Qaybtii 2aad ee Maqaalkii Hal Booli ahi
Nirig Xalaala Ma Dhasho.
-
Dhibaatooyinka Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ku
hayso Soomaalida Ogaadeenya iyo Guud ahaanba Dadka Soomaaliyeed
Qore:
Nuur Liibaan |
nliibaan@yahoo.com
I I D H
E H
|
|
Walaalayaal Salaan Xishmad Mudan
kadib.Waxaan halkii ka sii wadaynaa Maqaalkeenii inagoo ka bilaabayna Halkay
inoo Joogtay,una sheegi akhristayaasha Maqaalkan Jawaabta suaasha aynu
qabteenii hore ku sheegnay ee ahayd Waxa ay yihiin Xaqiiqooyinka ka jira
Ogaadeenya.
Ogaadeenya waxaa ka socda Halgan uu Shacbigaasi ku doonayo aayo ka tashi,hadaba
Majaraha Siyaasadeed iyo Midka Milatari ee Halgankaasi waa mid ka goá oo uun ku
Xidhan oo qudha Shacbigaas isaga ah,Cid kasta oo kale saamayn toos ah kuma
yeelan karto,waa in uu Halgankaasi socdo iyo in kale iyo Wax ka Badelka
Ujeedooyinkiisa soo socday mudada dheer,Casriyeyn,Soogaabin Xiliga Xoriyad
Gaadhsiin,La Qabsashada Duruufaha Cusub ee Dunida soo Food Saaray iyo Wixii
Lamidaba.
Waxaa kale oon la soconaa in marka Halgan, Kacdoon, Ujeedo, Qadiyadi ay
socoto in ay jiraan labo dhinac oo isku haysa Qadiyadaas,waxaa kale oo iyana
khasab ah in ay jiri kuwo taageera iyo kuwo ka soo hor jeedsada.Dhanka kale
waxaa iyana soo bixi kuwo ka faaíidaysta Qadiyadaas iyada ah oo Dano Dhaqaale
iyo Mid Siyaasadeedba uga faaíidaysta labada dhinac ee arintaas socota isku
haya.
BBC-da Laanteeda Af-Soomaaligu iyadoo horayba u ahayd Hayad loo
sameeyey Hir Galin Gumeysi dhanka Siyaasadda ayey waxay kaloo ahayd mida
sida Rasmiga ah u hir Galisay Cabudhinta Saxaafadda ee Shacbiga
Ogaadeenya la Saaray Markii Gumeysiga loo Gacan Galiyey,Cabudhintaas oo Jabtay
ama Daaha laga Qaaday Sanadihii 1964-tii,1977/78-dii,Xiliyadaas ooy Ummadda
Soomaaliyeed u Qaanshaysatay in ay Gebi ahaanba Ka Xoreeyaan Walaalahooda maqan
ee ku hoos Jira Gacanta Gumeysiga Itoobiya.
Markii hadaba la riday Xukumadii Dhergiga Itoobiya ee uu Mingistu Haile
Mariam,madaxa u ahaa eey Taliska Itoobiya la Wareegeen TPLF/EPRDF-tu,waxay
hoos kala soo baxeen Faylkii Goo! nida ahaa ee lagu Maamuli Jiray Ogaadeenya
kaas oon ahayn midka Dunida loo sheego ee ah Xukun Milatari oon Naxariis
lahayn kuna Dhisan Dil, Xidhay, Xaqiraad, Xoolo Ood,Ciqaab,Kufsi,Dhac iyo Gebo
Gabayn,waxay intaas ku kordhiyeen Been Cad oo ah Dimuqraadiyad Af ah oon waxba
ka jirin,taas oo runtii ay ku hantiyeen dad aad u fara badan oo qaarkood
Soomaali yihiin aynaba Maanta ku dhihi Itoobiya waa Dimuqraadiyad,Haday
Dimuqraadiyad tahay maan Qaadano Maxaa Noo Diidan?
BBC-du ileen awalba mid taas loo sameeyey bay ahayde halkeedii bay ka sii
waday,Dhaan Daban Gaale u Rarkii iyo Marin Habaabintii Shacbiga Ogaadeenya
iyo Midka Soomaaliyeedba,inagoo Dib ka faah faahin doona qaybaheena Danbe
Dhibaatooyinka ay ku hayso Dadka soomaaliyeed.Isbadalkaas ka dhacay Itoobiya
wuxuu badalay Jawigii Siyaasadeed ee Geeska Afrika wuxuuna runtii qatalay dad
badana isagoo khatar weyna afka ugaga riday.
Nimanka Itoobiya Xukunkeeda Qabsaday oo la yidhaahdo Tigre ahna asa! l ahaan
kuwa uu dhabta u taabanayo Magacii Abasiiniya,waxay yihiin kuwo hadafyo waaweyn
leh,kuwaas oon iyana dib ka sheegi doono.Waxaa kale ooy yihiin kuwo
Degenaa,Initii ay Macaaradka ahaayeena Soomaaliya,Xafiisyona ku lahaa,Waa sida
TPLF-ta ee mudadaasna waxay barteen Dhaqanka Soomaalida,taasina waxay u
sakhirtay in ay si fudud dadka u dhex Galaan,Ogaadaana Meelaha loo jilicsan
yahay ee Soomaalida laga dhex Gali karo.
Sidaan la socono BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga waxaa ka shaqeeya oo
Wariyayaal ka ah dad Soomaaliyeed oo ka Baahiya Wararka iyo Barnaamijyo loogu
talo galay in ay Afkooda ku soo gaadhaan Ummada Soomaaliyeed,Barnaamijyadaas
waxaa laga leeyahay dan taas oo mudan kharashka lagu bixinayo haddii aan dan
laga lahayna laguma bixiyeen lacag intaas laég mudo Qarni ku dhowaad ah.Haddii
aan hadaba saaxiibayaal soo koobo Ararahaygii oo dhan oon hada guda Galo
Dulucdii Maqaalka waxaynu u kala horaysiin sidan.
Markii ay Tigreegu Muujiyeen in ay! soo dhaweynayaan,Dhinac
Siyaasadeed iyo Maaliyadeedba Cidii u qabanaysa 3dex wax yaalood oo kala ah
1-Hir Galinta Gumeysiga Itoobyia ee Ogaadeenya 2-Bur Burinta iyo Kala
Fogeynta,Kala Qaybinta Ummada Soomaaliyeed(Jamhuuriyada)3-Ka hortaga Dib u
samaysanka Dawlad Soomaaliyeed,BBC-da Laanteeda Af-Soomaaligu waxay noqdeen
Kooxda Koowaad ee Shaqadaas u qabatay Walina u haysa Gumeysiga Itoobiya iyagoo
awalba Gumeyste Caalimi ah taas u hayey,hadaba waxaan jeclaan lahaa in aan
Xaqiiqooyinka Marag Ma Doonka ah een arintaas ka hayo aan mid mid idiinku soo
Gudbiyo.
1-Hirgalinta Gumeysiga Itoobiya ee Ogaadeenya
Si hadaba ay Yuusuf Garaad iyo Ragiisu uga faaíidaystaan Dhibaatooyinka
Gumeysi ee lagu hayo Walaalahooda Soomaaliyeed waxay dhankooda ka
adkeeyeen Siyaasaddii Cabudhinta Saxaafada ee lagu hayey Ogaadeenya,waxayna
indhaha ka qabsadeen in ay Xaataa in yar ka sheegaan Dhibaatooyinka Ogaadeenya
ka dhacaya iyo Dulmiga! Lagu Hayo Shacbigaas,sida Dilka,Dhaca,Xidhayga,Xoolo
Oodka,Ganaaxa,Rarashada Baniáadamka,Madax Furashada dadka iyo Duunyada iyo
Gadaafooyinka kale ee lagu hayo Dadkaas dhiban.
Si marka ay Xaqiiqada u Qalibaan waxay taas ka Warankeeda u
Wakiisheen Aadan Cusmaan oo ah Wariye ka mida Wasaaradda Warfaafinta
Itoobiya oo dhambaalka uu BBC-da u soo diro laga soo diyaariyo
Wasaaradiisa.Wararka Ogaadeenya ee Xambaarsan Dilka iyo Dhibaatooyinka Shacbiga
loo geystay Aadan Ma Soo Diri Karaa? Jawaabtu waa maya.Yuusuf Garaad
wuxuu taas ku badashay Dhaqaale Maaliyadeed oo uu ka helo labo Jaho kuwaas oo
kala ah 1-Maamul ku Sheega ay Itoobiya ka samaysatay Ogaadeenya oo
Xawaalad Bil Walba Loogu soo diro iyo 2-Dhaqaale Saami Culus leh oo uu ka
helo Safaarada Itoobiya ee London,Loona Soo Mariyo Jahooyin aan Jeclahay in
aanan maqaalkan ku Magacaabin.Shaqsi ka mida Shaqaalaha Laantaas Af-Soomaaliga
ee BBC-du waxa uu sheegay in laysk! u qabsado sidii loo kala qaybsan lahaa
Dhaqaalahaas mar marka qaarkood.
Waxaa jira Shirar ay isugu yimaadaan Jaaliyaadka Ogaadeenya ee
Dibaduhu,Sanadkiiba,kaas ooy Jaaliyaadku ka kala yimaadaan Dhamaan Dunida
Dacaladeeda laguna qabto kolba Meel.Sanadkii 2000,Waxaa lagu qabtay
Germany,2002 Waxaa Lagu qabtay Norway,2003,Waxa lagu qabtay Sweden.2000 waxay
BBC-du Kolkii dhawr Jeer lala hadlay u sheegeen in Jaaliyaadka Kililka 5aad,ay
ku Shireen Magaalada Stuttgart ee dalka Germany,ayna Joogeen Sh.Ibraahin iyo
Madax Sare oo ONLF,waa Yaabe maxaa isu keenay Sh.Ibrahin iyo Kilil Itoobiya,Sanadkii
2002 wayba Diideen in ay haba yaraatee ka hadlaan arintaas,iyadoo
Cabashooyin badan loo gudbiyey.Sanadkan 2003 Shirkii Weynaa ee la qabtay
way ka furaysteen dhagaha in ay kaba hadlaan,iyagoo ku badashay Maaliyad aad u
miisaan badan.
Shir Weynihii 2aad ee Ogaadeenya eey Jwxo,isugu timid Sep,1998,waxa ay u
sheegeen sidan,Warar Naga soo Gaadhay Maamulka Kililka 5aad,ayaa
sheegaya in Jwxo,ay Shir yeelatay oo lagu doortay Gudoomiye,Xoghaye Guud iyo
Maamul kale.Warkaas waxaa u gudbisay Jwxo,iyada oo uu u Gudbiyey Wakiilka
Jwxo,ee London,aynaba yaqaanaan Laftoodu Raga Warka Sheegaya.Hal Diidani
Geeday Ku Xoqato Ma Waydo.Dagaalada ay Jwxo,la Gasho Gumeysiga Itoobiya ee
lagu jabiyo Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ma Sheegaan laakiin haddii ay dhacdo in
dhawr Xubnood laga dilo Naftood horayaasha iyagoo si khariban u sheegi oo ka
boodi Magaca dhabta ah ee Halganka bay ku niyad Jabiyaan Shacbiga Mintidka ah.
2-Bur Burinta iyo Kala Fogeynta,Kala Qaybinta Ummada
Soomaaliyeed(Jamhuuriyada)
Dagaalka sokeeye ee Maanta ka socda Soomaaliya waa mid ka qoto dheer sida dad
badani u malaynayaan,waa dagaal salka ku haya meel fog iyo qadiyad.Si loo
xalaalaysto dhulalka Soomaaliyeed ayaa markii laga fadhiyi waayey eey
Gumeystayaashii ku ladi waayeen dhulkay haysteen la yidhi bal maan Gad kale
eegno.
Mi! ngistu Haile Mariam ayaa faanayn markii uu ka tagayey Xukunka
Itoobiya isaga oo u faanay Boqor Mililik kuna yidhi reer Itoobiya,Cadawgii
kaliya ahaa ee Itoobiya ayaan u dhameeyey aniga oo Gaadhsiiyey heer uuna
waligiis ka soo kici doonin,isaguna isu dhamaynaya oo is dilaya.Hadaba BBC-da
oo iyana Kooxdaas ka mida waxay dhankooda ka wadaan Olole kala fogayn iyo Dira
Diraale ku dhisan kaas oo ah Balaayo Aloos,Waxaan Jirin Sheeg,Buun Buunin Jaho
Xun,Cabudhin kii Mudnaa.Taasna waxay ku badashaan Dhaqaale ka yimaada
Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya,Yuusuf Garaadna waxaan ku Tilmaami
karnaa ka ay ku socoto Khasnadaas Xaaraanta ah ee Suuqa Madaw Ka Furtay Laantii
Awalba Balaayo Sheega ahayd.Waa Loo Dhashaa Wadani Mise Waa Layska Dhigi Karaa
Wadani!!!!!!
3-Ka hortaga Dib u samaysanka Dawlad Soomaaliyeed
Danta Cadawga Soomaaliyeed kuma xidhna in ay Dawlad Soomaaliyeed oo Xor ahi Dib
u dhalato,si marka uu kaalintiisa Cadawgu! u Guto wuxuu ku khasban yahay in uu
Geed dheer iyo mid Gaabanba u fuulo sidii ay taasi ugu hir gali lahayd,Waxaan
shaki ku jirin heer Cadawnimada Bahal Nimadu ku dhisan tahay eey Itoobiya
Maanta ugu dher Jirto arimaha Goonida ah ee Soomaaliyeed iyadoo heshay dad aan
fikirkooda iyo Bisaynlkooda Siyaasiga ahi aad u dheerayn oo Soomaaliyeed.Weerarada
Qaawan,Qayb Qaybinta Dhulka Soomaaliyeed,Gacan Kula Jirka Gudaha
Soomaaliya,Kooxo Samaynta iyada Raacsan,La Dagaalanka Dawlada Ku Meel Gaadhka
ah ee Soomaaliyeed iyo Dr.Abdiqassin Salat Hassan oon Waxba Galabsanin ee lagu
Maagayo uun Kursiga Madaxweynanimada Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo jira,waxay
tusaale u yihiin Cadaawada Itoobiya.
Yuusuf Garaad taas kama hadlaan waliba markay soo qaadaana si laga yaq yaq
sado bay ula hadlaan Siyaasiyiinta Wadaniyiinta ah ee ka dhiidhiya in ay Hoos
Galaan Gumeysi.Waxaa kale oon la soconaa in ay Waagii hore ee Siyaasadda
Gumeysigu ka Jiri Jirtay Guud ahaan Soomaaliya ay jiri jireen! Niman
Turjubaano la dhaho oo yaqaana Afka Gumeysiga oo iyaga iyo dadka u kala
Turjubaani jiray,Qaarna wali ay hawshaas wadaan oo ku hadlaan Af-Xabashi iyo
Sawaaxili,kuwaasi hadaba akhristoow waa qayb Gumeysiga ka mida waxaana si
dhib yar u dhihi karaa BBC-da Laanteeda Af-Soomaaligu waa uun Turjubaan
Casriyeysanee bal Saaxibayaal taas Ogaada.Intaasna waxaan ku koobaynaa
qaybtii 2aad ee Maqaalkeena.Waana inoo Qaybta 3aad iyo Cadaymo Kale oo La
Xidhiidha Yuusuf Garaad iyo Ka Macaashkiisa Qadiyadaha Soomaaliyeed,Halkiina
haynooga sii socoto Tixdii Gabayga ahayd een ka soo Xulay Diiwaanka Kaydka
Macallin Dhoodaan,ee Gabaygii Qar Ja Jaabo.
