SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SAUDI ARABIA

MAXAY INA YEESHAY CARTA?

Abdul Rahman Hariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com 


C/Qaasim oo la sheekaysanaya madaxa sirdoonka Saudi Arabia Prince Turki.


C/Qaasim oo hadyad ka Gudoomaya Suldaan Wasiirka Gaashaandhiga Saudi Arabia

Masjidkii Cabdul Casiis

Bidix: Jiifaa | Maydiga Dhulka PL

Hada oo ay ka soo wareegtay Sadex sanadood markii lagu soo dhisay dawladii ku meel gaarka ahayd degmada Carta ee wadanka Jabuuti, waxaan filayaa inay mudan tahay in la xuso 4 dhibaato oo waayayn oo dawladaas uu madaxda ka ahaa Cabdi Qasim Salaad Xasan ay u geesatay shacabka soomaaliyeed Guud ahaan.

1. Waxay baabi'siay Nidaamkii maxkamadaha Islamiga ah

Intii aan la keenin dawladaas, magaalada muqdisho waxaa sida lawada garanayo ka jiray Xamar Maxkamado islaami ah oo in kastoo ay qabiil ku dhisnaayeen hadana dadka magalada degani ay kaga neefsadeen budhcadayntii iyo jidgooyadii faraha badnayd. Waxaana maxkamadaasi barakaysnaa meesha ka saaray dawlada carta.

2. Waxay khalkhal gelisay goboladii kale ee nabadu ka jiretey

Halkii looga fadhiyey cabdi qaasim inuu awooda saaro nabadaynta iyo sugida amaanka magaalada muqdisho, wuxuu dhibaato weyn dhex dhigay dadkii deganaa gobalada nabada ahaa ee soomaliya, sida Puntland, Somaliland, Bay, iyo Jubooyinka.

3. Waxay abuurtay Qabqablayaal Cusub

Waxaynu filayney inay dawalada ku meelgaarka ahi barabixin ku samayso qabqablayaasha dagaal-oogayaasha ah ee loo tirinayo inay iyagu sabab u yihii dawlada la'aanta iyo burburka Soomaliya ku habsadey mudada 13ka sano aha, hase yeeshee dawladu waxay si toos ah iyo si aan toos ahaynba ugu qabybqaadatay abuurida qabqalayaal cusub sida (Maxamed Dheere, Aadam Madoobe & Xaabsade, Jamac Cali Jamac, Deeelaaf, Finish iyo kuwo kale oo badan)

4. Waxay baabisay rajadii aduunku ka qabey dowlad soomaliyeed

Waxaa in badan aduunku oran jirey, way adagtahay in Soomaaliya dawalad laga sameeyo lakiin hadii lagu guulaysto in la dhiso waa la hubaa inay soconayso. Dawalada carta waxay aduunka tustay in dawlad soomaaliyeed socodsiinteedu ay ka dhib badan tahay samaynteeda……."Ma soconayso ayay soo Kordhisay"


Maxamed Siyaad Barre oo ka qaybgelaya xaflad aroos sannadkii 1987

 

Abdul Rahman Hariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com 

 QORAALADII HORE EE XARIIRI

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2003   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

>> Usheeg Asxaabtaada

Allah Is Great
Ninkii malaa'igtu u sujuudey
Qore: Xariiri 
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD