SomaliTalk DALSAN
SomaliTalk.com
Online Community
WEATHER LINKS
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
SCIENCE
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
ENGINEERING
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
HEALTH TALK
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | FreeWebs | FreeEmail | TellFriends | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
U DIYAAR GAROWGA RAMADAAN - 1423
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakat | Saxaabada | Siiro | Haj
GOORMA AYAA LALA IMAANAYAA SOONKA NIYAYSASHADIISA?

I  I  D  H  E  H

Soonka waajibka ah sida Ramadaanka, soonka kafaara gudka iyo midka la nadray (la sharday, sida iyadoo la yiraahdo Ilaaheeyoow haddiii aad I caafido maalin ayaan soomayaa, iwm). Soonku waajibka yahay waxaa ku wajib ah qofka soomaya inuu soonka niyaysto, inta u dhexaysa marka qorraxdu dhacdo iyo marka waagu baryayo, inta u dhexaysa labadaa waqti haddii uu soonka niyaysto soonkiisu wuxuu noqonayaa mid sax ah, haddii uu si ula kac ah uga tagana soonkiisu ansixi mayo, sida uu Rasuulkuba SCW u yiri: "Qofkii niyada soonka aan soo go'aansan, oo aan soo sugin waa bariga ka hor, soon uma jiro". Waxaa wariyey Tarmiidi, Abu Da’ud, Wanisaa’I, iyo Daaramiye oo uu ku wariyey kitaabkiisa Isnaadu Saxiix.

Laakiin qofkii niyada habeenkii hilmaama ee subaxdii xasuusta, amaba aan ogayn in bishii soonku dhalatay, ee ka dib markuu wax cunay ama cabay ogaada in ay Ramadaan tahay, waxaa laga rabaa in isla marka uu xasuusto ama ogaado uu niyada la yimaado, soonkiisana halkaa ka siiwato, wax qallo ahna lagama rabo, dhibna ka soo gaari mayo hilmaankaa ama ogaan la'aantaa, sababtoo ah Rasuulka SCW ayaa wuxuu yiri: "Ilaaheey wuxuu ummaddayda ka daayey oo ka dejiyey wixii ay ku gefaan, wixii ay hilmaamaan, iyo wixii lagu qasbaba". Waxaa wariyey Ibnu Maajix, iyo sh. Albaani oo uu ku wariyey kitaabkiisa Irwaa.

Qofkii soonka u suxuurtaana wuxuu la mid yahay qof niyadii la yimid, sababtoo ah qofkaasi wuxuu u suxuurtay inuu Alle ugu dhowaado iyo inuu awood u yeesho soonka, maadaama uu sidaa awgeed u suxuurtayna waxaa laga helay ulajeedkii la rabey, oo ahaa in soonku uu noqdo mid Alle loola jeedo, uuna ka soocmo cunta iska joojinta, iwm.

Niyadu waa shaqo qalbigu qabto oo aan dadku daalacan karin, sidaa awgeedna marka lala imaanayo afka looga dhawaaqi mayo, korna loo qaadi mayo niyaysiga, sida dadka qaarkoodba ay sameeyaan, oo marka salaadda Maqrib la tukado ka dib ayaa meelaha qaarkood waxaa ka dhici jirtay ogaanteey in imaamka lagu yiraahdo noo xir soonka, dabadeedna markaa ayuu u meerin jiray, iyadoo iyaguna ay ka daba meersanayaan, soonka iyo cibaadooyinka kalena wasy ka siman yihiin in aan waxa la niyaysanayo afka looga dhawaaqayn, sidan horay u soo xusnayba. 

Casharkii hore ee Ramadaanka

Walaalkiin,

WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com 

KA HAORTAGGA KHILAAFKA.... GUJI

Nov 3, 2002


TIIRARKA SOONKU UU KU DHISAN YAHAY
Soonku wuxuu leeyahay laba rukni ama laba tiir oo uu ku dhisan yahay, haddii midkood la waayana uu dumayo GUJI

Soonka iyo Taariku Salaadka
Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa.. GUJI  


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
KNOWLEDGE.CENTER
health
Chemicals and Health
kaneeco
Mosquito bytes
poluution
Air pollution
smookin.gif (16385 bytes)
Still smoking

Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.



HTML CD