SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: May 23, 2003 

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaalo lagu jabiyay Ciidamada Taliska Wayaanaha ee Itoobiya.
  • Ø Gudoomiyaha Deegaanka Badame oo Diiday inay aqbasha Go’aankii Jamciyadda ee la xidhiidhay Tuulada Baadame.
  • Ø Madaxwayne dawlada Ethiopia oo loo diiday in ay qaraabadiisu soo booqdaan.
  • Ø Dawlada Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay sii huriso dagaalada Qabiilada dhex mara.
  • Ø Qarax ka dhacay magaalda Moyaale oo 8 qofi ku dhaawacmeen.
  • Ø Eritrea oo sheegtay in ay Itoobiya dagaal isu diyaarinayso.
  • Ø Shan Nin oo Xabsiga Itoobiya Ka baxsatay iyo Suugaan halgameed.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis

Dagaalo lagu jabiyay Ciidamada Taliska Wayaanaha ee Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Ciidanka Xoreeynta Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaalo culus oo dhex maray Ciidamada Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadenya iyo Ciidamada waktigoodii dhamaaday ee Gumaysiga Itoobiya.

9/5/03 Weerar gaadmo ah oo Ciidamada Dhaarsan ee Halyeeyada Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ku qaadeen koox ka tirsan Ciidamada isukeen keenka ah ee gumaysiga Itoobiya, oo ku sugnaa Tuulada Qalboobley oo ka tirsan Dagmada Shaygoosh, ayay waxay kaga dileen ciidamada cadawga 10 Askari, waxayna kaga dhaaweceen 15 Askari oo kale.

11/5/03 Koox ka tirsan sooma jeedshadayaasha Ciidanka Ogaadeeniya ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhiga ay Ciidamada Cadowgu ku leeyihiin Magaalada Danood. Halkaasna waxay Ciidamada Cadawga kaga dileen 4 Askari waxayna kaga Dhaawaceen 9 Askari oo Kale.

14/5/03 Weerar gaadmo ah oo ay Dagaal yahaniinya Hubaysan ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ku qaadeen Qayb ka mid ah Ciidamada Dulmiga iyo Xaqdarada ku Caan baxay ee Gumaysiga Itoobiya, oo ku sugnaa Miri-mirida oo Gunagado ka tirsan ayaa waxaa Cadowga lagaga dilay 12 Askari 19 kalena waa lagaga dhaawacay.

15/5/03 Iska horimaad Dagaal oo Ciidama Geesiyiinta Xoreynta Ogaadeeniya iyo Ciidamda Xaqdarada ku caanbaxay ee Itoobiya ku dhex maray Tuulada la yidhaahdo Daawo-diid ayaa waxaa Ciidamada dacdaraysan ee Cadowga lagaga dilay 5 Askari waxaa kale oo laga dhaawacay 13 Askari oo kale.

17/5/03 Dagaal ay iskaga Horyimaadeen Ciidamda Xaq u dirirka ah ee Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya iyo Ciidamda Daalan ee Gumaysiga Itoobiya, meesha lagu macaabo Ilcas oo u dhexaysa Wiji-waaji iyo Shaygoosh oo ka tirsan Gobolka Qorraxay, ayaa waxaa Ciidamada Cadawga lagaga dilay 3 Akari waxaana isla goobtaas lagaga dhaawacay 5 Askari oo kale.

9/4/03 Dagaal ay Ciidamada Jabhada Xoreenta Oromiya ku qaadeen Cidamada cagajiidka Gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaa Tuulada Kooro oo ka tirsan Baabili, ayaa waxay halkaas kaga dileen Ciidamada Cadowga 3 Askari Qaarkalena way kaga dhaawaceen.

Dagaaladaas kulul ee ay Ciidamada hubaysan ee Jabhadaha Xornomadoonku ku qaadeen Ciidamada Itoobiya, ayaa waxuu sababay isku dhac iyo kala amar qaadasho la’aan ka dhex-dhacay Ciidanka Gumaysiga Itoobiya. Horaantii todobadkii hore waxaa iskudhac dagaal dhex maray Ciidamada Gumaysiga ee saldhigoodu yahay Magaalada Baabili waxayna halkaas iskaga dileen 7 Askari waxaa kale oo ay iska dhawceen tiro badan oo aanaan hadda haynin.

Gudoomiyaha Deegaanka Badame oo Diiday inay aqbasha Go’aankii Jamciyadda ee la xidhiidhay Tuulada Baadame.


Haweenayda gudoomiyaha ka ah Deegaanka Shiraaro oo ay Magaalada Badme ka tirsantahay, ayaa diiday Go’aankii ay dhowaan Jamciyadda Quruumhu ku gaadhay in Tuulada Badame la raaciyo Eritria. Gudoomiyuhu waxay sheegtay inaynan marnaba aqbalaynin in Badame ay yeelato Eriteria,iyada oo weliba cadaysay in xitaa haddii ay Dawladda Meles Zenawi ogolaato go’aankaas, ay iyada iyo maamulkeedu ogolaan doonin.

Mar ay u waramaysay Wakaalada Wararka ee IRIN haweenaydaas oo la yiraahdo Tswahab ayaa waxay tidhi“ Gobolkan anaa ku dhashay una soo halgamay, mana ogolaan doono in Eritria ay la wareegto" hadalka ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Sharaaro ayaa waxuu muujinayaa Khilaafka ba,an ee ka dhex taagan Qoyska haya Talada wadanka Itoobiya ee uu ka dhashay Melis Zenaawi.

Madaxwayne dawlada Ethiopia oo loo diiday in ay qaraabadiisu soo booqdaan.

Warar naga soo gaadhay ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in laga mamnuucay Madaxweynaha Itoobiya Girma Wolde in ay dadku ku soobooqdaan Guriga Madaxtooyada,isla markaana ilaaladiisa khaaska ah amar lagu siiyey inaynan u’ogolaanin in Cidi booqasho ugu timaada.

Arintan ayaa soo shaac baxdey todobaadkii hore kadib markii Irida Madaxtooyada laga celiyay Laba nin oo ganacsato caan ah ahaa. Labadaas nin oo mid ka mid ah lagu magacaabo Almitu oo qaraabo u dhaw madaxwaynaha ah ayay ilaaladu u diiday inay ugalan Madaxwaynaha. ka dibana waxaa halkaas ka dhacay Buuq iyo Dagaal lagaga eryayo Ganacsatadii Booqashada ugu timid Madaxweynaha. Diidmada booqashada Madaxwaynaha ayaa tuhun ku abuurtay qaraabadiisa, waxaana la dareeyn sanyahay in ay soo dhawaatay waxkhtigii madaxwaynaha Xabsiga loo taxabi lahaa.

Dawlada Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay sii huriso dagaalada Qabiilada dhex mara.

Shir wayn oo ka dhacay xarunta Qaruumaha midoobay ay ku leedahay magaalada Addis-Ababa, ayaa waxaa lagaga hadlay dagaaladii 12kii sano ee ugu danbeeyay ka dhex dhacay qabiilada wadanka Itoobiya dagan. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala socda qaramada midoobay, Hayadaha Xuquuqul insaanka, Aqoon yahahaniinta iyo madax ka socota dawlada wayaanha ayaa waxa si balaadhan loogu falanqeeyay ”Federalism,iskudhaca Qabiilooyinka iyo nabad ku soo dabaalida”. Nin u hadalay dadkaas aqoonayhamiinta ah oo cilmi baadhis ku soo sameeyay arintan oo layidhaahdo Teshome Mokonin ayaa waxaa uu dawlada wayaanha ku eedeeyay in iyagu ka faa iidaystaan isku dhaca qabiilada, oo meeshii ay ka xalin lahayeen mushkildahaas oo kale ay labada qabiil ee isku dhacay mid kamid ah dhinaca saarto, oo ay waliba hub khatar ah siiyaan , iyagoo siyaasadahooda ku fushanaya. taas oo sababta inay dad badani halkaas ku dhamaadaan. Gabadh kale oo katirsan aqoonyahamiinta arintaa soo baadhay oo Almaz ayale layidhaahdo ayaa waxa ay sheegtay in ay sabab u tahay isku dhaca badan ee qabiilda Itoobiya, maamul xumida dawlada wayaanaha.

Qarax ka dhacay magaalda Moyaale oo 8 qofi ku dhaawacmeen.

Wakaalda wararka ee Reuters ayaa waxa ay sheegatay in Dhamaadkii Todobaadkii hore lagu qarxiyay bomb Hotel ku yaala magaalada moyaale oo 700 Km u’jirta Addis-Abeba 8 qofna ay ku dhaawacmeen Qaraxaas. Wakaaladuna waxay warkaas ka soo xigatay dadkii halkaas degenaa ilaa hadana aan la’ogayn cidii Qaraxaa ka dambaysay.

Eritrea oo sheegtay in ay Itoobiya dagaal isu diyaarinayso.

Waraysi ay la yeelayatay wakaalda wararka ee Reuters madax waynaha wadanka Eritrae Isayas Afewarki ayaa waxa uu sheegay in dawlada Ethiopia ay isu diyaarinayso dagaal oo ay rabto inay dib usoo Cusboonaysiiso Dagaalkii 1998-2000. Wuxuuna Ethiopia ku eedeeyay in aynan raali ka ahayn in ay la shaqyso Qarmada midoobay oo ku hawshan sidii Khilaafka Labada Wadan u’dhexeeya Nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa.

waxa lawada ogsoonyahay in dagaalkii labada wadan dhexmaray ay kaga dhinteen ila iyo 70,000 oo Askari. Gudida soohdinta ee Itoobiya iyo Eritrea oo uu saldhigoodu yahay magaalda Hague ee wadanka Holland ayaa waxay go,aan ku gaadheen Bishii Mars ee Sanadkan in ay magaalda Badame oo ah magaaldii uu muranku kataaganaa loo xukumay wadanka Ertrea.

Shan Nin oo Xabsiga Itoobiya Ka baxsatay.

Wargayska Rundnet ayaa sheegay in 5 nin ay ka baxsadeen Xabsi ku yaala Wadanka Itoobiya, hadana ay kusugan yihiin Magaalada Luuq. Dadkii Nimankaas maxaabiista ahaa la kulmay ayaa waxay Wargayska u’sheegeen in Nimankaas ay ka Muuqatay tabardaro aad u faro badan iyo Jidh-dil culus.

Ninka mid ah Maxaabiistaas soo baxsatay wuxuu sheegay in ilaa 1800 Soomaali ah ay ku xidhnaayeen Xabsigaas. Wargaysku siduu sheegay uma suuroobin in uu soo shaaciya magacyada Ragaas Xabsiga ka soo baxsaday sababo amankooda la xidhiidha awgood.

Geesood Waran.
23 May 2003


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD