SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Bayaan Beesha Cumar Maxamuud ee London

Ku: Guddiga Cumar Maxamuud ee Puntland

Ku: Gudiyada Cumar Maxamuud ee dibadaha

Ku: Dhamaan umadda Soomaaliyeed

I  I  D  H  E  H

 Waxaa waqtigu noo saamaxay inaan halkaan idin kuu soo gudbino taladayadii ku aadanayd dilkii Suldaan Hurre Allaha u naxariistee hadaan nahay dadkayaga Cumar Maxamuud ee London jooga.

Waxaa aad noogu adkaatay oo mahadho nagu reebtay falkii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Kalabayr ee lagu dilay Suldaanka. Waxaan yeelanay kulamo aad ubadan si aan usoo saarno maqaal loo dhanyahay. Waxaan isku daynay inaan aragno dadka matala beeshan ee jooga London.

Waxaan gudiga gudaha ee beesha ka codsanaynaa:

1-In horta ay cambaareeyaan wixii gaystay falkaa waxashnimada ah ee aan horay looga arag degaankaas.

2-In ay maxkamad soo taagaan cidii gaysatay dembigaas.

3- In ay ka shaqeeyaan si uusan mar dambe udhicin ficil noocaas oo kale ah.

Waxaa naga go’an in aan u hogaansano waxa ay diintu Islaamku ka qabto arintaas oo dadkii laga dilay Suldaanka xaqooda la mariyo.

Sidoo kale hada kadib wixii ka yimaadaa walaalaha dhexdooda in aan mar walba aan taageerayno xaqa iyo cida saxda ah. Kii dulmi wada si wada jir ah ayaan gacanta u qabaynaynaa.

Sida oo kale anagoo ka duulaynaa Xadiiskii Nabiga Sala-Allaahu Calayhi Wasalam ee micnihiisu ahaa u gargaar walaalkaa hadii uu gardaranyahay iyo hadii laga gardaranyahay. 

Waxaan nasiib daro noqotay iyadoo ay Soomaaliya ku jirtay dagaal sokeeye mudo dhan 12 sano oo aan intii badnayd ka badbaadnay dhibaatada in hada aan kusoo afjarno in dadkii bir ma geydada ahaa oo xataa beelaha kale tixgalin jireen in anagii aan maalin cad, wado bartankeed, dumarkii iyo caruurtii oo dhooban halkaas la dhigo. 

Waxaan kusoo gabagabaynaynaa in hadaan nahay jaaliyada beeshaas ee degen London aan mar walba xaqa xagiisa raacno dadka dulmiga wadana aan meel uga soo wada jeesano.

Waa kan liiskii magacyadii Cumar Maxamuud:

Waxaa liiskan ku saxiixnaa 185 qof,  magacyada iyo wixii faahfaahina waxaad kala xiriirtaan gudigan Cumar Maxamuud:

1- Maxamed Shiikh Xirsi e-mail xumbul@hotmail.com

2- C/Samad Cali Xaashi e-mail abdisamad2@hotmail.com

3- C/Naasir Maxamuud Guray

4- Khaliif Nuur Dirir e-mail dirir12@yahoo.co.uk

5- Cumar C/hi Xirsi e-mail omargarweyne@hotmail.com

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey: cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com  

SOMALITALK.COM | sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 WARARKII AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD