Su’aalahaas iyo kuwa kalaba waxaa jawaab iga siiyay
shirka Eldoret. Ninka raja kalahow siyaasiga Soomaliyeed ee maanta Eldoret
jooga, ogsoonow dadkaasi in ay yihiin damiir laawayaal oo dalkani yahay
Gablan ama cad hilib ah oo haadda u wadhan. Taa waxaan daliil uga dhigayaa
arrimahan hoos ku qoran:
Waxaan weligay maqli jiray ninka ama shaqsiga Soomaliga
ah gorgortan kama galo bulugleey (Calanka). Laakiin taasi Eldoret ayay ku
beenowday. Sida aad la socotaanba furitaankii shirka Eldoret waxay IGAD si
badheedh ah u dejisay calankii Soomaliyeed iyadoo markaa tijaabinaya
damiirka ergada shirka timid. Hal koox ma ogiye cid kale oo ka hadasha ama
taasi ay dhibtay ma lahayn. Caqligu waa diidayaa in raggaas maanta Eldoret
fadhiya iyo geesigii Maxamed Cabdulle Xalane (oo ay xabadda xabashidu dishay
isagoo diidaya in amxaaro ay qabsato calankeenii) ay u wada sinaadaan
Soomali.
Waxaa dhaqanka Somaliga ah ku weyn qiimeynta qofka reer u
soo martiya oo marti soorkiisa mudnaan gaar ah ayaa la siin jiray iyadoo
xitaa ay dhici karta in reerka martida loo yahay ay qadaan si martidu wax u
hesho. Iyadoo taa IGAD ay ogsoon tahay ayaa waxaa ergada Soomaliyeed laga
qaaday karaamadii iyo sharaftii martinimada. Bal eeg iyadoo bil soonqaad
lagu jiro ayaa markii la gaaray xilligii afurka oo ay saf dheer u soo galeen
ugaaladii Kenya lagu yiri adeeryaal baxa oo badda ka caba, iska daa wax
kalee xitaa xabad timir ah iyo koob biya ah waa loo diiday. Ihaanada ku
dhacday ergadani waxay magac xumo u tahay qof walba oo Soomali ah meeshuu
doono adduunka haka joogee. Tolow miyey ka damqadeen siyaasiyiinta Eldoret?
Jawaabtu waa maya? Maxaa u diiday in ay dalkoodii (ileyn Heybad waxaad ku
leedahay dalkaaga hooyee!!) ay ku noqdaan oo ay geed hoostii fadhiistaan oo
ay ku garamaan iyagoo markaan soo lisanaya xoolahooda cadkiisana cunaya,
iyagoon saf u soo gelin oo dumarkii Soomaliyeed ee marti soorka ku
wanaagsanaa si xushmad lehi ugu adeegi lahaayeen. Akhristow qaabkii ay
walaalahayga waqooyi u dejiyeen dhulkoodii (sida shirkii Boorame) wuxuu ahaa
mid ku dayasho mudan oo ku saleysan qaabka ay Soomali u xallisan jirtay
arrimaheeda without IGAD ama cid kaleba.
IGAD intaa kuma ekaane (Ileyn nin weyn tag lama
yiraahdee wuxuu ku tagaa la tusaaye) waxay toddobaadyadii tegay ugu
gashay qolalkoodii iyagoo hurdda oo laad iyo budh kaga soo dejiyay
sariirahii ay saarneeyeen oo iyagii iyo boorsooyinkoodiiba banaanka soo
dhigay iyagoon u aaba yeelin dhallin yaro, waayeel iyo dumarkii laga xishoon
jiray. Weli siyaasiyiintii kama damqan. War heedhe maxaa intaa oo karaama
dara ah baday calankii iyo sharaftii magacii Soomaaliyeed? Waxa ku dhacaya
ergadii waa waxay raggii hore ka gabyi jireen. Nin horey u gabyay ayaa yiri
“ileyn ma dumaalo dumarku ninkey nolosha ku nacaane” koley
anigu Maryan ahaan kuwa Eldoret fadhiyaa nolosha ayaan ku nacay dumaalna
ugama fadhiyo.
Damiir laawayaashan waxay xitaa xusuusan waayeen
maahmaahdii Soomaliyeed ee odhaneysay “Meel lagaa jecel yahay haddad
ka tagto meel lagaa necebyahay ayaad tegeysaa”. Bal is
barbar dhig sidii Carte loogu marti sooray Soomalida iyo indha xumada
Eldoret taala. Walaalahayaga reer Jabuuti oo guryahoodii iyo gogoshoodii uga
kacay ergadii Soomaliyeed ayaa la yiri waxaan ka dooranay Kenyan iyo IGAD.
Soomalaay kala garo xabiibkaada iyo xaasidkaada. Gogishii walaalahiin reer
Jabuuti idiin dhigeen haddaad qiimeyn weydeen oo aad ku heshiin weydeen ma
waxaad ku heshiineysaa gogosha uu amxaarku odeyga ka yahay. Reer Jabuuti
waxay doonayaan in arkaan Soomali oo dowlad leh, Amxaarkuna wuxuu doonayaa
inuu arko Soomaliya oo dalkeedii iyo diinteedii baaba’day. Walaahi ilmo
ayaa iga timid markaan daawaday cajalad laga soo duubay riwaayad ay
fannaaniinta reer Jabuuti u dhigeen ergadii Soomaliyeed ee Carta, fadlan ila
dhuux macnaha ka dambeeya ereyadan aan ka soo qabtay cajaladdaas, markaas ka
dib ayaad garan amxaaro iyo Jabuuti cidda kuu damqaneysa:
-
Walaalahayagow
kuwaan wada dhalanayow, kuwii wehel inoo ahaayow, waxaan la wareegayaa
anigay igu waajib tahay.
-
Kuwaan
wada dhalanayow waraabaan [Amxaar
iyo shisheeye kale] keli u ahay, wadaa igu furan banaan wanaaggaagan
jeclahay.
-
Gacalow
walaal haddii adi gees ku mudo gadhka iyo wadnahaa I damqada.
-
Haddaad
gaajeysan tahay gesiinku wax iima taro
-
Haddaad
ilo kulul gashaa aniga waan kula gubaynayaa
-
Haweenkii
hadduu gablamay geerida waan kula qabaa
-
Dagaalka
gunaanadow gunaadada aan bogsiinee nabadda dhalataye gudoonsada.
IGAD wax walba way ku sameysay Soomlida hadday
damqanayaan. Inta shir lala galo ayaa wax lagula heshiiyaa subaxiina liis
cusub oo aan meeshaba ku jirin ayaa si oggaal ah loo soo dhejiyaa. Waxaa la
gaarsiiyay in laaluush ay ku bixiyaan in ay ka arrimiyaan arrimaha dalkoodii
hooyo. War dalkani ma IGAD baa leh mise kan laaluushka bixinaya? Ma IGAD
baad u mareysaa sidaad dalkaada u dhisan lahayd, oo carruurtan iyo haweenkan
xerooyinka qaxootiga daadsani aad guryahoodii ugu celin lahayd? -Waa
su’aal da’ weynee dalkan yaa iska leh? Ma IGAD mise Soomali?
IGAD sida magaceeda ka muuqda macnaheedu waa I GAD ama I IIBI oo ciddii u
tagta ayay iibisaa marka waxa ay shirka u qaseyso waxaa weeye waxay
raadineysaa cid ay qiima fiican kaga iibiso Soomaliya ee dhab kama ah in
Soomali wax dowlad ah loo sameeyo (Qawda maqashii waxna ha u qaban!).
Waxaa laga saxiixay qoraal loo soo diyaariyey oo ahaa in
xabad joojin ay dhacdo oo ciddii heshiiskaa jebisa IGAD talaabo ka qaadi
doonta. Bal eeg iyadoo isla shirkii socdo ayaa IGAD waxay fasax iyo hubba
siisay C/laahi Yusuf oo dagaal ku qaaday walaalahiis reer Qardho. IGAD ma ka
hadashay, talaabase ma ka qaaday C/laahi. Haka sugin in talaabo laga qaado
in abaal marin la siiyo ma ogiye.
Isku soo wada duubow akhristow ihaanada iyo karaama
darada Eldoret taala ma ahan mid lagu doonayo in Soomali dowlad looga dhise
ee waa goob lagu tijaabinayo damiirka qofka Soomaliga ah. Kaasoo xaqiiqdii
soo baxday inuu yahay mid ka hooseeyo Zero.
Waxaan maqaalkeygan uga baxayaa rag iyo dumar qofkii
dhiig iyo damiir lahow, oo ay Soomalinimo iyo waddaniyad qalbgiisa ku
hartayow kac oo Allahaaga kaasho ee dalkaaga ka qabo yeydan cawaanta
(Warlords).
Wa Bilaahi Towfiiq
Maryan Xaaji Cumar (Maryan Ifiso)
Maryan_ifiso@hotmail.com
QORAALADII HORE EE MARYAN IFISO
January 17, 2003
FAALADII AL-HASSANI: ARIMAHA
QOYSKA
Dumarka oo ka soo taagan guurka
faraha badan! GUJI..
2/1/3
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan.
com
|