Muqdisho iyo Maal Mahaan
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji daahir | SomaliTalk |
Muqdisho
Marka aad joogto ama aad ku nooshahay xamar waxaa wax
lalayaabo aanan aheyn in aad maqasho waxaa maanta dhacay iska hor imaad, waxaa
meel hebel lagu dilay qof ama waxaa lagu afduubtay dad, hadaba maxaa bal maal
mahaan u danbeeyay muqdisho?
- Dhakhtar caan ah oo la dhashay Shaati
guduud oo la toogtey
- 6 qof oo Meydkooda la keenay Muqdisho
- laba qof oo kudhintay isk hor imaadkii
maleeshiyada Yalaxow iyo Finish
- Wiil loabaatan jir ah oo lagu diley wixii uu
sitey
- Gabar laga dhacay dahabkeedii
- Baabuur bas ah oo la xabadeeyey oo laba qof ku
dhinteen
- Afduubka oo xamar kusoo cusboonaaday
- Dad diiday in ay u dabaal degaan maalmaha
xoriyada
|
Haddaan maantaba fiirino waxaa habeen hore
lakeenay magaalada muqdsho meydkii 6-qofood oo kamid ahaa maleeshiyo uu dagaal
ku dhexmaray ayaga iyo ciidamada milatariga ee DKG oo fadhigoodu yahay Buula
Mareer ayaddoo sida la sheegay uu isku dhacaasi yimid kadib markii eey
maleeshiyadaan oo soo gal bineysay jaad ka yimid dhinaca kiinya isku dayeen in
eey xoog ku dhaafaan bar koontorool oo u taallay ciidamdaas meesha ey
daganaayeen ayagoo diidanaa in lagaga qaado waxoo lacag ama jaad ah, hase
ahaatee waxaa eey sheeganayaan ciidamada milatariga ah in maleeshiyadaani eey
soo jiirtay bar koontorool oo ey lahaayeen ciidamda DKG ah ee milatariga eyna
ku dhaawaceen hal ruux kanasoo qaateen TELEFOONKII uyiilay oo eey kula
xiriirayeen barahooda kaleeto oo eey kamid aheyd tan ey isku dhaceen.
Sidoo kalana waxaa ey laba qofood ku dhinteen
tira dadkala ahna ku dhaawacmeen deegaanka madiina ayadoo ey sababtay
dhimashadaasi isku dhac ey isku dhaceen maleeshiyooyinka hogaamiya yaasha kala
ah muusa suudi yalaxoow iyo ninka ey siyaasadda ku coloobeen cumar finish
ayadoo qolaba qolada kale eey ku eedeyneyso bilaabidda xabadda, maantana waxaa
muuqatay in uusan jirin iska hor imaad toos ah in kastoo la maqlaayay xabado
goos goos ah.
Waxaa iyana maal mahaan udanbeeyay xamar
shalay oo aniga lafteyda aan soo maray meel lagu xoonsanyahay oo suuqa
bakaaraha dhexdiisa ah, waxaan soo gaaray anigoo dag dagaayo meeshii misna
waxaa eey dadku daawanayaan dhiig meel ku daatay oo la leeyahay wuxuu ahaa wiil
yar oo labaatan jir ah, waxaana eey ka qaadanayeen TELEFOON mobile ah oo uu
watay in kastoo eey dadka qaar lahaayeen waxaa uu watay bastoolad oo laga
qaadanaayay, wax kastaba hawatee waxaase cad in wiilka laweydiistay in uu
dhiibo waxa uu watay kadibna uu isku dhajiyay isla markaasna la siiyay hal
xabbo oo looga dhuftay madaxa dhul dhigtayna keentayna in laga qaato wixii uu
watay la iskagana tago.
Isla maalmo ka hor waxaan kula kulmay nafteyda
ayadoo la agtaagan yahay gabar yar oo la leeyahay maxeey kugu sameeyeeyn waxaan
u dhag raariciyay arintii waxaa dhagaheyga ku dhacay gabadhii oo leh waxaa eey
iga qaateen dahab aan watay.
Layaab maleh in eey dhacdo in qof la baarto
ama ladilo laakiin waxaa la yaab leh in dadka uu ka dhamaaday dhiigii oo
dadkaas la dilaayo ama la dhacaayo ayadoo eey dadweynihii oo dhan amaba dad
badani daawanayaan eysnna jirin cid in ey wax ka qabato iska daaye xitaa ka
hadleyso oo waxaa un la yiraahadaa hadey naftaada kuu bad baadiyeen nasiib baad
leedahee iska soco.
Waxaa isla shalay dhacay in baabuur bas ah
lagu xabadeeyay jidka warshadaha oo eey ku geeriyoodeen laba qofood halka qof
kalana uu ku dhaawacmay iyadoo baabuurka loo xabadeeyay ayadoo ladoonaayay in
qof baabuurka saarnaa la afduubo waana la afduubtay oo waa lala tagay
afduubkuna maal mahaan waxaaba uu ahaa siyaado, waayo waxaa si aad ah usoo
cusboonaaday afduubka ayadoo maal maahii lasoo dhaafay la afduubay in ka badan
30-qof waxaana eey u badan yihiin dadkaasi la afduubanaayo dadka aan hubeysneyn,
waxaana la yaableh in dadkaasi loo heysto in ey bixiyaan lacgo aad mararka qaar
is leedhay hadii eey heystaan malaha soomaaliyaba weey isaga tagi lahaayeen,
sida ayadoo la leeyahay waxaad dhiibtaan 20000$ ah iyo wax la mid ah, inta
badanna dadka la afduubanaayay waxaa eey ahaayeen dad iska caadi ah, waxaase
maal mahaan kusoo biiray ajnabiga oo waliba mar dhaweyd la qafaashay nin
talyaani ah in kastoo hadana lasii daayay.
Dr. Xusen Maxamed Nur (Xuseeney) oo ay
walaalo yihiin Shaatiguud oo maanta lagu dilay Muqdisho.
July 2, 2003 - War hadda naga soo gaaray
Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dr. Hussein Mohamed Nur ( Huseeney) oo
kamid ahaa dhakhaatiirta ugu caansan Soomaaliya ay Maanta dabley hubeysan
ilaa iyo hadda aan la aqoonsanin ayay ku dileen agagaarka Afarta Jardiino
ee magaalada Muqdisho maanta Saacadu markay ahayd 11:24 aroornimo, asagoo
ka yimid rugtiisa caafimaad ee Mont Sina Polyclinic ee degmada Yaaqshiid.
Sida ay wararku sheegayaan weerarkaas
gaadmada ahaa ee lagu dilay Marxuumka waxaa ku dhaawacmeen labo ka mid ah
istaafkiisa oo mid ka mid ahi u dhintay dhaawacii soo gaaray.
Dilka marxuumka ayaa loo arkay inay tahay
arin siyaasadeed iyadoo la ogyahay in marxuumku la dhashay Col. Xasan
Maxamed Nur “Shaatiguduud” oo ka mid ah hogaamiyaasha siyaasadeed ee haatan
ku sugan shirka dib u heshiisiinta Soomalida.
Dilka Marxuumka waxaa aad uga xumaaday
dhammaan shacabkii ku noolaa magaaladda Muqdisho si gaar ahaaneed iyo guud
ahaan intii taqiin marxuumka oo ku kala nool gudaha iyo dibadda Soomaaliya.
Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya
Mbagathi oo ah goobta uu ka socda Shirka Dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed
ayaa sheegaya in dilka marxuum Huseeney ay jahawareer ku abuurtay
dadweynihii Soomaaliyeed, ergadii iyo madaxdii ku sugnayd Madasha Shirka
ayadoo ay ku noqotay arin kedis ah oo naxdin.
Gudiga farsamada IGAD ayaa waxay dhamaan
Somalida ku nool Kenya oo raba inay u soo tacsiyeeyaan Col. Xasan Maxamed
Nur Shatiguduud u ogaaladeen in soo galaan goobta shirka mudada tacsiyada.
Qoraalkaas waxa SomaliTalk soo
gaarsiiyey F. Farkeeti
farkeeti@hotmail.com
Muqdisho (Arlaadinet) July 2,
2003 [courtesy of Arlaadinet] |
Waxaase xusid mudan in ey maalin dhaweyd
dhacday in la qabtay nin kamid ah dadka wax qafaasho oo ey qabteen dadka degan
xaafad ey doonayeen in eey nin ka qafaashaan eyse ku fashilmeen kadibna ey
carareen isla markaana la qabtay mid kamid ah ayagii.
Dhanka kale waxaa malahaan loo dabaal dagaayay
maalmihii xurriyadda oo xaflada waaweyn loo sameeyay aad iyo aadna loogu dabaal
dagay, waxaase dadka qaarkood ey leeyihiin uma dabaal dageyno waayoo waxaa
dabaal daga dadkii xor ah ee anagu xorba ma nihin, wayoo gumeysigii ajnabiga
ahaa haddaan iska tuurnay waxaa naheysta mid nala dhashay, waayoo waxaan
mareynaa in la gato meyd keenna iskadaa intaan noolahaye, waana wax dhacay in
nin la qafaashay oo madax furasho loo heystay uu ku dhintay gacanta nimankii
qafaashay kadibna eey meydkiisii ka dalbadeen in lacag laga siiyo haddaan lacag
200$ ah laga siininna aanay eheladiisii qaadan Karin, marka ninkii iskaddaa
noloshiisiiye xitaa meydkiisii saas layeelaayo waa maxay xuriyadda uu u dabaal
dagaa?
Waa layaab waana su aal jawaab u baahan.
War cusub naxdinna leh
Waxaa maantana soo kordhay in la dilay
dhakhtar caan ahaa markii la dilaayayna ku guda jiray shaqadiisii rasmiga aheyd
ilaa hadda lama garanaayo sababta loo dilay.
Dhakhtarkaas oo lagu magacaabo Dr:xuseen
maxamed nuur ahna nin la dhashay
korneyl:xasan maxamed nuur (shaati guduud).
W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji daahir
abuukarsom@hotmail.com
SOMALITALK | MUQDISHO |
SOOMAALIYA
.QORAALADII HORE EE ABUUKAR YAASIIN
Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|