SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
HORUMARKA AAGA SOOMALIDA AYAA XAWLI KUBILAWDAY 2003ka

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

March 2, 2003

 

TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA 
Daahir Maxamed Cali (Baasto)

 MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare.. Faallo

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin 

Ogadenia Mise Somali Galbeed; 
Fashikii Ethiopia!??..... WQ.Cabdi Warsame

WAA MAXEY UJEEDADA UU (XAGAR YARE) KA LEEYAH
wq. maxamed Cabdi

Itoobiya: Qaansada maslaxadeena & Cawodgeenaba!  
wq.C/raxman Ceynte

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF   

Geyiga arimihiisa hoose u xorta ah ee ismaamulka soomaalida ETHIOPIA ayaa sanadkan 2003 ugu bilowday sansaan fiican oo ka soo ifaysa dhanka waxbarashada iyo horumarka adeegyada bulshada qaarkood.

Geyigan ayaa dawladihii hore ee ethiopia aad u iloobeen iyakoo ay waliba u sii raaciyeen ku tacadi farabadan oo dhan kasta oo noloshooda ka mida taabanaya, taasoo keentay in ay dhowr jeer ka barakacaan dhulkooda una hayaamaan dalalka dariska la,ah iyakoo nabadgalyo iyo qaybaha kale ee noloshaba u raadsanaya.

Burburkii qarankii ay aadka ugu tiirsanaayeen ee soomaaliya iyo dhicidii maamulkii LT.col.Mengistu Haylu Mariam kadib markii ay dalka badiba dib ugu soo laabteen ayay waxaa ay bilaabeen in ay noloshoodii ka luntay iyaku samaystaan, dadka ayaa 87 aaminsan in ethiopia maanta aysan ahayn Ethiopiyadii hore ee ku dhisnayd mustacmarada iyo gaar u cabudhinta geyigaasi, balse ay haatan iyaka gacantooda ku jirto wixii ay ka yeeli lahaayeen noloshooda.

War uu dhowaan magaalada JIG-JIGA ka soosaaray xafiiska macdanta iyo biyaha ismaamulka ayaa tibaaxaya in biyaxireen ay hirgalintiisa ku baxday 25 milyan oo birr oo ka socday togga Jarareed si buuxda loo dhamaystiray. Isu duwaha mashruucaasi biya xireenka Togga JARAR Engineer Zekeriye ayaa sheegay in mashruucan oo dabooli doona baahida biyaha ee Degmooyinka Qabribayax iyo xeryaha qaxootiga ee ku xeersan ay iska kaashadeen meelmarintiisa Dawladda dhexe, UNICEF, Safaarada talyaaniga,iyo hay,ada qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR.

Dhinaca kale 14 mashruuc oo kaas lamid ah kuna baxayso ugu yaraan 12 milyan birr ayaa hirgalintooda laga bilaabay 38 xaafadood ee magaala madaxda dhanka ganacsiga geyigaasi ee DIRI-DHABO, iyaddoo lix biyo butaciyena la abuurayo, waxaa hawl galkeeda ka qayb qaadanaya 10.000 qof, lix iskuul ayaa iyana goobtaasi biyo galin iyo korontadaba laga hirgalinayaa. waxaa mashaariicdaasi magaalada DIRI-DHABO iyadana iska kaashanaya, Dawlada dhexe, Xafiiska dib U dajinta Ethiopia(ESRDF) "The Ethiopian Social Rehabilitation and Development Fund" iyo xafiiska horumarinta aduunka ee "World Lutheran Federation".

Zenawi oo Qirtay Weeraro uu Ku Qaado Gudaha Dhulka Soomaaliya
Ra'iisul wasaaraha dawlada Itoobiya ee qarnigan gumeysata qayb kamida dhul Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in uu. GUJI... Feb 25

Dagaalo ay Ciidamada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya
ku qaadeen Ciidamada cadawga Itoobiya.... XORIYO

Bannaanbax looga soo horjeedo Zenawi
oo ka dhacay magaalada London, UK... XORIYO
 

Maamulka sare ee waxbarashada Gobolka JIG-JIGA ayaa todobaadkan Daboolka ka qaaday in mashaariic lagu fulinaayo dugsiyo waxbarasho oo ay ku bixidoonto 30 milyan oo bir labilaabay 25/2/2003.

Madaxa maareynta mashruucan Mudane Cumar Cabdisamad ayaa sheegay in hawl galkan oo lagu hirgalindoono dhismaha 27dugsi dhexe oo meel ah 23 oo iyana meel ah iyo 15 dugsi sare ay dhismahooda iyo qalabayn toodaba iska kaashanayaan bangiyada aduunka iyo kan afrika.

Waxaa uu intaas raaciyay in dhismahan oo lagaarsiin doono meelaha ay dugsiyadu ku yar yihiin amaba aysanba kajirin la dhamaystiri doono isla sanadkan. waxaa uu mudane Cumar Cabdi samad intaa raaciyay in 30 iskuul oo sanad dugsiyeedkii kalhore labilaabay haatan dhamaystir yihiin.

Wwax ku barandoona 20.000 arday.

Dhamaadkii bisha January ee sanadkan 2003 ayaa dugsiga sare ee farsamada gacanta waxaa kadib markii waxbarashadoodii u dhamatay shahaadadii lagu gudoonsiiyay 141 arday. maamulaha dugsiga farsamada iyo isgaarsiinta Axmad Xuseen ayaa sheegay in ardaydan ay ku soo takhasuseen maaraynta ganacsiga, dhaqaalaha gudaha,iyo tabo kale oo lug kuleh cilmiga sayniska.

46 kamid ah ardaydii halkaasi ka qalin jabisay ayaa gabdho ahaa.

Dhinaca kale gobolka bariga Harar ee oroomiya ayuu madaxa xafiiska Manaahijta waxbarashada Mudane Girma Jima sheegay in ay caawimo deg-deg ah u baahanyihiin 8.000 arday si ay ugu suurto gasho in ay si habsami ah ugu dhamaysaant sanad dugsiyeedkankada. waxaa uu sheegay in ay haysato halis kaga soo fool leh cunto yari 102 oo iskuul taasoo ay keentay abaaro ku habsaday dhulkaasi siiba degmooyinka Gola-oda. Goro-Gutu, Alemaya iyo Kombolcha. waxaana uu sheegay in hadii aan cunto deg deg ah lala soo gaarin ay ku adkaanayso in ay sanadkan sii dhigtaan iskuuladooda.

Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com   

I  I  D  H  E  H


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk.com Germany    

<><><> com

KU NASO XIGMADA MAANTA OO AH: ALLAH KA CABSIGII SAXAABADA

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD