TACRIIF: Waa maxay soon?
Soonku luqad ahaan waa in wax laga
reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga Islaamkana soonku waa in laga af
haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado galmo (afooyinka oo
xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka salaada subax)
ilaa ay qorraxdu ka dhacayso iyadoo lala imaanayo niyo qalbiga ah, oo ay
tahay in laabta laga niyoodo fulinta awaamiirta Alle (S.W.) oo ah Soonka
waajibka ah.
Soonka Islaamiga ah waa nafta oo laga
xabisayo cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay hawooto (shahawaat), iyo
iyadoo laga goynayo wixii ay u caado yeelatay oo la hagaajiyo awoodeeda
shahwada si loogu diyaariyo in ay dalabto liibaan waarta iyo ladnaan
weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo in ay aqbasho waxa naftu ku
daahiroobeyso oo lagu janno tago. Ujeeddadu waa in ay gaajada iyo
oonkuba ay jebiyaan nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman
wuxuu xusuusanayaa xaaladaha ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee
masaakiinta ah.
Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka
Islaamku ku taaganyahay [eeg
Tiirarka Islaamka
lifaaq # 1],
qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii
rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay
Allihii abuurtay (S.W.). Soonka waxaa la waajibiyay sannadkii 2d ee
Hijrada.
WAAJIBNIMADA SOONKA
Ilaahay (S.W.)
wuxuu kitaabkiisa Kariimka ah ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan tahay:
"Kuwa rumeeyayow! Soon baa laydinku waajibiyay, sidii loogu
waajibiyay kuwii idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha)."
Al
Baqarah, aayadda 183d
Ilaahay (S.W.)
wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac laysugu yeero kan ugu wanaagsan
uguna qiimo badan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! [Eeg
Tiirarka Iimaanka
Lifaaq # 2],
waxaa laydinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay
(S.W.) waxaa kale oo uu noo caddeeyay in SOONKU aanu ahayn mid innaga
nagu cusub balse ummadihii naga horeeyay ay soomi jireen. Garan meyno
qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi jireen, maalmaha ay soomi
jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.). Caqiiddadu waxaa
weeye in aan ogaanno soonku in aanu ahayn mid ummadda Nabi Muxamad (S.C.W.)
ku cusub.
TIIRARKA SOONKA
Soonku wuxuu ku ansaxayaa laba
arrimood oo lagu tilmaamo in ay yihiin tiirarka soonka. Waxayna
kala yihiin:
(1) NIYADDA: Qofka soomaya waa
in uu niyoodo soonka waajibka ah habeennimada (inta ka horeysa waaberiga
(fajarka salaadda subax). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma jiro.
Sida Nabigu (S.C.W.) ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah:
Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta (A.K.R)
waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofka aan soonka (faralka
ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon". W.W.
Alkhamsa ~ Shantii.
Sideedaba, niyaddu waxay kala soocdaa
cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado ahna waa in ay niyaddu ka
horreyso. Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u baahnayn in
afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan
sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lagu gaar yeelay soonka faralka ah
oo kaliya. Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii la neyeysto.
Waxaana daliil u ah:
Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga
(S.C.W.) baa ii yimid maalin oo i weydiiyay: "Wax ma haysaa (la cuno)?
Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay, "Dabeeto
wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay
haddiyad ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan
ku billowday maalinta soomanaan." markaasuu cunay. W.W. Muslim.
Nabiguna (S.C.W.) wuxuu arrintaas ku sameeyey soon sunne ah ee kuma
samayn soon faral ah.
(2) In laga afhaysto oo laga joogo
(reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya [Eeg
Waxyaalaha Soonka Burriya].
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii aan ka harin been iyo dhaqanka la
xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan kama leh
in uu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh
soonkiisa)" W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii
Abuu Daa’uud.
YAA LAGU LEEYAHAY SOOMIDDA BISHA RAMADAAN
Soomidda Bisha Ramadaan waxaa lagu
leeyahay, oo ay waajib ku tahay in uu soomo ama ay soonto qof kasta oo
ay ku kulmaan saddexda shardi oo kala ah:
(1) QOF MUSLIM AH: Qofka
soomaya waa in uu ahaadaa ruux muslim ah. Qof gaal ah haddii uu soomo
lagama aqbalayo waayoo xayndaabkii Islaamka ayuuba ka baxsan yahay.
(2) QOF QAANGAAR AH: Qofka
soomaya waa in uu ahaadaa qof baaluqay (hanaqaaday). Waxa aan soon laga
rabin caruurta, waxaase sunnada ku sugan in caruurta inta ay
yaryaryihiin la barro (lagu layliyo) soonka haddii ay awoodi karaan.
(3) IN UU CAQLI TAAM AH LEEYAHAY:
Qofka soomaya waa in uu miyir qabaa. Qofka waalan soon kama ansaxayo.
Waxaa la doonayaa in uu soomo ruux miyirkiisu taam yahay.
DADKA LOO RUQSEEYSEY IN AY AFURAAN BISHA RAMADAAN
Naxariista Alle (S.W.) waxaa ka mid ah in dad gaar ah ay
fasax u haystaan in ay afuraan iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan. Dadka
loo ruqseeyay in ay afuraan waxay kala yihiin:
(1) QOFKA SAFAR KU JIRA:
Ilaahey (S.W.) wuxuu u ruqsiiyay dadka safarka ku jira in ay afuraan oo
ay dib kasoo qaleeyaan maalmihii ay afurnaayeen. Culimadu waxay safarka
lagu afuri karo ku qiyaaseen in uu dhanyahay 80 km ama 90
km. Laakiin waqtigaan casriga ah iyo waayihii hore waxaa u dhexeeya
farqi aad u weyn, maxaa yeelay imminka waxaa lagu safraa gaadiid aad u
dheereeya sida diyaaradaha, tareennada, iwm. Haddaba su’aashu waa
sidee loo qiyaasayaa safarka lagu afuri karo? Habka ugu wanaagsan
waxaa weeye: Qofku mar haddii uu musaafir yahay oo la dhihi karo safar
buu ku jiraa, kaas ayaa safar lagu qiyaasi karaa. Isla markaasna waxaa
la eegayaa dhibaatada qofka kasoo gaareysa safarka uu ku jiro – qofka
haddii aysan wax dhibaato ah kasoo gaaraynin safarkiisa wuxuu khiyaar u
leeyahay in uu afuro ama uu soomo (waayoo rukhsaddii Ilaahey (S.W.)
siiyay ayuu haystaa, Ilaaheyna wuxuu jecelyahay in rukhsaddiisa la
qaato), haddiise ay dhibaato kasoo gaarayso safarkiisa waa mamnuuc in
uu soomo.
(2) QOFAKA XANUUNSAN: Qofka
xanuunsan oo soonka ku dhibtoonaya waxaa loo rukhseeyay in uu afuro oo
dib kasoo qaleeyo maalmihii uu afuray.
(3) QOFKA KU DHIBTOON SOOMIDDA:
kuwa soomi kara laakiin ay dhib ku tahay sida qofka da’da ah iyo qofka
qaba cudur aan dawadiisa la aqoon oo soomidduna dhib ku tahay, ama
dhakhtar lagu kalsoon yahay oo Muslim ah uu u sheegay in uusan soomi
karin, waxaa u banaan in ay afuraan oo dib kasoo qaleeyaan.
Allaah (S.W.) wuxuu yir: "Haddii
uu midkiin xanuunsanyahay ama safar yahay isla tiradii uu afuray waa in
uu gudaa (qaleeyaa) maalmo kale; kuwa ku soomi karaa dhibka (sida qof
da’ ah, iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar in ay soomaan ama) quudiyaan qof
sabool ah (bedelka maalin kasta oo ay ufuraan....... ".
Al Baqara, aayadda 184d
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "saddex
qalinka waa laga qaaday (oo dembi looma qorayo) (1) Qofka waalan inta uu
ka miyirsado, (2) Qofka hurda jeer uu hurdada kasoo koco, iyo (3) cunuga
jeer uu baaluqo". Kuwaani mukalafiin maaha, dembina looma qorayo.
FADLIGA SOONKA
Qaybtaan waxaan jecelahay in aan ku
soo qaato maqaanka Islaamku ku tilmaamay soonka iyo ajarka & fadliga uu
helayo qofka Ilaahey (S.W.) dartiis u sooma, taasoo laga yaabo dadka
qaar in ay ku kala duwanyihiin oo ajarka ay helayaan uu kala badan yahay
sababtuna ay tahay u dhawaanshaha ama ka fogaanshaha Sunnada Nabiga (S.C.W.),
sidii uu Nabiguba (S.C.W.) ku tilmaamay asagoo yiri: "Badanaa qof
sooma oo aan soonkiisa ka heleyn wax aan ahayn gaajo iyo oon".
Soomiddu waa cibaadeysi heer sare ah oo nafta ijtihaad iyo is-ilaalin ku
nuuriya. Soomiddu waa sifayn iyo hagaajin nafta looga dan leeyahay in la
dareensiiyo daciifnimadeeda iyo in laga gooyo dhugashada iyo daba-galka
ceebaha dadka kale iyo waxa ka dhalanaya oo dhan, sida xanta,
cayda, beenta, iska horkeenka muslimiinta, muran
iyo qaylo, dagaal iwm. Soonku nafta ayuu daahiriyaa oo
ka dhigaa naf Alle (S.W.) ka cabsata oo towbad keen badan, wuxuuna
nuuriyaa iimaanka qofka.
Fadliga iyo ajarka Soonka waxaa ka mid ah:
(1) SOONKU WAA GAASHAAN:
Soonku waa gaashaan (la isaga gudbo xumaan falidda, shahwada iyo naarta).
Nabigu (S.C.W.) waxaa uu faray qofka aad ugu baahan in uu guursado misna
aan awoodin guur (daruufta oo aan u saamaxayn markaas in uu guursado
awgeed, hadday noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca awooddiisa
jirkaba) in uu soomo si ay shahwada rabitaanka guurku uga jabto. Maxaa
yeelay soonku wuxuu ka reebaa nafta waxyaabaha ay jeceshahay oo ay
shahwadu ka mid tahay.
Cabdullaahi ibn Mascuud (A.K.R.)
wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu nagu yiri: "Dhalinyarooy!
Kiinnii heli karaa raas (reer) waa in uu guursado, waayo (guurku) wuxuu
xakameeyaa indhataagga, sinadana gaashaan buu uga yahay, kii aan guursan
karinna ha soomo da’ fur (tunniin) buu leeyahaye (jebin buu u yahay
rabintaanka galmada)." Laysku raac ~ Muttafaqun Caleyhi).
Sidoo kale Nabigu (S.C.W.) wuxuu
caddeeyey in naarta lagu galo waxyaabaha ay naftu jeceshahay iyo in
Jannada lagu galo waxyaabaha ay naftu necebtahay.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban
tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahay ee macmacaanka adduunka ah
gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabay camal adag oo ay naftu
necebtahay". Bukhaari iyo Muslim.
(2) QOFKA SOOMAN WUXUU LEEYAHAY
LABA (2) FARXADOOD: Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood
sida ku cad xadiiska Nabiga (S.C.W.)
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ".......Qofka soommani wuxuu la kulmaa
laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afurayo, tan labaadna waa
uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiisa
(Allaah)." Bukhaari iyo Muslim.
(3) NEEFTA QOFKA SOOMAN OO MISKIGA
KA UDGOON: Qofka sooman neefta afkiisa ka soo baxaysa waxay ka
udgoon tahay miskiga sida ku cad xadiiskan:
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ".......Neefta afkiisana (qofka sooman)
ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga" Muslim.
(4) IRIDKA (ALBAABKA) AR-RRAYAAN
OO JANNADA KU YAALLA: Waxaa jira Jannada gudaheeda irid ama albaab
magaciisa la yiraahdo
Ar-Rayaan
oo dadka sooma oo kaliya ay geli doonaan Maalinta Qiyaame. Qofka ugu
dambeeya oo ka mid ah dadkii soomi jiray marki uu galo waala xirayaa
iridka Ar-Rayaan.
Qof kasta oo kamid ah dadka galay wuxuu cabbayaa sharaab. Sharaabkaas
qofkii cabbana weligiis ma oomayo.
Sahal bin Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri:
"Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: "Waxaa jira Jannada dhexdeeda irid la
yiraahdo
Ar-Rayaan oo keliya dadkii
soomi jiray ay geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin;
waxaa la oran doonaa: Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina
ma geli doonto iyaga maahee. Markii ay galaan, iridkaa waa la xiri
doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood."
W.W. Bukhaari iyo Muslim.
(5) SOONKA & QUR’AANKUBA QIYAAMAHA
WAY SHAFEECAYAAN: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Soonka iyo
Qur’aankuba addoonka ayey u shafeecayaan maalinta Qiyaame. Soonku wuxuu
oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay cuntadii (iyo cabbidii) iyo
waxyaalihii ay naftu jeclayd ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal.
Qur’aankiina wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay hurdo uu
habeenkii jiifto ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Wuxuu yiri:
Markaasaa shafeecadooda la aqbalaa." W.W. Axmed.
(6) SOONKU WUXUU KAFAARO U YAHAY
DEMBIYADA QAAR: Soonka waxaa lagu dhaafaa dembiyada yar yar sida ku
cad xadiiskan:
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Shanta salaadood (oo si rigle iyo joogto
ah jamaacad ahaan masjidka loogu tukado) waxay tiraan dambiyada yar yar,
haddii dambiyada kabaa’irta (halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka
gardarrada ah, dhilleysiga, ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka
dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowga maalinta dagaal dar Alle ah iwm.)
la iska jiro markaa waa loo dhaafaa dambiyada yaryar inta u dhexeysa
laba Jimco iyo laba Ramadaan." W.W. Muslim.
(7) SOONKA DEMBIYADII HOREY KAAGA
DHACAY AYAA LAGU DHAAFAA: fadliga soonka waxaa kale oo kamid ah in
dhamaan dembiyadii yar-yaraa ee horay uga dhacay qofka muslimka ah loogu
dhaafayo soonka dartiis.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab
iyo ajar dalab, waxaa laga dhaafi doonaa dembiyadii horay uga dhacay
(aan kabaa’irta ahayn)". Bukhaari iyo Muslim.
(8) IRDAHA JANNADA OO LA FURO -
IRDAHA NAARTA OO LA XIRO - SHAYDAAMMADA OO LA KATIINADEEYO: Fadliga
weyn ee bisha Ramadaan u gaarka ah waxaa ka mid ah, in irdaha Jannada oo
dhan la furo, oo irdaha naartana la xiro, iyo in shayaadiintii ummadda
dhibi jirtay la xir-xirayo.
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Markii ay bisha Ramadaan soo gasho
irdaha Jannada waa la furaa, irdaha naartana waa la xiraa, Shaydaamadana
waa la xiraa (la silsiladeeya)". Bukhaari iyo Muslim.
F.G.
Bisha ramadaan marka ay bilato waxaad arkaysaa dad badan oo towbad
keenaya oo diyaar u ah in ay Rabbigood u noqdaan; dad badanna waxaa
yaraanaya macaasidii iyo xummaantii ay sameyn jireen. Haddana, waxaa
laga yaabaa in la arko dad kale oo wali macaasi iyo xummaan samaynaya,
haddaba sidee baa taas lagu fasirayaa? Dadku waa laba nooc: dad
sheydaan baa daba taagnaa oo fasahaadinayey dadna iskood bay u
fasahaadsan yihiin (u khariban yihiin). Dadka iskood u khariban
(fasahaadsan) xataa haddii sheydaanku uusan raad weyn ku yeelan waxaad
arkeysaa ayagoo xummaan iyo dembi dhex dabaalanaya.
FADLIGA BISHA RAMADDAAN
Fadliga bisha ramadaan
maaha wax qormo keliya lagu soo koobi karo: Ilaahay (S.W.) ayaa u gartay
bisha Ramadaan in ay toqoto bishii Qur’aanka Karrimka ah lagu soo
dejiyay dhexdeeda. Halkaas waxaa ka cad darajada iyo qiimaha ay dheer
tahay bilaha kale.
Allaah (S.W.) wuxuu yiri: "Bisha
Ramadaan oo dhexdeeda la soo dejiyay Qur’aanka, isagoo hanuun u ah dadka
iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid (xaqa iyo
baadilka)....".
Al Baqara, aayadda 185d.
Allaah (S.W.) wuxuu yiri: "Xaqiiqdii,
waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeenka Qadarka".
Al-Qadri, aayadda 1d
Allaah (S.W.) wuxuu yiri:
"Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeen barakaysan (Habeenka
Qadarka)".
Ad-Dukhaan, aayadda 3d
Fadliga iyo dheeraadka bisha Ramadaan
waxaa ka mid ah in habeenadeeda ay ka mid tahay habeen la yiraahdo
LAYLATUL QADRI
oo ka kheyr badan kun (1000) bilood. Habeenkaas wuxuu ka mid yahay
habeennada Ramadaanka. Waxaa loogu reja weyn yahay in habeenkaas uu ku
jiro tobanka ugu dambeeya bisha Ramadaan, gaar ahaan waxaa loogu
sii reja weyn yahay habeennada kinsiga ah (21,
23, 25, 27, 29), waxaa
suura gal ah in uu helo habeenkaas qofka bisha Ramadaan oo dhan ku
dadaala cibaadada, baryada Ilaahey, salaadda, dambi dhaaf dalabka,
taraawiixda iyo tahajudka.
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii u kaca in uu tukado salaad
taraawiix bisha Ramadaan, iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo
dhaafaa wixii dembiyo (yar yar ah) oo horay uga dhacay". Bukhaari
iyo Muslim.
WAXYAABAHA
SOONKA BURIYA (JEBIYA) INTA SUGAN OO LAYSKU RAACSANYAHAY
Qof kasta oo muslim ah waxaa
waajib ku ah in uu ogaado WAXYAABAHA SOONKA BURIYA si uu isaga ilaaliyo.
Waxyaabaha Soonka buriya waa kuwan:
(1) IN LALA YIMAADO QOWL AMA FAL
GAALNIMO AH ~ (murtadnimo) Alle (S.W.) baynu ka magan
galnaye. Qofkii Islaamka ka baxa waxaa buraya oo baaba’aya dhammaan
camalladiisii uu horay u sameeyay iyo camalka uu markaas ku dhex jiro,
waxaana u daliil ah Qowlkii Ilaahay (S.W.) "Oo dhabtii waxaa laguu
waxyooday adiga (Muxammadow S.C.W.) Sidii loogu waxyooday kuwii
(Rusushii Alle) ee kaa horreeyayba; haddii aad u shariig yeesho (yacni
la wadaajiso) cid kale cibaadada Alle (S.W.) (markaa) hubaashii
(dhammaan) camalladaadu waxay ahaan doonaan wax aan waxba ku ool, oo
waxaad kamid ahaan doontaa khasaarayaasha"
Az-Zumar, aayadda 65d.
(2) JIMAAC (GALMADA): Ninka
sooman haddii uu u galmoodo afadiisa si bareer ah (si bareer
ah micnaheedu waxaa weeye isaga oo aan hilmaansanayn, ama si kama’
ah aan u sameyn, ama aan lagu qasbin) soonkiisu waa burayaa. Qofkii
soonkiisu ku buro galmo waxaa korkiisa ah qalayn (gudid) iyo kafaaro
wada jira, waxaana u daliil ah:
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin
baa u yimid Nebiga (S.C.W.) (Ninkaas waa
Salma bin Sakhar
Al-Bayaadi) oo yiri: Waan
hoogay Rasuul Alloow! Wuxuu yiri: Maxaa ku hoojiyey? Wuxuu yiri:
Waxaan la galmooday afadeyda iyadoo maalin Ramadaan ah. Wuxuu markaas
weydiiyey: Ma heli kartaa waxaad addoon ku xorayso? Wuxuu yiri:
Maya; wuxuu yiri: Haddaba ma soomi kartaa laba bilood oo xiriir ah?
Wuxuu yiri: Maya; Wuxuu yiri: Marka ma quudin kartaa lixdan (60)
miskiin? Wuxuu yiri: Maya; markaasuu fariistay! Markaasaa Nabiga
(S.C.W.) waxaa loo keenay dambiil (ay ku jirto soddon madaal oo) timir
ah, oo yiri: Sadaqeyso, ninkii wuxuu yiri! Oo ma waxaa weeye
inaan siiyo cid naga saboolsan? (Madiina) labadeeda shiil madow
dhexdooda qoys iga baahi badani ma deggana, markaasuu Nabigu (S.C.W.)
muusooday oo miciyihiisiina muuqdeen. Dabadeedna yiri: "Orod oo
reerkaaga u gee". W.W. As-Sabca (Todobadii) warintana waa tii
Muslim.
Qofka sooman haddii uu u galmoodo
afadiisa waxaa ku waajib ah afar (4) arrimood:
(1)
In uu san waxba cunin ama
cabbin maalinta inta ka harsan (af-haysasho).
(2)
In uu
Ilaahay (S.W.) uu u towbad keeno, maxaa yeelay wuxuu galay dembi aad u
weyn.
(3)
In uu
qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
(4)
In uu
kafaaro bixiyo:
KAFAARADUNA waa in uu addoon xoreeyo, haddii uusan heleyn, in uu 2
bilood oo isku xigta soomo, haddii uu awoodi waayana, in uu lixdan (60)
miskiin quudiyo (intaas oo dhan haddii uu awoodi waayo oo uu sidaas ku
dhinto kafaaradii waa ka dheceysaa).
(3) CUNID ama CABBID
BAREER AH (oo si u kas ah loo sameeyay): Waxaa u daliil ah Qowlkii
Ilaahey (S.W.) "....Cuna oo cabba ilaa liilanka (dunta) cad (iftiinka
fajarka salaadda subax) idinkaga caddaado liilanka madow (mugdiga
habeenka), dabadeedna kaamila soonka ilaa gabbal dhaca......).
Al-Baqarah,
aayadd 187d.
Aayaddaan waxay caddeyneysaa in
cunnidda iyo cabbidda ay soonka jebiyaan, waxaana arrintaan lagu gaar
yeelay qofka u sameeya si bareer ah (ula kac). Qofku haddii uu wax cuno
ama cabbo isaga oo hilmaansan ama uu si kama’ ah u sameeyay, ama lagu
qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama burayo. Waxaana u daliil ah
Xadiiska soo socda:
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: "Qofkii is illaawa isaga oo soomman oo
wax cuna ama cabba waa in uu dhamaystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo
sharaab Alle (S.W.) siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey (S.W.) siiyay
bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi
- Laysku raac).
Sidoo kale Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri:
"Illaahay waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama
hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay".
F.G.
Qof muslim ah haddii uu arko qof sooman oo wax cunaya waa in uu
baraarujiyaa oo xusuusiyaa in uu sooman yahay. Arrintaasna waxay ka mid
tahay "wanaaga (macruuf), samafalka iyo Alle ka cabsiga oo lays faro iyo
Munkarka oo layska reebo.
Qofka haddii uu si kas ah wax u cuno
ama wax u cabbo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:
(1)
In uu soomo maalinta inta ka
harsan (imsaak ~ af-haysto).
(2)
In uu
Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu
galay.
(3)
In uu
qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
(4) IS-MATAJINTA: Qofka sooman
haddii uu matag iskii isaga keeno (yacni farta ama wax kale afka iska
geliya, ama uu ursoodo wax uu ku matagi jiray) soonkiisu waa burayaa.
Waxaana u daliil ah:
Abuu Hureyra (A.K.R) wuxuu yiri:
Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii uu soo dhaafo matag
(isagoo sooman) qalle laguma laha, qofkii is matajiyaase qalle baa
korkiisa ah" W.W. Al-Khamsa.
Qofka haddii uu si kas ah
isu-matajiyo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:
(1)
In uu soomo maalinta inta ka
harsan (imsaak ~ af-haysto).
(2)
In uu
Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu
galay.
(3)
In uu
qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
(5) DHIIGGA CAADADA IYO UMMUSHA
(DHALMADA): Haweeneyda sooman haddii ay caadadii hesho soonkeedii
waa burrayaa, xataa haddii ay maalintii ka dhiman yihiin daqiiqado yar,
waa in ay afurtaa oo dib kasoo qalaysaa maalintii (ama maalmihii) ka
tegay. Haweenka caadada qaba waxaa ka xaaraan ah in ay soomaan; haddii
haweeney aan daahir ahayn (oo caadadii qabta) ay soonto soonkeedu ma
ansaxayo, dhiigga dhalmadana waa la mid. Laakiin haddii ay isku aragto
calaamadihii ay ku tiqiin in uu yimaado dhiigga caadada laakiin dhiiggii
uusan farjigeeda kasoo bixin, soonkeedu waa saxiix waayoo dhiiggu inta
uu caloosha ku jiro xukun malaha, marka uu banaanka u soo baxo oo ay
isku aragto ayaa la xukumayaa.
(6) NIYADDA OO LAGU BURRIYO:
Qofka sooman haddii uu qalbiga ka niyeysto in uu soonka furro, soonkiisu
waa burayaa, waayoo niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka ah,
waana miisaanka camalka lagu qiyaaso.
Waxaa laga wariyey Amiirkii
Mu’miniinta Cumar ibn Al-khaddaab (A.K.R.) in uu yiri waxaan maqlay
Nabiga (S.C.W.) oo leh: "Camalka waxaa saldhig u ah niyadda, qof
kastaana wuxuu helaa niyaddiisa.......".
(7) CIRBADAHA NAFAQO SIDEENKA AH
(Faleebo, iwm.) Qofka sooman haddii uu si bareer ah u isticmaalo
cirbadaha nafaqada ee xiddidka laga qaato, cirbadahaas oo booxin kara
kaalintii cunnidda ama cabidda, oo qofka ka bi’iya gaajada (baahida) ama
oonka, soonkiisu waa burayaa. Qaybaha kale ee cirbadaha-daawada oo aan
lahayn nafaqo baahida baabi’isa soonka ma jebiyaan.
(8) IN AY IBTA FARJIGA BIYO KAAGA
YIMAADAAN SI IKHTIYAARKAAGA AH: Soonku waa ku buraa haddii qofku
manidiisa ku soo saaro taabasho, dhunkasho ama gacan (iyo wixii la mid
ah). Laakiin haddii ay manidu iskeed u soo baxdo oo qofku uusan sabab u
ahayn soo bixiddeeda, ama isaga oo hurda ay kasoo baxdo wax dhibaato ah
malaha soonkiisuna waa saxiix.
Caa’sha (A.K.R.) waxay tiri:
Rauulkii Alle (S.C.W.) wuu i dhunkan jiray isagoo soomman, wuxuuna
laabta i saari jiray isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa midka keliya ee
idinku jira ee u hanan og (ka adag) naftiisa (yacni iska qaban kara inuu
u hunguriyoodo galmo). Laysku Raac ~ Muttafaqun Caleyhi.
F.G.
Qofka sooman waxaa la doonayaa in uusan ku xeel-dheeraan luqluqashada
ama sandaarsiga marka uu weeseysanayo waayoo waxaa laga yaabaa in ay
biyo ku cararaan.
Laqiid bin Sabira (A.K.R.) wuxuu
yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "U weeseyso si dhan oo
waafi ah (kaamil), oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba farood ku
kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah (is-dhexgelin), aadna
u sandaarso, laakiinse haddii aad sooman tahay markaa iska jir
sandaarsiga aadka ah (si aysan wax biyaha ka mid ah uga gelin
calooshaada xagga sanka)”. W.W. Abuu Daa’uud iyo Tirmidi oo yiri waa
xasan ah oo saxiix ah.
Qofka sooman waa in uu iska ilaaliyaa beenta, xanta isku
diridda dadka, dhaqanka xun iwm. Culimada qaar, waxa ay qabaan in ay
beenta, xanta, isku diridda, dhaqanka xun iwm. ay soonka jebiyaan.
