Seen ku Soo Dhaweyneynaa Soonka?
Abuukar yaasiin |
abuukarsom@hotmail.com | Muqdisho
Waa su’aal ka jawaabiddeeda ey aad u haboontahay in aan
isweydiinaa maalmahaan ayaga ah waayo waxaa muuqata in ey fooda inagu soo heyso
bishii kheyrka badneyd ee soonka taasoo ah bil ey kala haraan dadka una kala
baxaan dad dadaal badan iyo kuwo hilmaansanba.
Hadaba walaalayaal si aan jawaab wanaagsan ugu helnaa
su’aashaas ayaan waxaan qoreynaa maqaalkaan oo aan ugu tala galnay in uu u
noqdo dadka aqrisanaaya mid ey ku dhiiri galiya ka faaideysashada bisha soon
waxaana aan ugu magac darnay
(TOBAN DARIIQO OO EY HABOONTAHAY INAAN KUSOO DHAWEYNO SOONKA)
waa maqaal kusocdo qofkasta oo uu soonku soo haleelay asagoo
caafimaad qaba si uu uga faaiideysto bishaan kheyrka badan daacada iyo
cibaadada ilaahay SWT waxaana aan u qoreynaa qaab dariiqo dariiqo ah si ey u
noqoto mid qofka mu’minka ah ku abuurta dhiiri galin naftiisa ku aadan kuna
beerta himilo sareyso galineysana xamaasad uu u xamaasoonaayo ilaahay
cibaadadiisa bishaan.
Hadaba seen kusoo dhaweynaa soonka? Waase sidee wadooyinka
ugu haboon ee aan kusoo dhaweynkarno bisha soon? Ee nagusoo aadan
Waxaa u haboon qofkasta oo muslim ah ka faa iideysashada
waqtiyada ku haboon daacada iyo cibaadada ilaahay balse waxaa haboon in uu
kamid ahaado kuwa u dag daga kheyrka una kala tartama ilaahayna SWT waxa uu
yiri (Kheyrkaas kuwa u tar tamaayo ha ukala tar tameeno)
Hadaba walaal ku dadaal in aad soonka kusoo dhaweysid
dariiqooyinkan wan wanagsan ee aan tilmaami doono inshaa allaah
1- DARIIQADA KOOBAAD: waa in aad ku duceysataa in uu ilaahay
SWT ku gaarsiiyo bisha soon adigoo caafimaad wanaagsan heysta si aad cibaadada
ilaahy u gudatid si fir fircooni iyo nashaadba leh soonka salaada iyo xuska
ilaahayba maxaa yeelay sida laga wariyay saxaabiga la yiraahdo anas bin maalik
RC nabiga SCW waxa uu ahaa mid yiraahda marka bisha RAJAB ey dhalato (ILAAHOOW
NOO BARAKEE RAJAB IYO SHACBAAN SOONKANA NA GAARSII) waxaa soo saaray
xadiithkaas imaam axmed iyo dabaraani dadkii wan wanaagsanaana waxey ahayeen
kuwa ku duceysta oo ku alla barya in uu ilaahay gaarsiiyo soonka iyo in uu ka
aqbalo acmaashoodaba
2- DARIIQADA LABAAD: waa in aad ilaahay ku mahdisaa kuna
amaantaa gaarsiinta uu soonka ku gaarsiiyay culumaduna waxa ey leeyihiin qofka
hadii uu ilaahay siiyo nicmo muuqato ama uu ka celiyo balaayo muuqata waxaa
haboon in uu ilaahay u sujuudaa sujuudul shukri.
3- DARIIQADA SADEXAAD: waa in uu qofku ku farxaa una fur
furnaadaa soonka waxaa nabiga SCW ka sugnaaday in uu yiri (WAXAA IDIIN YIMID
BISHII SOON WAA BIL BARAKEYSAN ILAAHAYNA IDINKU WAAJIB YEELAY SOONKEEDA WAXAA
LA FURAA ALBAABADA JANOOYINKA WAXAANA LA XIRAA ALBAABADA NAARTA) waxaa soo
saaray imaam axmed dadkii wanaagsanaa ee horana waxaa ey ahaayeen kuwa
jecleysta kuna farxa soo calitaanka soonka
4- DARIIQADA AFRAAD: waa in uu go’aansadaa una qorsheystaa ka
faaiideysashada bishaan barakeysan ee soon maxaa yeelay walaalayaal dadbadan oo
naga mid ah waxaa ey u qorsheystaan waliba qorshe aad looga baaraan dagay u
qorsheystaan aduunyadooda laakiin waa yar yihiin kuwa qorshayaal mira dhal ah u
dagsanaayo aakhiradooda
5- DARIIQADA SHANAAD: waa in uu qaataa go’aan adag oo dhab ah
in uu ka faaideysto bishaan barakeysan waqtigiisana uu ku buuxiyaa acmaasha wan
wanaagsan ogowna qofkii ilaahay u runsheegaa ilaahayna wuxuu waafajiyaa
kheyrkee maxaayeelay ilaahay waxa uu yiri ( Hadey ilaahay u runsheegaan run shegidaas ayaa u kher badan)
6- DARIIQADA LIXAAD: waa in uu cilmi u yeeshaa isla markaana
fahmaa AXKAAMTA soonka maxaa yeelay qofka muslimka ah waxaa u haboon in uu
ilaahay ku caabudaa cilmi ee uusan jahli ku caabudin
7- DARIIQADA TODOBAAD: waa in uu go’aansadaa in uu soonka
kusoo dhaweeyaa in uu ka tago xumaanta sharta iyo danbiga oodhan iyo waliba
towbad dhab ah oo uu ka towbad keenaayo danbiyadii oodhan in in uu danbiyada is
daayo uuna go’aansado inuusan ku laabanin waana bishii towbad keenka ee qofkaan
towbad keenin goormuu towbad keenaa? Ilaahayna waxa uu leeyahay (war
dhamaantiin mu’miniineey ilaahay u towbad keena haddaad mu’miniin tihiin)
8- DARIIQADA SIDEEDAAD: waa in uu u diyaar garoobaa ruuxiyan
iyo nafsiyanba asagoo daalacanaayo dhageysanaayo kutubta iyo cajaladaha
duruusta iyo muxaadaraadka ah ee cadeyneysa fadliga bisha soon
9- DARIIQADA SAGAALAAD: waa in uu diyaar garoobaa dacwada
ilaahay xagiisa dadka loogu yeeraayo sida
A- in uu diyaarsado kalmad yar oo ku saabsan baraarujinta
bulshada uuna ka jeediyo masjidka ama meelaha ey bulshada isugu imaaneyso
B- in uu isku dayo in uu qeybiyo ama hadiyeeyo kutubta
risaaladaha cajaladaha ka hadlaayo soonka iyo axkaamtiisa uuna siinaayo dadka
aan waxba ka aqoonin axkaamta soonka si ey uga faaiideystaan
C- in uu xusuusto kana war qabo waxna siiyo kaalmeeyana dadka
fuqarada ah ee kunool meesha uu ku noolyahay
10-DARIIQADA TOBNAAD: waa in uu ku soo dhaweeyaa soonka in uu
furo bog cusub oo cad oo iftiimaayo dhanka:
A- ilaahay SWT oo uu u towbad keenaayo towbad dhab ah runna
ah
B- rasuulka SCW oo uu adeecaayo yeelaayo qaadanaayana waxa uu
faraayo kana haraayo waxa uu ka reebaayo
C- waalidka qaraabada riximka haweyneydiisa ilamaha oo uu u
ixsaan falaayo xiriirinaayna
D- bulshada uu la noolyahay oo uu anfacyo dhankasta
karaankiisa maxaa yeelay nabiga SCW waxaa la wariyay in uu yiri dadka waxaa ugu
fadli badan kan ugu anfaca badan
sidaas ayuu qofka muslimka ah ku soo dhaweyaa soonka sida
dhul ooman oo u baahan roob ama qof jiran oo u baahan dhaktar ama qof joogo oo
sugaayo saaxiib uu jecelyahay oo agtiisa qaali ka ah
intaas ayaan kusoo koobayaa maqaalkeygii waxaana aan ilaahay
inoo baryayaa in uu inaga dhigo kuga naarta laga xureeyo soonkaan waxaana aan
jeclahay in qofwalbaa oo akhristaa uu iissoo gudbiyaa wixii aragti ah ee uu ka
wabo maqaalkeygaan wixii qaloocsanna uu toosiyaa wixii toosanna uu iigusoo
duceeyaa halkaas ayuuna noogu dhamaaday maqaal keenii waxaana aan jeclahay in
aan sii wadi doono anagoo soo qori doono maqaal ah
ACMAASHA UGU WANAGSAN EE LA SMEEYO SOONKA inshaa allaah waase
hadii ilaahay na deysto anagoo caafimaad qabna
Abuukar yaasiin
abuukarsom@hotmail.com