Waxan maanta maqaalkan kusoo qaadanaynaa Daraasad kusaabsan Horumarka
ay DG Puntland Kagaartay Xagga Illaalinta Xeebaha Puntland,Ee
(Puntland Coast Guard).
Haddaba Daraasaddan waxaan kaga faaloonaynaa dhammaan maclumadka ay
shirkaddan SOMCAN oo ah Shirkadda Illaalinta xeebaha Puntland, kaqabatay
Puntland,.
Shirkaddan SOMCAN waxaa la’aas-aasay,oo magaceeda lagu dhawaaqay
Taariikhdu markii ay ahayd 12-Jan-2003, waxana xafladdii ku dhawaaqiddaas
iyo howlgalkaasba furay, oo munasabaddaas ka hadlay , maraakibtana xargaha
kafuray, isla markana Salaan kaqaatay Ciidamada Badda ee SOMCAN, Wakiilka
DG Puntland MR DOOGJOOG, oo matalayay Maamulka DG Puntland, Ogana Wakiil
ahaa Madaxwaynaha DG Puntland, Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed.
Shirkadda SOMCAN waxaa Aas-aaskeeda looga dhawaaqay Magalada Boosaaso,
waxayna Ictiraaf wayn ka haystaa Maamul Goboleedka Puntland, waxayna
howshii ugu horaysay ee ay qabato ka bilowday Xeebaha ku teedsan Barriga
Somaliya, Gaar ahaan Magalada Boosaaso, halkaas oo ay ku badnaayeen
maraakiibta Xaalufisa Xeebaha Soomaaliya ee ay leeyihiin wadamada
Shisheeyaha, Xeebahaas oo ah Kuwa ugu khayraadka badan Xeebaha Soomaaliya.
Shirkadda SOMCAN Ee (Puntland Coast Guard) waxay howlgalkeedii ugu
horeeyay ku qabatay maraakiib farabadan oo si sharci darro ahi oga
kaluumaysanayay Xeebaha Puntland oo idil, sida Xeebaha kala ah (Ayl,
Garacad, Bayla, Xaafuun, Baargaal, Xaabbo, Qandala).
SOMCAN waxay Xeebta Ayl Ee Dhinaca koonfureed kaga aaddan magalada
Bosaso , kula dagaalantay Maraakiib Tiradoodu dhan tahay (22 Markab) oo
laga leeyahay Dalka Kuuriya, taasoo markii danbe keentay in Shirkadihii
Shisheeyaha ahaa ay ka cararaan dhammaan Xeebaha Puntland.
SOMCAN waxay wax wayn ka qabatay oo dagaal xooggan ay la gashay
Doonyaha sida sharci darrada ahi u qaada Dadka tahriibayaasha ahi , oo
badankood kayimid Koonfurta Somaliya si ay ugaaraan Dalka Yaman./
Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
SOMCAN waxay mushahar siisaa Bishii Shaqaale Gaaraya (72)QOF, waxayna kacaawisaa DG Puntland Dhinaca Degaanka ama Hoyga Ciidamada ay
wada shaqaynta wadaagaan oo ka kooban Saddex(300)oo Askari oo ah kuwa Saaran
Maraakiibta Shirkadda ee la dagaalanta Doonyaha Ajanabiga ahi Iyo
Maraakiibta Shisheeyaha (ee kusoo xad gudba xeebaha Puntland).
Shirkaddan SOMCAN oo ah Shirkad xafiiskeeda sare [ama Head Office-keedu] yahay Magalada OJMAN,
Dalka Imaradka Carabta, waxay wax wayn kaqabatay Maraakiibtii
Ajanibaga Iyo Doonyahaba oo sida sharcidarada ah oga kaluumaysan jiray
Xeebaha Puntland, muddo gaaraysa illaa DHOWR iyo TOBAN SANO.
SOMCAN Waxay ka caawisay kalluumaysatada Soomliyeed oo aad iyo aad ugu
dhib qabay maraakiibtaas Ajaniga ah, wax soosaar ay helaanna Iska Dhaafe
ay Shabaaktooda qaadan jireen Maraakiibta AJANIGA ah, halkaasoo
kaluumasatada ay ku Cayroobi jireen.
Mareeyaha Guud ee Shirkadda SOMCAN (PUNTLAND COAST GUARD), waxa uu ii
shegay in Ciidamada Shirkadda oo caddadkoodu uu dhan yahay
Saddex(300)ASKARI ay yihiin kuwa loo taba baray Badda, isla markana awood
u leh inay badda ku maqnadaan mudo badan, ay wax wayn ka qabteen
illaalinta Xeebaha Puntland, mar aan daawaday maraakiibta Illaalinta
Xeebaha Puntland , waxa ay indhahaygu qabteen Qoryaha Waawayn ee Lidka
Dayuurahada lagula dagaalamo, Iyo Kuwa kale oo CUL-CULUS, ,isla markana
ka dhexmuuqda dhowr markab oo waawayn oo Shirkadda Puntland Coast Guard
ay leedahay , Iyo doonyaha dheereeya ee loo yaqaan SPEED BOATS oo qoryaha daran-dooriga ku dhaca ay ku
rakiban yihiin, doonyahaas oo ah kuwa xawaaraha ay ku ordayaan uu aad u
badan yahay, oo jooga Dekadda Magalada Bosaso.
Dhinaca kale waxad arkaysaa Ciidamo ku labisan Dharka Ciidamada
Puntland ee TUUTAHA CAGAARKA ah, isla markana dulsaaran maraakiibta,
kuwaas oo ah Ciidamada Illaaliya Xeebaha Puntland Ee Puntland Coast
Guard.
Mareeyaha Shirkadda Illaalinta Xeebaha Puntland, Mudane Cabdi-Wali
Cali Taar mar aan wax kawaydiiyay xiriirka ay shirkadda SOMCAN laleedahay
Hayádaha Caalamiga ahi waxa uu iisheegay in Wadamada Adduunka kuwa ugu
waawayn ay xirriir gaar ahi laleeyihiin, kuwasoo arkay marakiibta iyo
Ciidamada DG Puntland, aadna ugu farxay sida wanaagsan ee ay DG Puntland
isagu xilqaantay inay wax ka qabato Xeebaheeda, Ciidamadan maahan kuwa ku
kooban inay illaaliyaan Xeebaha DG Puntalnd, ee waxa kale oo loo ádeegsan
karaa inay ladagaalaman waxii wax u dhimaya Jiritanka Qayraadka Badda,
Amniga iwm, waa sida uu Mudane Cabdi-Wali Taar Hadalkiisa kusoo koobaye.
Halkan ka eeg sawiro kale ...
Fadlan Wixii aqbaar oo dheerad ahi kala sooxariira Mailkaan hoose oo
ay leedahay Shirkadda SOMCAN
E-mail: somacn@emirates.net.ae
NB: waraysigan waxaa sooqaday Maxamed Cabdi F Botan
Mail: faaraxbotan@hotmail.com