Culimada qaarna waxay qabaan in aysan soonka jebin balse ay ajarka
soonka nuqsaamiyaan. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo muslim ah waa
in uu ku sifoobo dhaqan wanaagsan iyo muslinnimo khaalis ah, si
soonkiisu u noqdo mid miro dhal ah.
WAXYAABAHA AAN SOONKA BURIN
Waxaa jira waxyaabo badan oo aan
soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u lahayn ay rumeysan yihiin in
ay soonka jebeyaan; waxyaabaas aan soonka burrin waxaa ka mid ah:
(1) Dhamaan WAXYAABAHA SOONKA
BURRIYA (JEBIYA) oo aan kor ku soo xusay haddii ay dhacaan ama la
sameeyo ayadoo la hilmaansanyahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay (KHADA’),
ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lagu qasbay (IKRAAH) soonka waxba
uma dhimayaan.
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: "Qofkii is illaawa isagoo soomman oo
wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo
sharaab Alle (S.W.) siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay
ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi -
Laysku raac).
Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: "Illaahey
waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u
sameeyeen ama lagu qasbay"
(2) Qofka haddii uu isku janaabo ama
isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan habeenka Ramadaanka ee
uu waagu ku baryo iyagoon weli qubaysan soonkoodu waa u jiraa (yacni
maalintaas waa soomi karaan, haddii ay habeennimaddii niyeysteen in ay
soomayaan maalintaas). Waxaa daran in ay wax galmo ah sameeyaan kadib
markuu waagu baryo.
Caa’isha (A.K.R.) iyo Ummu Salama (A.K.R.)
waxay yiraahdeen: Mar kasta oo Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo
aan daahir ahayn (yacni la galmoodo xaas ka mid ah xaasaskiisa iyadoo
aysan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) waxuu (S.C.W.) la imaan jiray
qubeys oo soomi jirey. Bukhaari iyo Muslim
SIDOO KALE
Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: "haddii
Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isaga oo la galmooday Xaas ka mid ah
xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray sida caadiga ah". Bukhaari iyo
Muslim
(3) Dadka qaarkood waxay ka
cabsadaan in ay subkadaan ama ay kareem is mariyaan, ama in ay
barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama fooxa la shito
ay isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.
(4) Qofka haddii sankiisu dhiig ka
yimaado (san-goror) ama uu ilig iska rido ee sidaas dhiig uga
yimaado, wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix waxaase laga
rabaa in uu san liqin ee iska tufo.
(5) Toobinka - Toobinka markii
hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya laakiin dib ayaa laga
nasakhay. Nabiguna (S.C.W.) waxuu is toobay isagoo sooman. Sidoo kale
toobinka waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiigga yar oo
miikariskoobka lagu eego oo sheybaarradu ka qaadaan dadka.
Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii u
horeysay oo toobidda qofka soomman loo diiday waxay ahayd markii uu
Jacfar bin Abii Daalib (A.K.R.) is toobay isagoo sooman, oo Nabigu
(S.C.W.) soo maray oo yiri: "Labadaaniba waxay buriyeen soonkoodii."
Wixii markaas ka dambeeyayna Nabigu (S.C.W.) wuu u fasaxay inuu is
toobo qof kasta oo sooman, Anasna wuxuu is toobi jiray isaga oo
sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay inuu yahay Qawi. Xadiiskuna waa
saxiix.
(6) Xuqna : suufka daawada leh
ama sumboosto farjiga ama dabada la iska geliyo.
(7) Taqdiir : goojo dhegaha
ama sanka lagu dhibciyo.
(8) Indha kuusha indhaha la
marsado.
(9) tisxi duulaya, boor,
barafka cirka ka da’a oo dhuunta ku carara (gala).
(10) Cunto dhadhamin, waxaase
shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin "xarafka X
meesha uu kasoo boxo".
(11) cadayashada :
rumeysashada iyo luqluqashada.
(12) biyo is marmarin (isku
qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.
(13) In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la
iska jaro, ama ilkaha oo la iska bix-bixiyo.
Gebagebadii, qoraalkan waxaan kusoo xirayaa nasteexo caam ah oo aan u
gudbinayo dhammaan muslimiinta iyo nafteydaba, waxaana leeyahay aan ka
faa’iideysanno fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan. Lama oga in ay
nasoo mari doonto bil kale oo Ramadaan; haddaba, yaan laga dhoohnaan
fadliga, ajarka iyo xasanaadka aan kasban karno haddii aan si dhab ah oo
iimaan leh ugu soo jeesanno bishan barakaysan ee Ramadaan.
Wixii talo iyo turxaan bixin ah ee la xiriira qoraalkan
waan soo dhaweynayaa.
Walaalkiin:
Cabdulfataax
Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com
LIFAAQ # 1
TIIRARKA ISLAAMKA
uu ku
dhisan yahay waa shan (5), taasoo mid kamid ah haddii uu qofku ka tago
aysan muslinnimadiisu sax ahayn. Xadiis uu wariyey ibnu Cumar A.K.R.
Wuxuu yiri: "Islaamka waxa uu ku dhisan yahay shan: Shahaadada oo ah in
la qiro in uu Ilaahay mooyee ilaah kale uusan jirin, Nabi Muxammadna (S.C.W.)
uu yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa; in Salaadda la oogo, in Sakada la
bixiyo, in la soomo, iyo in Xajka la tago".
(1) SHAHAADADU
WAA: in la ictiqaadiyaa carrabkana laga sheegaa. Shahaadadu waa
aasaaska ansixitaanka acmaasha oo dhan, taasoo ah in lagu socdo jidkii
uu Ilaahey na faray, innagoo ay naga tahay ikhlaas (run), lana raaco
sunnadii Nabiga (s.c.w.) MIRAHA SHAHAADAD: Qalbiga oo nadiif
noqda, nafta oo ka xurowda addoonsiga aadamiga iyo raacidda qof aan
rasuul Ilaahay ahayn. Marka diinta Islaamka la gelayo waa in si
ikhtiyaari ah loo qiro ASHAHAADADA - "inaan ilaah jirin xaq lugu
caabudo Allaha awooda sare leh ma ahee, iyo in Nebi Muxammadna Rasuulkii
Alle yahay".
SALAADDA OO LA OOGO
WAA:
Ilaahey oo
lagu caabudayo ficilka salaadda, iyadoo si toos ah Rabbi loogu tukanayo
iyo iyadoo la ilaalinayo waqtiga salaadda. Salaadu waa tiirka 2-aad ee
Islaamku ku taagan yahay, qofkii ka tagaana waa qof Alle ku kufriyey.
MIRAHA SALAADDA: Xabadka oo furma iyo ka dheeraashada dambiyada
waaweyn iyo kuwa yar yarba.
SAKADU WAA:
Ilaahay oo lugu caabudo bixinta maalka ku waajibay qofka. Sakada waxaa
laga rabaa in uu bixiyo qofka leh xoolo ay ka waajibtay. MIRAHA SAKADA
waa oo daahir ka noqota akhlaaqda xun oo ay ka mid tahay bakhiilnimada
iyo iyadoo la daboolay baahida Muslimiin baahan.
SOONKA BISHA
RAMADAAN WAA:
Ilaahay oo lugu caabudo ayadoo laga af-qabsado wixii soonka jebinaya oo
laga reebtoomo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo
waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. MIRAHA SOONKA: Nafta oo la
baro in laga reebo waxa ay u baahan tahay, iyadoo Ilaahay dartiis loo
sameynayo. Inaad soontid bisha Ramadaan, oo laga reebtoomo cuntada,
cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga bilaabo
waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo.
XAJKU WAA:
Ilaahay oo lagu caabudo aadidda xajka, iyadoo la nooleynayo calaamadaha
Islaamka. MIRAHA XAJKA: Nafta oo lagu tarbiyeeyo in la bixiyo
maal iyo iyadoo qofkii guriga Ilaahay uu u qasdo in uu soo siyaarto,
sidaas darteed ayuu xajku u noqday nooc ka mid ah jihaadka. Inaad u
xajidid Baydka Alle (S.W.) ee Makka ku yaalla waxaana laga rabaa
tiirkaan qofka awoodda u leh. Tiir kasta oo ka mid ah shanta tiir ee kor
ku xusan, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan,
haddaad si faahfaahsan u rabto waxaad ka heli kartaa kutubta fiqiga.
LIFAAQ # 2
Arkaanta (Tiirarka)
Iimaanka:
Tiirarka IIMAANKU
waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahey uun baana og in uu run
sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka
Islaamka. Tiirarka IIMAANKU waa lix (6) waxayna kala yihiin sidan:
(1) Inaad rumeyso,
oo si dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnimada Allaah (S.W.)
(2) Inaad rumeyso
jirista malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahey ka uumay nuur oo innaga duwan.
(3) Inaad rumeyso in
Ilaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo
dejiyey ee uu u dambeeyay luguna khatimay kitaabka Qur’aanka Kariimka
ah.
(4) Inaad rumeysid
in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay
Nebigeennii suubanaa Muxammad (S.C.W.).
(5) Inaad rumeysid
maalinta xisaabta, oo ah in ay jirto, maalin la xisaabi doono dadka iyo
jinka waxa ay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal
marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.
(6) Inaad rumeysid
dhacdooyinka ka dhacaya dunida in ay yihiin wax Ilaahey qaddaray shar
iyo khayrba