DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee
Ciise,
mudane maxamed Ugaas Xasan, ayaa ugu baaqay dhamaan bahwaynta
mujtamaca ciisaha in ay si xoogleh isugu diyaariyaan doorashada hogaamiyaha
beesha (ugaasnimada), oo haatan qabanqaabadeeda si wayn
loogu hawlanyahay.
Sarkaal sare oo ka tirsan gudiga sare ee bahwaynta
Ciise oo SOMALITALK GERMANY khadka
taleefoonka ugu waramayay isagoo jooga magaalada diridhabo
waxaa uu sheegay in doorashadu ka dhacayso meel kamida meelaha ay bahwayntu u
badantahay deegaan ahaan.
Sarkaalka oo hadalkiisa siiwataa ayaa sheegay in dhamaan xubnaha beesha ee ku
kala nool soomaaliya, ethiobia iyo dunida daafaheedaba la ogaysiiyay dhicitaanka
shirka iyadoo lagu adkaynaayo ka soo qaybgalkiisa.
Sarkaalkaasi oo SOMALITALK u
sharaxayay qaabka dhismaha maamulka bahwaynta CIISE . waxaa marka hore la
dooranayaa 12 hogaamiye oo ka wakiil noqonaaya lafaha hoose ee bahwaynta,
UGAASKUNA 12 kaasi ayuu talada u goyndoonaa, madaxnna u noqonayaa.
illaa haatan waxay bahwaynta CIISE yeelatay 18 ugaas oo talada u hayay
ciisaha illaa 1994 kii. ugaaskii ugu danbeeyay oo 66 sanadood kursiga
ugaasnimada hayay, ahaana kii 18aad UGAAS XASSAN waxaa uu ALLE ha u naxariistee
geeriyooday bishii augost 29 keedii sideed sanadood ka hor.
waxaa uu sarkaalkaasi sare oo ka tirsan maamulka sare ee bahwayntu u
sheegay SOMALITALK GERMAY. inaanay beeshu yeelanin wax ugaas ah
wixii ka danbeeyay geeridii ugaaskii 18aad. taasoo buu
yiri ay hortaaagnaayeen gudiga qabanqaabada doorashada dhibaatooyin dhowr ah.
haatanse buu yiri u dhacaysa si quruxdeeda layaabo.
Xagar yare
xagar91@hotmail.com
Germany
SOMALITALK.COM | JULY 27, 2002
XAGAR YARE WAA
WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO
RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.
QORAALADII HORE EE XAGARYARE
Ciidamada
Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida
ee Jarmalka oo. GUJI..
Agosto 12
Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi
GUJI.HALKAN July 27,
2002
Maqaaladii
Hore ee Xagar Yare
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|