SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
QORAALADII  - SHIIKH SAAHID
AMA GUUR AMA GUUMEYSOW !!!!

( 1) Sharaxa cinwaanka :

Guur garanaye maxay tahay guumeys ?!!! Guumeys waa shimbir dhinacyo badan oo dadka Mareykanku jecel yihiin una arkaan in uu qurux badan yahay siiba indhihiisa gulgulucsan & fiiradiisuba,waana ammaan haddii gabadha indhaheeda lagu masalo Guumeys.
great horned owl
Shimbirta Guumeys
Sawirka: picturesof.net
 

Dhanka kale dadka Carabta & Soomaaliduba waxay u arkaan inuu yahay Shinbir aad u fool xun, Ruuxii lagu sifeeyana in la caayey, taas oo kaliya ma ahee waxay u sii dheer in ay baaseystaan oo ruuxii uu gurigiisa ku kor degto uu wax xun fisho sida dhimasho IWM.

Halka Soomaalidu ay sidaas ka sii badiso oo Gabdhaha aan la guursan ee weynaada ilaa ay ka baxaan da'dii guurka ayey ku magacaabaan ( GUUMEYS) !!! .

Magacaas oo runtii aad u fool xun marka loo fiiriyo gabdhaha aan la guursan, sida uu igu yiri saaxiibkey markaan u sheegay in aan qoraayo maqaal cinwaankan wata ( AMA GUUR AMA GUUMEYSOW) !!! oo uu igu yiri gabdhaha aan la guursan wey dhibsan doonaan !!

Markaas ayaan ugu jawaabay waa in ay guursadaan si aysan sifadaas xun u qaadanin, waana sababta ay Soomaalidu ugu sifeyn jirtay Gabdhahaas si ay degdeg ugu guursadaan oo aysan u guumeysoobin !!!!

(2) Guurka & Diinta Islaamka:

Allaah asaga ayaa abuuray Bani'aadamka dantoodana og , wuxuuna ugu talagalay in labada nooc ay ka sameysan yihiin ( RAG & DUMAR ) ay isguursadaan si tarankoodu u jiro, wax aan guur aheynna ma uusan u baneynin in ay iskugu tagaan, oo waa ka xaaraantimeeyey Sino & wixii la hal maala , taasina waxay ka mid tahay Allaah Naxariistiisa uu ku maneystay Bani'aadamka markuu Aadam u abuuray Xaawa sida uu ku yiri Quraankiisa:

( Allaah Aaydihiisa waxaa ka mid ah in uu naftiina idiinka abuuray Haween,si aad ugu xasishaan , wuxuuna dhexdiina dhigay Jaceyl & Naxariis, taasina waxay calaamad u tahay Qoom fakaraaya ). Suuratul AL-Ruum [quran]  

Si haddaba qofkasta oo dumar ah ay Nin u hesho Allaah wuxuu baneeyey ( Xaasas badsiga) oo uu Ninka u baneeyey in uu guursado Afar xaas haddii uu u caddaalad fali karo, Masruufkooda & marashadooda & hoygooda iwm. sida uu rabi Quraankiisa ku yiri:

( ... Guursada wixii idiin qalma ee Haween ah labo labo , seddex seddex,afar afar,haddii aad ka baqdaan in aad u caddaalad fali weydaan mid kaliyah iska heysta Ama wixii gacmihiinu hanteen ee addooma ah sidaas Allaah wuxuu u yiri in aadan xad gudbin ).Suuratul AL-Nisa .[quran]

Shiikh Cumar Faaruuq wuxuu yiri: Asagoo Aayaddaas fasiraaya ( Allaah marka uu guurka ka sheekenaayey wuxuu ka bilaabay in aad guursataan labo, seddex, afar. Haddiise aad tahay allow sahal aan xataa labo haween ah aan u caddaalad fali karin Rabi kuma dhibin ee wuxuu ku yiri : ( Hal iska Guurso) !!!

3) Reer Galbeedku sideey ula dhaqmaan Haweenka !!!!

Dadkii ka tagay Allaah xukunkiisa sidey wax u xaliyeen?!!! Reer galbeedku waxay yiraahdeen hal naag wixii ka badan waa xaaraan & dulmi in la guursado,waxayse isku raaceen [ Hal Naag & Sagaal saaxiib ( maid) ] Taasina waa marag ma doonto aad k aarkeysid dhaqanka dadkaas.

4) Baaritaan Cusub ooy soo saareen Reer Galbeedku :

Sidaan horayba u soo sheegnay Kitaabka Quraanku ma ahan mid loogu tala galay Aragtiyooyin Saynis ah ee waa Kitaab loo soo dejiyey in uu dadka ka saaro mugdiyaalka Jahliga una saaro iftiinka ilaahey . Haddii aan si kale u iraahdo waa kitaab lagu hanuuninaayo Bani'aadamka sidey u raaci lahaayeen wadada Toosan ee ilaahay ugana baydhi lahaayeen wadooyinka Qalqaloocan ee Sheydaanka!!!!

Wuxuu Allaah Quraankiisa ku yiri STC : ( Kaasi waa wadadeydii Toosneyd ee Raaca hana raacinina Jidadka kale markaasna ay idinka leexiyaan jidka Eebe)AL-Ancaam 153.

Sidoo kale Nabigu NNKH asagoo sharxaaya Aayaddaas wuxuu Sawiray wado toosan kadibna wuxuu ka leexiyey wadooyin badan oo ka farcama, markaas ayuu yiri: ( Kaasi waa wadaddii toosneyd ee allaah,kuwa ka farcamana ma jiro ilaa waxaa taagan Sheydaan dadka ugu yeeraaya in uu ku lumiya ee tan Allaah oo kaliya raaca markaas ayuu Aaydan akhriyey ayuu yiri C/llaahi ibnu Mascuud oo Xadiiskan soo wariyey !!!.

Horay waxaan uga soo hadalnay Aayadda Quraanka ee Oraneysa( Hooyooyinku Carruurtooda ha Nuujiyeen labo sano waa ruuxii raba in uu Nuujinta taam yeelo), waxaanna soo sheegnay warbixin cusub oo laga soo saaray faa'idooyinka Nuujintu u leedahay Carruurta marka ay yar yihiin , Sidoo kale waxaan qeybtii labaad ku soo qaadanay Ilmaha ku kora xannaanooyinka Carruurta(Day Care) iyo sida aysan u noqonin Carruur ku fiican Ummadda dhexdeeda oo ay u badan yihiin kuwa carruurta dila( Bullying) ama rabshooyinka ka sameeya Dugsiyadda Sidii ka dhacday Columbine School .

Maanta waxaan soo qaadaneynaa isla Aayaddaas Baaritaan cusub oo laga soo saaray, Runtii Quraanku waa Mucjizo siduu rabi noo sheegay, waana Hadal kooban sida uu Nabigu yiri:

( Waxaa la i siiyey Jawaamicu kalim oo nacnaheedu tahay Quraan hadalkiisu waa yar yahay se wax kasta koobaaya ) ama sidaas oo kale ayuu Nabigu yiri.

Baaritaan cusub ay soo saareen Mareykanka & Ingiriiskuba oo lagu soo qoray wargeyska afka dheer ee ka soo baxa Ingiriiska ee la yiraahdo( Medical Journal) & waliba warbixin ay dhawaantan soo saareen ( American Pediatric ) ayaa labaduba waxay isku raaceen in Haweenka aan Carruur dhallin ama aan Carruurtooda Nuujinin ay Khatar u yihiin in ay Qaadaan Cudurka kansarka Naasaha gala( Breast cancer) in ka badan kuwa Carruurtooda Nuujiya.

Warbintaas oo laga qaaday 45 Dawladood oo Adduunka ka mid ah, ayaa waxaa muuqatay in Haweeenka Dunida Seddexaad loo yaqaano ee Carruurta badan Dhalla isla markaasna Nuujiya in uusan ku dhican ( Breast Cancer) , Meesha ay 45% ay Haweenka Reer Galbeedku ama Dawlladaha horay u maray ay Haweenkoodu carruur dhalin ama Nuujin ay qaadaan una dhintaan Cudurkaas Dilaaga ah!!!

Sababtuna waxa weeye Dhalmo la'aanta khilaafsan Fidradda Rabi ay si cad ugu guntadeen ama Nuujin la'aanta ay haddana ku dareen kuwoodii dhalay Sharciyadooda oo ku dhisan dartiis oo aysan haatan meel ay uga baxaan aysan heysan, xataa ay haatan u ololeynayaan in meelaha lagu tamashleeyo ( Parks) & Dukaamada waaweyn ee laga adeegto ( Malls) in lagu soo rogo in ay diyaariyaan meelo ay Haweenka Carruurta Nuujinaya ay Carruurtoooda ku Nuujistaan maadaama la ogaaday Faa'dooyinka aan la soo koobi karin ee Nuujintu u leedahay Carruurta yar yar oon badankeeda ku soo sheegya Maqaaladeenii hore(1) iyo waliba in Naasku daawo u yahay( Infections) badan oo carruurta ku dhaca sida hargabka ,neefta ,qandhada,cabeebka iwm.

Haddaba Akhristoow ma ila fahamtay in Guurka & dhalitaankuba ay yihiin Faa'dooyin badan oo nolosha Bani'aadamka ku xiran, ama Guur ama Guumeys !!!!

Haddii aan u soo daadago Maqaalkan ubucdiisa waxaa ayaduna soo baxaday in Haweenku ay waqti horeba ay bilaabaan in Dhalmadoodu soo gabaabsato, waxaana la ogaaday in laga bilaabo da'da 27 ay Haweenka dhalmadoodu soo daciifto %, ayna gabaabsato da,da Afartanka ,meeshii waagii hore Dhakhaatiirtu u maleyn jireen in da'da 35 ay bilaabato hoos u dhacu , sidoo kale Ragga ayaa ayaguna dhalitaankoodu hoos u dhacaa laga bilaabo da'da 35 .

Buug ayaa asaguna mareykanka dhawaantan ka soo baxay sheegaaya in Haweenka Mareykanka ee shaqeeya ee mustaqbalkoodii ( Career) dhisay oo lagu magacaabo ( Career girls) oo da,doodu u dhaxeyso 40-45 aysan 33% Guursan Carruurna heysan !!! Haweenkaas qaar ka mid ah oo la wareystay aad ayey u qoomameeyeen markii ay ku guulesan waayeen in ay da,daas uur ku yeeshaan.

Waxayna midood tiri :( Khalad ayaan sameeyey markaan Shaqadeydii ka hormariyey in aan Guursado ama ilmo dhalo), maxaayeelay muddo labo biloood ah ayaan dhex wareegaayey dhakhaatiirta Dhalmada & Meelaha laga gato ( Sperms)ka walina uur ma yeelan !!!!

Waxaa kaloo ayadana laga soo aruuriyey Farmiyayaasha labo Daawo oo caan ahaa oo loo isticmaali jiray Hormoonka badiya caadada Haweenka kadib markii la ogaaday in uu keeno Wadna xanuun( Heart attack), Stroke,Cancer iwm taasina waxay gaabisay rajadii Caado dheereynta ama ( estrogen) la isku duri jiray !!!!

5) Guumeys-nimada oo ku soo badaneysa Soomaalida Qurbaha:

Haddaba Akhristoow ma ila aragtay in Qurbaha ay caadadan ku soo badaneyso ( Guumeysnimo) ama aan si kale u iraahdo in Haweenka Soomaaliyeed ee Qurbaha soo galay ay Guumeysnimadu ku soo badaneyso, waxaana ugu wacan Dhaqanka qalafsan ee aan soo galnay ama aan ka dhaxalnay reer galbeedka, waana taas midda aan leeyahay Ama Guurso ama Guumeysow !!!!

Waxaa jira haween fara badan oo soomaali oo leh xirfado shaqo oo fiican oo aan helin Gayaankoodii sababtoo ah waxy yiraahdeen : ( Kuwii wax bartay ee Jaamicaadka ka soo baxayna balwad ayey leeyihiin , Waddaadadiina waa kakan yihiin ee yaa la guursadaa )!!!

Sidoo kale Haweenka noocaas ahi waxay ka wada siman yihiin in aysan geyin nin xaas leh ama carruur leh walow qaarkood aysan carruurta diidin haddii (caruurta) hooyadoodba la furay !!!!

Haddaba aan is weydiinee Akhristoow haddii xalkii Allaah laga tago maxaan xal ka dhiganaa ma tii Reer galbeedka ay noo horseedeen!!!!

Runtii waxaan anigu xal u arkaa in lagu kadsoomin dhaqanka gaalada ee la raaco kii uu Allaah baneeyey inta aan la noqonin sidooda oo ah waxa ay haatan ku qeyliyaan kuwo lagu magacaabo (polyamorists)oo la yiri haatan waxay ku oo badanayaa wadanka mareykanka waxayna leeyihiin kumaankum Joornaal iyo kumaankun (website) Bishiiba iyo labo shirweyne sannadkiiba iyo urur lagu magacaabo (loving more). oo isla guursada waxa ay doonaan sida aan ku cadeynay maqaalkii (Caqligii wanaagsani) (2).

Haddaba waxaan Maqaalkeyga oo ah dood furan oo ruux kastaayi ka qeyb qaadan karo, ku soo gabagabeynayaa ama guur ama guumeysow oo ah labo waxyaabood aan la isku doorsanin cibaado ahaan & Caafimaad ahaan , goorma ayaan Quraanka fahmeynaa ma marka aan dhimano mise marka ay noo sharxaan culumadda reer galbeedku siduu rabi quraankiisa ku yiri:( Quraanka warkiisa waxaad ogaan doontaan waqti kadib) ama :( Quraankani wuxuu idinku hanuuninayaa wax kasta waxa ugu toosan ...) !!!!

Wabilaahi towfiiq

saahid maxamed yusuf

gacamay@hotmail.com 

1) maqaalka hooyooyinku labo sano ha nuujiyeen(1&2) ka akhri somalitalk.com column ka saahid. [GUJI...]

2) maqaalka Caqligii wanaagsani (1) ka akhri isla somalitalk Columm ka Saahid

QORAALADII HORE EE SAAHID

1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MACLUUMAADKA INTERNETKA

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD