Waxaan halkaan kusoo diyaarinayaa maqaal
kusaabsan khilaaf kajira Soomka hortiisa, anigoo doonaya inaan kubiyaaniyo intii
Alle igaran siiyo, Waxaan rajenayaa in dad muslimiintaa ee khayr doonkaa ay
kadawoobi doonaa khilaafka iyo kalataga kadhaca mujtamaca dhexdiisa markasta oo
bisha ramadaan ama shacbaan bilato, ilaa haatan meelaha qaarkood ama beldaanta
qaarkood lagukala haray xataa maalintii xajka muslimiintu wadagudan lahaayeen
taasna waxaa sabab u ah dad aan khayrdoon ahayn ayaa muslimiinta kafaa'iidaysta
kalatagooda,
Waxaa dhaca markastoo ramadaan bilanayo khilaaf aad u weyn siiba dadka
soomaaliyeed dhexdooda, Waxaana xusid mudan in dadka soomaaliyeed bisha
karaadiyaan dhanka bariga ayagoo adeeg sanaya hadal ah bishii xalay waa dibatey
ama waamaqnaatay, arinkaas oo ah bisha in lagaraadiyo qorax kasoobax diinta wax
Assal raada kumalaha loomana daliishan karo bishii oo saaka bari kasoo baxday
galabta yaan la eegin taasi waa khalad oo bishu ayadoo saaka xagan kasoo baxday
ayey galabtana dhalankadhaa.
Hadaba waxaa haboon bisha in lasugo bilashadeeda manabanaana in cilmiga
Falaga loo isticmaalo bisha siloo ogaado waqtigeeda iyo bilashadeeda, Sababtoo
ah cilmiga Falaga ama xidigiska kuma dhaqmin Culimadii Selefka Ee sadexdii qarni
oo ugu khayrka badnaa joogey,
Waxana taas ugadigayaa dad badan ayaa maanta isticmaala falaga iyo xidigaha
oo laxisaabiyo markaasna jadwal lagasameeyo, Waxana qaabkaas laguyaqaan oo
adegsada nimanka Raafiddada oo kamida Shiicada, weliba qolada ismaaciiliyada
sheegata waxayna leeyihiin waxaa nooga tegey Jacfar Alsaadiq, waana been abuur
ay xidigaha kalayimaadeen oo waxaa ukeenay nin layiraahdo C/llaahi Ibnu
macaawiye oo kadaab ahaa ayaa kubeen abuurtay Jacfar Alsaadiq,
Waxaana daliil u ah Xadiiska Abuu hureyra werinayo wuxuu kaweriayaa nabiga
nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee inu yiri: (kusooma
aragtidiisa(yacni bisha ) kuna afura aragtidiisa, hadii laydinka qariyo dushiina
kaamilyeela tirada shacbaan sodonkeeda maalmood) waxa weriyey Bukhaari iyo
Muslim.
Lamana oran hadii laydinka qariyo raadiya kuwa kutakha susay cilmiga xidigaha,
Waxay culimo badani kuked soomeen xadiiska uu werinayo Cabdullaahi ibnu Cumar
wuxu Nabiga nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee kaweriyey inuu yiri: (hasoomina
ilaa aad bisha aragtaan, hana afurina ilaa aad bisha aragtaan, hadiise laydinka
qariyo dushiina uqadara) jumladaas hadii laydinka qariyo uqadaradii ayey waxa
kufasirteen Uqadara bilxisaab, laakiin saas lagama wado ee waa dhamaystira
sodonka maalmood Hadaba waxaa haboon in lagusoomo sadex midkood,
- xadiiska korkuxusan sida kucad jumlada (ilaa aad bisha aragtaan)
- tanlabaad ruux caadil ah oo lagu kalsoon yahay cadaaladiisa waana laga
aqbalayaa halruux markhaan tigiisa bisha Ramadaan, daliilkuna waa xadiiskuu
werinayo Cabdullaahi Ibnu Cabaas inuu yiri nin reer baadiye ah ayaa u yimid
Rasuulka nabad gelyo iyo naxariis korkiisa hanoqotee, markaasuu yiri waxaan
arkay bishii, markaasuu yiri: (maqireysaa in Alle maahee an Ilaah kale jirin)
markaasuu yiri haa, markaasuu hadana yiri: (maqireysaa Muxamad inuu yahay
Rasuulkii Alle) markaasuu yiri haa, (markaasuu yiri ogeysii Bilaalow dadka
dhexdiisa inay soomaan berito) xadiisku waa saxiix. laakiin bisha Shawaal ee
soonfur looyaqaan waxaa lagarabaa labaruux inay sheegaan aragtideeda,
- tan sadexaad waa sodonka in ladhameeyo waxana kucad xadiiskaan korkusoo
xusnay Jumladiisa (hadii laydika qariyo dushiina kaamil yeela tirada
Shacbaan)Shacbaan waa bisha soomka kahoraysa taasaana ladhamays tirayaa
hadii la arkiwaayo bisha, oo marhadii sodonku dhamaado waxa kadanbeeyaa waa
bishii Soom,
Hadaba ruuxii meel kafog joogaa maku soomayaa aragtida ruuxaas? Waxaa kujira
khilaaf farabadan ,
- qolada hore waxaa kamida Imaamul baqawi oo kasoo guuriyey Imaamul Shaafic
inuu yiri;meelkastoo laga arko bisha waalagu soomayaa aragtidaas,
daliilkiisuna waa xadiiskaan korkusoo xusnay Jumladiisa (kusooma aragtidiisa
kuna afura aragtidiisa) macnuhuna waa ruux kamida Ummada haduu arko Ummadii
oo dhami waa aragtay, waana qiimo badan tahay maanta oo wasaa ilu iclaam (qalabka
waxlagu tebiyo) lagu horumaray inaanu dhaqan gelino Qowlkaas Imaamu Shaafici
lagasoo qaaday,
- qolakale waxay dheheen dadka intii isku dhowba haysku soomaan laakiin
waxay xadayn waayeen dhowaan shihii iyo fogaan shihii waxayna ukala bexeen
ilaa shan qolo ama qaybood, I=qolaa tiri waxaa lagu xadayn karaa in loo eego
ikhtilaafu madaalic oo intii isku madlac ihiba iyagaa isudhow, saas darteed
madaalicda haloonoqdo,
Taasina waxay lugaha lagashay in laraadiyo khuburo taqaan cilmiga Falaga iyo
xidigaha waana taanu horay ugasoo hadalay inayan banaanayn, II=qolakael ayaa
waxay dheheen intii masaafatul qasri isujirtaa haysla soomaan hana isla afuraan,
Qowlkaasna waxaa kitaabka looyaqaan (Sharxu muhadab) kudaciifiyey Imaamu
Nawawi oo yiri waa qowl aad udaciifa loomana adeegsan karo masaafatul qasri
madaalicda sababtoo ah waxay taasi siikala jebinaysaa Muslimiinta oo waxaa
imaanaysa in 70 ama 80 Km, lookala qaybsamo oo markaas qolawaliba tiraahdo
ciidayadaanu leenahay idinkuna tiinaad leedihiin Taasina waa burburka midnimada
Muslimiinta sida maanta jirta,
Jamhuurta culimadu waxay qabaan inuusan wax ictibaara ama fiiro ah lahayn
ikhtilaaful madaalic ama kalagedis naanta madaalicdu,saas darteed markii dad
magaalo degani arkaan bisha waxaa kuwaajiba magaalooyinka ama beldaanta kale
dhamaantood inay kusoomaan, ayadoo lagaduulayo ama lagashidaal qaadanao qowlka
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, inuu yiri: (kusooma
aragtidiisa kuna afura aragtidiisa) waa jumlo kamida xadiiskaan korkusoo xusnay,
Culimo badan ayaa waxay qabaan in qolakastaa kusoomto bedelkooda ee bedel
kale anu laasim ku ahayn, waxayna daliishanayaan xadiiska uu werinayo Kureyb,
wuxu yiri (waxaan soogalay Shaam bishuna waxay iigu bilatay anigoo Shaam jooga
oo waxaan arkay habeen Jumcaa, markaasaan waxaan imid magaalada Madiina bisha
aakhir keedii markaasaa waxaa iwarsaday Ibnu Cabaas, wuxuna yiri, goormaad
aragtay bisha? Markaasaan iri waxaan aragnay habeenkii Jumcada,markaasuu yiri
maadigaa arkay? Markaasaan iri haa dadkuna waa arkeen waana soomeen, Mucaawiyena
waasoomay, markaasuu yiri Ibnu Cabaas laakiin anagu waxaan aragnay habeenkii
sabtida,kamana tegeyno soomka ilaa sodonka aanu dhamaysano ama aanu aragno
bishii, markaasaan iri miyaadan kukaaftoomayn aragtida Mucaawiye? Markaasuu yiri
maya ee sidaasuu na amray Rasuulka Alle, nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa
hanoqotee,) ---- waxa weriyey Axmad, Muslim, Tarmidi,
Waxay culimadii xadiiskan sharxay kufasireen Amarku waa aragti kusooma oo
aragti ku afura, laakiin dad badan ayaa sikale iyo faham khaldan uleexshey
halkaasaana Inbadan dadkaa lagasoo galaa markii ladoonayo in lajaah wareeriyo,
Imaamu Albaani wuxuu leeyahay hadii midnimadii guud suuroobi weydey Shacab
weliba dawladiisa halasoomo wuxuuna ilaalinayaa midnimada muslimiinta laakiin
wax daliila makeenin,
Wanaan arin haboon markasta intii laysukeeni karo midnimada muslimiinta in
laysukeeno oo tafaraaruq iyo kalatag ayaa waxkasta kaxun maxaa yeelay waxaa
halkaas kadhalaneysa isnacayb iyo cadaawad dhextaal muslimiinta Waana tanmaanta
cadow goodu ugafaa iideytey markey kalajabeen oo kooxkoox iyo firqafiqo
ukalabexeen.