SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Mar 18, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamijka Radio Xoriyo wax yaabaha aan Caawa idiinku hayno waxaa ka mid ah.

  • Ø Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo sii wada Cadaadiskoodii.
  • Ø Sargaal Sare oo ka tirsanaa Laanta Socdaalka Itoobiya oo baxsaday.
  • Ø Dad Itoobiyaan ah oo isu dhiibay Eritrea.
  • Ø Sharkada Dayuuradaha Itoobiya oo diyaarado qaali ah soo gadanaysa.
  • Ø Kulan dhex maray Madaxwaynaha DKM ee Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait.
  • Ø Barnaamuj faneed aanu ku waraysaneeyno qaar ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo aad ka heli doontaan.

 

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo sii wada Cadaadiskoodii.

Shacbiga Dulman ee Ogaadeenya ayaa waxuu ku noolyahay nolol ay buuxisay cabsi iyo argagax ay u gaysteen ciidamada Itoobiya, oo caado ka dhigtay xadgudubyada ay ka mid yihiin dilka, xadhiga, hanti-boobka iyo argagax galinta ay shacbiga ku hayaan. Waxaana xadgudubyada noocaas ah ugu danbeeyay kuwan:-

10/3/03 ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Tuulada Cayuun ayaa waxay xabsiga u taxaabeen dad badan oo ku noolaa tuuladaas, iyagoo u gaystay jidhdil ka baxsan bini,aadanimada. Falkan ayay ciidamadu ku kaceen, ka dib markay dadwaynaha Tuuladaas ku nool dhagax-tuur kala hortageen ciidamada Itoobiya oo dhibaatooyink fara badan u gaystay.

11/03/03 Magaalada Gudhis waxay ciidamada cadowga Itoobiya ku dileen Laba nin oo Shacab ah oo ku noolaa deegaanka Baadiyaha.

11/03/03 Ciidamada caadaystay boobka hantida dadwaynaha waxay dadwaynihii ku dhaqnaa tuulada Cali San-cad ku amreen inay keenaan 250 Neef oo adhi ah, si ay ciidamadu u qashaan.

9/03/03 waxay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Qoriile xabsiga u taxaabeen dad shacab ah oon waxba galabsanin, waxayna kala yihiin:-

  • 1- Dhoonbe Xirsi Adeer.
  • 2- Faarax siyaad Axmed.
  • 3- Axmed Xassan Cismaan.
  • 4- Axmed Xusseen aw Cali.

8/03/03 Ciidamada Itoobiya waxay Magaalada Dannood ku xidh-xidheen dad shacab ah oo kala ah:

  • 1- Faadumo Maxamed Xarrago.
  • 2- Ardo Maxamed Sulub.
  • 3- Shukri Cabdi Muuse.
  • 4- Farxiya Mukhtaar Yuusuf.
  • 5- Xaliimo Sh. Xasan.

15/03/03 Magaalada Nus-dariiqa wuxuu cadowgu ku xidhay, dad shacbi ah ooy ka mid yihiin:

  • 1- Cali Aw Muxumed Qalaad.
  • 2- Macallin Axmed Maxamuud Cisman.
  • 3- Cali-dayib Aw Axmed Cisman.
  • 4- Cabdi Aw Xassan Dahir.
  • 5- Cabdi-weli Maxamed Daroor.
  • 6- Wacdi Ahmed Aw Bashir.
  • 7- Axmed Shugri (Shariif Nuur)
  • 8- Sahra Jamac Ismaciil.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya xadhig ay u gaysteen Ciidamada Itoobiya ardaydii dhiganaysay Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee magaalooyinka Jigjiga, Harar iyo Diridhaba. Qabqabashadan ardaydan ayaa waxay ka danbeeysay amar ay xukuumada Itoobiya ku bixisay in la qabqabto ardayda ay da’doodu u dhaxayso 15- 20 iyagoo ku eedeeynaya inay taageero u hayaan Xooga Gobonimo doonka ee Jabhada wadaniga Xoreenta Ogaadeenya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in 10 ka mid ah ardaydii dhiganaysay Dugsiyada Jigjiga ay u baxsadeen dhinaca Soomaaliya, ka dib markii toddobaadkii hore xabsiga loo taxaabay 6 ka mid ah ardaydaas.

Sidookale waxay xukuumada Itoobiya ee ku Caanbaxday Cadaalad darrada, shaqooyinkoodii ka eriday 45 ruux oo ka tirsanaa Shaqaalaha Dagmada Shiniile, waxayna xabsiga u taxaabtay qaar ka mid ahaa Shaqaalihii shaqadooda laga eryay.

Shaqaalahan ayaa waxay ka shaqaynayeen laamaha kala duwan ee maamulka Dagmada Shiniile, ilaa iyo hadana ma jirto wax sabab ah oo ay dadkaas Shaqadoodii ku waayeen, oo aan ka aheeyn cadaalad darrada ka dhex jirta maamulka Adis Ababa.

Sargaal Sare oo ka tirsanaa Laanta Socdaalka Itoobiya oo baxsaday.

Waxaa dhawaan Wadanka Jarmalka magangalyo siyaasadeed ka codsaday Abraha Techane oo ahaa sargaal sare oo ka tirsanaa Laanta Socdaalka ee wadanka Itoobiya.

Sargaalkan oo ka hayay jago sare Laanta Socdaalka ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay maamul xumada ka jirta xukuumada Addis Ababa, waxuuna wadanka Jarmalka ka codsaday inaanuu dib ugu celinin wadanka Itiibiya, wuxuu tilmaamay in haddii dib loo celiyo ay markaas xaqiiqo tahay inuu naftiisa waayayo.

Dad Itoobiyaan ah oo isu dhiibay Eritrea.

Maamulka wayaanaha ayaa ku qasbaya dadka beeralayda ah inay keenaan dhalinyaro ka qaybqaata dagaalka ay wayanuhu doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Badame, sidaasna waxaa sheegay Araye Halusalase oo ah 20 jir, kaasoo ka mid ahaa ciidamada Itoobiya, isla markaana isu soo dhiibay dalka Eritereya.

Ninkaasi wuxuu kaloo intaas ku daray in ciidamada wayaanuhu ay fureen xeryo hor-leh oo lagu tababaro ciidamo loo diyaarinayo dagaalka ay dadwaynaha ugu sheegeen in Bademe lagu xoraynayo.

Sharikada Dayuuradaha Itoobiya oo diyaarado qaali ah soo gadanaysa.

In kastoo xukuumada Itoobiya ay maalin walba ku celceliso inay faro kulul ku hayaan abaaro ba’an oo laga yaabo inay horseedaan in dad kumayaal gaadhaya ay macaluul u baaba’aan, sidaas darteed caalamka looga baahan yahay inay kaalmo degdeg ah la soo gaadhaan, haddana waxay Sharikada dayuuraha ee Itoobiya ay dhawaan heshiis la gashaya sharikadaha dayuuradaha sameeya ee Boeing, Pratt iyo Whitny, kuwaasoo ay ka iibsanayso 12 diyuuradood oo nooca Boeing loo yaqaano ah, waxaana heshiiskaa lagu kala saxiixday Hoteelka Shiraton ee magaalada Addis Ababa.

Sida uu heshiiskani dhigayo waxaa sharikada dayuuradaha ee Itoobiya la gedi doonaa 12 dayuuradood ooy ku jiraan 5 nooca cusub ee B737 loo yaqaano ah, waxaana ku baxaysa lacag balaayiin doollar lagu qiyaasay.

Kulan dhex maray Madaxwaynaha DKM ee Soomaaliya iyo Amiirka Kuwait.

Madaxweynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan, oo ka soo qayb galay shirkii dalalka Saxaraha ka hooseeya oo lagu qabtay dalka Niger, ayaa soo gaadhay dalka Kuwayt, wauxuuna markiiba xaruntiisa kula kulmay Amiirka dalka Kuwayt Sheikh Jaabir Al-Axmed Al-Sabaax, waxaana kulankaasi lagaga wada-hadlay sidii ay Kuwayt uga qayb qaadan lahayd dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaa kaloo la isla soo qaaday meesha uu marayo shirka dib u-heshiisiinta ee soomaalida uga socda magaalada Nayroobi.

C/qasim Madaxweyne Debeda Ku Magac Roon.... GUJI...

Dhinaca kale dawlada ku meelgaadha ah ee Soomaaliya waxay dhawaan shir degdeg ah isugu yeedhay saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, waxaana shirkaas degdegga ah lagu qaadaa-dhigay sidii loo adakayn lahaa ammaanka gobolka Banaadir iyo faragelinta joogtada ah ee Itoobiya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Masuul sare oo dawlada ku meelgaadhka ah ka tirsan oo shirkaas ka hadlay ayaa yidhi; Soomaalidu waxay ku dagaallamysaa siyaasad, hase yeeshee marna ma oggolaanayso in codawga Tigreegu uu ciiddeeda soo galo, wuxuuna Ciidamada qalabka sida ku boorriyay inay isu taagan badbaadada shacbigooda iyo Dalkoodaba.

Hibaaq Samatar


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD