Boqortooyadda Dalka Sacuudiga oo
Safiirkeedii Qadar u Yeeratay.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee dalkaa
sacuudiga waxa ay boqortooyaddu u yeeratay Safiirkeedii joogay dalka Qadar si
ay ola tashato waa sida ay wakaaladdu warka u dhigtaye.
Wax sabab ah oo ay wakaaladdu la xidhiidhisay
u yeerashadaa ma jiraan ilaa iyo imika, marka laga reebo qoraaladda ay soo
dirayaan weriyayaasha bariga dhexe ku sugan oo iyagu sheegaya in xidhiidhka u
dhexeeya Dooxa iyo Riyadh uu beryahanba soo xumanayay sababta qaar ka mid ah
barnaamijyadda uu sii daayo Television-ka Al-jazeera oo xaruntiisu tahay Dalka
Qadar.
Bishii Luuliyo ee kal hore waxa ay
boqortooyadda dalkaa Sacuudiga ka codsatay dalka qadar in ay cududaar ka bixiso
wax ay ugu yeertay xad gudub ku jeeda boqortooyadda kan oo ka dhashay kadib
markii ay Al-jazeera baahisay warar meel kaga dhacaya karaamadda reer Boqorka
Sacuudiga waa sida ay reerku sheegeene.
Waxaa beryahanba soo ifbaxayay ashtakaddo ka
dhan ah dowladda dalkaa Qadar tan oo lala xidhiidhinayo barnaamijyadda iyo
wararka uu sii daayo televisionkaa Al-jazeera kuwan oo bay yiraahdeen sida
badan kusoo martigeliya barnaamijyaddooda aqoonyahanno, shakhsiyaad iyo ururro
ay dowladdahaasu u arkaan in ay iyaga ka falaagoobeen.
SheriffOsman
faafreebka@somalitalk.com
Waxaa warkan laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga
Sept 29, 2002 | SomaliTalk.com
Amiir
Reer Boqorka Sacuudiga ah Oo
Tuhmay Maraykanka:
Wasiirka
Arimaha Gudaha ee Boqortooyadda Dalka Sacuudi Caraabiya ayaa usoo jeediyay
Maamulka..
GUJI
27/9
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|