Diinta islaamka sida magaceedaba ka muuqata waa diin
nabad galyo, samaaxad, dabacsanaan iyo barwaaqo ah, waxaa kaloo lagu macneeyaa
Alle isu dhiibid, alle isu hareereyn, dhamaan macnayaashani wexeey diiradda
saarayaan macnayaal wanaagsan oo aan aheyn kuwa maanta islaamka maxaafisha
caalamka lagu suntay.
Sabar Daridda Muslimiintu waa sunta ugu horeysa !
Sida aan dhamaanteenba la soconay waxaa dhowrkii
toddobaad ee ina dhaafay caalamka daafihiisa gilgilayayey qaraxyo, weeraro, is-biimeyn,
diyaarado afduub, qafaalasho IWM, dhamaan falalkan " Argagixisada lehi"
waa kuwa lagu xardhay magaca sharafta leh ee Islaamka, Nasiib xumo muslimiin ah
dhalinyaro laga careeysiiyey ah ayaa sheeganayey ineey " Jihaad ku jiraan"
Aqristow khubaro muslimiin ah oo dhawaantan kulan ku
yeeshay magalada London ee waddanka UK ayaa isku afgartay in caalamka islaamka
eey hareereysay " Sabar Darri" aad u holceysa, oo xitaa ku khasabtay
in dumar muslimiin ahi eey ka qeyb qaataan falal naxdin leh, sidii Qafaalkii
dhimashada badan geystay ee Tiyaatarkii Ruushka, bishii ina dhaaftay.
Hadii aad si fiican u dhuuxdo natiijada kama danbeysta
ah ee falalkani ku danbeeyaan waa : dil ama Isdil (is-biimeyn) weerar soo
qaadaha, sida tii Mombasa dhowr maalmood ka hor, iyo weerarkii askarta
mareykanka ee Kuwait
haddana Nasiib xumo weeraradan gunta laga leeyahay ee ah
in " Gaaladu ka foofaan dhulka Islaamka" waa kuwa aan sidaas u sii
mira dhal aheyn, iskaba daayee xaqiiqdu wexeey tahay in yabooha dagaala cusubi
loo yaboohayo caalamka islaamka uu yahay mid sii kordha marba marka ka danbeysa,
sida imminka xaalku yahay arrinka Ciraaq.
walaalayaalow, Fowdadu ma xal baa ...? Jawaabteeda
koobani waa MAYA, kannax ama ku farax sooyaalka taariiqda fowdada lala
beegsanayo dadka aan muslimka aheyn ee misana shibilka ah waa mid aan aayo
lahayn.
Fadlan ogow: arrinka Falastiin iyo Israa'iil waa mid
sidoo kale aan -aniga aragtideyda- Qas iyo Fowdo waxba ku dhalineyn, iskaba
daaye waxaa la tijaabiyey in wada hadallado yihiin waddada kaliya ee horumar iyo
naf badbaadin lagu gaari karo. sida ka dhexeeysa Israa'iil iyo Masar/Jordan.
Tusaale kale waa arrinka soomaalida, sow mawada ogin in 12 sano ee ina dhaafay
eey Qabiil Qurac iyo Qabiil Qansax koonfor iyo bari isu eryanayeen, haddana
maanta waxaa dib loogu laabtay meeshii qolo walbaayi qolada kale ka eryatay 12
sano kahor, inta hadhayna mar uunbaa laga eryan doonaa.
haddaba yaan u baahannahay..? Yaanse ma maarannaa
...?
war haddaba muslimiineey dad noocee ah ayaan
waqtul-xaadirkan u baahan nanay..? kuweense ka maarannaa..? waa su'aal loo
baahan yahay bal in woxoogaa la laffaguro.
intaanan muslimiinta u galin aan soo qaato hadal cajiib
leh oo uu toddobaadkii hore ka dhawaajiyey qoraaga caanka ah ee Robert Fisk oo dhalashadiisu Ingiriis tahay, dhowr iyo tobankii sano ee ina dhaafayna
ku noolaa waddanka Lebenon, wuxuu isagoo wareysi bixinaya yiri " shacabka
reer galbeedku wexeey u baahan yihiin dowladdo aan mayal adkeyn, sida midda
hadda washington ka jirta, waana ineey bal isweydiiyaan sababta keentay xanaaqa
iyo ciilka caalamka islaamka? sidii uu ra'iisul wasaaraha Canada-ba isu
weydiiyey "
Aniga wexeey ila tahay inaan hadii aan muslim nahay
aanan maanta u baahneyn dhamaan qolooyinka
haweenka iyo carruurta aan waxba galabsan bambooyinka ku qarxiya, waana in la
fahmaa oo aan laga gabban ineey 2% ku dhex jirta muslimiinta eey magacii
islaamka maanta la mataaneeyeen " Argagixiso" waana kooxdaas kuwa aan
maanta ka maaranno.
Waxaan u baahanahay muslimiin ama hoggaamiyeyaal aan
fowda wadayaal aheyne, kana sharqamiya islamarkaana soo jiita codadka wax
doortayaasha, sida Mr Najib Ordoghan-ka Turkiga (walow aanan wax walba ku
raacsanayn) haddana waxaan ku qanacsanahay sida sharafta leh ee uu maanta
xizbigiisa ugu hogaamiyey inuu la tartamo axzaab dhanka bidixda fog jirta,
taageerada Millataritgana ku raaxeysata. misana uu ka guuleystay.
Waxaan u baahanahay dhamaan Islaamiyiinta sida sharciga
ah doorashooyinka waddankooda ugu soo baxa, sida kuwa Bahrain iyo Kuwait ee
bishii hore la soo doortay si xor ah.
Saxaafadda reer galbeedku markii eey kuwaas arkaan ayeey
garan waayeen sifo xun oo eey islaamku ku lamaaniyaan, ha yeeshee markeey arkaan
niman baasuukayaal ladaba taagan dayuurado boqolaal shibil ah wada ayeey mar
qura afka labadii yeeraan oo yiraahdaan " waa kuwan muslimiinta sidan
yeelaya" .
Walaaleheen soomaaliyeed ee ku nool meelaha ka baxsan
galbeedka, gaar ahaan mareykanka, waxaa laga yaabaa ineey ka naxaan maqaal
noocan oo kala ah, laakiin ma oga in sababta maalin kastaa uu Wadaad Kirishtaan
ihi isugu taagayo suubaneenii nabi muxammad (SCW) eey tahay sawiradda foosha xun
ee ka soo burqanaya shaashadaha taleefishinka reer galbeedka ee magaca Islaamka
lagu sameynayo
Dabcan diinta islaamku weey ka dhantahay kuwa isku
dhereriya diintooda, sida Salman Rushdie, Ayaan
Xersi IWM ah, laakiin waxeey ila
tahay in si sharaf leh loola loolamo ee aan la caayatamin oo aan diinta
mageceeda markaas lawasakheyn.
Ugu danbeyntii, walaalaha muslimiinta ahow ogaada
sababta ugu weyn ee aad u xanaaqsan tihiin waa hogaamiyayaasha xooga idinku
heysta, oo xitaa aan idiin oggoleyn inaad kuwa aad ku qanacsan tihiin doorataan,
hadii aad dooran laheydeen hoggaamiyeyaasha aad ku qanacsan tihiin, waxaa hubaal
ahaan laheyd ineey si cilmiyeysan ula xisaabtami lahaayeen quwadaha reer
galbeedka, markaasna aad qanacsanaan laheydeen, bal wax yar ka fikir waddamada
Muslimka ah ee woxooga xorriyada siyaasadeed heysta, waxaad arkeysaa in dadkoogu
eeysan inta badan ka qeyb galin falalka fowdada ah.
F.G. dhamaan qoraalkan waa fikradeeyda gaarka ah, cid
kale oo aan matalana ma jiraan, waana leygu diidi karaa, waana laygu raaci karaa.
Allaa Xaqa og