafarogalisa arimaha Diinta bal way taageerta khidmadeeda waana taas waxa ay dad badan oo Sacuudiyiin ahi kutaageeraan.

Yaad laxajineysa?

XAJKA MA U SOCOTAA SANNADKAN,...
GUJI HALKAN...

Su’aasha kale ee kuu taalo waxaa weeye yaad laxajindoonta? Culumada tuuladaada ee kugu tiri: “wahaabiyada khilaaf” mise culumada reer Makkah? Nin aad khilaaftey Ramadanka sideed ula xajineysa? Mise sheekadu waa lajiifiyaana banan!

Ama haddii ay kaa tahey xaasidnimo aad uqabtid wahaabiyada lagugu wareeriyey, sow ma ogid inaay wax udhimeyso booska Makkah kuleedahey dunida Islaamka!

Ugu danbeyntii, waxad laciidaa Ahlu-qablah(R/Makkah) si’ay umuuqato midnimada muslimiinta intii aad kumashquuli laheyd kala qeybinta aan danta kujirin! Iska ilaali inaad muujisid khilaaf gaar ahaan marka aad joogtid wadama shasheeye ee ay gaalada kubadantahey.

Waa inaad tix galisa culamada sacuudiga adigoo eegaya wax ay uqabteen Islaamka. Waxaad eegta oo kali ah khidmada ay kaqabtaan Xajka marka ay marti galiyaan 5million oo martida Allah ee isaga yimid daafaha aduunka.

Walaal aan kudadaalna inaan isku meel utukano, isku mar wada soona, isku marna wada ciidno si’aan ugaarno midnimo kudhisan Towhiidka Allah.

WARARKA UGU DAMBEEYEY EE RAMADAANKA

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE ALHASSANI

<><><>

FAALO: MAXAA HOOS U DHIGAY RAJADII LAGA QABAY SHIRKA SOOMAALIDA?

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 MAXAA GAACA BIYO JAW LEH...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2003.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD