GOORMA AYAA LALA IMAANAYAA
SOONKA NIYAYSASHADIISA?
Qaybta: 5aad ee Taxanaha Ramadaanka
Soonka waajibka ah sida Ramadaanka, soonka
kafaara gudka iyo midka la nadray (la sharday, sida iyadoo la yiraahdo
Ilaaheeyoow haddiii aad I caafido maalin ayaan soomayaa, iwm). Soonku waajibka
yahay waxaa ku wajib ah qofka soomaya inuu soonka niyaysto, inta u dhexaysa
marka qorraxdu dhacdo iyo marka waagu baryayo, inta u dhexaysa labadaa waqti
haddii uu soonka niyaysto soonkiisu wuxuu noqonayaa mid sax ah, haddii uu si ula
kac ah uga tagana soonkiisu ansixi mayo, sida uu Rasuulkuba SCW u yiri: "Qofkii
niyada soonka aan soo go'aansan, oo aan soo sugin waa bariga ka hor, soon uma
jiro". Waxaa wariyey Tarmiidi, Abu Da’ud, Wanisaa’I, iyo Daaramiye oo
uu ku wariyey kitaabkiisa Isnaadu Saxiix.
Laakiin qofkii niyada habeenkii hilmaama ee
subaxdii xasuusta, amaba aan ogayn in bishii soonku dhalatay, ee ka dib markuu
wax cunay ama cabay ogaada in ay Ramadaan tahay, waxaa laga rabaa in isla marka
uu xasuusto ama ogaado uu niyada la yimaado, soonkiisana halkaa ka siiwato, wax
qallo ahna lagama rabo, dhibna ka soo gaari mayo hilmaankaa ama ogaan la'aantaa,
sababtoo ah Rasuulka SCW ayaa wuxuu yiri: "Ilaaheey wuxuu ummaddayda ka
daayey oo ka dejiyey wixii ay ku gefaan, wixii ay hilmaamaan, iyo wixii lagu
qasbaba". Waxaa wariyey Ibnu Maajix, iyo sh. Albaani oo uu ku wariyey
kitaabkiisa Irwaa.
Qofkii soonka u suxuurtaana wuxuu la mid yahay
qof niyadii la yimid, sababtoo ah qofkaasi wuxuu u suxuurtay inuu Alle ugu
dhowaado iyo inuu awood u yeesho soonka, maadaama uu sidaa awgeed u suxuurtayna
waxaa laga helay ulajeedkii la rabey, oo ahaa in soonku uu noqdo mid Alle loola
jeedo, uuna ka soocmo cunta iska joojinta, iwm.
Niyadu waa shaqo qalbigu qabto oo aan dadku
daalacan karin, sidaa awgeedna marka lala imaanayo afka looga dhawaaqi mayo,
korna loo qaadi mayo niyaysiga, sida dadka qaarkoodba ay sameeyaan, oo marka
salaadda Maqrib la tukado ka dib ayaa meelaha qaarkood waxaa ka dhici jirtay
ogaanteey in imaamka lagu yiraahdo noo xir soonka, dabadeedna markaa ayuu u
meerin jiray, iyadoo iyaguna ay ka daba meersanayaan, soonka iyo cibaadooyinka
kalena wasy ka siman yihiin in aan waxa la niyaysanayo afka looga dhawaaqayn,
sidan horay u soo xusnayba.
kulaabo
Qaybta 4aad | Akhri Qaybta 6aad.... Guji
WQ. OsmanBilad
osmanbilad@hotmail.com
-------Asalaamu
caleykum--------
Waxaan Kuu
Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro
Nov 3, 2002 | Oct 18, 2003
www.Somalitalk.com/ramadan |