Shir si aada u heersareya ayey u soo abaabushay
Xarunta Caalamiga ah ee Dib-u-dhiska Soomaliya, kana
dhacay magaalada Lund ee Sweden maalmahii Sabtidii iyo
Axadii la soo dhaafay (11-12-may-2002).
Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen khubaro iyo
Aqoonyahano u kala dhashay dalalka Soomaaliya,
Djibouti, Sudan, Eritrea, Ethiopia iyo
Scandinavian-ka, kana kala yimid Waqooyiga Ameerika
iyo Yurub ayaa waxaa ciwaan looga dhigay Wadashaqeyn
in lagu bedelo dagaalada iyo Burburka Geeska Afrika
(Co-operation instead of Wars and Destruction).
Shirkaan oo la’iigu sheegay in uu yahay kii ugu
horeeyey oo noocan oo kale ah oo lagu qabto Sweden
inta la og-yahay ayaa waxaa halkaa si rasmi ah u furay
duqa magaalada Lund Lennart Ryde waxuuna si aad ah ugu
dheeraaday taariikhda Jaamacada Lund oo ah tan ugu
weyn Scandinavian-ka.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo si aad ah looga
dhursugayey ayaa cod-baahiyihii ku soo dhowaadey
waxaana durbadiiba joogsatey sanqadhii ka baxaysay hoolkii shirka lagu qabanayey, waxuuna guda galay ku
talagalkiisii ahaa Sidee nabad waarta loogu soo
dabaali karaa Geeska Afrika. Samatar ayaa si aad ah
ugu dheereeraaday in Botuswaana iyo South-Afrika ay
tusaale fiican u noqon karaan Soomaaliya iyo Geeska
Afrikaba, Itoobiya weli weeye oo waxaa meesha ka maqan
Garsoorkii. Botuswaana waa dimoqoraadiyad ugu da’da
weyn Afrika asalka qofku ka soo jeedana sharciga
hortiisa waxba ugama tarayo oo jinsi faquuq ma jiro.
Dowlada dhexe ayaa awooda badan leh ayadaana u yeerisa
amaba hanatay dhaqdhaqaaq kasta oo ka socda wadanka
guud ahaan iyadoo aan faragalin ku samaynayn xoriyada
balaaran oo ay goboladu u leeyihiin inay ku maareeyeen
howl-goboleedkooda iyagoon ka baxeyn jaan goynta
maamulka dhexe.
|
"shirarkii Boorame
oo lagu dhisay waxa loogu yeero Somali-land, kii
Garoowe oo lagu dhisay waxa loogu yeero Puntland iyo
kii Carta oo lagu dhisay Dowladda KMG ee Baydhabo oo
aan anigu ugu yeero."
Prof. cabdi I. Samatar oo ka hadadlayey in aan dhismaha Soomaaliya lagu salayn karin Qabiil.
|
|
Ku dhaqankii qabyaaladda meesha ayey ka baxdey,
Botuswaana waxay ku guuleysatey hogaamin waarta,
hadana laga wada qeyb galay oo aan cidna la faquuqin
waana labada uu Geeska Afrika ka maran yahay. Soomaali
iyo dad kale oo badan ayaa ku dooda in Soomalidu tahay
Qabiillo iyo Qawmiyado kala duwan oo taariikh kala
duwan leh, waxaana tusaale fiican noqon karo Kiis ay
qaadey maxkamad ku taala london oo ay shaqsiyaad
Soomaali iyo Ingiriis ah ku doodayeen in Soomaalidu
leedahay dhaqamo iyo Fahan Diineed oo kala duwan sidaa
daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in dib-u-dhiska
Soomaaliya lagu saleeyo Qabiilo, anigu maanta waxaan u
imid inaan taa burburiyo waxaana tusaale u soo
qaadanayaa ayuu yiri
Prof. Samatar shirarkii Boorame
oo lagu dhisay waxa loogu yeero Somali-land, kii
Garoowe oo lagu dhisay waxa loogu yeero Puntland iyo
kii Carta oo lagu dhisay Dowladda KMG ee Baydhabo oo
aan anigu ugu yeero. Waxay seddexda shirba Isaga mid
yihiin salka wax lagu dhisay oo ah Qabiil waxuuna kii
Carta kaga duwan yahay labada kale ciddii doonaysa way
ka qeybgali kartay halka labada kale ay ku
salaysnaayeen faquuq, waxayna iskaga wada mid ahaayeen
habka waxa lagu qeybsadey oo ahaa wasaarad (X) waxaa
iska leh Qabiilo (Y), Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”HAL XAARAAN AHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO”. Taariikh
khaldan ayaa waqooyiga oo kale nalugu soo barbaariyey
oo oranaysa inaan la mid ahayn Soomaalida kale, taasoo
cunugu uu ku korayo dabadeedna caruurtiisa ku
barbaarinayo salka iyo sababta arintaasna anigu ma
garan ayuu yiri Prof. Samatar. Aqoonyahan masri ah
ayaa yiri ”si aad u sameyso wax aan macquul ahayn waa
inaad arki kartid lama arkaanka”.
Aqoonyahanka soomaaliyeed ayaad moodaa inay xagga
aragtida ku kala duwan yihiin oo Pro. Saciid
Sh.Samatar iyo Prof. I. M. Lewis oo Ingiriis ah oo
isku tilmaamo inii yahay Soomali yaqaan ayaa waxay
aaminsan yihiin in xalka soomaalida Salka laga soo
unko iyagoo u arka in qeybo qeybo loo kala qeybiyo
Soomaaliya halka Prof.Abdi Ismaaciil Samatar iyo
Aqoonyahanno kaleba ay aaminsan yihiin in marka hore
la helo Dowlad dhexe oo hanan karta amaanka iyo kala
dambeynta dalka dabadeedna la helo maamul goboleedyo
xoriyad balaaran u leh maareynta howl-gobaleedkooda
iyagoon ka bixin jaangoynta maamulka dhexe.
Habadda waqtiga iyo shacbiga soomaaliyeed ayey u taal
dhaxalka ay doonayaan inay u reebaan udubkooda.
Dhanka kale waxaa shirkaa ka hadlay Wasiirka
wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda KMG
Dr. Zakarie Maxamuud Xaaji Cabdi oo ku nuuxnuuxsaday
faragelinta qaawan ee ay Itoobiya ku hayso arimaha
Soomaaliya iyo sida ay Dowaladdu isugu dayday inay
caadiyeyso xiriirka labada waddan, nasiibdarase ay
Dowlada Itoobiya doorbiday inay hiil iyo hooba siiso
waxa uu ugu yeeray qabqablayaasha dagaalka oo dhiig
fara badan oo soomaaliyeed daadiyey hadana sii wada.
Waxuu kaloo cadeeyey in Caalamku uusan u garab
istaagin dowlada KMG sidii la rabey.
Prof. Mammo Muchie oo ah Itoobiyaan wax ka dhiga
jaamac ku taala Denmark ayaa waxuu si aad ah ugu
dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Aqoonta iyo
Caqliga Afrika iskaashadaan si looga badbaado waxa uu
ugu yeeray Awooda Deeqda (Power of Aid) iyo khatarta
hay’adaha aan dowliga ahayni (NGO) ku hayaan horumarka
Afrika. Waxuu sidoo kale weereray siyaasada deyneed ee
hay’adda lacagta Aduunka ee IMF.
Prof. Mammo ayaa daaha ka rogey in wasaarada Arimaha
dibada ee Mareykanaka ay soo saartey sanadkii hore
dokumiinti ay ku cadeynayso in si heer qaran ah looga
shiray loona arkey in uu khatar weyn ku yahay danaha
mareykanka ee dunida saddexaad iyo Afrikaba
dhaqdhaqaaqii uu waday aabihii Isutaga Afrika ee
Nakruuma (Madaxweynihii Hore ee Gaana), haddaba waa
inaanan ku mashquulin xaduudaha uu gumaystahu noo
dhigay oo aan garanaa in xoriyadeena aan gacmaheena ku
haysano iskana eegnaa cadowga xaqiiqiga ah ee dibada.
Prof. Mammo ayaa u muuqday inuu yahay Nakruumaha cusub
ee Afrika loona sacbiyey in ka badan shan daqiiqo
markuu dhameeyey hadalkiisii.
Waxaa sidoo kale warbixin ka soo jeediyey C/shakuur
Cabdulle oo ka mid ah Gudiga nabaddeynta Puntland heerarkii iyo xaaladahii kala duwanaa ee uu soo maray
isku daygii nabad raadineed ee Puntland iyo halka uu
ku dambeeyey.
Waxaa shirkaa ka hadlay Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin
swedish iyo Afrikaanba leh oo aanan dhamaantood
halkaan ku soo wada koobi karin.
Si kastaba ha ahaatee waxaa dad badan oo halkaa iskugu
yimid u riyaaqeen in Aqoonta Afrika gaar ahaan tan
Geeska Afrika aysan qori caaraddi ku wada hadlin ee ay
ku wada hadasho qalinka afkiisa.
C/xakiim Axmed Guuleed
Sweden, Sweden
guledhakim@yahoo.com