warsaxaafadeed aysoo saartay xarunta Dr ismaaciil jimcaale ayay ku muujisay
walaac weyn.
WQ. cabdulaahi mire qadaafi114q@hotmail.com
Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda aadanaha u dooda ayaa cambaaraysay
kuwa gaysanaya xadgudubyada damiiriga ah ee ku dhaca dadka aan hubaysnayn
gaar ahaan afduubyadii loo gaystay C/ raxmaan Max’ed Sheekhey iyo Max’ed
Aweys Macaane iyo dilkii C/sangaab Jimcaale oo ay ku dileen suuqa dhuxusha
lagu iibiyo ee degmada Shibis.
Waxay xaruntu sheegtay in afduubka loo gaysanayo dadka rayidka ah
xoogsatada ah iyadoo dhacdooyinkaas foosha xun ay gaysanayaan
maleeshiyoonin hubaysan oo cid iska xilsaartay oo waxkaqabanaysaa aanay
jirin iyagoo gaysanaya xadgudubyo xaquuqda aadanaha, shareecada islaamka iyo
xeerka birimagaydada soomaaliyeed kasoo horjeeda.
Qoraalkan kasoo baxay xarunta ayey ku saxiixnayd marwo Maryan Xuseen
Awreeye oo ah gudoonka xarunta ayaa looga dalbaday kooxaha afduubka ku
haysta labada dhibane in ay sharuud la’aan sii daayaan ogaadaana in loo
diwaangalin doono xadgudubyadooda ayna imaandoonto maalin is xisaabin
WQ. cabdulaahi mire qadaafi114q@hotmail.com
SOMALITALK.COM
| sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
WARKA XIGA: Warsaxaafadeedkii
Uruka SANU
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|