SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: July 13, 2004



Kumuu ahaa Kabtankii ugu horreeyey ee xulkiisa u horseeda Koobkii adduun ee ugu horreeyey sanadkii 1930-kii?

Qaybtii 14-aad:

Iyadoo ay si taxano ah noogu socdeen qormadii ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad (Best players of 20th century) ayaa maanta waxaan ku soo qaadanaynaa ciyaaryayan taariikh weyn ku dhex leh guud ahaan Qaaradda Latin America iyo xulka Qaranka waddanka Paraguay.

Magiciisu waa Jose Nasazzi waxa uu dhashay 24-kii May 1901-dii, isagoo u dhashay waddanka Uruguay, waxa uuna ahaa Kabtankii ugu horreeyey ee xulkiisa Qaranka waddanka Uruguay u horseeday KoobkiI Adduunka ee sanadkii 1930-kii lagu qabtay isla waddankooda, kaddib markii ciyaartii Final-kii ahayd ay 4-2 uga xanyuubsadeen xulka Argentina oo ay ka soo wada jeedaan Qaaradda Latin America. Jose Nasazzi  keliya Kabtan uma ahayn xulka Qaranka waddanka Uruguay ee Koobkii Adduun ee 1930-kii, hase ahaatee waxa uu sidoo kale Kabtan u ahaa ciyaarihii Olombikada ee xulkiisa Uruguay ay ku guuleysteen sanadihii 1924-kii iyo 1928-kii.  Nasazzi waxa uu sidoo kale u soo ciyaaray kooxo ay ka mid ahaayeen Lito, Roland, Moor, Nacional iyo Bella Vista oo ka wada dhisan waddankiisa Uruguay.

Nasazzi waxa uu ka ciyaari jirey daafaca dambe ee bidix, isagoo sidoo kalena xulkiisa Uruguay u qaaday Koobka South America, waxaana ciyaarta Kubadda Cagta uu bilaabay isaga oo 15-jir ah, waxaana xulkiisa Uruguay uu u saftay 64-kulan oo heer caalami ah, iyadoo Nasazzi lagu naaneysi jirey “The Machine”, taasoo loogu bixiyey fir-fircoonidiisii dheeraadka ahayd ee isku xirka guud ahaan xulka Qaranka waddankiisa Uruguay.

Markii Nasazzi uu ciyaaraha ka fariistay waxa uu isu rogay macallin tababar siiya xulkiisii Uruguay, isagoo qaab ciyaareed wanaagsanna u horseeday xulkiisa, kaasoo ay ku hanteen South American Championship 1945-kii, waxaana markaasi uu sumcad aad u ballaaran ku dhex yeeshay guud haanba waddanka Uruguay, iyadoo isla xilligaana la guddoonsiiyey bilado aad u sarreeya. Xulka Urugay oo taariikh weyn ku dhex leh guud ahaan kubadda Cagta iyo Qaaradda Latin America waxa uu ahaa xulkii ugu horeeyey ee hanta Koob Adduun, sidoo kalena waxa uu Koobkiisii labaad ee Adduun ku guuleystay sanadkii 1950-kii, kaasoo lagu qabtay waddanka Brazil, waxaana 2-1 ay uga guuleysteen isla xulkii Qaranka Brazil.

waayihii Isboorti ee xdiggii Reer Cameroon ee ku caanbaxay ku niikinta halka laga soo laado Koornada marka uu gool dhaliyo, muxuuse ku soo kordhiyey Qaaradda Afrika?

W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue).
E-mail: farahblue_545@hotmail.com 

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com |

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD