"IIDAHA" IYO SALAADAHOODA
Ciiduhu waa kuwo fac wayn, oo waxaa ummad kastaa lahaan jirtay ciido ay
iidaan, munaasabad kasta oo waynna waxay ka dhigan jireen iid ay iidaan,
faraxooddana ay muujiyaan, ka dib markii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay
iidihii hore, isagoo ku bedelay iido ka khayr badan, waxaana ku sugan xadiis
saxiix ah oo uu wariyey Abuu Daawuud in Rasuulka SCW uu magaalada Madiino
yimid, iyadoo reer Madiina ay leeyihiin laba maalmood oo ay ciyaaraan,
markaas ayuu Rasuulka SCW waydiiyey iyaga waxay ay yihiin labadaas maalmood,
markaasayna ku yiraahdeen: waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan
ciyaari jirnay, markaas ayuu ku yiri: "Ilaaheey wuxuu idinkugu bedelay
labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maalinta Ciidul-Fitriga iyo
maalinta Ciidul-Adxada, labadaa iidood Ilaaheey ayaa ummadda Nabi Muxammed
SCW siiyey.
Waxayna labadaas iidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah
shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa
inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaaheey uu
jideeyey, sidaa awgeed waxaa banaan ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiinba,
haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareecadu aysan ogolayn, sida cawrada oo la
banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan
heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caynayn, wax xunna aan lagu faafinayn,
laguna faaninayn sida qamro iwm, muustikana aan la raacsiinayn.
Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xusay xadiis saxiis ah oo
ay wariyeen culummo ay ka mid yihiin Bukhaari iyo Muslim in: "Maalin
iid ah iyadoo ay ku ciyaarayaan masjidka Rasuulka SCW niman Xabashi ahi uu
Rasuulku SCW Caa'isha (a.k.n) u yeeray, dabadeedna ay fiirsatay ciyaartoodii
ilaa ay ka bogatay, iyadoo weliba ciyaarta ka fiirsanaysey oo taagnayd
Rasuulka SCW gadaashiisa, iyadoo dhabankeedu uu saarnaa dhabankiisa, wuxuuna
Rasuulku SCW maalintaa yiri: "Ha ogaato Yahuuddu in diinteeennu ay
leedahay fasax iyo waqti damaashaad iyo tamashlayn."
Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: "Caa'isho ay tiri:
maalin iid ah ayaa iyadoo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa
waxaa ii soo galay Rasuulka SCW, dabadeedna ku seexday firaashka, wuxuuna
huwday maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wuxuuna canaantay
labadii gabdhood isagoo diiddan waxa ay Rasuulka SCW ku ag samaynayaan,
markaas ayuu Rasuulku SCW maradii iska fayday, kuna yiri Abuu Bakar: "iska
daay, qolo waliba waxay leedahay iid, middaanina waa iiddeeniiye",
laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo
rayn-raynta sida cuntada, cabitaanka iyo ciyaaruhuba aysan xadkooda dhaafin,
Ilaaheey ka cabsashaddiisana aan la hilmaamin.
Islaamka ma lahan iido aan ahayn kuwaa aan soo xusnay, laakiin dadka
badan oo muslimiinta ka mid ah ayaa waxaa lagu emteleeyey inay samaystaan
iido kuwaa Islaamka aan ahayn, sida iidda maalinkii dhalashada Rasuulka SCW,
habeenka la yiraahdo "Laylatut-Micraaj", iidda dhalashada qofka,
iyo iido loo sameeyo boqorrada iyo madaxwayneyaasha, sida maalinta ay
kursiga xukunka ku fariisteen, maalinta dalku xornimada qaatay iwm, oo ka
mid ah iidaha bidcada ah oo shareecada wax idan ah aan ka haysan, waxaana
aan bannaanayn in iidahaas la jideeyo ama la sameeyo, waxaa sida Kirismiska
iyo sannadka cusub oo loo yaqaanno "Habbi niyuu yeer/Happy new
year" iwm.
"IIDA" XUGUNKEED IYO MEESHA LAGU TUKANAYO
Waxay culummada Islaamka isku qilaafeen xugunka ay iidda tukashadeedu
sharciga ku leedahay, markaa ayaa qaarkood waxay yiraahdeen waa sunno, qaar
kalena waxay yiraahdeen waa waajib, iyadoo rag iyo dumarba ay isku mid
yihiin, sidan dambe ayaana xoog badan, waxaana u daliila ah in Rasuulka SCW
uu amar ku bixiyey inay iidda yimaadiin rag iyo dumarba, xataa gabdhaha aan
la guursan gurigana aan ka soo bixin (maqbiyooyinka), iyo kuwa dhiigga
caadada qaba, markii sidaas la is amray ayaa haweeneey asaxaabta ka mid ahi
Rasuulka SCW waydiisay sida ay samaynayso haweentii aan haysan jilbaab ay ku
timaado meesha lagu tukanaayo, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri: "walaasheeda
muslimada ahi ha soo siiso jilbaab.
Dumarka kuwooda caadada qabaa iyagu wax ka tukan mayaan, laakiin waxay
joogayaan meel u dhow meesha lagu tukanayo, dadkaa muslimiinta ah ayey la
takbiirsanayaan (Allaahu akbar ayey wax ka leeyihiin), wayna la
ducaysanayaan, barakada iyo khayrka maalintaa jira iyagoo rajaynaya,
Rasuulkuna SCW weligiis kama uusan tagin salaaddan.
Iidda waxaa lagu tukan jiray waagii Rasuulka SCW meel bannaan, beledkana
ka baxsan, oo loogu talagalay iidaha iwm in lagu tukado, iyadoo salaadda
lagu tukado masjidka Rasuulka SCW ay u dhiganto kun salaadood oo meel kale
lagu tukado (marka laga reebo Masjidul-Xaraam), ayaa haddana uusan Rasuulku
SCW ku tukan masjidkiisa salaad iid ah, hal marna Allaha ka dhigee, sidaa
awgeed ayaa waxaa sunno ah in lagu tukado meel bannaan oo dadka la iskugu
keeno, haddii duruuf dadka u diidaa aysan jirin, isku imaatinkaas wayn oo
loo dhan yahayna xigmado badan ayaa ku jira, oo ay ka mid yihiin muslimiinta
oo calaamadaha diinta Islaamka lagu garto mid ka mid ah muujinaya, sidoo
kalena muujinaya walaalnimada muslimiinta, midnimadooda, iyagoo isbaranaya,
iskaalmaynaya, isla markaana kalimada (diinta) Alle sare u qaadaya.
WAXYAABAHA SUNNADA AH MAALINTA "IIDA"
Maalinta iidda waxaa sunno ah in lala yimaado waxyaabahan soo socdo:
1. in dhar wanaagsan la soo xirto marka salaadda iidda laga soo qayb
galayo, Rasuulkuna SCW maalmaha iidaha wuxuu soo xiran jiray dharkiisa kuwa
ugu qurxoon, in maalintaas la is qurxiyaana waxay ahayd caado wanaagsan,
Rasuulkana SCW ka sugnaatay, sidan soo xusnayba. Waxaa sidoo kale sunno ah
in la isi soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha udgoon.
2. In iidda loo soo qubaysto, arrintaani Rasuulka SCW kama aysan sugnaan,
laakiin asaxaabta ayey ka sugnaatay.
3. In marka laga soo noqonayo salaadda iidda lugu soo noqdo waddo aan
ahayn middii marki hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkuba SCW samayn jiray
maalmaha iidaha.
4. Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay midda Iidul-Fitriga waxaa sunno
ah in wax la soo cuno inta aan la soo aadin, gaar ahaan timir tiro is-dheer
(kisi) ah. Haddii ay Iidul-Adxaa tahayna waxaa sunno ah in la soo aado
iyadoo aan waxba la soo cunin.
5. In marka maalinta iidda la kulmaba la isku tahinyadeeyo, iyadoo la
leeyahay: "Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo", sidaasina waa
sida asaxaabtii Rasuulku SCW ay isugu tahniyadayn jireen markii ay kulmaan
maalin iid ah. Laakiin waayahaan dambe waxaa lagu bedeshay wixii sugnaaday
oo la soo wariyey arrimo aan kuwaa xiriir la lahayn, sida iyadoo dadku isku
yiraahdiin: "Kullu caam, wa antum bikhayr", sidaasi iwm, waa ku
bedelasho wixii wanaagsanaa lagu bedeshay wax liita oo aan qiimo lahayn.
6. In la takbiirsado (Allaahu akbar la yiraaho) marka guriga laga baxo
ilaa salaadda laga tukado, iyadoo dadku aysan isla qaadayn, ee qof waliba
goonidiisa u takbiirsanayo, laakiin in la isla takbiirsado oo la isla qaado
sida dadkuba sameeyaan sunnada kuma sugna, ee sidaas ha loo ogaado. Haddii
Iidul-adxaa ay tahay iiddaasi intaa waxaa u dheer in saddexda maalmood oo
iidda ka dambaysa ay sunno tahay in la takbiirsado, waxaana takbiirta la
joojinayaa saddexdaa maalinta ugu dambaysa Casarkeeda, waxaana la
takbiirsanayaa iyadoo takbiirtu aysan ku xirnayn waqti gooni ah.
Kutubta qaarkood ayaa waxaa yiraahdeen oo ku gooni yeeleen takbiirta
marka salaadaha waajibka ah la tukado dabadeed, laakiin wax daliil ah oo
sidaas sugaya (awood siinaya) ma cuskana, sidaa awgeed kuma xirna
takbiirtaas ilaa saddexdaas beri soconaysaa salaadaha gadaashood , ee waqti
kasta ayaa la takbiirsanayaa, sidaas waxaa la mid ah oo aan iyaguna daliil
haysan culummada qaar oo yiraahdeen habeenka iiddu soo gasho ayaa takbiirtu
soo billaabanaysaa, ee marka salaadda iidda la aado billaaban mayso. Sida
Rasuulka SCW ka sugnaatayna waa sidii aan horay u soo xusnay, ee si-fiican
ha loo indha-indheeyo.
