SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
ETHIOPIA OO CELINAYSA QAXOOTI SOOMAAALIYEED:


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

2/8/03

 
KAAH

War uu dhowaan soo saaray xafiiska nabadgalyada iyo socdaalka ee bariga ethiopia ayaa sheegay in todobaadkan dhamaadkiisa 3000 qaxooti soomaaliyeeda dibloogu celin doono soomaaliya.

Sida uu madaxa xafiiskaasi Tsegaye u sheegay saxaafadda ayaa waxaa ay dawlada ethiopia qorshaysatay in qaxootiyada ku sugan xerada HARTA SHEEKHA ee gobolka QABRI BAYAX dibloogu daadgurayndoono sadexda maalmood ee inagu soo aaddan Gobolada Woqooyiga soomaaliya.

Waxaa kaloo uu warku intaas raacinayaa in diiwaan galintooda lagu guda jiro illaa 6000 oo kale oo lagu talajiro in dhamaadka bisha AUGOSTO dib iyagana loo celiyo.

illaa 25,000 qof ayaa kutalagalku yahay in iyagana lagu gabagabeeyo celintooda illaa dhamaadka sanadkan.

Waxaa lagu qiyaasay haatan in ay ku suganyihiin 37,000 qaxootiya xerooyinka DEGMADA QABRI-BAYAX, HARTA SHEEKHA, IYO CAAYISHA ee ismaamulka dhulka soomaalida ethiopia.

Dhinaca kale war lagu faafiyay saxaafada Dawlad goboleedka somaliland ee woqooyiga soomaaliya ayaa tibaaxaya in ay golaha wakiilada soomaaliland ugu yeedheen in ay hortimaaddo wasiirka arimaha dibadda marwo Ednna Aadan Ismaaciil si ay faahfaahin uga bixiso Heshiis uu maamulka somaliland kulagalay dawladda Ingiriiska dhowaan, kaasoo dhigaya in Britain uu dib u soo celiyo qaxootiga ku dhashay gobolada woqooyiga soomaaliya ee aan sharciga degenaanshaha ka helin dalka ingiriiska iyo waliba kuwa denbiyada ka gala dalka Britain.

XIRIIRKII U DHEXAYN JIREY SSDF & SNM CAYNKEE BUU AHAA?.... GUJI:  

Waxaa ay marwo Edna Aadan Ismaaciil sabab uga dhigtay in ay heshiiskaasi sexeexdo iyadoo ka hortaygaysa Denbiyada ay galeen Soomaalida kale "waxaa ay dadkaasi inta dunuub ka galaan wadamada shisheeyaha ah ay dabadeed sheegtaan soomaaliland taasoo fashilmaysa ceebtiina soomaaliland ka wareegaysa marka la yiraa waxaa laydunku celin somaliland" ayay tiri marwadu.

Waxaa kaloo ay ku macnaysay wasiiraddu sababta ay u ogolaatay in ay heshiiskaas dib u soocelinta ah sexeexdo "waxaannu ku jiraa xod-xodasho aannu ka shukaansanaynno caalamka in ay na aqoonsadaan,sidaas daraadeed ay marka hore somaliland waajib ku tahay in ay fuliso tixgalisana xeerarka dawladaha danuhu naga dhexeeyaan.

Qore: Xagar Yare 

xagar91@hotmail.com  
___________________________

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk Germany | August 2, 2003

 QORAALADII HORE EE XAGAR YARE.... Guji

<><><>

HORUMARKA AAGA SOOMALIDA AYAA XAWLI KUBILAWDAY 2003
Geyiga arimihiisa hoose u xorta ah ee ismaamulka soomaalida ETHIOPIA ayaa sanadkan 2003 ugu bilowday sansaan fiican oo.... 
FAALADII XAGARYARE 2/3

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

SSDF & SNM XIRIIRKOODII...... GUJI:  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD