Daabaco
Boggan | Print |
1,500 BC Fircoonkii laoranjirey Seankhane
Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed
usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo
aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."
7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa
xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha
Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal
lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay
ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis
ah [Portugese musketeers].
1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo
Ingiriiska ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka
dhaqangeliyey Somaliland.
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite
Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great
Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya
[Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya
badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey
Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu
aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka
galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay
wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo
Ethiopia.
1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku
qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan
masii jirin.
1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada
Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa
xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida
cusub.
1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii
talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin
oo uu
talyaanigu sii hayo.
1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved
Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.
1960 bishii June 26keedii ayaa Somaliland
kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July
1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu
Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood
midoobeen.
ISHA.QORMADAN |
|
|
|
AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA
LUQADAHA AFRIKA
Soomaali kawelwelsan aayaha luqadda Afka
Soomaaliga
Janaayo 2002
HORDHAC
Waxaan daaray telefishanka lagumagcaabo PBS qaybtiisa
Minnesota, xilligu wuxuu ahaa galab, waxaa markaas tv-ga
kasocdey barnaamij cilmiyeed. Waxaan aad ugu farxay markaan
maqlay codka qof ku hadlaya Af-Soomaali oo tarjumaya
barnaamijka halkaas kasocdey. Waxay ahayd mid niyaddayda aad
u hiyikicisay oo soo xusuusisay berisamaadkii iyo TV-gii
Soomaaliya oo waagaas kuhadlijirey Afka Soomaaliga.
Barnaamijkii oo aad u dheeraa, waxaa tarjumayey qof Afka
Soomaaliga aad ugu xeeldheer, siwacanna luqada u
kaladhigdhigay. Wuxuu barnaamijkaasu u muuqdey amaba uu ahaa
mid aad looga sooshaqeeyey, oo laga fiirsaday is waafajinta
erayada iyo sawirka TV-ga shaashadiisa kasoobaxayey.
Waqtigaas oo ahaa abaarihii bartamihii bishii Diseembar
ee sannadkii 2001 anigoo galabtaas aad u faraxsan ayaan hoos
uga soo degey gurigii aan barnaamijkaas ku daawaday, irida
guriga ayaan waxaan ku arkay qoraal ku qoran laba-luqadood;
Af-Soomaali iyo Af-Ingiriisi. Ileyn TV-gii sida wacan u
tarjumey ayaa weli maskaxdayda kasii guuxayey, umana qaadan
in ay luqadahaas qoraalka ku qoran ay khaldanaan karaan;
Isha ayaan lasii raacay, waxaana ku qoraa albaabka gurigaas
lagasoogalo sidan:
All Persons Must Show Valid ID
Waxaana lagu tarjumey sidan:
Qof Kasta Waa Mey Tustaa Caddeyn Sawi Leh.
Waxaan hordhacaas u soo qaatay in aan akhristayaasha
xusuusiyo in wixii qoraal ah ay yihiin kuwa rasmiga ah,
islamar ahaantaana lagayaabo in ay gaaraan jiilasha dambe,
khaladkuna ay ku habboontahay in latoosiyo inta uusan gaarin
heer aan waxba laga qabankarin. Maadaama TV-gii sida wacan
loo tarjumey, maxaa sababay in qoraalkaas aadka u sahlan loo
tarjumo sidaas kor ku xusan. Weliba akhristow ogow magaaladu
waa Minneapolis oo dhallinta yaryar ee Soomaalida ah ee
qoraalkaas arka ay u qaadan doonaan in sidaas loo tarjumo
maadaama ay aad xariif ugu yihiin luqada Ingiriiska, marka
la barbar-dhigo tii waalidkood.
