Ileen nin aan xishoonayn
dagaal xeeli kama raacdo
“Ho-hey arrimaad halaysay
habeen nacasnimo ku dhaafay ileen hibashiyo ma waydid naftaadu inay is hiifto”.
Qadartu kaa adage-tani ma
waxaan bi’inaa mise Qalinka xoogga badan baa khaddii lagu qoray qallashay? Oo
majaraha doonista Eebe amar ku dareeray ayaa sidaa wax yiri duwidooduna lamid
tahay dameeraa waylo dhalay. U hogaanisigeeduna noqon imtixaanka gaal iyo
islaam lagu kala shaandheeyo?
Taasaa ii fududaan lahayd si
aan hifashada nafta uga daayo oo meel adag u cuskado. Samraa sad hela ee xag
Eebe ku xisaabo aan nafta ku xakameeyo.
Ha yeeshe runtu saa maaha! Oo
dunuubtii la galay ayaa layska gooynayaa. Waa markale iyo walaahowgii colaadeed
iyo daadintii dhiig xaqdaro. Asalkeedana wuxuu ahaa Hal
booliyi nirig xalaala ma dhasho.
Doorashadii C/llahi Yussuf ee
aasaaskii maamulka Waqooyi Bari waxaa gaashaanka loo daruuray hogaamiyaal ka
kasmo iyo hufnaan badan. Ruug cadaa caqli iyo garasho dheer leh. Rag
sooyaalkooda wax qabad iyo samaantooda guud aan saxar ku jirin. Waxaa la
cuskaday qalafsanaanta wakhtiga iyo mar uun wax ha inoo dhaqaaqeen.
Waxaa loo hiiliyay dumiyiha
nidaam kasta oo dhisan, kala dilaha dadka isjecel, dambiilihii qabiilka,
dulligii xukunka u waashay. Askari shaydaan darderey ee diinta eebe ku caasiyay.
Haddaan si kale u sheego shakhsiyad liidata, dhan walboo laga miisaamo.
Baroortu orgiga k aweyne,
waxaa run aad u xanuun badan ah isimada iyo hoggan dhaqameedka laga dhigtay
sallaan lagu gaaro duminta maamulka iyo kala fogeynta dadka wada dhashay. Kana
indha saabtay oraadii oranaysay: “Tol wuxuu samadaa nin qaldan qabashadii,
nin qatan quudintii iyo nin qumman quweyntii.”
Arrintu si kasta ha ahaatee,
dantaydu maanta maaha inaan ka hadlo damaca liita ee askariga qamaamay uu ku
kufsaday maamulkii Waqooyi Bari, cimaamadana uga tuuray intii la cisayn jiray
caqli wax hagana lagu ogaa.
Caradaydu maanta waa Jamac
Cali Jaamac iyo inta la socota oo aan qof ahaan ku tuhmayay caqliyad ka saraysa
midda caamiqiga ee hoosaysa.
Koofiyadaan u siibay fadhigana
waan uga kacay go’aankii qiimaha badnaa ee Jaamac iyo intii la halmaashay ay
Boosaaso kaga bexeen dagaalkii kal hore ee uu hogaamiyaha jiitaaga ahi la
beegsaday gobolada Bari.
Jaamac wuxuu helay taagerada
inta samaha jecel. Wuxuuna hantay quluubtii shakiga qabtay shakhsiyadiisa.
Waxayna ahayd tusaale aan hore loogu arag is caraynta ceebta huwan ee cadaabta
ciilka laga doortay. Waxay ahayd tusmo ka saraysa maanka guracan iyo miisaanka
falsafo ee hooseeya ee aarsiga iyo danaysigu hagaan.
Waxaan sawirtay shakhsiyad u
turaysa dadkeeda taagta daran iyadoo meel ku tiirinaysa qori qori ku taag .
Waxay farxad gelisay inta nabadda, samirka, dadnimada iyo diinta Eebe jecel.
Waxaan u arkayey inay ahayd tallaabo lagu badbaadiyay nafo gaajo u gayasay inay
dabagalaan nin waalan. Waxaan u arkay inay ahayd talaabo mudan ku dayasho
taariikhdana baal dahaba ka gashay.
Toogaba waa toogee markaan
Jaamac Cali jaama iyo kooxdiisu gobanimo ku dirirkii way laaleen. Maanta waxay
fadhiyaan goob ceebeed iyo dhiigbax gacal. Waxaan aaminsanaa in maamulka Jamac
Cali Jaamac ku mintidayo xaqiiqada quruxda badan ee xinka ka fog. Inuusan xiiso
u hayn la xafiiltanka kornaylka nolosha ku xiiqay. Inuu xag Eebe u ajar
xisaabtay oo uu ka fogaanayo xumi horseedda xinjir dhiig walaal oo kibir dhulka
loogu xardho.
Nasiib darro taasi ma dhicin,
war laqabana xiiso ma leh. Sidaa darteed ayaan maanta EED kulul dhabarka uga
tuurayaa Jaamac Cali Jaamac, xulufadiisa iyo intii la talisay. Maanta wax laguu
qabayba waxaad dhankaaga ka huwatay Ileen
nin aan xishoonayn dagaal xeeli kama raacdo”.
Waxaan canbaarayn iyo
haaraan dusha ka saarayaa intii soo abaabushay dagaalkii hubaysanaa oo ummada
lagu halaagay. Intii miisaaniyad iyo kharash ku taageertay, intii caadifad ugu
guclaysay aarsi garaaad li’ iyo gawaan raacinta nidaamka. Inta hubka iyo
saanada ku soo daldalaysa degaanadii nabada ahaa. La socda waxaad masuul ka
tihiin si is le’eg markaan naf walba oo u qur baxda cirwaynida xukun doon.
Sharafna loola siman inta shaarka dhiiga leh ku shoobta.
Marna qiil ma noqonayso difaac
baan ahayn. Laba mid ayaa maanta banaan Rag ciil buu, cadaab ka doortray ama
Rag cadaab buu, ciil ka doortay!
Dhanka hogaamiyaha jiitaaga
ah, hadal igama saarna, waayo dhagax tuujin iyo taabasho waa isaga mid. Sidaa
darteed waxaan ergo kuugu ahay(Cali iyo Hogaankiisa), Allaha keli awooda lehna
kugu dhaarinayaa:
inaadan mar dambe dagaal la
gelin kana hor imaan noolaha aad garanayso inta garashidi le’egtahay. Inaad
dib ugu noqoto go’aamadii qiimaha badnaa ee aad dagaalka ku diiday, waa haday
jireen go’aanmo noocaas ah, hadaysan jirina aad maanta qaadataan.
Inaad xakamayso inta dhiigoodu
ficil la kululaaday magacaagana ku duulaya.
Waayo taasaa ah kuruska
baarkiisa hadii kale ”... nin aan xishoonayn dagaal xeeli kama raacdo”
Rag badanina naarta waysku arkayaa!
Tixgelin
Hussein Salaad
Hussein.Salad@era.ericsson.se
Jimce 9 Agoosto 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa
mid u gaara qoraaga ku saxiixan
FAAFIN: SOMALITALK.COM |
AGOOSTO 12, 2002
MAQAALKA XIGA - GUJI
|