SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 RAMADAAN

| QURAAN | SIIRO | SAXAABO | SALAAT | XAJJ | ZAKAAT |

ramadan

FADLIGA RAMADAANKA

Qaybta: 3aad ee Taxanaha Ramadaanka

Soonku wuxuu leeyahay fadli wayn, oo qormadeenan aan lagu soo wada koobi karin, laakiin waxaa qaarkiis faah-faahinaysa axaadiistan soo socota:

1) Soonka Jannada ayaa lagu galaa: waxaa laga wariyey saxaabi la yiraahdo Abuu Umaama (a.k.n) in uu Rasuulka SCW ku yiri: "Waxaad itustaa camal aan Jannada ku galo? markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri: Soonka qabso, oo ka adkaaw, wax isaga la mid ahi ma jiraane".

2) Soonku waa gaashaan Naarta la iska xijiyo: wuxuuna Rasuulka SCW yiri "Soonka waa gaashaan uu addoonku iska xijiyo Naarta". Soonku wuxuu kala dhex galaa addoonka sooman iyo Naarta, sidoo kale wuxuu ka hor istaagayaa waxyaabaha naftu jeceshahay oo Naarta darbigeeda ah. Naarta waxaa ood looga dhigay waxyaabaha naftu ay jeceshahay, ayna u sahlan tahay inay ku dhaqaaqdo, sida waajibaadka oo laga tago iyo xaaraanta oo la iska dabaasho, ooddaa Naartuna waa mid jilicsan oo ay sahlan tahay in inta laga tillaabsado loo gudbo Naarta. Jannada laftikeedu way u baahan tahay soonka, sababtoo ah Jannada waxaa lagu wareejiyey oo darbi iyo xayndaab looga dhigay waxyaabaha naftu dhibsato oo ku adag, soonkuna wuxuu nafta ka gooyaa waxyaabaha ay marka hore jeceshahay, oo loo yaqaan "Shahawaatka", laakiin ay dib uga shallayso. Camalka Jannada lagu gaaraa wuxuu la mid yahay buur la fuulayo, midka Naarta lagu gaaraana wuxuu la mid yahay iyadoo buurta laga soo degayo oo kale.

3) Dadka soomani waxay leeyihiin albaab albaabada Jannada ka mid ah, oo layiraahdo "Ray-yaan", albaabkaa iyaga oo kaliya ayaa loo sii qabtay (loo xajisay), cid kalena ka gali mayso, sida ku xusanba xadiis ay Bukhaari iyo Muslim wada wariyeen.

4) Soonka iyo Qur'aanku waxay u shafeeco qaadaan qofka sooman, oo Ilaaheey ayey kala hadlaan iyadoo soonku leeyahay: Ilaaheyoow waxaan anigu u diiday raashinkiisii iwm, ee shafeeca qaadka aan u shafeeco qaadayo iga yeel. Qur'aankuna uu leeyahay: Ilaaheyoow waxaan u diiday hurdadiisii oo aniga aqrintayda ayuu ku soo jeeday, markaa ayaa Ilaaheey shafeecadooda aqbalayaa oo Jannadiisa galinayaa. Qofkii wanaag sameeyey oo Qur'aan ku soo jeeday xaaladdiisu waa middaa quruxda badan oo aan xusnay, laakiin qofkii ku soo jeeday turub, dubnad, filin iwm, waa inuu ogaado in waxyaabahaasi aysan Alle SW Janno uga codsan karin, waxay ay qaban karaanna waa lala wada socdaa.

 kulaabo Qaybta 2aad | Akhri Qaybta 4aad.... Guji

WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com 

-------Asalaamu caleykum--------

Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro  

Oct 25, 2002 | Oct 18, 2003


www.Somalitalk.com/ramadan    

somalia



HTML CD