Mahad dhamaanteed waxaa iska leh rabbi
SWT nabad galyo iyo naxariinsna nabigeena suuban korkiisa allaah
hayeelo,
Intaas kadib walaalayaal waxaan isku
dayeynaa inshaa allaah in aan wax ka tilmaanno Acmaasha wanaagsan ee
haboon in uu ku dadaalo qofka muslimka ah sameynteeda maal maha iyo
habeenada bisha ramadaan ee barakaysan annagoo Allaah weydiisanayna
inuu noogu kaalmeeyo acmaashaas gudashadeeda, waxaana ka mid ah
Acmaashaas:-
1-
In la soomo
2-
In la istaago habeenka (salaad)
3-
In sadaqo la bixiyo
4-
In quraanka la akhriyo
5-
In la fariisto masjidka ilaa qoraxdu
ka soo baxayso
6-
In lagu nagaado masjidka
7-
In la cumraysto ramadaanka
8-
In lagu dadaalo raadinta habeenka
barakaysan ee (lwylatul qadarka)
9-
Inla badiyo xusidda alle
10-
In la xiriiriyo qaraabada.
QODOBKA 1-AAD
Soonka:
Rasuulku wuxuu leeyahay (SCW)
(( dhamaan camalka banii aadamka
asagaa leh halkii wanaagba toban laabkiis ilaa 700 oo jeer loo
laalaabo ajarkiisa ilaahayse wuxuu leeyahay waa inta aan ka aheyn
soonka waayo soonka aniga ayaa ka abaal marinaaya wuxuu ka tagay
waxey naftiisa jecleyd oodhan cuntadiisii iyo cabitaankiisiiba
daraadeey ayuuna uga tagay, qofka soomaa wuxuu farxaa laba jeer
midu waa markuu afuraayo midna waa markuu ilaahay la kulmaayo
qiyaamaha, qofka soomar afkiisa shiirka kasoo baxaayo wuxuu ka
udgoon badan yahay ilaahay agtiisa carafta miskiga.)) waxaa wariyay
bukhaari iyo muslim.
Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa :
1.
In Acmaasha uu qofku qabto inuu isagu
leeyahay soonka Mooyaane
2.
In qofka soomani uu leeyahay labo
farxad,
(a) Farxad marka uu afurayo
iyo
(B) farxad marka uu Allaah la kulmayo
Rasuulku wuxuu yiri SCW:
(( qofkii soomaa
asagoo rumeysan soonka ajarna ka raadsanaaya waxaa loo dhaafaa
danbigiisii hore))
Xadiiskan waxaan ka fahmaynaa in
qofkii labadan shardi laga helo:
a)
Isagoo rumaysan inuu waajib ku yahay
soonku
b)
Isagoo Ilaahay ajar ka xisaabsanaaya
Dambigiisii hore waa
la dhaafayaa.
Xadiis kale nebiga
waxaa laga wariyey inuu yiri SCW :
(( qofkaan iska deynin
hadalka xun iyo dhaqanka xun rabbi SWT dan kama laha in uu katago
cuntada iyo cabitaanka)) BUKHAARI
Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:
-
Qofkii hadalada xun-xun iska dhaafi
waaya inuusan Ilaahey dan ka laheyn katagidda Cunniddiisa iyo
Cabbidisa.
QODOBKA 2-AAD
In la istaago Habeenkii (Salaad)
Rasuulku wuxuu leeyahay SCW:
(( qofkii salad u istaagaa asagoo
rumeysan ajarna ka raadsanaaya waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore))
Macnaha Xadiiskan waxaan ka
qaadanaynaa:-
1-
Qofkii Ramadaan Salaad u istaaga oo
laga helo labadan shardi in la dhaafayo dembigiisii hore.
Shuruuduhuna waa
a.
Isagoo rumaysan Waajibnimada soonka
b.
Isagoo Ilaahay ajar ka xisaabsanaya
Habeenkii oo salaad loo istaago waxay
ka mid tahay dhaqankii Nebiga SCW, waxayna leedahay Caa’isho Allaha
ka raalli noqdeen “Nebigu wuxuu ahaa mid aan ka tagin inuu habeenkii
salaadda u istaago, xitaa wuxuu tukan jiray isagoo fadhiya hadduu
xanuunsado.”
Allaah markuu tilmaamayey addoomada
Ilaahay sifaadkooda waxaa uu yiri:
((kuwa habeen baryaya iyagoo sujuudsan
ama Salaad u taagan.))
Sidaas daraadeed ayaa waxaa wanaagsan
in lagu dadaalo salaadda habeenkii Bisha Ramadaan, Iyadoo ay u
wanaagsan tahay in salaadda taraawiixda Imaamka lala dhammaysto,
maxaa yeelay rasuulku waxaa uu leeyahay:
((qofkii la istaaga salaada
taraawiixda imaamka ilaa uu ka baxo salaadda waxaa lasiiyaa ajar
lamid ah midkii habeenkii oodhan usoo jeeday salaadda))
QODOBKA 3-AAD
In la baxsado (Sadaqo)
Waxaa nalaka doonayaa in aan la baxno
wax maalkeena ka mid ah bisha ramadaan, si ka duwan bilihii hore, oo
nafta lagu tarbiyeeyo sadaqada, sidaa daraadeed wuxuu ahaa Nebigeena
SCW, kan ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ku dadaali jiray sadaqada
bisha ramadaan, wuxuu leeyahay Nebigu SCW:
((sadaqo la baxsado waxaa ugu
wanaagsan midda la baxsado bisha soon)) TIRMIDI
Sadaqada ramadaanka waxay leedahay
Faa’iidooyin aad u badan oo in lagu dadaalo mudan waxayna leedahay
noocyo kala duwan, waxaana ka mid ah
a)
In cuntada la bixiyo (masaakiinta la quudiyo)
Wuxuu Alle ku ammaanay Mu’miniinta:
1-
In ay bixiyaan Cuntada iyagoo siinaya,
masaakiinta, Agoonta iwm.
2-
In ay u bixiyaan Alle Dartiis oo aanay
dooneyn Ammaan.
3-
Wuxuu Alle ka ilaaliyey Sharta
maalinta Qiyaame.
4-
Wuxuu Alle ku abaal mariyey janno iyo
Xariir.
Nebigeenu wuxuu yiri SCW;
((Qof kasta oo mu’min ah oo quudiya
qof baahan oo mu’min ah, Alle wuxuu ku quudiyaa Miraha Janada,
qofkii waraabiya qof mu’min ah oo haraadsan Alle ayaa ka waraabiya
koob khamriga janada kan ugu wanaagsan ah oo aysan oomeyn weligiis.))
b)
In la afuriyo qof sooman.
Wuxuu yiri Nebigu SCW:
((Xadiiskan waxaa ka fahmaynaa in
qofkii afuriya qof soomnaa, uu la ajar yahay midkii soomanaa isagoo
aan laga naaqusin waxba qofkii kale.))
Sidaa daraadeed waxaa wanaagsan in aan
afurino dadka sooman bisha Ramadaan ee Barakaysan, Inagoo samaynayna
sufrooyinka loo yaqaan sufradihii Raxmaanka.
QODOBKA 4-aad
In Quraanka la Akhriyo
Waxaa wanaagsan qofka Muslimka ah in
uu badiyo quraan akhriska gaar ahaan bisha ramadaan, sidii dadkii
salafku ahaayeen, waxaa la sheegaa in qaarkood ay dejin ((dhameyn))
jireen quraan
3-dii habeenba mar,
7-dii habeenba mar, 10-kii habeenba mar.
Imaamu shaafici wuxuu
dejin ((dhameyn)) jiray Quraanka 60 jeer, Bisha Ramadaan.
Waxaa wanaagsan quraanka marka la
akhrinayo in lagu tadaburo oo lagu khushuuco.
Waxaa kaloo wanaagsan inaad cajalado
ka dhagaysato, ama aad qof igu akhri tiraahdo adigoo u
dheg-raaricinaya.
Nebiga NNKH waxaa ka sugnaatay inuu
Ibnu Mascuud ku yiri; “Igu arkhri quraanka” Ibnu mas’cuudna wuxuu
yiri; ‘Nebi Allow sideen kuugu akhrinayaa quraanka isagoo laguugu
soo dejiyey adiga;? Markaasuu yiri Nebigu SCW “Waxaan jeclahay inaan
ka dhagaysto qof kale”.
QODOBKA 5-AAD
In la fariisto masjidka (Ilaa
qoraxdu ka soo baxdo)
Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku fadhiya
gogosha uu ku takado salaadda Subax ilaa qoraxdu ka soo baxdo, waxaa
laga weriyey Nebiga SCW inuu yiri; “
((qofkii la tukada jamaaco, salaada
fajarka dabadeedna fariista meeshii uu ku tukaday, isagoo xusaya
Alle ilaa ay qoraxdu ka soo baxdo, dabadeedna tukada labo rakco
wuxuu leeyahay ajar la’eg qof cimraystay cumro dhamaystiran, sidaas
daraadeed, waa inaan ka faa’iidaysanaa waqtigaas yar ee ajarka weyn
leh.))
QODOBKA 6-AAD
In lagu negaado Masjidka
Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku negaada
masaajidka Ramadaan walba Tobanka habeen ee ugu dambaysa, sanadkii
la oofsanayey wuxuu ku nagaaday Masjidka Labaatan Habeen, sidaa
darteed in lagu nagaado Masjidka waa arrin muhiim ah, wayna
wanaagsan tahay in lagu dadaalo, gaar ahaan tobanka dambe ee
ramadaan, iyadoo la raadinayo Laylatul-Qadriga Barakaysan.
Negaashada masjidka waxaa loola jeedaa
cibaado darteed, iyadoo loo go’ayo cibaadada, dikriga, iyo acmaal
kasto oo ku gaarsiinaysa raali ahaanshaha Alle.
Xikmadda loo jideeyey ictikaafka
Ibnu Qayim wuxuu leeyahay waa in
qalbiga Alaah loogu gooni yeelo, kaas oo laga ilaalinayo waxyaabaha
shuqlinaya.
Ictikaafka xukunkiisa
Waa u dhawaansho Alle iyo raacid
waddadii Nebiga SCW, Ilaahey wuxuu leeyahay (( ka nadiifi gurigeyga
shirkiga iyo macaasda waayo waxaa imaanayaa dadka dawaafaayo iyo
kuwa ku ictikaafaayo))
Waxaa la weriyey inuu Nebigu Ictikaafi
jiray tobanka dambe ee ramadaanka, markuu dhintay kadibna
haweenkiisu way ictikaafi jireen,
Shuruudaha Ictikaafka
1-
Waa inuu qofku Islaam yahay
2-
Waa inuu Caqli leeyahay
3-
Waa inuu wax kala sooci karo
4-
Waa inuu Niyad la yimaado
5-
Waa Inuu ku Negaado Masjidka
6-
Iyo Inuu Daahir yahay.
Waxyaabaha u wanaagsan inuu sameeyo
qofka Ictikaafaya
1.
Inuu badiyo Salaadda iyo Quraan
Akhriska
2.
Inuu ka fogaado waxyaabaha
maalaayacniga ah. Sida cayda, iyo doodda.
3.
inuu ku Negaado masjidka Meel ka mid
ah.
Waxyaabaha u bannaan qofka
Ictikaafaya
1-
Inuu u baxo dantiisa lagama maarmaanka
ah.
2-
Inuu wax cuno, wax cabbo isagoo
ilaalinaya nadaafadda masjidka.
3-
Inuu hadli karo, wixii dantiisa ah.
4-
Inuu shalaysankaro, ciddiyaha iska
jari karo, nadiifsan karo jirkiisa.
5-
Inuu ka bixi karo meesha uu ku
ictikaafayo isagoo sagootinaya Ehelkiisa.
Waxyaabaha Buriya Ictikaafka
1-
In laga baxo masjidka Dan la’aan.
