SomaliTalk HTML CD
Home | Free Webs | Your Email | TellFriend | Search | Feedback | | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
HABNOLOLEEDKII SAXAABADA RASUULKA (scw)
CASHARADA SAXAABADA
. Cabdullaahi Binu Xudaafa
. Abdul-Caas Binu Rabiica
. Ummu Salama
. Cabdullaahi Binu Cabbaas
. Cumeyr Binu Wahab
. Cabdiraxmaan Binu Cawf
. Dhufayl Binu Camr
. Xudeyfa binu Al-yamaan
. C/llahi Ibnu Ummi Maktum
. Saciid Binu Caamir
. Caddiyyu Ibnu Xaatim
. Majsa'at Ibnu Thawr
. Salmaan Al Faarisi
. Asmaa Bintu Abii-Bakar
. Cabdullahi Binu-Mascuud
. Abuu Ayuub Al-Ansaari
. Abuu Hureyra Al-Dowsi
. Dhalxata Binu Cubeydillahi
. Cabdullaahi Binu Jaxsh
. Al-Baraa Binu Maalik
. Thumaama Binu Uthaal
. Abuu Cubeyda Al.Jarraax

ABUU DAR AL-QHIFAARI

”SAXAABIGII SOO ISLAAMIYAY TOLKIISOO IDIL”

Inta aadan akhrin casharkan, tijaabi aqoonta aad u leedahay saxaabigan GUJI.HALKAN 


[CUDUDAAR: Bahda SomaliTalk waxay u cududaarayaan walaalkeen qoraaga casharada Saxaabada, Ibraahim Saalax, oo safar ku maqnaa awgeed casharadii ay baaqdeen toddobaadadii lasoo dhaafay. Hadda kaddib sidii caadadu ahayd ayey casharadu kusocondoonaan, waa labadii toddobaadba mar, insha Allah.

MAHADNAQ: Bahda SomaliTalk waxay mahad ballaaran u jeedinayaan dhammaan akhristayaasha sida joogtada ah ugu xiran casharadan, akhristayaashaas oo had iyo jeer qorayaasha ku dhiirigeliya inay siiwaan casharada siirada Rasuulka (scw), Habnololeedkii saxaabada  rasuulka, Ahmiyada salaada  iyo qaybaha kale ee diinta Islaamka . Mahadsaidin dhammaan.] Waana kan casharkii saxaabada ee maanta. 


Togga lagu magacaabo ”WADDAAN” ayeey degganaayeen qabiilka reer Qhifaar. Xoogaaga ay u soo tuuraan socotada qureysh ee u kala goosha magaalooyinka Shaam iyo Xijaaz ayeey ku noolaayeen. Mararka qaarkood waxaa dhacda inay si awood leh ay cuntada uga qaataan, waa haddii aynan siinin markaas waxay doonayeen.

Haddaba, Saxaabiga la yiraahdo Jundub Binu Junaada, kunyadiisuna tahay Abuu Dar ayaa wuxuu ka dhashay qabiilkaas aan soo sheegnay ee Qhifaar. Hase ahaatee, wuxuu qabiilkiisa kaga duwanaa isagoo ku caanbaxay caqli hufnaan, garaad sarreeya iyo isagoo lagu yaqiinay inuu lahaa aragti aad u xeel dheer. Kuma uusan uu niyad fiyoobeen sanamyada ay caabudayeen tolkiisa. Wuxuu si daran uga soo horjeeday waxay carabtu ku sugnaayeen oo ah cibaado qaldan, iyo caqiido aan waxna ka jirin.

Wuxuu u hanqal-taagayay inuu soo baxo Nebi cusub oo buuxiya dadka laabtooda, isla markaasna ka saara dadka mugdiyada iyo baadida ay ku sugan yihiin, una saara iftiinka iyo nuurka xaqa ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalintii danbe Abuu Dar soo gaaray –isagoo ku sugan miyiga- wararka sheegaya Nebiga cusub ee ka soo bixi doona magaallada Makka. Abuu Dar oo doonaya inuu ka sal gaaro warkaas ayaa wuxuu ku yiri walaalkiis Aniis hadalladan “Aniisow waxaad u kicitintaa Makka, oo waxaad is-dul-is-taagtaa wararka sheegaya ninka lagu sheegay inuu yahay Nebi, oo xagga samadana looga waxyoonayo. Hadalladiisa bal noo soo dhageyso, dabadeedna iila imoow wuxuu sheegayo”.

Aniis oo ay walaalo ahaayeen Abuu Dar ayaa durbadiiba u kicitimay Makka. Nasiib wanaag, markii uu yimid Makka wuxuu la kulmay Rasuulka (scw), wuuna dhageystay hadalladiisa, kadibna wuxuu ku soo laabtay miyigii uu ku sugnaa Abuu Dar. Abuu Dar ayaa si xiiso leh uga dhageystay walaalkiis Aniis wararkii ku saabsanaa Nebiga (scw).

Aniis wuxuu ku yiri Abuu Dar “walaahi waxaan soo arkay nin dadka ugu yeeraya akhlaaqda suubban, isla markaasna ku hadlaya hadallo aan ahayn sixir”. Abuu Dar ayaa weydiiyay Aniis “dadku maxay lahaayeen?”. Aniis ayaa ugu jawaabay “waxay lahaayeen waa sixiroole, faalalow iyo gabyaa”.

Markii uu Abuu Dar maqlay hadalladaas waxaa sii korodhay xiisihiisii uu u qabay inuu soo arko Nebiga cusub, sidaa darteed wuxuu ka codsaday walaalkiis Aniis inuu u kafaalo qaado caruurtiisa intuu maqan yahay, sidiina ayuu ugu diyaar garoobay safarka Makka, kadib markii uu aqbalay Aniis dalabkii Abuu Dar, isagoo u dardaarmay-na inuu ka digtoonaado dhibaatooyinka kaga imaan kara reer Makka.

Sahankii uu ugu jiray diinta xaqa ah

Abuu Dar wuxuu u sahay qaatay safarkii Makka, isagoo horey u sii qaatay sibraartiisii biyaha ugu jiray, wuxuuna cagta saaray waddadii Makka, si uu uga gun-gaaro yoolkiisii ahaa inuu soo arko Nebiga iyo dhammaan wararka isaga ku saabsan.

Ugu danbeyntii, wuxuu Abuu Dar yimid magaallada Makka isagoo aad uga cabsanaya inay dhibaatooyin ka soo gaarto reer Makka. Wuxuu Abuu Dar horey u ogaa carada iyo ciqaabta daran ee gaallada reer Makka ay marinayaan qof kasta oo raaca ama ay naftiisa ugu sheekayso inuu raaco diinta Nebi Muxammad. Sidaa darteed, wuxuu Abuu Dar dhibsaday inuu dadka weydiiyo Muxammad. Maxaa yeelay, ma uusan garanayn qofka uu weydiinayo markaas inuu noqon karo taageerayaasha Muxammad iyo inuu noqon karo cadowgiisa.

Cali oo marti geliyay Abuu Dar

Markii la gaaray habeenkii, wuxuu Abuu Dar u diyaar garoobay inuu seexdo masjidka. Iyadoo uu Abuu Dar ku sugan yahay masjidka ayaa waxaa soo ag maray Cali Bin Abii Daalib Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna gartay inuu yahay qariib ama marti. Cali ayaa ku yiri Abuu Dar “ ninyahoow kaalay oo i soo raac”, sidiina ayuu Abuu Dar ugu raacay Cali gurigiisa. Markii la gaaray subixii, wuxuu Abuu Dar soo qaatay sibraarkii iyo oleygii ama qandigii uu horey u watay, wuxuuna ku soo laabtay masjidka, iyagoo aan is wareysan.

Maalintii labaad wuxuu Abuu Dar ku dhammeystay isagoo aanan weli arag Nebiga cusub ee uu ku rajo weynaa inuu arko. Markii la gaaray habeenkii kale wuxuu Abuu Dar u jiif-tagay masjidka. Hase yeeshee sidii hore oo kale ayaa waxaa soo ag maray -markale- Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yiri "soow lama gaarin waqtigii uu ninkan aqoonsan lahaa gurigiisa", dabadeedna wuxuu u waday gurigiisa, sidiina ayuuna ula seexday habeenkii labaad, iyadoo misna sidii oo kale ayna weli is wareysan.

Waxaa dhammaatay muddadii martida. Markii la soo gaaray habeenkii saddexaad, Abuu Dar-na uu gudbay muddadii martida ayaa Cali si degganaansho leh u weydiiyay, isagoo ku leh "kawaran haddaad ii sheegtid sababta aad u timid Makka?". Abuu Dar wuxuu Cali ku yiri "haddaad ballan adag iga qaaddid inaad i tusinaysid waxaan doonayo waan kuu sheegayaa".