HABKA TAKBIIRTA
Habka loo takbiirsanayo oo asaxaabtii qaarkood ka sugnaaday waa midkan
soo socda:
|
|
"Allaahu akbar allaahu akbar, laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar,
allaahu akbar walillaahil xamdu", ama "Allaahu akbar, Allaahu
akbar, Allaahu akbar, walillaahilxamdu, Allaahu akbar, wa ajjallu, Allaahu
akbar calaa maa hadaanaa", laakiin qaybta hore ayaa caansan ahna midda
saxiixnimada badan, iintani waa inta la soo wariyey iyada oo sugan, laakiin
sidii hadba wax loogu darayey ayey waxay hadda gaartay in uusan xifdiba
karin qof aan taqasus u lahayni, inuu dadka meersanaya la meersado ma ahane.
Waxyaabaha lagu siyaadiyey waxaa ka mid ah: "Allaahumma salli calaa
sayidinaa Muxammad, wacalaa aali sayidinaa Muxamaad...ilaa iyo dhamaadka",
iyo "Laa ilaaha illalaahu waxdahuu, sadaqa waxdahuu, wanasara cabdahuu,
wahazamal axzaaba waxdahuu". Inta sugan ayaana waxay nooga filan tahay
inta gadaal ka gaarka ah oo aan sugnayn, ee sida ha loo ogaado.
SALAADA IIDDA HABKEEDA & WAQTIGA LA TUKANAYO
Waxaa salaadda iidda la tukanayaa inta u dhexaysa marka qorraxdu soo
baxdo oo ay kor u soo kacdo, ayna soo gaarto ilaa saddex mititir oo kale,
iyo marka qorraxdu cirka bartankiisa dhaafto. Iidul-Adxada tukashadeeda waa
la soo dedejinayaa, si dadku ay udxiyada qaliddeeda fursad ugu helaan.
Iidul-Fitrigana xoogaa ayaa dib loo dhigayaa, si dadku ay u helaan waqti ay
ku bixiyaan Fitrada, waxaana labada iidood salaaddooda loo tukanayaa sidan
soo socota:
È) Salaadda ayaa la xiranayaa, iyadoo aan laga hormarinayn adimid iyo
aqimid taana, marka la xirto dabadeedna todobo (7) goor (oo aysan ku jirin
takbiirta salaadda lagu xiranayo) ayaa la takbiirsanayaa (Allaahu akbar la
leeyahay), iyadoo aan gacmaha kor loo qaadayn, sababtoo ah marka todobadaa
goor la takbiirsanayo in gacmaha kor loo qaadaa Rasuulka SCW kama sugnaan,
sidoo kale waxaan la soo warin in dadka ma'muumiinta ahi ay takbiirta kor u
qaadayaan, sidaa awgeed waxaa la rabaa in hoos takbiiraha loola yimaado,
marka laga reebo imaamka o isaga laga rabo inuu kor u qaado.
Dabadeedna Faatixada iyo suuradda la yiraahdo: "Sabbixisma" ama
"Qaaf" ayaa imaamku aqrinayaa, isagoo kor uqaadayaa aqrintooda,
marka rakcada koowaad laga soo istaagana shan goor ayaa la takbiirsanayaa,
iyadoo gacmaha kor loo qaadayn sidii hore oo kaleba, dabadeedna wuxuu
aqrinayaa Faatixada iyo suuradda la yiraahdo Suurat "Al-Ghaashiya"
(Hal-ataak) ama suurat "Al-Qamar" (Iqtarab).
Ê) Markii rakcada labaad laga salaama naqsado ka dibna waxaa sunno ah in
la khudbeeyo hal khudbo, oo aan mid kale laga daba marinayn, iyadoo dadka
lagu boorrinayo inay Alle ka cabsadaan, lana amrayo wax kasta oo wanaag
aakhiro ama mid adduunyo ku jiro, loona sharxayo arrimaha iidda la xiriira
haddii laga jaahil yahay. Khudbadana waxaa lagu billaabanayaa Alle ku
xamdintiisa "Alxamdu lillaah", ee lagu billaaban mayo takbiirsi
"Allaahu akbar", sida dadka qaarkoodba aaminsan yihiin.
Haddii qofku uu hilmaamo takbiirihii aan soo xusnay amaba qaarkood,
takbiirtaas uu hilmaamay salaaddiisa waxba uma dhibi karto, mana soo
qallaynayo, laakiin wuxuu la imaanayaa sujuudda sahwiga. Hadiise uu ma'muum
yahay oo isaga kaliya uu hilmaanka la yimid wax sujuud ah la imaan mayo.
QOFKII SALAADDA "IIDU" AY DHAAFTO
Qofkii ay dhaafto inuu iidda jamaacda la tukado wuxuu kaligiis (ama dadka
la midka ah) iska tukanayaan laba rakco oo salaaddii iidda ah, habka
tukashadana waa soo xusnay.
Walaalkiin aad ku walaalowdeen Islaamka
Osmanbilad
osmanbilad@hotmail.com
Dec 4, 2002 | SomaliTalk.com
Fidrada
Sida Loo Bixin Lahaa
Khamiis ama Jimce waa ciid,
fidaradana GUJI..
11com
|