CASHARKII
6aad ee C-CPROGRAMMING
[Guji]
"Mooryaanta" internetka!
[Guji]
"C. Gaalkacyo"
Barnaamijyo ku anfacaya
Badanaa waxaa
dhacda in dadku soo iibsadaan PC (Personal Computer), hase yeeshee, eysan si
fiican ugu intifaacin. Sababaha keenaya in uusan qofku si fiican
kumbuyuutarkiisa uga faa'iideysan waxay tahay, ayadoo qofku uusan heysan
barjaamijyadii uu kumbuyuutarka ku isticmaali lahaa. Waa su'aale, maxaa lagu
sameynayaa qolofta computer-ka kaligeed, hadii eysan computer-ka wax barnhaamij
ah eysan ku jirin??
Waxaa
laga yaabaa in qofku uu ogsoon yahay barrnaamijyada uu u baahan yahay, laakiin,
helitaankooda ey ka xigto lagac, ama uusan kaba warqabin in ey jiraan
barnaamijyo asaga anfici lahaa, oo jira.
Si kastaba ha
ahaatee, waayahaan uu internetku ku faafay dunica dacaladeeda oo dhan , waxaa
sahal noqotay sidii lagu heli lahaa barnaamijyo nooc walba leh, kuwo bilaash ah
iyo kuwo lagacla'aan ahba.
Waxaa
jira bo'gag (web sites, home pages) lagu soo bandhigo program-yada cusub
badanboog, ee markaas suuqa soogalay. Bo'gagaas, kuwooda caanka ah waxaa ka mid
ah:
www.download.com iyo
www.tucows.com,
waxaadna ka heli kartaa barrnaamijyo nooc walba leh.
Bo'gagaan kor
ku xusan, barnaamijyada ey soo bandhigaan labo nooc ayay u kala saaraan :
Barnaamijyadaa
shareware-ka ah, Badanaa, waxaa laguu ogol yahay inaad isticmaasho intii bil ah,
kadib hadey ku qanciyaan, waa inaad iibsataa, hadii kale, waa is xirayaan,
oo ma isticmaali kartid.
Sidoo kale,
waxaad arkeysaa program lagu leeyahay waa Demo, taasoo loola jeedo:
program-ku ma dhameystirna, ama qeyb kamid ah ma isticmaali kartid. waxaa loogu
talagalay bal inaad wax xoogaa ka aragtid, hadii uu ku anfaco, waxaad soo
iibsaneysaa furihii(serial number) lagu firi lahaa, si aad si buuxda u
isticmaashid asagoo dhan.
waxaan soo aruurinay program-yo,
loogu talagalay windows-yada,(Sida win 98/ ME/2000/XP), qof walba oo PC lehna
anfacaya, oo muhiim ah, qaarkoodna ey lacag yihiin, qaarna bilaash yihiin:
Barnaamijyo
aasaasi ah:
Barnaamijyo Internet-ka
loo isticmaalo
Barnaamijyo ka
hortagaya faragalinta shisheeye iyo virus-yada
Barnaamijyo
windows-ka la shaqeeya
Barnaamijyo
sawirada loo isticmaalo(sida fiirsasho, hagaajin, ...)
Barnaamijyo wax
lagu dhageysto
Barnaamijyo loo
isticmaalo Video-yada iyo DVD-yada
Barnaamijyo
lagu gubo( burn) CD ja DVD-yada
Barnaamijyo lagu
qoro/sameeyo HTML iyo XML
Xariirka dadka
C/risaaq "Gaalkacyo"
Helsini,
Finland
rcabdi@hotmail.com
SomaliTalk.com | Jan 5, 2004
"Mooryaanta" internetka!
[Guji]
"C. Gaalkacyo"
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|