Warbaahinta magaalada
muqdisho inta badan oo maanta shaqo joojin ku dha qaaqay
DOODFURAN: Dadweynaha
ee Sharciga Saxaafada ee DKG
Tan iyo markii uu golaha shacabka kmg ah ee soomaaliya uu ansixiyay sharci ay u
aragtay saxaafada madaxa banaan mid caburinaya hawshooda shaqo ayaa isla
markiiba waxa ay bilaabeen inay ku dhaqaaqaan howlo markaasi ay dadweynuhu ay
ku dareensiinayaan in hawshoodii shaqo ay ka gudan kari waayeen sharci ku
sheegaasi.
Waxayna bilaabeen in ay gabi,ahaanba aysan soo qaadin wararka ku saabsan
dowladda kmg,ah.
Sidaasi oo ay tahay ayaa maalintii shalay ahayd warbaahinta madaxa banaan ee
dalka waxa ay ku dhaqaaqday banaanbaxyo ka dhan ah sharcigaasi iyadoo
banaanbaxaasina ka qayb qaadanayeen aqoonyahanno ka kala socday ururrada
bulshada iyo dadweyne aad ufarabadan iyadoo dadkii ka qaybqaadanayay
banaanbaxaasina ay ku luuqaynayeen saxaafad madax banaan;saxafi xor ah;ayaanu
doonaynaa doonimeyno daneestayaal iyo ereyo lamid ah.
Si kastaba ha ahaatee maanta ayaa gabi ahaanba saxaafadda madaxa banaan ee
magaalada muqdisho al baabada loo laabay marka laga reebo idaacadda stn oo
iyadu ku jirta hawada isla markaana iyadu qaadatay go,aankii kale ee ay qaateen
idaacadaha lamidka ah lamana yaqaano sababta dhalisay in ay idaacadani ay
ballanka uga baxday warbaahintii kale ee ay lamidka ahayd.
Marka laga reebo idaacadaha waxaa iyana maanta aan soo bixin dhamaan
wargeysyadii kasoo bixijiray muqdisho, iyadoo lala xiriirinayo go,aankii
saxaafadda.
Ay qaadatay dowladda kmg ah.
Hay,adda warbaahinta bariga afrika ee xafiiskeeda muqdisho ayaa sheegtay in
saansaantan sharci ku sheeg ay wax weyn ugaysankarto saxaafaddii soo
bulaaleysay tan markii la af gambiyay xukunkii militeriga muddo haatan
lagajoogo labo iyo tobansano. Hay,addan dhaleecaynteeda ka sokow waxaa jira
caro xoogan oo ay dadweynuhu ka muujiyeen diiditaanka saxafigqa loo diidayo
inuu adeegsado xurriyatul, qowlkiisa, waxaa sidoo kale arrintan lagu caburinayo
saxafiga iyo sharcigaasba dhaliilay hogaamiye kooxeedyo farabadan oo ay
kamidyihiin ,cusmaan xasan cali(caato), xuseen maxamed caydiid iyo moowliid
macaane maxamuud.
Dadka
Soomaalida Ma yihiin Wadaniyiin?
Waa doo ay ka qeyb galeen dhageystayaasha Soomaaliyeed ee isugu jira rag
iyo dumar kuna nool Atlanta. Waxaa doodaas qaban qaabiyey Radio Sagal.
Waxaana soo jeedinaya werriye C/lahi Nur Kolombo oo ka tirsan bahda Radio
Sagal Riix
Halkan |
Xuseen mar uu u warramayay idaacadda isaga taagerta ee lagu magacaabo( codka
shacabka) waxaa uu sheegay in dhinaciisa haddii kaalmo saxafiyiintu uga
baahdaan uu wax taridoono (kooxdacarta haka waan,toowdo sharci beeneedyada ay
ku jahwareerineyso ayna ku caburinayso saxaafadda xorta ah ee umadda u adeegta)
ayuu yiri xuseen caydiid oo intaasi sii raaciyay tallaabooyinka ay qaaday waxa
uu u yaqaano kooxda ay yihiin kuwo gurracan oo kasoo horjeeda xorriyadda
hadalka iyo fikirka saliimka ah.
DOODFURAN: Suxufiyiinta
ee Sharciga Saxaafada ee DKG
C/laahi mire (qadaafi) qadaafi114q@hotmail.com
SomaliTalk | Oct 2, 2002
DKG
oo Sharci u Soo Saartay Saxaafada
Waa in, Agaasimaha
hay’ad warfaafineed aan aqoontiisuna aysan ka hooseyn heer dugsi sare;
Tifatiruhuna waa inuu lahaadaa aqoon saxaafadeed oo heer jaamacadeed ah.
Wariyayaashuna aqoon saxaafadeed oo heer dugsi sare ah, waa qayb kamida xeerka
cusub ee.. GUJI...
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
» AGOOSTO
| JULY
| JUNE | MAY
| APRIL | MARCH
| FEBRAAYO | Janaury
2002 | Wararkii 1999-2001
em@spam.com
|