Wuxuu bilaabay in uu urur walba oo qoomiyad matala uu urur kale oo
isaga dabo dhilif u ah oo siyaasadihiisa fuliya ka garabsameyo, waxa aana
miitaal, loo sooqdan karaa ururka OLFta oo ay dadka Oromadu si wayn u
taageersanyihiin ayaa waxa uu ka garab sameeyay ururka OPDOda oo lagu
tilmaamo mid dadka Oromda matala lakiin fuliya siyaada dhiigyo cabka Meles
Zenawi. Waxa kale oo uu urur lifaaq ah u samaysatay ururka Axmaarada oo
siyaasadiisa fuliya, ayadoo la ogyahay in uu san habayaraatee waxa taageera
ah ku lahayn qoomiyada Axmaarada. Xataa kaligii taliyahani muusan dhaafin
qoomiyadaha yaryar ee Ethiopianka ah sida Hararida, Canfarta iyo waliba
Benushaangul. Taasuna waxa ay ku tusinaysaa in uuna ogolayn in ay wadanka ka
socdaan waxa uunan ogayn.
Hadaba hadii aan u soo laabano dhinaca
Somalida Ogadeniya oo uu ururka ONLF ku guulaystay 80% doorashadii 1992dii
taas oo kutusinayasa sida wayn ee ururkaas looga taageersanyahay wadanka
Ogadeniya, ayaa waxa uu kaligii taliye Meles samaystay urur la dhihi jiray
League 1994tii, oo uu kusamaysatay tuulo yar oo Hurso layidhaahdo oo kutaala
meel u dhaw magaalada Diridhaba. Wax walba wuxuu leeyahay teer uu ku taagan
yahay Urur aan shacbiyad lahayna mataag naanayo, sidaa darteed wuxuu galaba
wax sheegaba, ugu danbayntii iskii ayuu isaga dhamaaday.
Qarnigan aan maanta ku jiro ee 21aad ee
casriga ah ee aduunku wax gumaysi layidhaahdo ka dhamaaday oo wadanadii uugu
danbeeyay ay xoroobeen sida South Afrika, Namibia, Eritrea iyo wadamo badan
oo katirsanaan jiray midawgii soofiyeed ee burburay iyo waliba wadamada
balkanka, waxaana hada uugu danbaysa Falastiin oo hada loogu balan qaaday in
dawlad kaamil ah ay dhistaan 2005ta. Markaas ayaa waxa uu rabaa kaligii
taliye Mele Zenawi oo ka soo jeeda qoomiyada Tigreerga oo 5% ka ah dadka
Ethiopia in ay sii gumaystaan Somalida Ogadeniya.
Somalida reer Ogadeniya waligeed Ethiopiaan
nimo maynan aqbalin, ilaa iyo maalintii ay dawlada Ingiriisku kuwareejisay
Ethiopia wadanka Ogadeniya 1898-1945kii, hasayeeshee ilaa iyo hada dadka
reer Ogadeniya hubka maynan dhigin, hadana habka cusub ee gumaysiga uu
Tigreegu wado ee qaybi oo xukunka ah wax ka soconaya wadanka Ogadeniya ma
aha. Hadaba waxa is waydiin leh kaligii taliye Meles istarijiyada uu
isticmaalayo ma mid u hir galaysaa, mise ruumad buu dadayaa?.
Shacabka reer Ogadeniya oo maanta wada
halgan hubaysan oo wadanka dhexdiisa laga aasaasay oo aynan wadamo shisheeya
ahi gacanta ku haynin , ayaa waxa xusid mudan in halgankan maanta gumasiga
Tigreega lagulajiro, uu socdo hadda mudo 10 sano ka badan, oo waliba
siyaasda dibada iyo tan halganka hubaysan ee gudaha ka socdaa ay si fiican
isula jaanqaadayaan.
Kaligii taliye Meles ayay ururada xaquuqul
insaanka ee Afrika, Europe, marykanka iyo kuwo madax bannaana oo calmi ah
waxa ay cadeeyeen in ay dawlada wayaanahu tahay wadanka Afrika maamul ahaan
oogu liita, waxa kale oo ay sheegeen in xaquuqal insaanka si xun loogu tunto.
Ninkan dhiigyacabka ah ayaa waxa lagu naanaysaa mashiinka dilaaga ah oo aan
cidnaba u kala aabo yeelin xataa xisbiga uu madax ku sheega ka yahay ayuu ka
dhigay wax uu dilo, wax uu xidho iyo wax uu shaqadii ka eryo, intii ugu
dambaysay na waxay isaga horyimaadeen Arinta Xuduuda Badame.Taas uu waliba
tastuurkii xibigiisa ka leexday si uu xukunka u sii haysto.
Waxa aad moodaa fursadihii kaligii taliye
Meles in ay dhamaadtay, waxa uuna soo maray marxalado kaladuduwan oo la
odhan karo waxa uu ka helay cimri dherer si uu xukunka u sii haysto, taas oo
uu sanadadii uugu horaysay dadka Ethiopianka ah ku siray in uu hab
dimuqraadiyayd ah oo cadaalad ku dhisan uu wax ugu qabanayo, taas oo uuna
waxba ka hir galinin. Kadibna waxa uu bilaabay in uu ka faaiidaysto ururadii
maqaarsaarka ahaa ee uu isagu samaystay si uu uugu fushado siyaasadihiisa,
taas oo aad hadda moodo in ay qoomiyadaha Ethiopia oo dhani fahmeen tabaha
iyo beenaha uu rabo in uu cimri dherer ka dhigto.
Waxa kale uu ka yar faaiidaystay waxa ay
reer galbeedku uugu yeedhaan la dagaalanka argagixisada si uu u weeraro
wadamada dariska la ah, tanina way soo dhamaatay oo marykanka ayaa soo
cadeeyay in aynan ururo argaixiso ah oo xidhiidh la leh alqaciida oo
Somaliya joogaa aynan jirin, laakiin isagu waxa uu ku ad kaystay in ay
Somaliya kajiraan ururo xidhiidh la leh alqaciida ,si uu dhaqaale iyo qalab
askari uu uga helo wadamada reer galbeedka, taasuna hada waxa aad moodaa in
ay dawladadihii reer galbeedku fahmeen oo ay Jaraa,ido Caalimi ah iyo Wufuud
heer sare ah ba soo cadeeyeen arintaas, taasuna waxa ay keentay in si fiican
loo fahmo tabahiisa dhaqaale uruursiga ah iyo gurashada midho uusan beeranin.
Abaarha wadanka Ethiopia kajira oo ayaguna
had iyo jeer soo noqnoqanaya , oo uu kaligii talieye Meles Zenawi kadhigtay
in uu siyaasadiihiisa ku fuliyo kuna aruursado dhaqaale ayaa waxa jirta
ururo caalami ah oo kuwa deeqda bixiya iyo dawladahii awalka aadka u
taageerijiray ay ku eedeeyeen in abaaraha Ethiopia kajira ee soo
noqnoqonayaa aynan ahayn mid dabiici ah ee ay tahay mid ay abuurtay siyaasad
xumida dhiigyacabka Meles iyo wixii dhaqaalo ahaa ee aduunyadu
uugu deeqday dadkaas abaaruhu wax
yeeleeyeen oo uu u adeegsado hab uu siyaasadihiisa ku fushado , si uu ugu
gato qalab military oo casri ah iyo si uu u weeraro dawladaha dariska la ah
iyo waliba si dii uu uugu cadaadin la haa ururada macaaridka ku ah iyo kuwa
kale ee raba in ay aayahooda katashadaan sida Oromada iyo Somalida Ogadeniya.
Adeegsiga noocaas ah ee uu kaligii taliye
Meles u adeegsanayo waxa aad moodaa in
ay ururada caalamiga ah ee deeqda bixiyaa
iyo dawladha reer galbeedku sifiican uga dhargeen tabaha foosha xun ee uu
dilaaga Meles isticmaalo, taana waxa makhraati u ah eedo badan oo ay ururada
caalmaiga ah ee deeqda bixiya iyo dawladaha reer galbeedku ay usoo jeediyeen
taliska wayaanaha oo ku caanbaxay maamulxumo iyo hayadihii samafalka oo
ayagu xaqiiqda ogaaday oo ay qaarkood bilaabeen in ay ayagu toos u geeyaan
meelaha ay abaaruhu ka jiraan.
Hadaba iyadoo uu kaligii taliye Meles
fursadihii oo dhan uu soo cunay ayaa hada uu isku dayayaa inn uu sii cimri
dherersado ayadoo ay dawlada wayaanahu wakhtigeedii uu dhamaaday oo ay ka
muuqdaan calaamadihii dawladihii hore ee Afirkanka ahaa ee soo burburi jiray
oo ay ka mid yihii (a) baxsasho xad dhaaf ah oo ay saraakiisha ciidamada
sare baxasnayaan markii ay dibada tababar u soo aadan ama arin cafimaad
awgeed u soo baxaan (b)hantida dadwaynaha oo sidii loo dhici lahaa ay u kala
baratamayaan madax ku sheega sare ee dawlada wayaanaha (c) ururo isku
sheegay in ay macaarid yihiin oo wakhtigii uu awood lahaa aan hadli karin
ayaa maalin walba waxa ay soo saaraan baaq oo ay kaga codsanayaan in ay
dawlada wayaanahu ay is casisho ayadoon aan wax dhiig ahi ku daadan (d)
ayadoo dadk la gu tuhmayo in ay siyaasada Meles ka soo hor jeedaan habeen
iyo maalinba la af duubo (e) xabadaha ka dhaca magaalada Addis Abeba oo
marka ay habeen noqoto sii badanysa (f ) amarka iyo kala danbaynta oo lumay,
(g) xidhiidhka ka dhaxeeya maamulka Addis Abeba iyo kan kililda oo kala
go,ay.
Hadaba dhagaysta yaal markaan isku soo
xoorino dhamaan qormada Faalada miyaysan Cadayn Dhamaadkii Maamulka Kaligii
taliye Zanaawi
Radio Xoriyo
Hassan Mo,alin
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|