ARAFAT: DAGAALKA CIRAAQ WAREEN
AYUU KU NOQON XAQA FALASTIIN
XagarYare
xagar91@hotmail.com
Feb 26, 2003

Dhambaalkii Caeafat u
diray NAM oo socdey 12-daqiiqo. Sawirka: Malaysia
Star |
"Qiiq isku qarin ayuu israaiil u noqonayaa
oo ay xaqa reer falastiin ku daboosho kuna baabi iso goobaha barakaysan dagaalka
laga yaabo in maraykanku ciraaq ku dhufto". sidaas waxaa maalinimadii talaadada 25/2/03 ku
digay madaxweynaha reer falastiin A-sayid yaaser Carafaat.
Carafaad oo aaladda looyaqaan "video
link" ee layska arko qudbad ugaga jeedinaayay shirka ay kuleeyihiin
magaalada Kuala Lumpur wadamada siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay "Non-Aligned
Movement "(NAM) ayaa si weyn ugaga digay in ay xuquuqda shacbigiisu si culus
ugu naafoobayso dagaal kasta.
israaiiliyiinta ayaa ah kuwa dagaalku in uu
dhoco sii dhiiri galinaaya si ay mad-madaw u galiyaan xuquuqda dadkayaga ,waayo
indhaha aduunkoo dhan ayaa kolkaas ku fooraarsanaaya dhankaas iyo ciraaq,ayuu
hadalkiisa raaciyay Mr yasser Carafaad.
Carafaad oo aan haatan awoodin in uu ka
qaybgalo kulanka 116naad ee Ururka(NAM) uga socda magaalamadaxda dalkaasi
malaysiya maadaamo ay israaiil ku celcelisay in aysan damaanad qaadaynin in uu
hadiiba uu kol dalkiisa dibada uga boxo aanu dib ugu soonoqonkarin, ayaa kaloo ku dhowaaqay in maxkamad lasoo taago xubno katirsan
israaiiliyiinta oo ku sifoobay "Danbiile Dagaal"(War Crimes).
Waxaa uu carafaad farta ku fiiqay in ay jiraan
israaiiliyiin hadii sharci caadila la horkeeno sisahlan loogu helaayo dunuub cul
culus, waxaa ay si sharcidaro ah u dhaxal wareejiyeen dhul uu dad lahaa, aqalo
dhisan ayay bur-buriyeen, magaalooyin nabad waasamood ugu baryay ayay si xooga ku
qabsadeen,iskagana maamushaan iyadoo aan laga raali ahayn,arimahaas oo dhanina
waa kuwo kasoo horjeeda nolosha aadamaha duudsiyayana xuquuqdooda, ayuu yiri mr
Carafaad isagoo hadalkiisa siiwata. waxaa uu ka codsaday beesha caalamka in ay
qab jabiyaan xoogsheegadka israaiil.
Arafat: shacabka reer
Falastiin ayaa dhibaatada ugu weyni kasoo gaareysaa dagaalka |
Maalinimadii isniintii ayay ciidamada
israaiiliyiintu inyar oo dibu gurasho ah kasameeyeen magaalooyinka beit hanuun
ee daanta woqooyi ee marinka qaza kadib markii ay xoog u burburiyeen wadooyin
waaweyn iyo buundooyin,taasoo ay ku macneeyeen in ay godoominayaan jabhadda
Xamaas oo la sheegay in ay meelahaas iyaku isticmaalaan.
Dagaalyahanada Xamaas ayaa iyaku 29kii bilood
ee aynu soodhaafnay ku hayay israaiiliyiinta kacdoonada "intifada".
waraysi todobaadkii hore lala yeeshay Xoghayaha
guud ee ururrka jaamacada carabta Caamir Muuse,oo ay daabacday jariirad
kasoobaxda spain oo layiraa El Pais ayaa waxaa uu kutilmaamay raiisal wazaaraha
israaiil Ariel Sharon in uu uga shar badanyahay geyiga bariga dhexe saddaam
xuseenka la buunbuuninaayo,isagoo sharon ah ka khatarta ugu weyn ku noqonkara
gobolkaasi. ayuu yiri.
Mudane Caamir Muuse waxaa uu farta ku fiiqay in
xeerka lambarkiisu yahay 687 ee ay dhigatay qaramada midoobay farayana in
dhamaan geyiga bariga dhexe si loosimanyahay looga ciribtiro Hubka Wax
Halaaga(Weapons of mass Destruction) aanu ku koobnayn ciraaq oo kaliya"cid
waliba hadii aan indhaha laga qarsanaynin way ka dharagsantahay in israaiil
haysato hubka naflayda gumaada" ayuu intaas raaciyay.
"waa fadeexad iyo waji gabax laga
yaq-yaqsado iyo laba wajiilayn iyadoo siyaalo kala duwan loo sharaxaayo
haysashada saddam xuseen ee hubka wax halaaga islamarkaana dal kamida gobolka uu
haysto,iskana sii haysan karo"ayuu yiri.
"israaiil way qaadi kartaa talaabo kasta oo
baabi,in naflay ah oo aysan dawlad kale oo dunida ahi ku dhici karin,iyadoo
sigaara oo aad xaq ay leedahayba moodid ayay ugu gacan sayri kartaa qaraar kasta
oo kasoo baxa qaramada midoobay"ayuu yiri xoghayaha guud ee jaamacada
carabtu.

madaxweynaha malaysia, Dr Mahathir, oo sii sagootinaya wufuudii ka qayb
gashay kulanka NAM |
bishii oktoobar ee aynu kanimid ayaa wasiirka
arimaha dibadda ee boqrtooyada dalka Urdun Marwan Moasher waxaa uu carabka ku
dhiftay in israaiil buunka u afuufayso dagaal maraykanku ciraaq ku qaado si ay
dad qaxootiya falastiin uga soo butaaciso una soo galiso dalka Urdun,taasoo
aysan meesha ka madhnayn in qaxooti baaxadleh oo ciraaqiyiin ahina halkaas ka
dhashaan.
kacdoonada ka soohorjeeda
israaiil"intifada"waxaa uu bilawday September 2000 waxaana uu wiil
dhalinyara ah oo layiraa alla Abu Shakh oo 25 jir ahaa dhintayna maanta oo
talaada ah 25/02/2003 ay dhimashada ka dhigaysaa 2,997.
waxaa lookala qaybiyay dhimashadaasi 2,246
falastiiniyiin ah iyo 695 israaiiliyiin ah.
Waxaa isku soo dubaridey Xagar
Yare | xagar91@hotmail.com
XAGAR
YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio
kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka
Jarmalka.
SomaliTalk.com
Germany
Feb 26, 2003
SADDAAM OO CODSADAY INUU WADA HADAL TOOS AH
LA YEESHO BUSH GUJI
<><><>
XASUUQA
JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN Guji...
com
|