2-
Jimaaca
3-
Waalli ama sakhraan
4-
In diinta islaamka laga baxo
5-
In ay imaadaan waxyaabaha buriya
ictikaafka.
Waqtiga uu galayo Masjidka qoka
Ictikaafaya:
Hadduu niyeysto inuu ictikaafo tobanka
dambe wuxuu galayaa qoraxda intaynan dhicin, wuxuuna ka soo baxayaa
masjidka maalinta ugu dambaysa Bisha qoraxdu marka ay dhacdo,
QODOBKA 7-AAD
Cumarada Ramadaanka
Waxaa wanaagsan in lagu dadaalo
Cumrada Ramadaanka la sameeyo, Waxaan ka fahmaynaa xadiiska nabiga
SCW (( in cumrada Ramadaanka la sameeyo ay u dhiganto Xaj))
QODOBKA 8-AAD
In lagu dadaalo raadinta
habeenka barakaysan. (Laylatul Qadri)
Alle quraankiisa wuxuu ku leeyahay:
(( anaga ayaa soo dajinnay “qur’aanka”
habeenka leylatul qadarka maxaad ka ogtahay habeenka leylatul
qadarka waa habeen ka kheyr badan kun habeen))
Waxaanu soo dejinay Quraanka Habeen
Barakaysan (Laylatul-Qadri) Dhexdiis, Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu
habeenkaasi yahey ‘Nebimuxamadow’ Habeenkaas Barakaysan (Laylatul
qadriga) waa habeen ka kheyr kun bilood.
Rasuulkuna wuxuu yiri:
(( qofkii istaaga habeenka leylatul
qadarka asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waa la dhaafaa
danbigiisii hore))
Waxaan ka fahmaynaa Xadiiskan qofkii
Istaaga Habeenka laylatul qadri isagoo rumaysan oo ajarna dalbaaya
in loo dhaafayo dembigiisii tagay, sidaas daraadeed, waxaa wanaagsan
in lagu dadaalo raadinta habeenkaan, maxaa yeelay waxay ka kheyr
badan tahay kun bilood.
QODOBKA 9-AAD
Inla badiyo ducada
Waxaa wanaagsan in ducada iyo
dambi-dhaaf dalabka lagu dadaalo bisha ramadaan, oo aad ducada u
gooni yeeshid waqtiyada soo socda:-
1-
Markaad afurayso; Maxaa yeelay qofka
sooman waxaa uu leeyahay duco aan la celin.
2-
Xiliga dambe ee habeenkii
3-
Maalinta Jumcada ah aakhikeeda.
QODOBKA 10-AAD
In la xiriiriyo qaraabada.
Akhlaaqda wanaagsan ee qofka muslimka
ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah inuu xiriiriyo qaraabada,
dadkii hore waxaa dhaqan u ahaa inay xiriiriyaan qaraabadooda iyadoo
xilligaas aysan jirin aaladaha casriga ah ee la adeegsado, sidaas
daraadeed waxaa wanaagsan inuu xiriiriyo qofku qaraabadiisa meel
kasta oo ay joogaan:
Nebigu wuxuu leeyahay SCW;
“Qofkii doonaya in cumrigiisa loo
siyaadiyo, risqigiisana loo waasiciyo ha xiriiriyo qaraabadiisa”.
Ugu dambeyn waxaa wanaagsan in
dhammaan acmaashaas aan soo sheegnay ka wada faa’iidaysano, maxaa
yeelay waa fursad qaali ah oo aynaan ogeyn inay na soo mari doonto
mar kale, sidii Rasuulkii NNKH, Axaabtiisii RC iyo salafu saalixba
uga faa’iisan jireen.
Ilaahey inuu naga aqbalo soonka,
Nooguna dembi dhaafo, Naartana nooga xoreeyo.
Aamiin……. Aamiin……. Aamiin…….
Waxaa diyaariayay
Umu c/llaahi cali cabdi &
Umu c/raxmaan axmed
maxamed
Waxaa soo saaray
Abuubakar yaasiin xaaji
Muqdisho
Soomaaliya
abuukarsom@hotmail.com