Muddo kadib ayuu halgankii dhalintu markale
geedi socodkiisii awrta hogaanka ugu dhuftay horay.
Maalin maalmaha kamida ayaan isugu nimid
kulan arbaceedkayagii caadiga ahaa,waxaa shirkii kadhex istaagay gudoomiyihii
ururka mudane CABDIRAXMAAN SHEEKH MAHDI oo aanu markaas aad u jeclayn, waxaa
uu yiri "walaalayaal ma ogtihiin in dhulkeenna waagii hore la oran jiray
OGAADEENYA?" mar hadii xaalku sidaas yahay lagabilaabo maanta kawarama
hadii aynu kamadaxbanaan nahay waxa loogu yeero soomaalida galbeed waxaa
aynuna xornimadeenna ku raadsanaynnaa magaca "OGAADEENIYA" inaka
ayaana kanoqonaynna maamulka dalka.
Allahayoow afkaaga hayso lahaydaa:
- "HADAL WUXUU AMAANYAHAY
- INTA AADAN ODHANINE
- AFKA HADUU KASOO BOXO
- ARKAA QAADNNA WEEYOO
- OODIISU KAAROGAN".
Dhalinyaro farabadan ayaad maalintaas
moodday in ay dhinbiil dab ah ku joogsadeen, qaar ayaa iyakoo aan is ogayn ilmo
labadooda dhaban qoysay sidii naaglayiri huray dalaaqdaa, qaar ayaa qaylo
laba af yeeray oo ku baroortay "tolla ayeey maciidii aan naf iyo maalba
u waynay ayaa markale magac guumaysi bixiyay la huwiyay,taasi haba xoroobin
ahaa".
Qaar ayaa aad ugu riyaaqay.
Islamarkiiba waa lakala yaacay,
masuuliyiintii
ururku waxaa ay isku dayeen in colkan jabay ay soorogaan,iyakoo cudurdaar
hadalkaas kadhiibaya oo leh "war waan iska cayaaraynay,war waxaas
majiraan,wartoloow colka jooja IWM.
Dhalintu waxaa ay yaqaaneen oo kaliya
jiritaanka -OGAADEEN, BARTIRE; ABASKUUL, YABAREE; GARI; JAARSO; GURGURE;
CIISE; MADHIBAAN; IYO
REER TALAABA CADDE ;SHEEKHAASH IYO WALIBA QAAR KALOOBADAN balse marnna
qorshaha uma galin qarankaas balaaran ayaa qabiil kamida lahuwinayaa
magiciisa .
Halkaas ayaa aniga Xagar ahaan iigu danbaysay halgankii aan
hamuunta u qabay, dhalinyaradii maalin walba isasoo buuxinaysay madasha
kulanka ayaa ruux iyo raqba lawaayay, qaybtii gobolada woqooyiga soomaaliya
ee uu hogaaminaayay mudane AMBASADOR MAXAMUUD DIRIR ayaa shaaca kaqaaday in
ay kabexeen ururkii dhalinyarada gobanimadoonka soomaalida galbeed oo ay la
baxeen"URURKA DHALINYARADA SII GALBEED": dalka suuriya ayaa sirasmi
ah 1987-88kii loogaga dhawaaqay magicii malaga kunoqday midnimadii iyo
isjacaylkii dadkii laguumaysanayay oo layiri "(JAWXO) JABHADDA WADANIGA
XORAYNTA OGAADEEN"
- XIRSI CAAMIROOW LAYNNA HIIF LAGUNA
HAARAANYE
- ALLAYLEHE HABAARBAAD QABTAA WAANA LAHUBAAYE
- RAGG HADDUU HORFULE KAADHIGTOO HIBO
LAGUUYEELO
- WAA LOO HAGAAJAA ANFACA HAGGRASHO WAACEEBE
- RAGG HABLAHA LAKALA GUURSADIYO HORINTA REER
AADAN
- INAAD LA HORMARTAA MAY EKAYN WAXAAN
HABBOONAYNE
- MEESHAAN HANNAAN GOBANIMIYO HADIYAD
EEGAAYAY
- HAF MIYAAD LATIDHI XAYDH SIDAAD HAAN KU
DHAYANAYSID!!!?
Hogaamiyayaal farabadan oo ahaa halbawlaha
ama laf dhabarta halganka dhalinyaradu waday ayaa meel ay jaan iyo cirib
dhigeen lawaayay oo sii fogaaday markay warkaas maqleen waxaan ragaas
kaxasuustaa geesigii birta ahaa ee siyaasiga ahaa een u naqaanay madaalaha
hobolada waabari HALGAME AXMAD MAXAMED MAAMUUS(AXMAD JAALLE): waxaa uu markii
ugu danbaysay noo ahaa gudoomiyaha hogaanka siyaasada ee ururka.
Mar aan dhowaan waraysi kulayeeshay gudoomiyahayagii ururkii dhalinyarada mudane Cabdi Raxmaan sheekh mahdi
dalkan jarmalka oo aan wax ka waydiiyay meesha uu ku danbeeyay halyaygaasi
"AXMAD JAALE" wuxuu si fudud iigu jawaabay "ninkaas caadifad
qabiil ayaa qaaday waxaana lagu sheegaayay dalka CANADA" .
Waxaa uu xaal soo kacaa kufaba waxaa la soo
gaaray xiligii kala guurkii ETHIOPIA oo dhacay sanadkii 1991. waxaan joogay
markaas magaalada qabribayax, waxaa goor maqriba hoteelkii aan degenaa iigu
yimid nin layiraa INA INDHABIRAALE oo ahaa gudoomiye ku xigeenka JAWXO,
wuxuu
yiri "sidaad ogtahay ururkii aad aas aaskiisa wax ka lahayd ee ururkii
dhalinyarada soomaalida galbeed waxaa uu dhalay JAWXO=jabhadda wadaniga
xoraynta OGAADEEN" haatana waxaa loo baahanyahay in aan kaqyabgallo
dawlada cusub ee ethiopia oo aan xaqeenna sheeganno, waxaa hadaba lagaa rabaa
in aad goboladan jigjiga iyo qabribayax iyo dirri dhabo aad soo abaabushid
aadna naga ogolaatid dadkana soo ogolaysiisid in aan magaca JAWXO kaga
qaybgaalo shirka guud ee magaalada addis-abeba oo lagaga arinsanaayo
mustaqbalka qawmiyaadka ethioopia weyn".
Dadka markaasi wax garad ka ah ee aan
lahadli karo ee goboladaasi waxaa ay ubadnaayeen aqoonyahanadii iyo
masuuliyiintii kasoo hawlgalay soomaaliya oo haatan uu jaahwareer ku habsaday
kadib markii ay laba arimood isugu darsameen.
1-waxaa afka ciidda darsaday maamulkii
maxamed siyaad baarre(alle hawnaxariisto). halkaasoo uu dagaal kuqabsaday
ayna noqdeen nafi orodbay kugu aamintaa iyo xageen markii hore ka
soojeeday.qaxna ku yimaadeen.
2-bilo kadib waxaa isnna ciidda la
cantuugsiiyay taliskii ka amarkutaaglaynaaya ADIS-ABEBA ee mangistu haylu
mariam.taasi waxaa ay raggaasi ku keentay su,aal ay is waydiiyeen oo
odhanaysa "xagee waa ku bariisan doona maxaase xigaya xaalkan? waxaa ay
garan waayeen meel ay wax ka bilaabaan,labadii dhinac ee meesha iskugu
yimidba labadaas dhinac waa "(HANBO MINGISTE IYO HADHAAGII AFWEYNE).
Hadaba taasi waxaa ay ii fududaysay in aan
si sahlan u ogolaysiiyo in ay shirka yimaadaan oo waxba kamay qabin in ay
helaan koox siyaasad ahaan matasha maadaamo xaal ku noqday "XAGGAN GABI
XAGGAN GABI GUNTU WALAC":
Waxaa aannu iskugu tagnnay meesha lagu
magacaabi (geeri go,an) oo koonfurgalbeed kaga aadan magaalada dhagaxbuur)
waxaa ay ahayd meel buuralay ah oo runtii magaceeda u eg, waxaa
naga muuqatay cabsi yar, dhowr cisho ayaan ku shiraynay waxaanan kawada
hadlaynay magicii aan addis-abeba latagi lahayn, wuxuuna noqday magaca kaliya
ee haatan na horyaalaa maadaamo aanann waqti nagu filan haysanin, RAIISAL
WASAARAHA ETHIOPIA Mr MALASE ZENAAWINA carabka ku dhiftay in ONLF(JAWXO)
muddo todoba cisho gudaheeda shirka kuyimaadaan, maadaama uu dhulkaas soomaalidu dagto uu ka mid yahay afarta gobol ee lagu marti qaaday
ka hadalka mustaqbalka ethiopia.
Waxaan soo jeediyay in aan shirka ku tagnno
magacii soomaalida galbeed oo ay ethiopia iyo ameerikaanka oo arinka watayba
ogolaanayaan, hayeeshee waa la iga batay oo waxaanu ku tagnay addis-abeba
magaca ONLF(JAWXO). maalin kaliya markii uu socday shirkii guud ee ethiopia
ayaa maamulkii ONLF aad u kala hadlay isagoo aan is ogaynba, nin mar
gudoomiye u ahaa ururkii dhalinyarada gobanimadoonka soomaalida galbeed oo
magaciisa layiraa Maxamed Siraad DOOLAAL oo haatan ku nool dalka ingiriiska
ayaa waraysi uu ka bixiyay idaacadda BBC waxaa uu ku sheegay in aysan
jabhada ONLF ka qaybgalaynin wadahadal kasta oo ethiopia loogu dhanyahay.
Waxaa ay taasi ka caraysiisay wadamada
maraykanka iyo suudaan oo waday waan waan aad u caqli gal ah cadna aanu ku
goosan karaynnay.
Dawlada suudaan ergedii dhexdhex xaadinta u
qaybsanayd ayaa xamar diyaarad gaara u qaatay oo kasoo kaxaystay
hogaamiyayaashii jabhadii la oranjiray (JABHADDA GOBANIMA DOONKA SOOMAALIDA
GALBEED) oo uu ka mid ahaa gudoomiyihii jabhadda mudane sheekh Cabddi Naasir
iyo wasiirkii gaashaan dhiga ee jabhada Allah hawnaxariistee mudane
MAJEERTEEN. halkaas ayayna ONLF kuwayday karaamadii iyo in ay caalamka u
soobandhigato qadiyadeeda ooba hadal laga dhagaysto.
Muddo kadib waxaa soo caan baxay in
maamulkii sare ee onlf laftiisu kala daadatay ee ay raggii dalka suuriya kaga
dhawaaqay laftoodii arkeen in aysan magacani soconaynin shacbiga dhulkaas
balaaran degena marnna ogolaanaynin oo ay haatan iska joogaan dalka ethiopia
iyo dunida daafaheeda, waxaan ragaas ka xusi karaa halgamaagii aadka magaca
ogaadeeniya ugu ololaynjiray mudane MUSTAFE SHEEKH iyo hogaamiyihii ururka
halgame SIYAAD BADRI oo ay wada joogaan gabadhii uu dhalay MAKHTAL DAAHIR waa
foosiyee, ahaydnna lafteedu gabdh u jajaban halganka. waxaa isnna daaqada ka
baxay ninkii qabribayax iigu yimid waa gudoomiye ku xigeenkii JAWXO halgame
INA_INDHOBIRAALE, wasiirkii arimaha dibada MAXAMED SHEEKH IBRAAHIN ayaa isnna
faryaro bidix kabaxay.
Ragaasi way wada jeclaayeen in magacaasi
meel maro balse RUN ayaa RUN usheegtay oo waxaa ka tanbatay rabitaankii
shacbiga. gudoomiyihii ururkii dhalinyarada soomaaligalbeed ee woqooyiga
Soomaaliya mudane MAXAMUUD DIRIR ayaan madashaba ka soo xaadirin, wuxuuna
haatan yahay wasiir sare oo dalka ethiopia. Safiirkii IIRAAN ethiopia u fadhiyay oo ku
galay magaca ONLF(JAWXO)mudane MAXAMED XASAN KAAHIN ayaa u baxsaday dalka
maraykanka.
Akhriste xaal halkaasuu marayaa ee waa is
waydiine halgankii laysku ogaa in maqanaha lagu soo xereeyo wali waa baadi
maqan, ee hashii rimanayd ee waliba mar foolatay (MA OGAADEENIYADII BAY LA
DHALIWAYDAY).
WAA SU,AAL DAWEYNOO
MADAX DAALINAYSEE
ADOO DEGEN U FIIRSOO
UJEEDADA I DEEQSII:
xagar91@hotmail.com
Feb 12, 2003
___________________________
XAGAR
YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio
kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka
Jarmalka.
SomaliTalk Germany
<><><>
URUR
ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!!
MAANTA
ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in
uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI...
15/1
ELDORET
SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD
KU BARIDEEN?
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka .... GUJI...
XAFLAD
JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay
yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan
idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI..
6/1/3
DAYUURADA
ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad,
hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii
duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI..
5/1/3
SSDF
& SNM...... GUJI:
ELDORET:
Taxanaha Wararka
Afeef: Aragtidan waxaa leh qoraaga ku
saxiixancom
|