Warbixin ay toddobaadkan soo saartay Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday
halistaas ay sunta lagu aasay xeebaha iyo badda Soomaaliya. Halistaas aadka
oo Soomaalida dugsaneysey ilaa markii uu dagaalka ahliga ahi ka bilowday
dalka.
Klaus Toepfer (bidix) oo ah agaasime sare oo ka
tirsan UNEP iyo Rachmad Witoelar (midig) oo ah wasiirka
Indonesia u qaabilsan deegaanka oo ka hadlayey xarunta UNEP ee
Nairobi, February 22, 2005. Warbixinta Qaramada midoobey waxa ay
sheegtay in badgariirkii uu sababay suntii ku duugnay badaha
Soomaaliya oo dabooladii ka qaadameen ama haamihii ay ku jireen
baddu soo tuurtay kuwaas oo halis gelisay caafimaadka Soomaalida
Sawirka: REUTERS |
Warbixinta Qaramada midoobey waxa ay sheegtay in aafadii badgariirka ee
soo gaartey xeebaha Soomaaliya in ay firdhisay sunta Nukliyeerka iyo
waxyaahaba halista ah ee ku duugnaa xeebaha Soomaaliya. Arintaas oo dhalisay
khatar caafimaad oo aad u baaxad weyn oo soo food saaray mujtamaca
Soomaaliyeed.
Nick Nuttall oo ah Afhayeen u hadlayey hay'adda Qaramada midoobey u
qaabilsaan deegaanka ee loo yaqaan UNEP ayaa VOA u sheegay in 15-kii sano ee
la soo dhaafay ay shirkado reer Yurub ah iyo kuwo kaleba ay Soomaaliya u
isticmaali jireen goobta lagu duugo qaybo aad u kala duwan oo ah sunta nooca
loo yaqaan nukliyeer "nuclear" iyo qashinka loo yaqaan "hazardous
wastes".
Afhayeenka UNEP waxa uu yiri "Waxaa halkaas kujira sunta shucaaca ah
ee uranium, sunta maduulk aah ee leads, sunta biraha ay kamid
yihiin cadmium & mercury, qashinka wershedaha, qashinka cisbitaalada,
qashinka kimikada, iyo sun kasta oo la magcaabo".. Waxana uu intaas ku daray
"Khabiir qamara sanaaciga yaqaan ma ahan in aad tahay si aad u fahamtid
sababta ay sidaas u samaaynayaan, waa in ay tahay deganaansha la'aanta
halkaas ka jirta awgeed"
Afhayeenka UNEP waxa uu yiri shirkadaaha reer Yurub wax halkii Tan oo soo
sun ah oo lagu duugayo Soomaaliya ku bixiyaan khaarash ah $2.50, halka ay ku
bixi lahayd $250 tankiiba haddii lagu aasi lahaa Yurub.
Waxana uu afhayeenka UNEP intaas ku daray in badgariirkii ka soo bilowday
Aasiya uu burburiyey ama kala furfuray haamiha, fuustooyinka iyo waxyaabaha
kale ee suntaasi kujirtey, kaddibna waxaa hirarkii baddu aay sunta u
xambaareen ilaa 10 kiloomiter oo gudaha dalka ah (ama berriga ah). Waxana uu
sheegay in aysan macquul ahayn in la ogaado inta tan ama tirada waxyaabaha
ay suntaasi kujirto ee yaala xeebaha Soomaaliya, laakiin waxa uu sheegay in
arintu ay 'halis weyn tahay".
Raadka ay suntaasi ku yeelatay mujtamaca deggan xeebaah Soomaaliya waa
arin masuubo ah ayuu yiri afhayeenka hay'adda Qaraamada midoobey u qaabilsan
Degaanka. Waxana uu sheegay dhibaatooyinka ay dadkaasi la kulmeen in ay
kamid yihiin "cuduro halis ah oo qalajinaya sambabaada, qufac aad u xoogan,
afka oo dhiig ka soo baxayo, dhiig ku furmaaya gudaha caloosha, maqaarka oo
diidaya kimiko aan la aqoon" ayuu yiri, asagoo ku daray "Waxaa jira cuduro
badan oo laga soo sheegayo tuulooyin kuwaas oo ah inta aan fursada u helay
in aan eego. Laakiin waa in baaritaan dheer arinta lagu sameeyo si loo
ogaado baaxada dhibaatadan".
Aafadii badgariirku waxa ay bisihii december ee sannadkii tegey ka
dhacday meelo badan oo kulaalaya badweynta Hindiya oo ay Soomaaliya kamid
tahay. Mowjadahaas soo gaarey Soomaaliya ayaa lagu soo waraamay in ay badda
ka soo saareen ama dabooladii ka jejebiyeen waxyaabihii lagu soo
qaaday sunta lagu duugey xeebha Soomaaliya.
Soomaaliya oo aan dawlad lahayn ilaa 1991 waxaa ilaa waqtigaas lagu soo
waraamayey in sun lagu duugayey xeebta dheer ee dalka, Qoraalada arintaas
horay looga qoray waxa mid kamid ah
cilmi baarisyadii uu ka sameeyey Bashir Sh. Mohamed (PhD) .... Guji.....
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2005