Mahad waxaa iska leh Eebbaha Caalamka abuuray, Naxariis iyo Nabadgelyo Alle ha
siiyo Nabigeena Maxamed (S.C.W.)Eheelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaan.
Intaa ka dib, tarjumadani waxay ku saabsan tahay Soonka, Axkaamtiisa, dadka sida
ay ugu kala qaybsan yihiin , waxaa Soonka fura iyo faa’iidooyin kale oo kooban :
-
Sonka: waa in Sarreeye Eebbe lagu caabudo ka tagidda waxyaabaha Soonka fura
markuu waaga baryo ilaa uu gabbalku dhaco
Soonka Ramadaan: waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islamka ugu waaweyn ,
waxaa u daliil ah oraahda Nabiga (S.C.W): Islaamka waxaa lagu dhisay shan , “ in
laga maragkaco Eebbe mooyee cid kaloo cibaado mudan ineyan jirin, Maxamedna(S.C.W)
uu yahay adeegaha Eebbe , in Salaada la tukado (oogo), Zakada la baxsho, Bisha
Ramadaan la Soomo iyo in Guriga Eebbe ee Xurmeysan la soo booqodo (Xajka)
DADKA & SOONKA
Soonka waajib ayuu ku yahay qof kasta oo Muslim ah, oo qaan gaar caaqil ah (
aan waalleyn) awoodi kara oo aan musaafur ahayn.
2. Gaalka ma soomayo, hadduu Islaamana waajib kuma aha inuu gudo Soonka intuu
gaalka ahaa.
3.Carruurta yar-yar ee aan qaan gaarin, soon kuma waajibo, balse waa la faryaa
si ay ugu caada yeeshaan .
4.Qoka waalan soon iyo in raashiin laga baxsho midna waajib kuma aha, waxaa
kaloo la mid ah doqonka aan wax kala sooci karin iyo waayeelka cantaatabay ee
aan waxba kala garanayn
Qofkaan u Soomi karin sababo joogto ah awaadeed sida : qof gaboobay, qofkuu
haayo cudur aan bogsaneyn labada waxaa laga bixinayaa dharaar kasta soonkeeda
rashiin la siinaayo qof miskiin ah
Qofkuu cudur lama filaan ah ku dhaco, oo la rajeeynayo inuu bogsoodo wuu
afurayaa hadduu soonku dhibayo, markuu bogsoodo ayuuna gudayaa
Marwada uurka leh iyo midda ubad nuujinaysa, hadduu soonka dhibayo uurka ama
nuujita daraadood, ama ay u baqaan ubadkooda way afurayaan, waxayna iska
gudayaan markay u sahlanaato ama cabsida ay ka baaba’do
Marwooyinka caadada ama kadhka(1) u yimaado ma soomayaan inta ay caadada ama
kadhka uu hayo, inta maalmood ka tageyna way soo gudayaan markay fursad helaan
Qofka danta ay ku kallifto inuu afuro si uu badbaadiyo qof biyo ku
maashoonaya ama gubanaya, wuuna gudayaa soonka ka tagay.
Mussaafurka (Socdaalka) hadduu doono wuu afurayaa, dabadeed wuu gudayaa inta
dharaarood ee uu afurnaa, waa isku mid hadduu safarkiisu yahay mid lama filaan
ah ama mid joogta ah sida dadka is kaleh gawaarida la kiraysto, way afuryaan
hadday rabaan, maadaama ayan joogin magaaladooda.
WAXYAALAHA AAN SOONKA FURIN
Qofka soomani ka furmi maayo Soonka hadduu cuno waxyaalaha Soonka fura asagoo
illowsan ama jaahil ka ah ama lagu dirqiyo, waxaana u daliil ah Oraahda Sarreeye
Eebbe: ( Rabigayow ha noo qabanin haddeynu illowno ama aynu gefno) (illaa qofkii
lagu dirqiyo asagoo qalbigiisa imaanku ku sugan yahay ) (wax dembi ah idinkama
saarna waxaad ku geftaan, balse waxaa la idin weydiinayaa waxey qalbiyadiina
(laabihiina) u qasdaan)
Hadduu qoka soomani wax cuno ama cabo isagoo illowsan soonka ka buri maayo,
maxaa yeelay asagoo illowsan ayuu sameeyay.
Hadduu wax cuno ama cabo asagoo aamminsan in cadceeddu dhacday ama waaga
uusan wali baryin soonka ka buri maayo, maxaa yeelay ogaal la’aan ayuu u
sameeyey.Hadduu luqluqdo oo ay biyuhu dhuunta u gudbaan isagoo aan ula kac u
samayn soonka ka buri maayo, maxaa yeelay uma uusan qasdin.
Hadduu qof isku junubo (shahwo ka timaaddo) isagoo (iyadoo) huruda, soonka ka
buri maayo. Maxaa yeelay rabitaankiisa / keeda kuma ayan iman.
WAXAYAALAHA SOONKA FURA WAA SIDDEED :
Galmada. Qofka soomani hadduu galmoodo xaaskiisa dharaar Ramdaan ah, waxaa
wajib ku ah inuu xoreeyo qof addoon ah, hadduu waayo laba bil oo xiriir ah ayuu
soomayaa, hadduu awoodi kari waayo lixdan miskiin ayuu rashiin siinayaa .
Hadday qofka shahwo kaga timaaddo isagoo soo jeeda sida :- seegada, galmada,
dhunkashada, dumidda IWM .
Hadduu qofka cuno ama cabbo wax anfacaya ama dhibaya sida : sigaarka .
Haddii qofka faleebo lagu suro soonka wuu ka burayaa, maxaa yeelay waxay la
mid tahay isagoo wax cunay ama cabbay, laakiin haddii lagu mudo cirbbad aan
nafaqo lahayn sida Antibiyootikada soonka ka buri maayo, hadduu ka qaato murqaha
ama xididdada , waana isku mid hadduu dhadhankeeda dhuunta ama sanka uu ka helo
.
Hadduu qofka soomani u dhiig baxo , dabadeed dhiig lagu shubo , si uu uga
kabto dhiig baxa ku dhacay soonka wuu ka burayaa .
Haddii marwadu ka yimaado dhiigga caddada ama kadhka.
Haddii qofka dhiig isaga keeno toobin IWM, laakiin dhiigga iskii isaga
yimaado sida sangororka ama ilig laga siibay darteed IWM, soonka buri maayo
maxaa yeelay toobin iyo wax la mid ah kuma uusan iman.
Hadduu qof mattag qasab isaga keeno , laakiin hadduu matago isagoo aan u
qasdin, soonka ka buri maay
FAA’IIDOOYINKA
Qofka soomaya waxaa u bannaan inuu soonka niyeysto isagoo janaaba qaba
(qubeys waajib lagu leeyahay ) , dabadeed uu ka qubeysto markuu waagu baryo.
Haweeneyda hadday Ramadaan gudihiisa ka daahir noqoto dhiigga caadada ama
kadhka intuusan waaga baryin waxaa waajib ku ah iney Soonto, xittaa haddeeyan ka
qubeysan ilaa waagu ka baryo.
Qofka sooman waxaa u bannaan inuu ilig ama gows iska siibo iyo inuu iska
daweeyo dhaawaca ka soo gaara , waxaa kaloo u bannaan inuu goojo isaga shubo
indhaha ama -dhegaha, soonka ka furimi maayo, xiittaa hadduu goojada
dhadhankeeda ka dareemo dhuunta.
Waxaa u bannaan qofka sooman inuu cadaydo dharaarta Ramadaan, subax iyo galab
isku si ayuu u cadayanayaa sida dadka afuran oo kale.( Qaabka loo jamcinayo
Axaadiista kala ah :
a-(Qofka sooman urka afkiisa ka soo baxaya wuxuu ka udgoon yahay barfunka
miskiga loo yaqaan ) b- ( Xadiiska ka warramaya inuu cadeygu sunno yahay Salaad
kasta marka la xiranayo ka hor ) , urka afka ma aha mid ku yimi cadey la,aan ee
wuxuu afka la urayaa waxa weeye : Caloosha qofka sooman oo gaajo aawadeed la
gubaneysa ) . Tarjumaha
Waxaa u bannaan qofka sooman inuu sameeyo waxyaalo ka fududeeynaya kuleelka
daran iyo oonka sida isagoo biyo isku shuba ama isticmaala Mukayaf ( qaboojiye )
.
Waxaa u bannaan qofka sooman inuu afka isaga buufiyo wax ka fududeeynaya
neefsashada oo cirriri ku noqota taas oo ka dhalata cudurka neefta ah IWM
Waxaa u bannaan qofka sooman inuu biyo ku qooyo bushimihiisa hadday qallalaan
iyo inuu luq-luqdo hadduu afka qalalo, iskana ilaaliyo iney biyuhu ku tagaan.
Waxaa sunno ah in saxuurta dib loo dhigo ilaa u waabarigu soo dhawaado iyo in
afurka la dadejiyo isla marka ay cadceeddu dhacdo. Waxaa kaloo sunno ah inuu ku
afuro Rudab(2) hadduu waayo timir ayuu ku afurayaa, hadduu waayo biyo, hadduu
waayo nooc kasta oo raashiin xalaal ah , hadduu waayo wuxuu qalbiga ka
niyeeysanayaa afur ilaa uu ka helo wuxuu cuno.
Waxaa sunno ah inuu qofka soomani badiyo cibaadooyinka, kana fogaado dhammaan
waxyaalaha la reebay.
Waxaa wajib ah qofka sooman inuuu dhowro gudashada waajibaadka iyo ka
fogaanshaha xaaraanta . Shanta salaadood mid kasta wakhtigeeduu jameecada ku
tukanaayo hadduu jameecada hore ula tukan jiray , (iyo haddii kale), wuxuu ka
fogaanayaa beenta, xanta, khiyaanada , dulsaarka ( Ribo ) , ooraah iyo fal kasta
oo xaaraam ah .
Nabigu(SCW) wuxuu yiri : ( Qofkaan ka tegin hadalka beenta ah ku dhaqankiisa iyo
jahliga, Eebbe wax dan ah kama laha inuu qofkaasi ka tago raashinkiisa iyo
cabbitaankiisa)
Waxaynu Eebbe ka baryeeynaa inuu khaatumadeenna hagaajiyo, qulubtannadana isku
soo dumo , Dowlad loo aayona noo dhaliyo,inoona dembi dhaafo innaga
,waalidiintanada iyo Muslimiinta inta nool iyo inta geeriyootayba.
W/Q: Sheekh Maxamed Bin Saaalax . Al-Cutheymiin.
W/T: Ustaad Xuseen Cali Cilmi | xuscalcilmi@yahoo.com
Daabaacaada 11-aad-Kismaayo ,20/10/ 2002.
Kadh=(waa Dhiigga ka yimaadoo dhumarka Markey dhalaan ka dib).
Rudab=( waa nooc ka mid ah qaybaha kala duwan ee timirta)
SOMALI CENTRAL LIBRARY
H.Q: Kismaayo –Soomaaliya 20/10/2002
Zakada afurka
zakada afurka waa zako ay waajibto marka soonka Ramadaan la furayo, waxayna
waajib ku tahay qof kasta oo Muslim ah lab ama dheddig , xur ama addoon , qof
yar ama qof weyn .
Ibnu Cumar, wuxuu yiri { Rasuulka (SCW) wuxuu waajib ka dhigay zakada afurka
Ramadaan, suus(1) Timir ama suus Qamadi ah , waxayna waajib ku tahay addoonka,
xurka, laba ama dheddig , qof yar iyo qof weyn oo Muslimiinta ka mid ah}
Bukhaari iyo Muslim ayaa wariyey.
Xukunkeeda &Xikmaddeeda:-
Xukunkeeda : waxaa Zakada afurka la jideeyey bil shacbaan sandkii 2aad ee
Hijrada, si ay u daahirso (2) qofka sooman ayadoo ay dhici karto iney ka dhaceen
ficil ama hadallo aan faa’iido lahayn ama hadallo xun iyo iney kaalmo u noqoto
faqiirrada iyo masaakiinta si ay uga deeqtoomaan dulliga iyo baryada dharaarta
ciidda . Ibnu Cabbaas (EHRN) wuxuu yiri Rasuulka (SCW) “wuxuu waajibiyey (3)
Zakada afurka si qofka soomani ay uga daahiriso falka iyo hadallada aan
faa’iidda lahayn ama hadallada xun si ay cunno ugu noqoto masaakiinta, waaana
inuu bixiyaa salaadda ciidda ka hor, waana zako la aqbalay, qofkii salaadda ka
dib bixiyaa waa saddaqo ka mid aha sadaqooyinka”
Yey ku waajibtaa:-
Waxay ku waajibtaa qof kastoo Muslim ah oo xur ah(4) ee haysta qaddar suus oo
cunno ah oo ka siyaado ah cunnadiisa iyo tan carruutiisa habeen iyo dharaar.
Waxay waajib ku tahay nafsaddiisa iyo inta uu mas;uulka uu ka yahay sida :
xaaskiisa, carruurtiisa iyo gacan yarayaashiisa inuu ka bixiyo Zakada afurka.
Qaddarka Zakada Afurka
Waxaa waajib ah Zakada Afurka in la bixiyo suus ama 5 rodol iyo dalool oo ah
Gallley ama Qamadi ama Bariisa ama Timir ama Zabiib ama Garoor (Caano Fadhi) ama
wax kasta oo cunno ahaan loo isticmaalo sidan waxaa qaba Imaam Maalik, Imaamu
Shaafici iyo Imaam Axmed.
Abuu Xanifa wuxuu sheegay iney bannaan tahay bixinta qiimaha cunnada oo lacag
ah . Waxaase habboon in la raaco 3da Imaam ee hore waxay isku wafaqeen.
Goormey Waajib tahay:-
Culimaada Fuqahada waxay isku raaceen iney waajibto dabyaaqada bisha
Ramadaan, waxayse isku khilaafeen iney waqti go’an u xiddidaan, Imaamu Shaafici
wuxuu yiri :- “waxay wajib tahay markuu gobbalku dhaco habeenka ay ciidda soo
galeyso maxaa yeelay waa wakhtiga soonka la furay
Wakhtiga ay waajib tahay, waana in la dedejiyaa bixinteeda
Jamhuurta Fuqahada waxay yiraahdeen : waxaan banaan in la de-dejiyo maalin
ama laba maalin ka hor maalinka ciidda. Ibnu Cumar wuxuu yiri:”Rasuulka (SCW)
wuxuu na faray inaan zakada afurka bixino inteyan dadku aadin salaadda ciiddda”.
Imaamu Shaafici wuxuu yiri “ waxaa bannaan in la bixiyo billowga bisha
Ramadaan”(5). Imaamyadu waxay isku raaceen hadduu qofka ka dib dhaco bixita
Zakada afurka xilliga ay waajibka tahay iney deyn ku tahay ilaa uu ka bixiyo.
Ciidda la Siinayo
Zakada afurka waxaa la siinayaa 8da nooc ee dadka oo uu sarreeye Eebbe uu ku
sheegay Kitaabkiisa { Sadaqooyinka waxaaa qura ee la siinayaa: faqiirrada,
Masaakiinta, kuwa zakada soo ururiya, kuwa qalbigooda la soo dhaweyno, kuwa la
xureynaayo kuwa (xaqa) kuwa deymoobay , waddada Eebbe iyo socdaalka (
Musaafurka) waana wax Eebbe uu waajib ka dhigay, illaheeyna waa oge falsan}(6) .
5 Qolo ma bannaana in la siiyo
1. Qofka hodanka ah.
2. Adoonka la yeeyahay.
3.Gaalka.
4.Cidda uu mas’uulka yahay qofka Zakada bixinaaya.
5.Reer Binii Haashim Iyo Reer Banuu Mudalib.
Kutubada laga soo Xigtay
Al-Miraat, J4B159
Sharxu Annaawawi Calaa Muslim, J7, B58
Nihaayat Al-Muxtaaj, J2,B108
Neyl Al-Awdaar, J4, B 181
Al-Maxallii, J6, B119
Kifaayat Al- Akhyaar fii xalli qaayat Al- Ikhtisaar, B385-86
Al-Xujat Al-Baaliqa, J2, B 509
Fiqhu Al-Zakaat J1, B 932
Fiqhi Al-Sunne, J1 B 350.
Saxiix Al-Bukhaari
Saxiirx Muslim F.G: J= Juska,B = Bogga
Abuu Daa’uud
Tarmedi
Musnadu Axmed
Suuurta Attowbaha, Aayaadda 60aad
W/D Ustaad Xuseen Cali Cilmi ,
Daabacaada 5aad Oktoobar, 20, 2002 –Kismaayo
Qoraalkan kala
xiriir: xuscalcilmi@yahoo.com