Cali wuxuu Abuu Dar ka ballan qaaday inuu fulin doono ballantii uu la galay isaga. Abuu Dar wuxuu yiri "waxaanMakka uga imid meel aad u fog, dantayduna waa sidii aan ula kulmi lahaa Nebiga cusub iyo inaan dhageysto hadalladiisa". Farxad awgeed waxaa fur-furantay wejigii Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yiri Abuu Dar "wallaahi ninkaad sheegtay waa Rasuulkii Alle ee xaqa ahaa", wuxuuna intaa u raaciyay "markii la gaaro subixii anniga ayaad i soo raacaysaa, haddaan arko wax aan kaaga cabsanayo waxaan u istaagayaa sida annigoo la moodo inaan daadinayo biyo oo kale, haddaan sii wato socodkana i soo raac jeer aad ka gashid meesha aan galo".

Abuu Dar labo indhood isuma keenin habeenkaas, hilowga daran uu u qabo la kulanka Nebiga cusub awgeed. Subixii markii la gaaray, waxay Cali iyo Abuu Dar yimaadeen gurigii Nebiga (scw). Markii uu yimid Abuu Dar wuxuu ku salaamay Rasuulka (scw) salaantii ay carabta isku salaami jireen ee ahayd "cimta sabaaxan" ama "subax wanaagsan", hase ahaatee Rasuulka (scw) ayaa u sharxay inay muslimiinta isku salaamaan salaan ka duwan taas. Riwaayad kale ayaa sheegaysa inuu Abuu Dar ku salaamay Rasuulka (scw) salaanta islaamka, sidaa darteed ayaa loo yiraahdaa wuxuu Abuu Dar ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku salaama Rasuulka (scw) salaanta islaamka, dabadeedna sidaas ayeey ugu dhex shaacday muslimiinta.

Rasuulka (scw) wuxuu u soo jaleecay, soona qaabilay xaggii Abuu Dar, isagoo ugu yeeraya inuu soo islaamo, wuxuu ku dul aqriyay qur'aanka. Wax yar kamaba soo wareegan jeer durbadiiba uu Abuu Dar ku dhawaaqo towxiidka,

Rasuulka (scw) wuxuu u soo jaleecay, soona qaabilay xaggii Abuu Dar, isagoo ugu yeeraya inuu soo islaamo, wuxuu ku dul aqriyay qur'aanka. Wax yar kamaba soo wareegan jeer durbadiiba uu Abuu Dar ku dhawaaqo towxiidka, wuxuuna ku soo biiray diintii cusbeyd isagoo weli ku sugan fadhigii iyo goobtii uu joogay Nebiga (scw). Abuu Dar wuxuu galay lambarkii afaraad ama shanaad ee soo islaama. Sheekooyinka Abuu Dar ee haray-na bal isaga laf-ahaantiisa ha inoo sii daadiyo.

Abuu Dar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri: Wixii intaa ka danbeeyay waxaan magaallada Makka la joogay Rasuulka (scw). Wuxuu i baray guud ahaan aqoonta la xiriira diinta islaamka, wuxuu igu aqriyay qaar ka mid ah qur'aanka, kadibna wuxuu igu yiri "inaad soo islaamtay qof deggan Makka ha u sheegin, waxaan ka cabsanayaa inay ku dilaan". Waxaan ku iri, waxaan ku dhaaranayaa Allaha ay naftayda gacantiisa ku jirto inaanan joogi doonin Makka jeer aan ka tago masjidka Xaramka, si kor lehna aan ugu dhawaaqo dacwada xaqa ah iyadoo ay arkayaan gaallada qureysh. Rasuulka (scw) jawaab kama bixin, oo wuu aamusay.

Waxaan imid masjidka, iyadoo qureysh-na ay fadhido oo ay sheekaysanayaan. Dhexdooda intaan galay, ayaan codkayga kor ugu qaaday annigoo leh "jamaacada qureeshay, waxaan si dhab ah u qirayaa inuusan jirin Ilaah aan ka ahayn Allaha xaqa ah, waxaan kaloo si dhab ah u qirayaa inuu Muxammad yahay Adeegihii iyo Rasuulkii Alle". Hadalladaas markay si fiican u gaareen dhegihii qureesh hal mar ayeey si daran u fajacee, iyagoo aad u careysan ayaa waxay ka kaceen fadhiyadoodii, waxayna yiraahdeen "ha la qabto kan diintiisa ka gaaloobay". Xaggeyga ayeey soo aadeen, waxayna billaabeen inay i garaacayaan oo i dilayaan, jeer uu iga soo gaaro Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo Nebiga (scw) adeerkiis ahaa. Cabbaas ayaa isku kay daboolay, si uu ii badbaadiyo, dabadeedna wuxuu ku yiri "war ma waxaad dilaysaan nin reer qhifaar ah, iyadoo safaradiina ay maraan waddada ayn deggaan reer qhifaar, sidiina ayeey faraha iiga qaadeen.

Markaan soo miyirsaday, ayaa waxaan u imid Rasuulka (scw). Markii uu arkay Rasuulka (scw) dhaawaca i soo gaaray ayaa wuxuu yiri "soow kaama reebin inaad islaamkaaga shaacisid". Waxaan iri, Rasuulkii Allow nafta ayaa sidaas doonaysay oo sidaas ayaan u sameeyay". Rasuulka (scw) ayaa igu yiri "waxaad aaddaa tolkaaga, waxaad uga sheekaysaa waxaad aragtay iyo waxaad maqashay, uguna yeer diinta Alle, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inuu Eebbe (sw) adiga kugu anfaco iyaga, markaasna iyaga dartood aad ajar u heshid.., hadday ku soo gaarto inaan (si fiican) u soo baxay ii kaalay anniga".

Abuu Dar wuxuu yiri: waan soo kicitimay, waxaana imid magaalooyinkii ay degganaayeen tolkayga qhifaar. Waxaa ila kulmay walaalkay Aniis, wuxuuna igu yiri "maxaad sameysay". Waxaan ku iri, waan soo islaamay, oo waxaan rumeeyay Eebbe (sw). Maba uusan sii joogin walaalkay Aniis, jeer uu Eebbe (sw) laabtiisa ku waasiciyay diinta islaamka, wuxuuna igu yiri "ma nacayo diintaada, annigana dhinacayga waan islaamay oo sidaadoo kale waan rumeeyay".

Intaa kadib, waxaan u nimid hooyadeen, waxaan u soo bandhignay diinta islaamka, waxayna nagu tiri "ma nacayo diintiina" sidiina ayeey ku islaamtay. Wixii ka danbeeyay maalintaas, waxay qoyskii muslimka ahaa guda galeen inay ku dhex fidinayaan qabiilka qhifaar diinta islaamka, jeer ay markii danbe ka soo islaamkaan qabiilkaas khalqi aad u fara badan, dhexdoodiina laga oogay salaadda.

Inkastoo qabiilka qhifaar ka soo islaameen dad aad u fara badan, haddana qaar kale ayaa goostay inay islaamkooda la sugaan inta uu Rasuulka (scw) ka imaanayo magaallada Madiina. Hase ahaatee, kolkii uu Rasuulka (scw) soo galay magaallada Madiina way soo islaameen dhammaantood. Maalmo kahor qabiilka qhifaar hal nin ayaa muslim ka ahaa, laakiinse waqti yar kadib wuxuu Eebbe (sw) qaddaray inay dhammaan qabiilka qhifaar ay u soo wafdiyaan Rasuulka (scw) iyagoo muslimiin ah.

Rasuulka (scw) ayaa si farxad, naxariis iyo muusood weyn aad u weyn ku dheehan tahay u eegay wejiyadii reer qhifaar, wuxuuna isagoo u duceenaya ku yiri "qhifaar Allaha u denbi dhaafo", wuxuu misna jaleecay qabiilka reer Aslam oo iyagana ku soo islaamay gacantii Abuu Dar, wuxuu sidoo kale iyagana Rasuulka (scw) ku yiri "aslam Allaha nabad geliyo".

Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Abuu Dar negaa miyiga, jeer laga soo gaaro dagaalkii Badr, Uxud iyo Khandaq. Intaa ka dib, wuxuu ku soo laabtay magaallada Madiina, wuxuuna u go’ay la-jirka Rasuulka (scw), isagoo weydiistayna inuu u istaago adeegga iyo khidmada Rasuulka (scw). Rasuulka (scw) si kal iyo laab ah ayuu uga oggolaado codsigii Abuu Dar, wuuna ku liibaanay khidmadiisa iyo adeeggiisa.

Rasuulka (scw) si aad u fiican ayuu u soo dhoweyn jiray Abuu Dar. Ma dhicin inuu Rasuulka (scw) uu la kulmay Abuu Dar, markaasna uusann gacan qaadin oo uusan si farxad leh ugu muusoon.

Markii uu Rasuulka (scw) geeriyooday, Abuu Dar wuu u adkeysan waayay inuu ku sii negaado magaallada Madiina, kadib markii magaalladaas uu ka dhintay sayidkeedii, ayna cidloobeen fadhiyadii cilmiga ee uu bixin jiray Xabiibka Rasuulka (scw). Wuxuu Abuu Dar u guuray miyiga Shaam,

Markii uu Rasuulka (scw) geeriyooday, Abuu Dar wuu u adkeysan waayay inuu ku sii negaado magaallada Madiina, kadib markii magaalladaas uu ka dhintay sayidkeedii, ayna cidloobeen fadhiyadii cilmiga ee uu bixin jiray Xabiibka Rasuulka (scw). Wuxuu Abuu Dar u guuray miyiga Shaam, halkaas ayuu negaa muddadii khilaafada Abuubakar iyo Cumar dhammaantood Allaha ka raalli noqdee.

Markii la soo gaaray khilaafadii Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa uu Abuu Dar yimid magaallada Dimshiq, wuxuuna arkay dadkii oo si xad dhaaf leh ugu mashquulsan adduunyada. Waxay la noqotay yaab iyo amakaag.

Ma ahayn reero adduunyo

Waxaa Abuu Dar loo soo bandhigay dhaldhalaalka adduunka iyo inuu xittaa madax ka noqdo Ciraaq oo wuu diiday, wuxuuna dadka aalaaba uga digi jiray inay ku kadsoomaan fidnada adduunka iyo in laga fogaado madaxtinimo-jaceylka. La yaab malahan inuu sidaas Abuu Dar ku sifaysnaa, maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa wuxuu horey u oggaa runta xeesha dheer iyo aragtida sawaabka badan ee uu xanbaarsanaa Abuu Dar. Sidaa darteed, wuxuu Suubbanaha Rasuulka (scw) kula dardaarmay Abuu Dar inuu badiyo dulqaadka faraha badan iyo samir badan.

Dulqaado intaad igala kulmaysid

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Rasuulka (scw) weydiiyay Abuu Dar su'aal macnihiisu ahaa "Abuu Darow, kawaran haddaad gaartid madaxdii oo naftooda ugu tala galay hantidii qaniimada". Abuu Dar ayaa ku yiri Rasuulka (scw) "haddaba Allaha xaqa kugu soo saaray ayaan ku dhaartaye inaan seeftayda kaga shaqeenayo kuwaas". Rasuulka (scw) ayaa haddaba siiyay Abuu Dar dardaarankan "ma ku tusaa wax ka kheyr badan taas?.., sabar oo dulqaado jeer aad igala kulantid".

Abuu Dar si wacan ayuu u xasuusan jiray dardaarankaas uu siiyay macalinkiisii weynaa ee isaga wax baray, oo seeftiisa weligiis ulama bixin mid ka mid ah madaxda muslimiinta. Hase ahaatee, waxaa hubanti ah in uusan ka aamusin marnaba qaladaadkooda ay samaynayeen. Maxaa yeelay wuxuu ogaa in ay furan tahay waddada wax-sheegga iyo nasteexada. Sidaan horey ugu sheegnay, maadaama aynan jirin qaladaad iyo khilaaf sidaas u sii weyn muddadii khilaafada Abuubakar iyo Cumar, laakiin muddadii khilaafada Cusmaan ayaa wuxuu Abuu Dar oo markaas joogay Shaam uu arkay inay muslimiintii si ba'an u qaabileen dhaldhalaalka adduunyada iyo iyagoo ku mashquulay raaxaysiga adduunyada, taasoo isaga ku qasabtay inuu si daran isu hortaago, dadkana ugu yeero ka foggaanshaha fidnada adduunyada.

ugu bishaareeya kuwa maalka kaydsada kaawado naareed

Goob kasta uu deggo, magaallo kasto uu galo iyo amiir kasta uu la kulmo wuxuu Abuu Dar oran jiray oraahdan uu ku caan baxsanaa "ugu bishaareeya kuwa maalka kaydsada kaawado naareed", isagoo ka soo qaatay hadalkaas aayaddii uu Alle ku lahaa "kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran". (suuradda Al-towbah 34). Marka dadku ay meel dheer ka soo arkaan Abuu Dar waxay kula hortagi jireen oraahdan aan kor ku soo xusnay "kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran".

Dooddii dhexmartay Abuu Dar iyo Mucaawiye

Dhegeyso suuradda Al-towbah 34

Madaxdii xukumaysay Shaam ayaa dhibsaday dhaqdhaqaaqa uu wado Abuu Dar. Mucaawiya Binu Abii Sufyaan oo xilligaas xukumayay Dimishiq iyo Abuu Dar ayaa waxaa dhex martay dood aad u kulul (ka aqri kutubta siirada ee ay qoreen culumada islaamka. Qodobbadii uu Abuu Dar kala doodayay Mucaawiye ayaa ka mid ahaa guryihii uu ku lahaa Shaam iyo guriga uu ku lahaa Makka iyo halka uu ka helay hantidaas. "soow ma tihidiin dadkii joogay markii uu qur'aanka ku soo degayay Rasuulka (scw)" ayuu Abuu Dar weydiiyay su'aashaan xeyn saxaabo ahayd oo meel fadhiyay. Isaga ayaa uga jawaabay su'aashoodii, oo wuxuu yiri "haa, waxaad tihiin dadkii uu qur'aanka soo deggay idinkoo nool, waxaadna kala qayb gasheen Rasuulka (scw) dagaallo badan". Abuu Dar wuu sii waday hadalka, oo wuxuu yiri "war miyeydan aayaddan ku jirin qur'aanka", isagoo aqriyayna aayaddan "kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin waddada Alle ugu bishaareeya cadaab daran, maalinta lagu gubayo hantidaas naarta jahannamo ay ku guban wejiyadooda, dhinacyadooda iyo dhabarkooda, laguna oran kani waa waxaad u kaydsanayseen naftiina ee dhadhamiya waxaad kaydsanayseen ciqaabtiisa". ( suuradda Al-towbah 34).

Mucaawiye ayaa hadalka qaatay, wuxuuna ku yiri "aayaddan waxaa lagu soo dejiyay ahlul-kitaabka -yahuud iyo kiristaan-". Abuu Dar ayaa si sare leh kor ugu qaaday codkiisa, isagoo leh "maya, balse waxay ku soo degtay innaga (muslimiinta) iyo ahlul-kitaabka-ba". Wuu sii watay Abuu Dar hadalkiisa, isagoo nasteexo u soo jeediyay Mucaawiye iyo madaxda la socotoba inay isaga baxaan guryaha ay ku jiraan iyo beeraha ay leeyihiin, iyo inaynan naftooda u kaydsan wax hanti ah wixii maanta ka danbeeya.

Mucaawiye wuxuu u cabsaday xukunkiisa, waxaa cabsi gelisay hadalladii Abuu Dar. Hase ahaatee, dhinaca kale, wuxuu Mucaawiye si fiican u ogaa mudnaanshaha iyo booska uu ka joogo Abuu Dar, sidaa darteed ma uusan u geysan wax dhibaato ah. Laakiin, durbadiiba wuxuu warqad u diray Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo ku leh "ninkii Abuu Dar ahaa wuxuu nagu diray dadkii degganaa Shaam". Waxyar kadib, waxaa Abuu Dar u timid warqad ka socota amiirul-mu'miniinka Cusmaan, isagoo u sheegay inuu ku soo laabto magaallada Madiina.

Al-Rabada ayuu deggay

"waxna kuma falayo adduunyadiina" ayuu Abuu Dar ku yiri Cusmaan markii uu yimid Madiina, kadib markay labadooda dhex martay dood aad u dheereed, ugu danbeyntiina wuxuu deggay tuullada lagu magacaabo Al-Rabada, kadib markii uu sidaas kula taliyay ama faray Cusmaan Binu Caffaan. Al-Rabad-adii cidlada ahayd ayuu iska negaa Abuu Dar waqtigii danbe, isagoo isaga fogaaday dadka, si fiicana u haysta hanuunkii ay ku sugnaayeen Rasuulka (scw) iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), isagoo dunidan dhow-na ka doortay tii baaqiga ahayd.

Allaha ka raalli noqdee Abuu Dar wuxuu ku tilmaaanaa zuhdi aad u weyn. Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa Abuu Dar gurigiisa soo galay nin, markaasuu ninkii isha mariyay gurigii Abuu Dar, mana uusan ku dhex arag gurigii wax alaabo ah oo yaalay. Ninkii wuxuu Abuu Dar ku yiri "Abuu Darow aaway alaabtiinii?!". Abuu Dar ayaa ku yiri "guri kale ayaa halkaa (aakhiro) ku leenahay, gurigaas ayaan alaabteena wanaagsan dhiganaa". Ninkii wuu fahmay ulajeeddada Abuu Dar, wuxuuna ku yiri "laakiin waxaa lagama maarmaan ah inaad guriga dhigatid alaab inta aad deggan tahay". Abuu Dar ayaa ku yiri "laakiin waxaad ogaataa in ninka iska leh guriga uusan marnaba nooga tagaynin guriga".

Dardaarankii Rasuulka (scw) ee Abuu Dar

Maalin ayaa intuu Abuu Dar fariistay yiri hadalladan "saaxiibkaygii aan jeclaa (waa Rasuulka s.c.w) ayaa wuxuu ii dardaarmay 7 waxyaabood, waxayna kala ahaayeen:-

1) wuxuu i faray jaceylka masaakiinta, iyo inaan iyaga ka mid noqdo

2) wuxuu i faray inaan eego qofka iga hooseeya, oo aanan eegin qofka iga sareeya

3) wuxuu i faray inaan qofna wax weydiisan

4) wuxuu i faray inaan xiriiriyo qaraabada

5) wuxuu i faray inaan ku hadlo xaqa, haba qaraaraadee

6) wuxuu i faray inaan Alle dartii uga cabsan mid canaanaya canaantiisa

7) iyo inaan badiyo oraahda: LAA XAWLA WA LAA QUWATA ILLAA BILLAAHI

Waa hubaal inuu Abuu Dar fuliyay dhammaan dardaarankaas wanaagsan ee uu siiyay macalinkii insaaniyadda ee dunidan soo mara. Cali Binu Abii Daalib Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa isagoo ka sheekeenaya Abuu Dar yiri "maanta lama arko qof si Alle dartii aan ugu aaba-yeelin mid canaanaya canaantiisa aan ka ahayn Abuu Dar". Waa hubaal hadalkaas, oo wuxuu si bareero leh ugu nasteexeen jiray madaxda muslimiinta, isagoo aan ka cabsanaynin awoodda ay leeyihiin. Masaakiinta ayuu aad u jeclaan jiray, iyagana ayuu ka mid ahaa. Weligii qofna ma weydiisan maal ama hanti. Amiirka gobolka Shaam ayaa mar u soo diray lacag gaaraysa ilaa 300 diinaar, isagoo ku yiri "lacagtaan danahaaga ugu kaalmayso". Jawaabtii Abuu Dar waxay ahayd inuu lacagtii ku celiyay amiirkii, isagoo intaas daba dhigayna “amiirka shaam ma wuxuu waayay qof anniga iga tabar daran”.

Allaha ka raalli noqdee Abuu Dar Al-Qhifaari wuxuu sannadkii 32-aad ee hijriga ku dhintay tuulladii cidlada ahayd ee Al-Rabada, weliba isagoo kelligiis ah, sidii uu horey ugu yiriba Rasuulka (scw) "Allaha u naxariisto Abuu Dar, wuxuu socon doonaa isagoo kelligiis ah, wuxuu dhiman doonaa kelligiis, waxaana la soo saaro doonaa (qiyaamaha) kelligiis. Waxaana intaas ku dhammaatay sheekadii saxaabigii qiimaha badnaa Abuu Dar Al-Qhifaari Allaha ka raalli noqdee.

 

WQ. Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com

DENMARK

Daabacaad: Agoosto 8, 2002

SU'AALO KUSAABSAN: ABUU DAR AL QHIFAARI


Booqo Bogga 114 ka Quraanka: www.somalitalk.com/quran



Powered by: WWW.SOMALITALK.COM

Copyright © 2002 SomaliTalk.com. All rights reserved.



HTML CD