INTERNETKA AYAA SI AAN CAADI AHAYN
UGAMUHIIMSANAADAY "TV"ga
XagarYare
xagar91@hotmail.com
Feb 28, 2003
Aaladda Internetka ayaa marba marka kasiidanbaysa ka soo
mid noqonaysa qayb ka mida nolol maalmeedka ruuxa aadamaha ah,isagoo ruuxu
wakhtigiisa marka sadexmeeloodloo qaybiyo laba qaybood ku dhowaad maalintii ku
luminaaya wakhtigiisa internetka meesha uu waayadii hore ka daawanjiray
TVga,iyadoo ay aad iyo silama filaana hoos ugu dhacday isticmaalidii ruuxu u
haliilijiray TVga,sidaas waxaa xaqiijiyay baaritaan jaamacadeed.
61% ayaa u arka aalada Internetka in uu aad iyo in aan
lasookoobikarin uga muhiimsanyahay aaladaha kale ee laga helo xogta kolka laga
hadlaayo helidda akhbaaraha ruuxu u baahanyahay,waxaa xaqiijintaas samaysay
Jaamacadda California ee los angels(University of California at los
Angels"UCLA").
Baaritaanka lasameeyay ayaa cabiraad uu sameeyay ku
tilmaamay in ruuxu isku cel-celis11saacadood todobaadkii ku jiro khadka
shabakadda NETka meesha uu TVga kadaawado 4.5 saacadood todobaadkii.
kooxaha NETka isticmaala ayaa waxaa ay u arkaan in
joornaalada iyo raadiyuhu ay meeshaba kasiibaxayaan.
73% ayaa u arka Netku in uu ka muhiimsanyahay dhamaan
aaladaha wararka laga helo ama laysku maaweeliyo,meesha ay 67% qabaan in
buugaagta laysku maawelinteedu fiicantahay ,57%ayaa waxaa ay qabaan joornaalada.
"wuu kuu furanyahay 24 ka saacadood.waad ka
eegankartaa kana ogaan kartaa wax alaaliyo wixii aad uga baahantahay ee war
bixin caalam iyo gudaba,ayay tiri Julie Von Haase oo 31jir ah oo hawlwadeen sare
ka ah San Fracisco."
Television ka waxaad ka dhowran kartaa oo kaliya waxa ay
markaas sheegayaan oo aan sii raaridnayn"ayay raacisay.
warbixinta ayaa cadaysay in ay aad u siikordhayso
sanadwalba akhriska iyo xiisaynta Internetka.
WAR aan Farxad u lahayn Ganacsiga NET ka.
daraasadan ayaa aad uga dayrisay in dadka wax ku
iibsanaya qaabka internetku ay aad hoos ugu sii dhacayso,waxaa uu waliba hoos
udhacaasi saamayn wayn ku yeeshay qaabka wax ku iibsiga"galalka
amaahda"(Credit Cards) ee Webka.
badiba dadka doonaya in ay Credit Cardkooda wax ku
iibsadaan ayaa walaac ka muujiyay kalsoonidarada amaanka kaarkooda,oo ay
yiraahdeen ma jirto cid damaanad qaadi kartaa in aysan khatari kaga imankarin
xaga lacagaha ah.
Waxaa isku soo dubaridey Xagar
Yare | xagar91@hotmail.com
XAGAR
YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio
kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka
Jarmalka.
SomaliTalk.com
Germany
Feb 28, 2003
<><><> com
|