Qalabka warbaahinta ee Soomaaliya, sida Radiye
iyo gaar ahaan wargeysyada ka soo baxa gobalada Waqooyi Galbeed (Hargeysa),
sidoo kala bogogga Internetka waxay hadal hayeen gabadha sheegatada inay u
dooda xuquuqda aadamiga ee magaceeda la yiraahdo Raaqiya Omaar.
Haddaba waxaan jeclaan lahaa inaan markii ugu
horaysay u soo bandhigo dadka Soomaaliyeed danbiyada ay Raqiya Oomaar ka gashay
ummada Soomaaliyeed, iyadoo hagoogan magaca “Human Rights” (bina-aadanimo).
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wuxuu ka baxay
Muqdisho bishii Janaweri 1991, isagoo u qaxay Gedo. Dadweynaha Soomaaliyeed
waxay filayeen in ay u dhalan doonto dowlad iyo maamul cusub, hase ahaatee,
taasi ma dhicin. Dhowr bilood ka dib, kuna beegan bishii Nofeembar 1991 waxaa
bilowday dagaal lagu hoobtay oo dhex maray ciidanka Janaraal Caydiid iyo
madaxweynihii lagu soo doortay shirkii Jabuuti, Cali Mahdi.
Isla sanadahaas (1990-1992) waxaa Soomaaliya
ka jirtay colaad iyo abaar xaalufisay dhammaan dadka Soomaaliyeed. In qaxday,
in cudur iyo gaajo u la’atay. Intaas waxaa wehelisay dagaalo joogto ah oo ka
socday afarta jiho ee Soomaaliya. Baabba’a ku dhacay dhirtii, xoolihii iyo guud
ahaan deggaankii dalka oo dhan. Waxaa faraha ka baxay taladii dalka. Waxaa soo
baxay burcad qorya sita ee dhaca dadka; waxaa baabba’y b’udii nolosha dadka
Soomaaliyeed. Cuno yari, biyo la’aan. Ninkii qori sita ayey nolosha boqor ka
ahaa.
Ururka Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayo
Dr. Butrus Qaali iyo ururada u dooda xuquuqda adamiga, uuna ugu firfircoonaa
Human Rights Watch, saldhigiisuna yahay Washington ee dalka Maraykanka, waxay
qadeen olole ballaaran oo dunida lagu wacyi gelinayo gaajada, nabad la’aanta,
isdilka iyo fowdada ka socotay Soomaaliya. Waxay qalabka warbaahintu ugu magac
dareen Soomaaliya: ”Cadaabtii Adduunka”. Magaalada Baydhabo, oo ay maalin walba
ku macaluuli jiraan ilaa 500 oo qof waxaa loogu magac daray ”magaaladii geerida”
(The City of Death). Qaramada midoobay waxay qortay:
“…Armed
gunmen robbed from farms and villages, taking livestock, corps and whatever
else they needed for their own survival. Somalis trying to flee the clan
warfare created hundreds of thousands of refugees, flocking along the border
with Kenya. Although international food aid arrived in Somalia, the fighting
interrupted the traditional distribution channels based on community and elder.
When the relief agencies pass out food to vulnerable unarmed civilians, gunmen
shoot them dead so they could have it. UN and other NGO aids’ convoys were also
subject to looting by armed gunmen, it hence undermined the already inefficient
relief mission…”
http://www.empereur.com/somaliaus.html
RAAQIYA :
Su’aashu waxay tahay waa maxay kaalinta
Raaqiya Oomaar ay ka qaadatay dhibka ku habsaday ummada Soomaaliyeed, weliba
dadkii maatada ahaa. Xilligaas Raaqiya Oomaar waxay ka tirsaneyd ururka u dooda
xuuqda bina-aadamka ee la yiraahdo Africa Watch saldhigiisuna yahay Wahington,
waxayse Raaqiya joogtay Africa Watch, waaxda London.
Maalin walba waxaa Baydhabo, Muqdisho,
Kismaanyo, Baardheere, Afgooye, Balad-weyne, Xudur iyo magaalooyin kale oo fara
badan gaajo iyo macaluul ugu dhimanayey maatada Soomaaliyeed, gaar ahaan
hooyooyin, carruur iyo duqooy. Urururada samafalka ee caalamiga iyo Dr.Butras
Qaali waxay dowladda Maraykanka ka codsadeen in la bad-baadiyo Soomaaliya, hase
ahaatee, walaashay Raaqiya Omaar waxay qalabka warbaahinta, sida Taleefishinka
(CNNta), wargeysyada adduunka ay u sheegi jirtay in aan Soomaaliya la geyn wax
ciidan ah, oo aanay dadka Soomaaliyeed u baahneyn kaalmo shisheeye
Sababta ay Raaqiya u oran jirtay yaan ciidan
la geyn Soomaaliya waxay aheyd sabab iska cad, oo xaataa keentay in shaqadii ay
u haysay ururka xuquuqda aadanaha u dood ee Human Rights Watch laga eryo.
Inkastoo ay walaashay Raaqiya tahay gabar Soomaaliyeed, oo in badan ka og
xaalada Soomaaliya inta ay ka ogyihiin gaalada, misna waxay ku doodi jirtay:
“Soomaaliya yaan ciidan la geyn”, iyadoo ka shiidal qaadanaysa siyaasadii
Cabdiraxmaan Tuur iyo janaraal Caydiid, oo markaas wadanka intiisa badan
gacanta ku haystay. Raaqiya waxay ku taamaysay: Cabdiraxmaan iyo Caydiid ayaa
wadanka qabanaya, oo dowladda soo dhisaya, sidaa darteed ciidan shisheeye looma
baahna
Waxaa la waydiiyey: Labo sano (1990-1992) ayey
Soomaali baabba’aysay, macaluul xun ayaa socota, mana jiraan ifa-faala
cadaynaya in Cabdiraxmaan Tuur iyo Caydiid madax noqonayaan, hadday noqdaana
kooxaha kale ma aqoonsana. Tan kale Cali Mahdi oo Jabuuti lagu soo doortay weli
wuxuu sheeganayaa madaxweyne: Haddaba ilaa iyo immisa ayey maatadu sii
baabba’aysaa? Somalia taladii faro waa ka baxday, cidcid maamushaana ma jirto.
Doodihii ay qori jirtay Raaqiya, marna ay kaga
hadli jirtay taleefishinada waxay daba dheeraysay in Soomaaliya la dayaco,
iyadoo weli maatadu macaluula la dhimanayeen. Hadaladii ay ku hadli jirtay,
iyadoo leh yaan la geyn ciidan Soomaaliya, waxaa ka faa’iidaysan jiray nacabka
Soomaaliyeed, kuwaasoo oran jiray: “maxaan lacag ugu qasaarinaynaa Somalia, waa
kuwaa dadkoodii ayaaba leh uma baahnin kaalme”
Intay Raaqiya laheyd ciidan yaan la geyn
Soomaaliya, waxaa maalin walba gaajo, harraad iyo macaluul u dhiman jiray
boqolaal Soomaali ah, waxaan isweyddiinayaa: Ilaa immisa qof oo Soomaaliyeed
ayaa loo nasbaynay karaa diidmadii iyo qoraal-dhiiggii Raaqiya? Mise aan
iraahdo, ilaa immisa qof ayey Raaqiya ku macaluulisay qalin-dhiigga ay
adeegsatay?
Ururuka u dooda xuquuqda bina-aadamka ee
Africa Watch goortuu arkay in Raaqiya Oomaar ay u jan-jeerto mid ka mid ah
kooxaha isku haysta Soomaaliya (taageertay Cabdiraxmaan Tuur iyo Janaraal
Caydiid). Goortuu Africa Watch arkay in Raaqiya Omaar ay ka bayrtay inay u
adeegto bina-aadamka, iyadoo aan u eegin qabiil ama si kale, ayuu markii danbe
go’aansaday in Raaqiya Omaar laga eryo shaqada.
“Omaar lost her job as executive director of
the London-based human rights group Africa Watch in December, in a row over her
opposition to the deployment of 30,000 US-led troops in Somalia. Always
critical of foreign activities in her home country, Omaar came into conflict
with Africa Watch's parent body, Human Rights Watch, in Washington, which
instructed her not to speak out against the invasion. In the end, she was fired
and her British deputy, Alex De Waal, resigned in protest.”, sidaa waxaa qoray
Moyiga Nduru sanadkii 1993 (
http://www.greenleft.org.au/back/1993/89/89p20.htm )
Raaqiya Omaar waa naag ka mid ah
qab-qablayaasha dagaalka, waxayse uga duwan tahay, iyadu waxay wax ku dishay
qalinka iyo afka. Weli qori ma qadaan intaan ogahay. Qalbi adayga iyo
qalalaasaha iyo qiirada qabiilka oo ay had iyo goor ku shaqaysato walaashay
Raaqiya, ayaa u keenay in shaqooyin badan laga eryo, iyadoo ay hey’ado badan
soo caalami ah ay shaqada ka eryeen, sababahihii la doono ha loo eryee. Taas
waxaa cadaynaya, si cadna u muujinaya hadaladii ka soo yeeray wasiirka arrimaha
gudaha ee gobalka isugu yeeray Somaliland, jaalle Ismaaciil Aadan Cusmaan.
Jaalle Ismaaciil Aadan oo u waramayey idaacada
Horn of Africa, kana warcelinayey weyddiin ku saabsan Raaqiya Omaar iyo magaca
ay huwan tahay ee xuquuqda aadamiga wuxuu yiri: “Raaqiya waa naag ka tirsan
xisbiga mucaaradka ee Kulmiye….waxayna qortaa wixii taageero u ah xisbiga
mucaaradka ah” Ismaaciil oo hadalkii sii wata: “Wax alla wixii (Raaqiya)
hey’ado caalami ah oo dhan ee ay ka shaqaynaysay waa laga soo eryey, mid
walbana shaqadii ay ka haysay waa ku guulaysan wayday”
Guntii iyo gabagabadii, Soomaaliya nabad waa
la helayaa, waana la xisaabtamayaa. Maxkamad cadaalad ku salaysan in la hor
keeno ayaan Eebbe ka rajanaynaa nin walba iyo naag walba ee danbi ka gashay
maatada iyo dalk Soomaaliyeed
Aadan M.F
humanrights20010@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Edna oo Puntland eedaysay siduu kornaylku u eedeeyey
[C/Waxid]
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2003
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com