Qal Qal iyo Qandiga Faaruqee London Ku Qawlaysan
Qaldaankii Qabyada Soo Unkiyo Qaatil Socodsiiyey
Siyaasaddu Qisaas lagu Mutiyo Qool Markay Galiso
Xaqay Naga Qudh Qudhiyeenba Waan Kaga Qufaynaaye
Dhirtase Geed Quwaaxee Qalalan Qodob Aboor Yeeshay
Qabadiyo Dharkayn Qolof Ridiyo ! Qarari Oodeeda
Qodax Taag Yar iyo Qoofalkiyo Qocondhi oo Dayrtay
Qarjajabo Qudhaan Jadu Gashiyo Qori Jabkuu Daadshay
Quwad Malaha ay Kaga Qabtaan Aar Ku Qawdhamiye
Qaran Qaaro Nama Joojisee Waa Bir Qalaxdaasee
Qod Qodeeye Kaas Ha ii Qasbina Haw Qayilo Wiigee
Dayax Shan iyo Toban Kii Qadimay Galin Qarsoonaaye
Gudcur Qama Habeenkoo Qafilan Qaybta Fiidnimada
Iyadoo Bil Sii Quluulatay oo Qara Yar Moodaysa
Sida Qarandidii Kow Dheh Tidhi Qamar Cawayskaa Hay
Qof La Mida Horaan ugu Qadaray Ma Aha Qaan Gaadhe
Qof Lamida Waxaa Lagu Qadaray Ma Aha Qaan Gaadhe
Balaayada Ku Qamar Daadsatay Moodi Qayo Roobe
Qasaariyo Qabiiliga Liqaba Dad u Qushuucaaya
Raga Qoodan ee Ka u Qoslina ugu Qadoodaaya
Doqontaas Qufici Yeen Aqoon Meeshii Lagu Qoomay
Ma Qanciyo Wax Kama Quustahaas Qaayo Kala Sheegay
Qol Qolooga Caytama Sidii Qaasadii Dumarka
Wax La Qaaba Qoonkii Shubaa Ima Quseeyaanee
Af Qadoodii Jaariga Baraan Weedhu Qaabiline
Ka Qa! b Weyni oo Lama Qastee Waaban Quudhsadaye
Isma Qabano Iimana Qalmaan oo Ma Qayrsado ee
Akhri Qaybtii 1aad akhristoow.
Nuur Liibaan
|
nliibaan@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2003
MAQAALADII ARAGTIDA
DADWEYNAAH EE BBCDA AF-SOOMAALIGA
HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA
- 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda
bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba oo midkiiba yahay
15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi.
[1948 ayaa qaramada midoobey
guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21
kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay
xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil.
April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu
xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta
Soomaaliya xorowdey.]
- Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo
maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii
Soomaaliya. [Maarso 1959: waxaa
dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii
kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
- 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey
xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho 30-daqiiqo.
[1 July 1960 waxay ahay
xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur]
- 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa
waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 1-saac oo Khamiis iyo
Jimce ah. [August
26, 2000
waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
-
Sannadka 2002 waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado
dheeraad ah eeg:
BBC.11:00 |
BBC.14:00 |
BBC.16:00 |
BBC.18:00.[Waxaa
soo fool leh shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta Soomaalida]
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|