HARGAYSA IYO XORNIMADA SAXAAFADDA:
Dhowr sano ka hor ayaad mooday in gobolka isku
magacaabay JAMHUURIYADA SOOMALILAND uu aad u sookacayo xornimada qawlka
qofka,isagoo ruuxu aragtidiisa siyaasadeed si xor ah isagoon cadaadis saarayn
ugu cabiri karo si dhawaaq dheer ah.
taasise waxaad mooddaa in maalmahan danbe
rajadeedu siiyaranayso,oo ay dib ugu guranayso xukuumadda SOMALILAND fikradihii
laga dhaxlay maamulkii shuuciga ahaa ee madaxweyne MAXAMED SIYAAD BARE:
maxkamad ku taalla magaalada HARGAYSA ayaa nin
journaliste ah ku xukuntay afar bilood oo xarig ah.
CABDIRAXMAAN ISMAACIIL CUMAR oo ahaa qoraa
sare ee jariiradda maalinlaha ah ee magaalada hargaysa fadhigeedu yahay//WARTIRE//
ayay maxkamadu sheegtay in lagu helay danbi culus kadib markii ay ku caddaatay
in uu qoray war BEEN ABUUR AH.
qareenka sare ee u dooda
dawladda""ATTORNEY GENERAL""ayaa ku soo oogay wariyahaasi
dacwadda isagoo ku soo eedeeyay in uu qoray war aan sal iyo raadtoona
lahayn,iyadoo waa siduu qareenku hadalka u dhigay e wariye cabdi raxmaan
ismaaciil cumar muujiyay masuuliyad xumo isagoo ku tagrifalay awoodiisii
qoraanimo.
xubnno u dooda xuquuqda aadamaha ee magaalada
hargaysa ayaa xafiiska SOMALITALK-GERMANY mar ay kula sheekaysteen khadka
teleefanka u sheegay in ay jariiradda "wartire"daabacday in
madaxweynaha jamhuuriyadda isku magacawday somaliland mr Daahir Riyaale Kaahin
mar uu dhowaan booqasho rasmiya ku tagay dalka JABUUTI uu heshiis qar soodiya
la sexeexday madaxweynaha jamhuuriyadda djibouti mudane Ismaaciil Cumar
Geele,taasoo uu qareenku ku tilmaamay dhagar laga galay qaranka.
xisbiga mucaaradka ah ee SAHAN ayaa warbixin
uu maalinimadii khamiistii 29.08.2002 soo saaray ku canbaareeyay xabisidda
journaaliistahaasi, wuxuuna xisbigu ugu baaqay madaxweynaha somaliland inaanu
marnnaba dhiiri galinin cabudhidda saxaafadda xorta ah.
bishii june ee aynnu soo dhaafnay ayay
xukuumadda isku magacawday somaliland soosaartay xeer qayaxan oo albaabada u
xiraya diidayana dhamaan idaacadaha sida gaarka ah
looleeyahay"""private radio station""" in hawada
dalka ay ka baxaan.iyadoo uu wasiirka warfaafinta ee hargaysa ku tilmaamay
xoraynta idaacadaha mid khatar culus ku noqonaysa jiritaanka
SOMALILAND,sharcigan ayaa markaad akhrisid wuxuu hadalkiisa ku soo
gabagabaynayaa"""LAMA DHAGAYSAN KARO MANA BIXI KARO COD AAN
CODKA JAMHUURIYADDA SOOMALILAND EE RADIO HARGAYSA AHAYN"""
XAGARYARE: KOONFUR
SOOMAALIYA SIDA HALOO DHAAMO
Xagar yare
xagar91@hotmail.com
Germany
SOMALITALK.COM |
SEPTEMBER 2, 2002
XAGAR YARE WAA
WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO
RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.
QORAALADII HORE EE XAGARYARE
DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee
Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan
GUJI
16/8
Ciidamada
Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida
ee Jarmalka oo. GUJI..
Agosto 12
Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi
GUJI.HALKAN
Maqaaladii
Hore ee Xagar Yare
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|