SomaliTalk DALSAN
SomaliTalk.com
Online Community
WEATHER LINKS
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
SCIENCE
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
ENGINEERING
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
HEALTH TALK
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | FreeWebs | FreeEmail | TellFriends | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
U DIYAAR GAROWGA RAMADAAN - 1423
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakat | Saxaabada | Siiro | Haj
SOONKA IYO RAMADAANKA FADLIGIISA

OGEYSIIS
Ma u socotaa Cumrada sannadkan,  ma degantahay Woqooyiga Ameerika (Canada/USA), La xiriir masjika Khaalid bin waliid ee Toronto ugu dambayn November 1, 2002
umrah@khalidmosque.com
 Bismillahir Rahmaanir Rahiim,

Assalamu Alaikum Warahmatullahi Wabarakaatuhu,,

Khalid Bin Al-Walid announces 1st Ramadan Umrah Package to the lands of 
al-Haramyne 1423h/2002.

15 Days Package,

From November 23 to December 8, 2002,

Detail Information:
1. Attainment of Visas
2. Last Ten Nights in Makkah
3. 3 Star Hotel in Makkah
4. 5 Minutes walk to the Haram
5. 5/3 Star Hotel in Madinah
6. 3 Nights in Madinah (Eid)
7. All rooms air-conditioned & ensuite showers, toilets, etc...
8. Transportation in private arranged air-conditioned vechicles.
9. Food is excluded from the package.
10. Opportuntiy to sit with the scholars & students of knowledge.

LAST DAY TO REGISTER IS NOVEMBER 1ST, 2002.

PLEASE REGISTER NOW.

16 Bethridge Rd., Toronto, Canada, M9W 1N1, Tel: 416-745-2888,
Fax: 416-745-9360, www.khalidmosque.com, umrah@khalidmosque.com
Asalamu aleykum yaa muslimiin! Sidaa dhamaantiin la wada socotaan waxaa fuuda nagu soo haaya bishii barakeysneyd {Ramadan}waxaa oo ay sida hadda na soo gaartay ay ka dhiman tahay ilaa labo usbuuc, waa [ November 6, 2002 - Ramadaan 1, 1423] {laakiin wax la hubo ma ahan waqtigaas, laakiin waa sida loo badan yahay}. Marka waxaa is tusay inaa mawduucyo ka hadlaaya soonka iyo bisha bareykeysan aan halkaan idin kula qeybsado, oo aan dad u wada diyaar ah noqono bishaan iyo shaqada nala ka rabo haddaa nahay muslimiin. Ee fadlan ku aqrisada faham wacan iyo qalbi xaadir ah:

muxuu yahay SOON?

Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo. Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo Ilaaheey uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan niyada soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharcigu Islaamka uma aqoonsanayo in waxaa lala yimid ay yihiin soon sharci ah.

Sidaa daraadeed qofka muslimka ahi isagoo aan niyo la imaan haddii uu iska daayo waxyaabaha soonka jabiya oo dhan, sida cunidda, cabidda iwm, falkaa uu la yimid iyo rafaadkaa uu maray ma noqonayo mid loogu dhowaado Alle Subxaanahu Watacaalaa (SW), ajarna kama helayo. Sida tusaale ahaan: dadka cunta joojinta sameeya marka ay rabaan inay ka ashtakoodaan dhib ay tabanayaan, ama dadka raba inay iscaateeyaan, amaba duruufo kale oo haysta awgood isaga joojiyey waxyaabaha soonka jabiya.

BISHA RAMADAN

Bisha Ramadaani waa bil khayr, waa bil barako, waxaana Ilaaheey ku gooni yeelay fadiilooyin iyo wanaagyo badan, oo ay ugu horreeyaan kuwan soo socda:

1) Waa bishii Quraanka: waxaa la soo dejiyey kitaabkii qatimay oo ugu dambeeyey kutubtii uu Ilaaheey soo dejiyey, waxaana lagu soo dejiyey Nebigii ugu dambeeyey Nebiyaasha Ilaahey SW uu soo diray waa Nebi Muhommed Salalaahu Caleyhi Wasalam (SCW).

2) Waa bishii kutub badan oo kale la soo dejiyey: Rasuulkuna SCW isagoo sheegaya kutubtaa iyo marka la soo dejiyey ayuu wuxuu yiri: "Habeenkii ugu horreeyey bisha Ramadaan waxaa la soo dejiyey Suxuftii (Warqadihii) Nebi Ibraahim. Kitaabkii Tawreet ahaana waxaa la soo dejiyey 6dii Ramadaan. Injiilna waxaa la soo dejiyey 13kii Ramadaan. Zabuurna waxaa la soo dejiyey 18kii Ramadaan. Qur'aankana waxaa la soo dejiyey 24kii Ramadaan".

3) Waa bisha ay ku jirto Laylatul-qadrigu: Laylatul-qadrigu waa habeen ka khayr badan kun bilood (sideetan iyo sadex sano iyo afar bilood), waana habeen barakaysan. Habeenkaasna wuxuu ku jiraa 10ka bari ee ramadaanka ugu danbeeya.

4) Waa bishii xoraynta: waa bil habeen kasta oo ka mid ah Ilaaheey uu dad badan Naarta ka xoreeyo, qof kasta oo muslim ahina uu maalin iyo habeen kasta leeyahay duco laga ajiibayo (laga aqbalayo).

4) Waa bisha shayaadiinta la xiro: waa bisha shayaadiinta oo dhan la xiro, albaabada Naarta oo dhanna la xiro, albaabada Jannada oo dhanna la furo. Arrimahaas oo dhani waxay dhacaan oo la sameeyaa habeenka ugu horreeya bishaas. Rasuulkuna SCW isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu wuxuu yiri: "Marka bisha Ramadaan soo gasho waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaana sil-silado lagu xiraa shayaadiinta". Xadiisku wuxuu xusay in marka Ramadaanku soo galo shayaadiinta la xir-xirayo, marka la xirxirana way taag darraynayaan oo way daciifayaan, oo ma awoodayaan marka bishaas lagu jiro inay sameeyaan wixii ay samayn jireen marka aan bishaas lagu jirin.

Xadiisku ma dhihin shayaadiinta waa la dilayaa ama way dhimanayaan, laakiin waxaa kali ah oo uu yiri: waa la xir-xirayaa, shaydaanka xiranina waxaa dhici karta inuu wax dhibo oo haraati, iwm rido isagoo meeshiisa ku xiran, laakiin dhibkiisu wuu ka yaraanayaa midkii uu wadey bishaa ka hor. Maadaama uu xiran yahayna dhibkiisu wuxuu la ekaanayaa hadba qofka uu rabo inuu dhibo inta soonkiisu uu awood leeyahay, oo qofkii soonkiisu dhamaystiran yahay oo xoog leeyahay wuxuu isaga celinayaa si uusan iskaga celin karin qofka soonkiisu xosh-xoshka yahay.

 

NOTE: Lasoco qaybaha kale. Shukran!

WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com 

-------Asalamu aleikum--------

Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro  

Oct 20, 2002

Macluumaadka Ramadaanka - GUJI

ARIMAHA QOYSKA DHEGEYSO SH. SHARIIF CABDINUUR  [khalidmosque]

FADLIGA BISHA SHACBAAN

Asalamu aleykum Yaa Muslimiin!

In maalmo badan laga soomo bisha SHACBAAN. 

Caa'isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay soonkii Rasuulka SCW ayey waxay tiri: "Ma aanan arkin Rasuulku SCW bil uu ka soon badnaa bisha Shacbaan."

I  I  D  H  E  H

Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa'ideysano, oo aan soonka badino inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Yacni adigoo soonka la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso, saas daraadeed aan ka faa'ideysano fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq. W/C/W/W.-

Osmanbilad  osmanbilad@hotmail.com 

Columbus, OH, USA: "Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro!"

Dheelmidii Nebiga Sallallahu Calayhi Wasalam GUJI

»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo dhow GUJI

»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN Booqday! GUJI

»»  Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI

 

.... SU'aalo Cilmiyeed 


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
KNOWLEDGE.CENTER
health
Chemicals and Health
kaneeco
Mosquito bytes
poluution
Air pollution
smookin.gif (16385 bytes)
Still smoking

Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.



HTML CD