Kulankayagii todobaadlaha ahaa oo layiraa (tref der deutsch sprachige muslime)//kulanka
muslimiinta afka Jarmalka ku hadasha// 29.september maalinimadii axadii aya
markii uu sheekh muniir ku dhuftay ducadii gunaanadka kulanka waxaa istaagay
PROFESSOR DR: Taha Radwani oo wax ka dhigi jiray intaanu shaqada ka fadhiisan
jaamacadda Tübingen ee west germany, "WALAALADAYDA MUSLIMIINTA AHOOW
MAALINTA SABTIDA IYO AXADDA INAGU SOO AADAN 5-6/10/2002 WAAA MAALIN LOO BIXIYAY
..Maalinta albaabada masaajidada loobalaqay...Tag Das Öffener Türe Der
moschee. 
sidaas daraadeed waxaa kulankeenna laga soocodsaday inaan caawimo
dhanka soo dhowaynta dadka masaajidka soo booqanaya halkas ka gaysanno.hadaba
waxaan codsanayaa in dad loo xulay halkaas aan u dirro iyadoo xarumo kalena dad
loo soo xulay ka imanayaan.waxaa ay gaba gabadii noqotay in loo qoondeeyay .
1.aniga Xagar yare oo ka socda dalka soomaaliya.
2.Nadiya DALka FARANSIISKA.
3.Ibrahim dalka JARMALKA
4.professor Taha dalka CIRAAQ.
5.kalkaaliso cafimaad Ifrah yousuf carab oo u dhalatay dalka SOOMAALIYA:
aroornimadii sabtidii 5,10,2002 abaaraha 8 subaxnimo ayaannu gaarnay xaruntii
naloo diray,aad ayaa naloo sugaayay waxaana isla markiiba na horkacay isagoo
dabaqa labaad ee guriga xarunta nala fuulay xoghayaha guud ee ururka islaamka
gobolka ESSLINGEN ee Jarmalka mr HULUSI YAZICI ninkaasoo xubin buuxdana ka ah
xisbiga talada dalka haatan haya ee SPD isla markaana madax ka ah qayb shirkadda
wayn ee wax soosaarka gaariga MERCEDES PENZka.wuxuu ugu horayn na baray
dhalinyaro muslimiin ah oo meelo kale laga keenay nagalana qab galidoona
hawsha.wuxuu isagoo hadalkiisii kale ugudbay noo sharxay barnaamijkan wuxuuna
kubilaabay hadalkiisa. 
""walaalayaal muddo shan sanadoodaba guud ahaan dalka jarmalka
waxaannu kabilawnnay maalin aannu ugu magacdaray maalinta albaabada masaajidda
loobalaqay taasoo ay siday rabaan usoo gali karan dadka aan muslimiinta ahayn
taasoo ujeedadadayadu ahayd in dadkaas fikir guud iyo gaarba laga siiyo waxa uu
muslin yahay iyo qaabka lootukado iyo sida masaajiddada gudahoodu u egyihiin
iyaddo dad badan oo jarmal iyo yurubiyaan ahi noo haystaan inaanu aad u xir
xiranahay wax gaarana qarsanno,dhinaca kale dad badan ayaa is dhexgalkaaasi ku
soo muslima kadib marka ay macluumaad dheeraada naga helaan,su,aalo badan ayay
idin waydiin doonaan dadkaasi inna soo booqanayaa,oo waliba xagga siyaasada u
badan hadaba fadlan haku talax tagina wixii siyaasad ku saabsan marrnna ha u
muuqanina dad is difaacaaya""
intaas kadib waxaa naloo qaybiyay lababa oo ah wiil iyo gabar oo
laysraacinaayo,kooxdii ugu horaysay ayaa nasoo gaartay 10:30 subaxnimo aniga iyo
yasmina oo ku dhalatay Jarmalka oo ahayd koox muslimiina oo xarun kale laga
keenay ayaa naloo qoondeeyay inaan horkacnno.
laba maalmood ayuu socday mashruucasi waxayna ahayd labadii maal mood ee iigu
shaqada badnayd intaan taariikhda noloshayda xusuusto,waxaa naloogu talagalay
cuntooyin kala nooc nooca hayeeshee xaqiiqdii waqti ayaan u waynay aniga iyo
walaalihii hawsha wadayba .marwalba waxaannu horkacaynay ugu badnaan toban qof
annagoo kusoo wareejinayna dhamaan masaajidka meesha waysada illaa meesha
salaadda. xaruntu waxay lahayd goobo dugsi quraan ,meelo dhalinta ay ku
ciyaaraan meelo ay dadka waawayni TV ku daawadaan kuna nastaan ,meelo ay gaar
ugu ciyaaraan kunastaanna TV na ku daawadaan gabdhuhu iyo qol aad u wayn oo
dhalinta COMPUTARKA lagu baro.maalintii ugu danbaysay waxaa markale xafiiskiisa
isugu kaaya yeeray xoghayaha guud ee xarunta
walalkeen HULUSI YAZICI isagoo naga codsaday inaannu uga war bixinno shaqadii
iyo su,aalaha soo booqdayaashii,isagoo ugu horayn noogu bishaareeyay in uu
halkaas ku muslimay salaaddiina ku bilaabay nin jarmal ah.
kalkaaliso caafimaad Ifrah yousuf Carab waxay iyadu noo sheegtay in iyada iyo
Ibraahim oo laysraaciyay su,aal ku adkaatay la waydiiyay oo ahayd ""
maxay muslimiintu xiliga xajka ugu wareegaalaystaan dhagaxa madaw?.
aniga iyo gabartii ila socotay oo ugu yaraan qaabillay illaa 200 qof waxaa ka
mid ahaa su,aalihii ay nawaydiinayeen dadku oo caruurahooda watay.
1.maxay muslimiintu ula jeedaddaan JIHAAD?
2.ma runbaa in quraankiinnu sheegaayo in ruuxii is qarxiya uu janada horay ka
galaayo?
3.miyaad aaminsantihiin inuu ciise yahay wiilkii ilaahay?
4:marunbaa in ciise hooyadiis MARYAMA uu quraankiinnu ka sheekaynaayo?
6.miyaad jeceshihiin inaad masaajiddo kale jarmalka ka dhisataan?
7.aad iyo aad noogaga sheekeeya dhacdadii SEPTEMBER 11 ee dalka maraykanka
miyaadse ku faraxsantihiin in xaalku sidaas udhoco dadnna halkaas lagu laayo aan
waxba galabsanin?
8.diintiinna waxaan umalaynaynaa inay fiicantahay laakiin dadkiinnu aad u
xunyahay oo xataa warbixinadii macmacaanaa iyo casharadii xiisahalahaa ee aad
nasiiseen oo aannu ka maqsuudnay waxay ahaayeen kuwo aanu anagu idiin soo
doonanay ee idinku miyaysan ahayn inaad aad uga gaabisaan faafinta diiintiinna?.
9.xijaabka iyo xuquuqda dumarka ayay iyadana aad u xiisaynayeen inaan wax ka
niraahno.
isku soo duub ee wuxuu ahaa barnaamij khayrbadani ka dhacay gaalo iyo
muslimiinbana aad looga maqsuuday caruuraha meelwayn oo ay ku cayaaraan ayaa
diyaar u ahayd ,cuntooyin kala jaad jaada ayay dadku daawashadeeda iyo
cunideedaba aad isugu mashquulinayeen mar mar.waxaanan nalaka codsaday inaanu si
joogta ah ula xiriiro isagoo mr HULUSI aad noogu adkeeyay inaanan barnaamijyada
kuwanoo kala ah marnna ka baaqanin siiba marka uu isagu noo baahdo anana balan
EEBBE ayaanu ugu qaadnnay