September 10, 2002
ETHIOPIA AYAA KULMISAY MAANTA:
kadib markii ay dawladda
ethiopia xiriirka saaxiibtinimo layeelatay maamulka baydhabo waxaa ka siraadmay
colaad salka ku haysa kursi kalariixsasho oo dhexmartay hoggaankii gobolka ee
isu ahaa taliyaha iyo kuxigeenka kuwaasoo lagu tilmaamijiray saraakiil aad isku
jeclaa.
madaxwaynaha koonfur galbeed
soomaaliya Gaashaanle sare Xassan Maxamed Nuur (shaati Guduud) ahna gudoomiyaha
illaa haatan xisbiga layiraa (RRA) RAHANWAYN RESISTANCE ARMY ayaa maanta oo ay
september ahayd 10.9.2002 kula kulmay dalka ethiopia sarkaal kamida kuwa ay
aadka isaga soo horjeedaan.
malinimadii axaddii 07.09.02
ayaa col.shatiguduud loo dhaqaajiyay dhankaas iyo magaalada dooloow ee gobolka
nagaylle dalka ethiopia si loo horfadhiisiyo ku xigeenkiisii hore oo ay haatan
sida weyn isaga soo horjeedaan, bal si ay u dhimaan dhiigga walaalaha ee
waayadanbaba qulqulaayay.
warar xogogaala oo aanu ka soo
xiganay xarunta xisbiga ee RRA magaalada baydhabo ayaa xaqiijinaya in mr shaati
guduud uu kulan layeeshay wafdi balaaran oo kasocda dhanka ETHIOPIA,
dhinaca ethiopia warka kasoo
baxayana wuxuu kulankan ku tilmaaymayaa iskudaygii labaad ee lagunabadaynaayo
xoogagga ku hardamaaya kursiga baydhabo waxyar uun ka hor inta aanu qabsoomin
kulan waynaha loo qabanaayo soomaaliwayn ee dalka keenya lagu wado inuu dhowaan
ka qabsoomo.baydhabo oo adduunku u yaqaanno ( the place of walking death)GOOBTII
SOCODKA DHIMASHADA;magacaasoo baxay xiligii GENERAL CAYDIID iyaddo ay markaas
dadku iyagoo socda ay naftu ka baxaysay gaajo daraadeed kii casheeyana ay
isagoo socda xabad aan cinwaan lahayni nafta kala baxaysay.
mr aaden maddobe oo
ah ninka ay is hayaan shaati guduud ayaa dhankaas iyo dooloow kasoo aaday
magaalada uu fadhiisinka kuleeyahay ee diinsoor isagoo ay weheliyaan afar nin
oo raggiisa ah.
waxaa wararku sheegayaan in
kulankan maanta oo talaada ah dhacay la isku dayayo inay ku heshiiyaan inaanay
wax colaada soo cusboonaysiinin dhimaanna dhaqdhaqaaqa ciidamada.
mr maxamed
ibraahin xaabsade iyo aaden madoobe oo ahaa kuxigeenadii shaatiguduud waxay
taliyahooda shaati guduud dagaal kaga saareen magaalada baydhabo 31 bishii july
ee sanadkan dhiig badan oo sokeeye oo ay ku daadiyeen kadib.
warar hoos hoosana waxay farta
ku fiiqayaan in labadanin ee xaabsade iyo madoobe ay doonayaan kadib iyadoo uu
shaatiguduud sooceshaday baydhabadii ay horay uga saareen in ay dagaal kale ku
sooceshadaan magala madaxda.
waxaa dadka u dhuundaloola
xiriirka ethiopia iyo baydhabo carabka ku dhufanayaan inaanay kun jeer hadii ay
ragani kulmaan wax heshiisa dhexmaraynin colaadana sidaa urimanaanayaan
islamarkaana aysan marnaba isu samaynaynin wax isu tanaasulada.
ethiopia ayaa dhawrjeer ku
celcelisay inay labada dhinacba saaxiib fiican latahay oo ay ka rajo qabto inay
si dhaqso ah u dhamaynayso colaadda walaalaha dhextaalla.
Xagar yare
xagar91@hotmail.com
Germany
SOMALITALK.COM |
SEPTEMBER 10, 2002
XAGAR YARE WAA
WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO
RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.
QORAALADII HORE EE XAGARYARE
XAGARYARE: Booliiska
Jarmalka oo Heegan Galay
"Sool
iyo Sanaag waa qayb kamida Puntland"
Sidaas waxaa yiri
sarkaal sare oo katirsan DGPL oo u waramayey saxaafadda
GUJI... 2/9
KOONFUR
SOOMAALIYA SIDA HALOO DHAAMO
DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee
Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan
GUJI
16/8
Ciidamada
Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida
ee Jarmalka oo. GUJI..
Agosto 12
Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi
GUJI.HALKAN
Maqaaladii
Hore ee Xagar Yare
WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|