SOONKA IYO TAARIKU SALAADKA
OGEYSIIS
Ma u socotaa Cumrada sannadkan, ma degantahay Woqooyiga Ameerika
(Canada/USA), La xiriir masjika Khaalid
bin waliid ee Toronto ugu dambayn November 1, 2002 umrah@khalidmosque.com Bismillahir Rahmaanir Rahiim,
Assalamu Alaikum Warahmatullahi Wabarakaatuhu,,
Khalid Bin Al-Walid announces 1st Ramadan Umrah Package to the lands of
al-Haramyne 1423h/2002.
15 Days Package,
From November 23 to December 8, 2002,
Detail Information:
1. Attainment of Visas
2. Last Ten Nights in Makkah
3. 3 Star Hotel in Makkah
4. 5 Minutes walk to the Haram
5. 5/3 Star Hotel in Madinah
6. 3 Nights in Madinah (Eid)
7. All rooms air-conditioned & ensuite showers, toilets, etc...
8. Transportation in private arranged air-conditioned vechicles.
9. Food is excluded from the package.
10. Opportuntiy to sit with the scholars & students of knowledge.
LAST DAY TO REGISTER IS NOVEMBER 1ST, 2002.
PLEASE REGISTER NOW.
16 Bethridge Rd., Toronto, Canada, M9W 1N1, Tel: 416-745-2888,
Fax: 416-745-9360, www.khalidmosque.com, umrah@khalidmosque.com
|
Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah
oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa waxaa laga yaabaa in dadka
qaarkood ay iswaydiiyaan sidee ayuu noqonayaa dadkaa soonkoodu, ma soon
dhamaystiran oo Ilaaheey aqbalayaa mase...? Su'aashaa waxaaan leenahay: Islaamku
waa mid is-haysta oo aan kala goo-go'i karin, sidaa awgeed waxaa ruuxa muslimka
ah ku waajib ah inuu waajibaadka oo dhan ula yimaado sida ay yihiin, si uu u
helo Ilaaheey raalli ahaanshihiisa, uguna guulaysto naxariistiisa. Tiirarka
Islaamka oo shanta ahina waxay la mid yihiin dhisme dhamaystiran, wuxuuna
Rasuulka SCW ku tilmaamay salaadda in ay tahay dhismahaa tiir-dhexaadkiisa ama
laf-dhabartiisa, waxayna cibaadooyinka kale dheertahay ahmiyad wayn oo dheeraad
ah, qofkii iyada ka tagaana wuxuu noqonayaa qof dhismahaa dumiyey. [Akhri
ahmiyadda Salaadda]
Qofkii salaadda ka tageyna haddii uu rumaysan
yahay inaysan salaaddu waajib ku ahayn uusana ahayn qof Islaamka dhowaan soo
galay oo ka jaahil ah iwm, wuxuu noqonayaa mid gaaloobay, oo xerada Islaamka ka
baxay, laakiin haddii uu aaminsan yahay in salaaddu waajib ku tahay laakiin
uusan xaqqeeda ka soo bixin wuxuu noqonayaa mid faasiq ah, oo iimaankiisu daciif
yahay, Islaam-nimadiisuna kala dhiman tahay, haddii uu markaa la yimaado soonka
waxaa ka dhacaya soonkii laga rabey, oo aakhiro loo ciqaabi mayo soon la'aan
awgeed.
Laakiin wax ajar iyo fadli ah oo uu sugayaa ma
jiraan, in Ilaaheey uu isaga naxariisto uun ma ahane. Ilaaheeyna ha ka cabsadeen
dadka soomaya oo aan salaadda tukanaynin, hana xasuusteen ciqaabka wayn oo loo
diyaariyey dadka salaadda ka taga, waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado in
qofku wax kasta oo wanaag ama xumaan ah oo uu la yimaado in mid walba buug gooni
ah loogu qorayo, oo uu ajar ka helayo wixii uu sifiican u guto, wixii uu ku xad
gudbaana dushiisa ay noqonayaan, sida uu Ilaaheeyba u yiri: "Qofkii camal
fala oo sameeya wax la'eg Atamka (amaba ka sii yar) oo khayr ah wuu arkayaa (aakhiro
oo waxba la duudsiin mayo), qofkii sameeya intaa wax la'eg oo xumaan ahna wuu
arkayaa, oo waa la soo hor-dhigayaa".
Udiyaar
Garowga Bisha Ramadaan - Nov 6
Waa qeybtii 2aad ee soonka!
FADLIGA RAMADAANKA
Soonku wuxuu leeyahay fadli wayn, oo
qormadeenan aan lagu soo wada koobi karin, laakiin waxaa qaarkiis
faah-faahinaysa axaadiistan soo socota:
1) Soonka Jannada ayaa lagu galaa: waxaa laga
wariyey saxaabi la yiraahdo Abuu Umaama (a.k.n) in uu Rasuulka SCW ku yiri:
"Waxaad itustaa camal aan Jannada ku galo? markaas ayuu Rasuulku SCW ku
yiri: Soonka qabso, oo ka adkaaw, wax isaga la mid ahi ma jiraane".
2) Soonku waa gaashaan Naarta la iska xijiyo:
wuxuuna Rasuulka SCW yiri "Soonka waa gaashaan uu addoonku iska xijiyo
Naarta". Soonku wuxuu kala dhex galaa addoonka sooman iyo Naarta, sidoo
kale wuxuu ka hor istaagayaa waxyaabaha naftu jeceshahay oo Naarta darbigeeda
ah. Naarta waxaa ood looga dhigay waxyaabaha naftu ay jeceshahay, ayna u sahlan
tahay inay ku dhaqaaqdo, sida waajibaadka oo laga tago iyo xaaraanta oo la iska
dabaasho, ooddaa Naartuna waa mid jilicsan oo ay sahlan tahay in inta laga
tillaabsado loo gudbo Naarta. Jannada laftikeedu way u baahan tahay soonka,
sababtoo ah Jannada waxaa lagu wareejiyey oo darbi iyo xayndaab looga dhigay
waxyaabaha naftu dhibsato oo ku adag, soonkuna wuxuu nafta ka gooyaa waxyaabaha
ay marka hore jeceshahay, oo loo yaqaan "Shahawaatka", laakiin ay dib
uga shallayso. Camalka Jannada lagu gaaraa wuxuu la mid yahay buur la fuulayo,
midka Naarta lagu gaaraana wuxuu la mid yahay iyadoo buurta laga soo degayo oo
kale.
3) Dadka soomani waxay leeyihiin albaab
albaabada Jannada ka mid ah, oo layiraahdo "Ray-yaan", albaabkaa iyaga
oo kaliya ayaa loo sii qabtay (loo xajisay), cid kalena ka gali mayso, sida ku
xusanba xadiis ay Bukhaari iyo Muslim wada wariyeen.
4) Soonka iyo Qur'aanku waxay u shafeeco
qaadaan qofka sooman, oo Ilaaheey ayey kala hadlaan iyadoo soonku leeyahay:
Ilaaheyoow waxaan anigu u diiday raashinkiisii iwm, ee shafeeca qaadka aan u
shafeeco qaadayo iga yeel. Qur'aankuna uu leeyahay: Ilaaheyoow waxaan u diiday
hurdadiisii oo aniga aqrintayda ayuu ku soo jeeday, markaa ayaa Ilaaheey
shafeecadooda aqbalayaa oo Jannadiisa galinayaa. Qofkii wanaag sameeyey oo
Qur'aan ku soo jeeday xaaladdiisu waa middaa quruxda badan oo aan xusnay,
laakiin qofkii ku soo jeeday turub, dubnad, filin iwm, waa inuu ogaado in
waxyaabahaasi aysan Alle SW Janno uga codsan karin, waxay ay qaban karaanna waa
lala wada socdaa.
XUSUUS: La soco casharada danbe insha'allah!
Qaybtii
1aad - guji halkan
WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com
-------Asalamu
aleikum--------
Waxaan Kuu
Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro
Oct 25, 2002
Macluumaadka
Ramadaanka - GUJI
ARIMAHA QOYSKA DHEGEYSO
SH. SHARIIF CABDINUUR [khalidmosque]
FADLIGA BISHA SHACBAAN
Asalamu aleykum Yaa Muslimiin!
In maalmo badan laga soomo bisha
SHACBAAN.
Caa'isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay
soonkii Rasuulka SCW ayey waxay tiri: "Ma aanan arkin Rasuulku SCW bil uu
ka soon badnaa bisha Shacbaan."
Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa nafteyda iyo
tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa'ideysano, oo aan soonka badino
inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan
waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Yacni adigoo soonka
la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso, saas daraadeed aan ka faa'ideysano
fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq. W/C/W/W.-
Osmanbilad osmanbilad@hotmail.com
Columbus, OH, USA: "Waxaan
Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro!"
Dheelmidii Nebiga Sallallahu Calayhi Wasalam GUJI
»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo
dhow GUJI
»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN
Booqday! GUJI
»» Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey
Jawaab Xaqiiqtusida GUJI
.... SU'aalo
Cilmiyeed
|