Dabcan, marka Afka loo gudbiyo oraah ahaan qudheedu waxay
keeni kartaa khatar, gaar ahaan marka laba luqadood la isku
tarjumayo; tusaale waxaan taas ugu soo qaadanayaa qiso
kadhacday Minnesota, USA, taas oo ah in tarjumaada
Af-Soomaali iyo ingiriis si aan sax ahayn la isugu tarjumey
ay sababi gaartey in qof naftiisa waayo, qisadaas oo ahayd:
Hooyo Soomaaliyeed ayaa dhakhtar loo geeyey, markaas ayey
qofkii uturjumayey kutiri "USHEEG WARAABOW BAA IGU DHACAYE",
qofkii tarjumayey wax a uu dhakhtarkii ugu warceliyey "She
said I was bitten by a Hyena" [Waxay leedahay waxaa i
qaniiney Dhurwaa]. Markaas ayaa lagu duray 21 irbadood oo
kuwa loogu talagalay dadka uu qaniino eyga qaba cudurka
Raabiyada. Halkaas waxaad ka arkikartaa khatarta uu keeni
karo Afka oo loo tarjumo si khaldan. [Eeg
halka aan kasoo xigtay qisadan]
AF-SOOMAALIGA ASALKA AH
MANALAGARAADBAA Ma ogtahay in kelmedaas
ay ku dhanyihiin toddobada xaraf ee labanlaabma.
|
"Afka Soomaalidu waa af baallaaran, erayasiisuna badan
yihiin, dhan loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo
maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madadaalo, hees iyo
heello, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal,
gees loo dayoba waa af hodon ah, oo murti macaan ka buuxaan,
qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay, dadka ku
hadlaana ku kalsoonyihiin, dantooda iyo waxay doonayaana ku
sheegankaraan. Eray walba oo erayadiisa kamid ahi wuxuu
leeyahay dhawr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba
waxaa ka abuurma dhawr eray oo kale. Afka Soomaaligu wuxuu
kamid yahay afafka looga hadlo Geeska Afrika. Dadka afafka
baaraa waxay leeyihiin in uu kamid yahay afafka reer Xaam,
gaar ahaan "Kuush", xiriir dheerna wuxuu la leeyahay afka
Gallaha."
Sidaas waxaa hordhac ama arar kadhigay mid kamida
buugaagta ka nabad gashay buruburkii diiwaanka Soomaalida
ee sannadihii 1990 - 2001. Buugaas oo sannadkii 1973 ay
qortay wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya
waagaas.
Waxaa taasi ku tuseysaa sida uu afka Soomaaligu u yahay
mid aad u xeel dheer oo ay kabuuxdo murti qoto-dheer.
AF-SOOMAALIGA HADDA
Sida aan hordhaca kumuujinay, waxaad arkaysaa in maanta
uu afka Soomaaliga ah qiil-qiil kujiro. Taas oo ay jiraan
dad siwacan ugu hadla [da'weynta] laakiin aay halistahay in
qormadiisu gabaagsi noqoto haddaan hadda ladabaqaban.
Waxaad ku dhex arkaysaa Soomaalidii u soo dhoftay dhulal
ka fog Soomaaliya in carruurtii ay dhaleen intii ka
dambaysey 1990 ay adagtahay in aad sheeko layeelatid adigoo
aan kula hadlin luqada hadba wadanka ay joogaan.
Tusaale ahaan waxaad tegeysaa xaafadda Dixon loo yaqaan
ee kutaala Toronto, Canada, waxaad lakulmesaa carruur badan
oo ku cayaaraya bannaanka oo kuwada sheekaysanaya luqada
Ingiriiska. Haddaad isku daydid in aad wax weydiisid ama
sheeko la yeelatid adigoo ku hadlaaya luqada Afka Soomaalida
waxaad arki doontaa in aysan fahmayn waxa aad u sheegeysid
ilaa aad ugu sheegtid afka ay fahmi karaan ee ingiriiska.
Akhriste waxaad xusuusataa in carruurtaas aan xusnay in
lagayaabo in hooyooyinkood aysan garanayn Afka Ingiriiska,
taas oo lagayaabo in lagaaro heer lookala tarjumo Hooyo iyo
ilmeheeda yar, iyagoo weliba meel kuwada noolaa weligood.
Madhici kartaa in ay jirto arin ka xanuunbadan in canugaaga
ama ilmahaaga lagaaga tarjumo!.
Qiso xanuun badan oo ka dhacday Magaalada Garissa ee
dalka Kenya ayaa waxay ahayd in qoys Soomaaliyeed oo
Maraykanka deganaa muddo ay fasax ugu yimaadeen eheladooda
oo markaas joogtey magaaladaas. Qoyska safarka ku yimid
waxaa kamid ahaa dhawr carruur ah oo aan garanayn wax aan ka
ahan Ingiriis. Markii carruurtii ay yimaadeen magaaladii
ayay soo booqdeen xaafad ehelkooda ah, markaas ayaa
carruurtii lagu yirin: Kani waa awoowahaa, tani waa
ayeeyadaa, tani waa habaryartaa, tani waa eedadaa, kani waa
adeerkaa, kani waa abtigaa, iyo kelmedo lamida. Halkaas
markii sheekadii maraysey ayaa mid carruurtii kamida oohin
bilaabay, markaas ayaa laweydiiyey waxa uu u ooyayey,
markaas ayuu ku jawaabey intaas oo dad ah oo aanan
af-garanayn oo ehelkayga ah ayaan ka xumahay. Ilmihii yaraa
waxaa lasheegay in uusan farxad habayaraatee ku qaadan
fasaxii reerku ku tageen Kenya ilaa uu kusoo laabtay halkii
ay joogeen dadka ku hadla luqada uu garanayey.
Mar aan ka qaybgalay
shir ballaaran oo Soomaaliyeed oo laguqabtay Magaalada
Minnesota, ayaa mid kamida dadkii shirku martida u ahaa soo
jeediyey erayo xigmad badan ku dheehantahay, isaga oo ka
hadlayey Afka Soomaaliga iyo ubadka hadda waxa uu yiri: "Waxaan
da'yarta u kala qaybin lahaa saddex qaybood oo kala ah Ilma
Soomaaliya, Ilma Utaange, iyo Ilma Sandiyeego." isagoo sii
sharaxa arintaas waxa uu yiri "Waa ilma Soomaaliya oo waxay
si fiican u yaqaanaan Afka Soomaaliga akhrin, kuhadal iyo
qorisba. Waa ilma Utange oo way kuhadlaan Afsoomaaliga
laakiin maqorikaraan. Waa ilma Sandiego oo waxay ku hadlaan
Afsoomaali barax ah, qoraal iyo akhrina iskaba daa." [
Tixraaca Eeg].
Taasi waxa ay ku tuseysaa sida Afkii Soomaalidu uu
tartiib tartiibu u suulayo, waa haddii aan jiilka ubadkan
dhalay hadda katabaabulshaysan arintaas khatarta ku ah
jiritaanka bahweynta Soomaaliyeed ee asal ahaan dega Geeska
Afrika, haddase ku baahey dhammaan daafaha dunida.
ISBEDEL KUDHACAY QORAALKA MAGACYADA AF-SOOMAALIGA
Isbarbardhig
labadan magac:
Khadar: waa maalin Khadar.
Kadar: Kadar oo dibi dhal. |
Sida aan ku xusnay meel kamida qormada sare, luqada qoran
ayaa ah tan rasmi ahaan u gudbeysa jiilka cusub, hadaba
marka aad waayadaan dambe fiirisid qaabka Soomaalidu u
qoraan magacyadooda waxaad arki doontaa in ay u higaadiyaan
sida ingiriiska uu magacaaso ku noqonayo, xataa hadii ay
qorayaan qormo ama maqaal ama war Af-Soomaali ah.
Akhristow, waxaad eegtaa qormooyinka Internetka ee ay
Soomaalidu qoraan, waxaad arki doontaa in qoraalo aad u
farabadan oo ku qoran luqada Soomaaliga ay ku saxiixan
yihiin magacyo u higaadsan si aan Soomaali ahayn. Tusaale
waxaa kuugu filan in aad arki doontid sida magaca Khadar
in loo qorayo Kadar oo samaynaya macno aad uga duwan
sida uu af-Soomaaliga magacaasi ku ahaan lahaa. Hadii
qoraalku uu ahaan lahaa Ingiriis cilladaasi ma muuqan lahayn,
laakiin marka qoraal Af-Soomaali ah lagu saxiixo magac
Ingiriis ah waxaa soo bixi kara magac wata macne kaduwan kii
asalka ahaa.
AFAFKA IYO DHAQAMADA KALE
Marka aad lakulantid qof aan Soomaali ahayn oo kudhaqan
cariyadaas ay Soomaalidu hadda degeen, waxaad arkasaa in
qofkaasi aad u xiisaynayo in uu wax ka ogaado dhaqan
Soomaalida iyo hab Nololeeedkooda. Halaas waxaad ka
garankartaa sida ay aadamigu u jecelyihiin qofka leh dhaqan
lagu yaqaan.
Tusaale ahaan waxaa dhici karta in maalmaha qaybtood
meelaha dadku isugu yimaadaan lagu qabo kulan ay kasoo qayb
gelayaan dad iyo jaaliyado kala duwan, taas oo qolo waliba
soo bandhigeyso cuntada ay caadada u leeyihiin oo ay ka
dhaxleen awoowayaashood, iygoo ku faanaya.
Waxaad arkaysaa in qof awoowihiisii tobnaad ku dhashay
waddan kaduwan kan uu hadda deganyahay uu weli yaqaan isaga
iyo duriyadiisuba luqadii asalka ahayd ee awoowayaashiisa,
taas oo faanweyn u ah qofkaas.
Waxaad arkaysaa in wadamada badanaa ay Soomaalidu hadda
degeen ay tixgelin weyn siiyaan dadka haysa dhaqankoodii.
Haddaba maxaa Soomaalidu u dayacdaa dhaqankaas. Maxaan
carruurteena u bariweyney luqada aan ku hadalo si aynaan ugu
baahan in la inookala tarjumo.
GABAGABO
Waxaan qoraalkayga kooban kusoo gabagabaynayaa xusuusin
aan Soomaalida xusuusinayo sida ay qiimaha u leedahay
xafidaada luqad asal ahaan aad u leedahay, taas oo aad si
sahala taariikhda, murtida iyo xigmada ugu gudbin kartid
ubadkaaga iyo jiilasha dambe. Waana hawl weyn oo sugeysa
dhammaan Soomaalida maadaama ay hadda ku kala firirsan
yihiin dalal kala afaf ah.
Akhrsitow, luqad waxaa xafida oo u tebiya jiilka dambe,
isla mar ahaantaana
taariikhdooda ku gudbiya waa hadba jiilka markaas jooga,
hadaba hadii aaynan arintaas hadda waxkaqaban sow arintu ma
noqonkarto sida ku xusan cinwaanka qoraalkan. Jawaabta
akhristaha ayaan u daayey.
Waxaan qoraalkayga kusoo xirayaa arin farxad leh, taas oo
ah in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo isku taxalujiyey sidii
Afka Soomaaliga loo bari lahaa ubadka yaryar, waxaana
tusaale u soo qaadanayaa
Soomaalida Sweden oo muujisay in ay tusaale ugu
noqonkaraan
Soomaalida qurbaha. Waxaa farxadleh in ay Soomaalida
Sweden ku hawlanyihiin sidii ay u kobcin lahaayeen Afka
Soomaaliga iyaga oo hadda gacanta ku haya barnaamij ay
taakulaynayso wasaaradda waxbarashada ee dalka Sweden.
Arintaas waxaa hormuud u ah Soomaalida deggan magaalada
lagumagcaabo Umea ee dalkaas Sweden. Waxaa hadda jira bog
guriyeed hawshiisu socoto oo kusaabsan kobcinta Afka
Soomaaliga ee Soomaalida Sweden. [Eeg
halkan].
Mahadsanidin.
Waxaa iskusoo dubaridey: Maxamed Cali
London, Ontario, Canada
webmaster@somalitalk.com
-DHAMMAAD-
Taariikh Kooban oo Soomaaliya
Janaayo 4, 2002
Halis Soofood Saartay Degaanka Soomaaliya
abaaraha, biyo-la'aan, dhirta oo lagadhigo dhuxul, bacaadka
guura, ugaarsiga iyo dabargoyntaa xayawaanka yaa kamida...
AKHRI.HALKAN [Dr. C/laahi Cilmi Maxamed] Jan 4, 2002
FAAFIN: SomaliTalk
| Janaayo, 2002 |