SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
SAUDIGA OO SOOSAARAY DIGNIINKULUL OO KA DHAN AH QALALAASAHA:


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

February 7, 2003

 

Boqortooyada sucuudi caraabiya ayaa digniin kulul ku bixisay in aysan u ddabbcaynin cidkasta oo u hanqal taagta in ay fal qalalaaso ah ka samayso xajjka,isaga oo uu xajjku ku soo beegmay sanadkan xilli uu maraykanku siwayn midiyaha ugu lisanaayo dalka ciraaq. (Qoraalka oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

"kama ogolaanaynno qof iyo koox kasta oo isku dayda in ay fad-qalallo rido xilliga gudashada xajjka"sidaas waxaa shir jaraaid oo uu qabtay kayiri wasiirka arimaha gudaha boqortooyada sucuudiga amiir nayef binu cabdulcaziiz.

"Gacantayadu waa birr qumaati loo hanaaniyay oo aan gafaynin...waxaanuna qaadanay tab iyo xeelad iyo feejignaan dheeraada"ayuu yiri mar uu lahadlaayay cutubyo kumanaan ah oo loo carbiyay lasocdka hanaanka xajka amiir Nayef Bin cabdulcaziiz oo ahna haatan madaxa gudiga sare ee xajjka.

Waxaa uu wasiirku sheegay in sanadkan nabadgalyada indho gaara lagu eegidoono,taasoo la xidhiidha xooga uu maraykanku dulsaaray ciraaq taasoo ka dhalatay muranka ku saabsan eedeeynta maraykanku ku eedaynaayo ciraaq haysashada hubka sida fudud u xasuuqa naflayda.

"Ciddii rajaynaysay in ay si sahlan ku gutaan xajka waan u fududaynay,waana sugaynnaa amaankiisa si kasta oo uu yahay xaalka maraykanka iyo ciraaq,taasoo uu sanadwalba masuulkiisu nasaaranyahay, una jajabnaanaynno marwalba"ayuu raaciyay hadalkiisa oo dheeraa dhiiranaan gaar ahina ka muuqatay.

Wasiirku wuxuu beeniyay in ay jiraan iska hortaag boqortooyadu ku samaysay cidnaba oo muslin ah si uu u guto xajjka.

Amiirka ayaa todobaadkii aynnu soo dhaafnay kulamo is daba jooga layeelanaayay saraakiisha sarsare ee loo qaybiyay fara ku haynta amaanka xajka.

Xilliga gudashada xajjka ayaa waxaa heegan kujira kumanaan ah(military police),xoogagga gaarka loo carbiyay,booliiska ka hortagga rabshadaha,iyo ciidamo kale oo isku dhaf ah kuwaasoo dhamaantood ku hubaysan qoryaha daran doorigga u dhaca.

Gaadiid ay qoryaha dhuumaha lehi ku rakibanyihiin,iyo baabuurta dabdamiska,iyo waliba kuwa lagu damiyo waxyaalaha qarxa ayay adeegsanayaan ciidamadaasi amaanka xajka loogu talagaylay.

Amiir nayef waxaa uu xusay in aad loo adkeeyay amaanka xadka u dhexeeya sucuudiga iyo ciraaq,wuxuuna ka digay in aan la ogolaandoonin cid kasta oo uga soo talaabaysay xadka dhankaas iyo boqortooyada haddii aysan amar ka haysanin maamulka sare ee sucuudi caraabiya.

illaa iyo arbacadii waxaa soo gaartay 1.311milyan oo xujay ah dalka sucuudiga,sidaas waxaa caddeeyay madaxa baasaboorada ee boqortooyada GENERAL Abdulcaziiz Sajini.

illaa 1.152 milyan waxaa ay ku yimaadeen diyaarado,inta kalena dhulka iyo badda ayay soo mareen,ayuu raaciyay Generaalku maanta oo khamiis ahayd.

illaa laba milyan oo muslimiina oo ka kala imanaaya 170 dal oo maraykanku kamidyahay ayaa lafilayaa in ay ku gutaan xajkooda ALLE kuwaajibyeelay MUSLIMIINTA(alle ha ka aqbalo..aaaammmiiiinnn...).

Xajkani waa kiilabaad ee ay muslimiintu ku soo danbidhaaf warsadaan EEBBE tan iyo SEPTEMBER 11 keedii 2001 qaraxyadii loo gaystay maraykan kuwaasoo loo aaneeyay muslimiinta,iyadoo ay waliba haatan taagantahay isu carashada saddaam xuseen iyo bush.

Cutubyada booliiska ayaa aad indho feejigan ugu eegaya lixda albaab ee ugu waawayn ee laga soogalo goobta cibaadaysiga masaajida iyo kacbada si ay u hubiyaan in uusan soogalin ruux aan usharciyaysnayn in uu goobta yimaaddo.

Sanadadii dhowayd ayaa waxaa xajka kadhacay isku tumasho iyo rabshado keenay dhimasho ku timid dadkii cibaadaysanayay,

Wasiirka arimaha gudaha amiir naayef binu cabdulcaziiz ayaa si gaara uga codsaday walaalaha xajka gudanaya in ay aad u xasiloonaadaan oo ay quluubtooda iyo maskaxdooda ku qufulaan uun cibaadaysiga eebe dartiisa.

Xajjku waxaa uu si rasmiya u bilaabmayaa maalinimada AXADA oo ay xujaydu ka soo dhaqaaqayaan MAKA unasoo qulqulayaan dhankaas iyo marinka biyaha samsamka.

Billawga isniintana waxaa ay kusoo beeganyihiin buuraha carafaat oo ay xujaydu fuusho.

Maamulka sare ee xajka ayaa abaabulay 60.000 oo kahawlgala goobahaasi oo shaqaale iyo mutadawaciin isugu jira,waxaa intaas sii dheer 5,000 ee ah kooxaha dab damiska,kalkaaliyayaasha caafimaadka,iyo qaar u qaabilsan ilaalinta nadaafadda.

Sagaal diyaaradaha qumaatiga u kaca ah(helicopters)ayaa dul heehaabi doona xajjka.

Waxaa ku hareeraysan 2,000 oo kaameero aad u casriyaysan oo laga daawanaaya goob ay fadhiyaan ciidamada amaanku.

Ciid All-Adxa waxaa ay bilaabanaysaa maalinimada salaasada oo islamrkaana ah marka adhiga lagawracaayo,iyo dhagax tuurka.

BAHDA SOOMAALITALK EE WOQOOYIGA AMEERIKA; BARTAMAHA YURUB; AUSTRALIA; IYO AFRIKA WAXAA AY DHAMAAN MUSLIMIINTA GUDANAYSA XAJJKA URAJAYNAYSAA IN AALLAHA AWOODDA ISKALIHI KA AQBALO;

IYADOO BARBAARTA SOOMAALITALK BARAKADA MAALINTAN WAYN AY LEEDAHAY FADLIGEEDA ILAAHAY KAGA BARYAYSA IN UU DHIBKA DHAMAAN LA' EE KU HABSADAY UMMADDA SOOMAALIYEED KAGA SAARO:

xagar91@hotmail.com 

Feb 7, 2003
___________________________

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk Germany 

<><><>

I  I  D  H  E  H

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

Afeef: Aragtidan waxaa leh qoraaga ku saxiixancom

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD