Soomaali Aragtaa Yaab Aragtaa!
Yaasiin Maaxi - Scadanevian,
Sweden
maaxi@hotmail.com
Waxaan ogsoonahay in aay
bulshada soomaaliyeed hide u leedahay ineey wixii aqbaar ah hab oral ah
isugu tabiyaan, habdhaqankaas oo saldhigiisu yahay kutiri-kuteen, hada iyo
wixii ka danbeeyna aan rajeeynaayo in laga gudbo, isla markaana la hormariyo
hanaanka wax qorista kaasoo soomalida u leh qiimo aad iyo aad u wayn waxtarna u
leh.
Soomaali
aragtayaa yaab aragtayaa!
Hada ka hor ayaa wxaa la
yiri ”Furuq
markii la arkaa waraabow fara ka leef noqdaa”
Sanadahaan waalida aan
aragnay waa waali waali dhaaftay, waxaanse jacleystay maanta in aan halkaan ku
soo gudbiyo mowduuc ah kor ku xusan, taas oo aan ula jeedo in soomaalida
beryahaan danbe la soo baxday dhaqamo cusub oo aan horay cariga soomaaliya
loogu arag kuwaas oo Illaaheeysw
xarantinimeeyey. Dhaqamadaas xun oo aan halkaan ku soo koobi karin ayaa waxaa
ka mid ah: dilka, kufsiga, xatooyada, lacag been abuurka, xaasidka, daneeysiga,
boobka, dhaca, indho cadeeynta, maamul xumida, nin tooxsiga, fowdada,
xashiishada, khamriga, maroorsiga, jiingad fuqsiga, iimaan laawaha,
afmiishaarka, labo wajiilaha, kii wax bartay oo qalinka wax ku xadaayo isagoo
shaati madaxtinimo soo gashtay, hadoow xaajigii tuug noqday xadaayo beeshiisa,
qabiyihiina qaadanaayo ama quudanaayo, sharaftii soomaaliyana dhulkii lagu
tuuray cidna dhulka ka qaadeeynin, ma abaal gudee waan aargudaa, Xanta
xag-xagadka xumaanta oo la jecelaaday, xabad katoogashada xinjir bixinta oo la
fududeeystay, tarbiyad xumi, siyaasada faasidka ah ee uu naxwaheedu noqday ”waxna
aan qalano midiyahana aan qarsano”. Taas waxaa sii dheer safka hore iyo
hogaanka ummada oo u batay danaystayaal dhuuni raac ah iyo odayaal matalaayo
siyaasiga, dhaqtarka, sarkaalka, injineerka, gasoorka, iyo kuwo kale ayagoon
garasho iyo garaad u lahayn.
Waxyaalaha la yaabaka leh ay
keeneen waayaha iyo xiliga adag ee la maraayo
ayaa waxaa ah ayadoo la
hormariyey magudbanimada, saaqidnimada, mashaqeeystanimada, khaa`inimada,
daacadnimo darida, garasho xumida, muslinimo diidka, soomaalinimo diidka,
qaraabanimo diidka, duubabnimo diidka, walaaltinimo diidka, War caamadii
aragnayee aawday culumadii soomaaliyeed?
Waxaanan shaki ku jirin in
shisheeyaha aan ku dhax nool nahay iyo kuwa dunidaba eey nala yaaban yihiin
sidii cid la arkaa u lahayd; aniga ayaa gob ah, aniga ayaa dad badan, aniga
ayaa degmo fiican, anigaa ayaa carab ah, aniga ayaa ……. aniga ayaa
…………aniga ……….aniga……inata soo hartayna waa gun wax magarato
ah waxeeyna mudan yihiin inaa aniga hogaamiyo.
Anigoo hadalkeega soo koobaayo
ayaa waxaa la yiri:
Dad wada fiican qofkii
raadiyaa dad la`aan baa ku dhacda.
taas waxaan ula jeedaa in
ummada soomaaliyeed aay leedahay dad xun kuwaas oon qaarkood kor ku soo xusay
iyo dad fiican oo iyana ah tiro sidaa u badneen, islamarkaana dadaal aan muuqan
ku jira. ileen inta xun ayaa soomaalidii u badataye.
Nin hal ka luntay haan maran
ayuu gacanta geliyaa!
Si nafta aan u qancino, helida
nabad waarto waa inaan umarnaa dhabe kasto,weligeenana aan ka quusan
hanashada helida mustaqbalkeena waana inaan marnaba rajada la lumin
”wixii rag u kaco, Rabina
aqbalo waa rumoobaan”
Anigoo la hadlaayo inta tirada
yar ee wanaaga wada ayaan waxaan leeyahay sidan:
Nolashu
waxeey ku dhisan tahay mabaadii ah: aan ogolaano cid walbo ineey noolaato,
barano wax la wadaaga dadka kale, iskaashiga wax wad qabsiga, dulqaadka,
aaminaada wanaaga, dadaalka waxbarashada iyo shaqada ineey yihiin waxyaabaha
kaliya ee aan horumarka ku gaari karno. sidaas ayaan ku talinayaa cidii aay
dhibeeysana ha iska waranto.
Hadal yar iyo howl badan,
inta aan kor ku soo sheegay ayaan waxaan rabaa inaan ku xoojiyo gabay uu
tiriyey halyeeygii soomaaliyeed Cabdulle Raage Illaaheeysw ha u
nariistee isagoo tilmaamaayey ummda soomaaliyeed dhaqamada xun ee ku soo
kordhay cariga wuxuuna yiri:
- Inta doqon firiid yahay
- dibu socod
Wadani
yahay
Dabaalna wax garad yahay
Denbiilena garsoor yahay
Daacadina hungoow tahay
Darajana qabiil tahay
Deblana janan ka adag yahay
Dulmina xaq ka mudan yahay
Daacadina hungoow tahay
Inta dira-diraalaha dalacaad
iyo sharaf helo
Midka daawo taliyana
dariiqyada ku sugan yahay
Inaan tiriyo deeleey
dareenkeeyga ma ogola.
Allaa wax og !
Yaasiin Maaxi - Scadanevian,
Sweden
maaxi@hotmail.com
SOMALITALK.COM
| sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
WARKA XIGA: Warsaxaafadeedkii
Uruka SANU
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|