Xadgudubka Ciidamada Itoobiya ay u gaystan
Shacbiga Ogaadeenya.
Gumaystaha Itoobiya waxa uu shacabka
Ogaadeenya ula dhaqmaa si aadamaha ka baxsan. Mana jirto cid ku canbaaraysa
ama kula xisaabtanta falalka foosha xun ee caadada u ah. Falalka argagaxa
leh ee xidhka, garaaca, dilka, kufsashada iyo faro xumaynta, waayitaanka,
rarashada iyo sumaynta waa kuwo ka mid nolol maalimeedka shacabka Ogaadeenya.
Waxaana sanad walba dil, xidh ama wax yeelo u dhigma lala beegsadaa
kumaankun oo ka mid ah. Itoobiya waxa ay si toos bulshada Ogaadeenya oo ga
xasuuqataa xoogaaga iyo shakhsiyaadka hormoodka ka ah wadanka. Sida, madax
dhaqameedyada, aqoonyahanada iyo dhalinyarada. Tirada isku celceliska ee
dadka maalinlaha loo daldalo waa shan iyo toban Ruux. Sida hubaasha ahna,
tiradu waa ay sii badataa mar walba oo ay Cidaamada caadisku ay guul daro ka
kala kulmaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO).
Shacabka Ogaadeenya waxaa xarumo kulan u
noqoday xabsiyada Itoobiya ee duliga badan. Halkaas oo had iyo jeer lagu
ciqaabo iyaga oo laga abaaro laxaadka aasaasiga ah. Tusaale, xubnaha Taranka,
Indhaha, Gacmaha, Lugaha iyo inta soo raacda.
Waxaa laga yaabaa in dad badani ay
aaminsanyihiin in qarnigan 21aad ayna jirin wax is adoonsi ah, dhab
ahaantise, Ogaadeenya heerka ay ku sugantahay dhinacyadeeda qaarkood ka
daran Adoonsigii Dunida ka jiray qarniyadii 17aad iyo 18aad. Hadaba, iyada
oo ayna soo koobid la hayn gefafka loo gaysto shacabka dulman ee Ogaadeenya
ayaanu idinku tusaalaynaynaa qarkood:
Afduubka iyo garab rarashada shacabka
Ogaadeenya ee miyi iyo magaalaba waxa ay caado cad u tahay Ciidamada
cabudhiska ee Itoobiya oo ku rarta adeegyada ay ku jiraan sahayda, saanada
iyo daawooyinka. Waxaana intaa weheliya oo layaab leh, qof lagu rarayo qof,
sida dhawaaca iyo maydkooda.
Afduubka iyo adeegsiga Baabuurta Shacabka
iyo Dirawalada iyaga oo u isticmaalaya ka baqida iyo ka dhuumashada JWXO
ayaa iyaduna ah mid joogto ah..
Talaalida iyo faafinta cudurka dilaaga ah
HIV/AIDS iyaga oo ku dhaqangalinaya kufsashada iyo faro xumaynta haweenka,
dhalaanka iyo da,yarta. Waxaana dhacda ah in ay xidhaan Gabdhaha dadoodu u
dhaxayso 15-25 si ay falalkan u oofiyaan Cidaamada boqolka kun korka u
dhaafay ee Ogaadeenya ku sugan.
Hantidhaca, ganaaxa, oodida, sumaynta
xoolaha, aasida iyo sumaynta ilaha biyanahana waa kuwo caadi u ah Gumaystaha
Itoobiya iyo Ciidamadiisa.
Eegana waxa aynu tusaalooyin kale u soo
qaadanaynaa falal ay ciidamada Itoobiya dhawaan ka gaystay Ogaadeenya.
25/2/03, Ceelka Bulaale (Gobolka Dhagaxbuur)
oo ka mid ah ceelasha oo gu waawayn ayaa waxa ay ciidamada Itoobiya
rusheeyeen iyaga oo isticmaalaya Diyaarada qumaatiga-u-kaca Reer Miyi
waraabsanaya xoolahoda. Halkaas waxa ay ku dileen Afar qof oo kala Sadex
Dumar ah iyo Wiil yar.
- 500 oo adhi ah
- 300 oo lo’ ah
- 250 oo geel ah
- 80 aqal oo gubtay
Ceel Xaar (Gobolka Qoraxay) waxa la go’doomiyay
sadex maalmood iyada oo looga dhaartay gelitaan iyo ka bixid labadaba isla
markaana lagu ganaaxay 50,000 Birr.
5/3/03, Garoonka (Gobolka Doolo)waxaa
iyadana lagu dhaawacay nin shacab ah oo la dhaho Muxumed Aw Axmed Cabdi.
4/3/03, Dhanaan (Gobolka Goday) waxa ay
ciidamada cabudhiska ku dileen laba nin oo shacab ah, kala ahna:
1. Shaafi Kaad Xuseen
2. Faarax Maxamed Cali
Falalka nooca oo kale ah waa kuwo malin
walba ka dhaca degmo iyo gobolka kasta oo ka mid ah Ogaadeenya.
Ø Wakiilka Qaramada
Midoobey ee Soomaaliya oo sheegay in uu Qaramada midoobay u gudbin doono
faragalinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Xaashi oo ah Wakiilka Qaramada
Midoobey ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu dhowaan u gudbin doono
Qaramada Midoobey warqad qoraal ah uu ku faah-faahinayo xad-gudubka ay
Itoobiya ku hayso dalka Somalia.
Qoraalkaas ayuu Wakiilku ku sheegay in aysan
suurtogal ahayn in Itoobiya ay tidhaahdo waxaan ka qayb qaadanayaa dib u
heshiisiinta Soomaaliya, ayna xadgudub ku hayso Xuduudda Soomaaliya oo ay
mar walba si sharci daro ah ku soo gasho.
Dowladda KMG ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah
uga hadashay Ciidamada Itoobiya ee u talaabaya Gudaha Soomaaliya, waxayna
shaaca ka qaaday in ergadeedu aanay Shirka Keniya uga socda kooxaha
soomaaliyeed ka qaybgali doonin inta ay Itoobiya gudaha Soomaaliya ku jirto.
Dhinaca kale warar aanu ka soo xiganay Wargayska
Rundnet ayaa sheegay in Saraakiil Itoobiyaan ah ay Booqdeen goobo xaasaasi
ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Saraakiishaas ayaa waxaa hogaaminayay Hogaamiye
kooxeedka lagu magacaabo Maxamed Dheere oo ku hubaysnaa 8 Gaadhi oo Tikniko
ah, meelaha ay booqdeenna waxaa ka mid ahaa: Wasaarada Gaashaandhigga,
Warshada Kabista, Dugsiga Booliska iyo goobo kale oo mihiim ah, iyagoo aad
ugu dhawaaday agagaarka Isbitaalka Banaadir oo aan ka fogayn Xarunta
Madaxtooyada DKMG.
Ø Hogaamiyihii
Xisbiga Mucaaradka Medhin oo jagadaii laga qaadey.
Kornayl Goshu wolde, oo ahaa guddoomiyaha xisbiga
mucaaradka ah ee Medhin, ayaa xilkii guddoomiyanimada laga qaaday, ka dib
markii lagaga shakiyay inuu u debcay cadaadis kaga yimid dhinaca Xukuumada
Itoobiya, waxaana lagu eedeeyay inuu kabaydhay siyaasadii mucaaradnimo ee
xisbiga.
Kornayl Goshu wolde, oo ahaan jiray ku xigeenka
wasiirka arimaha Dibbada xilligii Mingiste Xayle Marayem, wuxuu ahaa ninkii
asaasay xisbiga Medhin, waxaana beryahan denbe oo dhan cadaadis ku hayay
xukuumada Melse Zenawi, oo doonaysay inay xisbiga ka leexiso khadka
siyaasadeed ee uu ku socdo.
War-saxaafadeed xisbiga ka soo baxay ayaa lagu
sheegay in Goshu wolde laga qaaday xilka guddoomiyanimada, iyo in aanu
xisbigu marnaba daba-dhilif u noqon karin maamulka uu Gumaystuhu horkacayo.
Ø Askar Itoobiya ka
fakatay oo sheegtay in Itoobiya weerar isu diyaarinayso.
Ciidamada Gumaysiga ee Itoobiya ayaa waxaynan ka
waantoobin qabanqaabada dagaal ee ay ku jiraan, si ay xukunka u dheeraystaan,
sidaas waxaa yidhi Askariga lagumagacaabo Asafe Akala oo isu soo dhiibay
wadanka Erateriya. Waxuuna isagoo hadalkiisa siiwata yidhi Dhawaan 170
dhalinyaro ah ayaa tababar loogu diray meesha lagu magacaabo Fatsi oo ku
taalla waqooyiga Itoobiya. Taliyaayaasha ciidamada Itoobiya ayaa khaldaya
shacabka kana dhaadhiciya in Itoobiya ay leedahay magaalada Badame.
Kasahum Yirmer, oo isna dhawaan is-dhiibay Eritrea
wuxuu sheegay in dhalinyaro da'doodu u dhaxayso 18-30 tababar loogu qaaday
xeryo ku yaalla Bir Valley iyo Hurso.
Askartani waxay sheegeen in Gumaysigu uu dagaal
galinayo dhalinyarada, waxayna waalidkood ku boorrinayaan in ay dhalintooda
geerida ka badbaadiyaan.
Ø Seddex xisbi oo
mucaaradka Itoobiya ah oo midoobey.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen
xisbiyada mucaaradka Itobiya oo saldhigoodu yahay Addis Ababa ayaa sheegay
in ay midoobeen si ay ugala hortagaan cudud midaysan kaligii taliye Melse
Zenawi.
Xisbiyadan midoobey waxay kala yihiin:
1-councel of alternative force for peace and
democracy in ethiopa
2-oromo national congress
3-ethiopian unity organization
Xisbiyadani waxay daboolka ka qaadeen inay ku
heshiiyeen qodobbo dhowr ah, waxaana ka mid ah magaca ay qaadanayaan oo ah
Iskaashiga Dimuqraadiga Itoobiya, waxay kaloo xisbiyadani sheegeen inay
mawqif midaysan ka yeesheen siyaasada lagaga soo horjeedo xukuumada Melse
Zenawi.
Ø Dawladda Suudaan
oo ma saafurinaysa dad qaxooti ah.
Dawlada Sudaan ayaa masaafurin ku billowday qoxooti
300 gaadhaya oo wadankeeda ku joogay si sharci darro ah waxayna dadkaas
qaxootiga ahi u kala dhasheen Somali, Itobiyaan iyo Eritereyaan.
Ilaa iyo hada waxay wasaarada arimaha dibadu
diyaarisay waqraaqahoodii masaafurinta 200 oo ka soo galay xuduudka Liibiya,
kadib markay Liibiya u diidday inay galaan wadankeeda.
Xoghaya arimaha dibada ee Sudan Caadil Shamsi Al-Diin
ayaa sheegay in howsha masaafurinta qaxootigu ay sii socan doonto, wuxuuna
dadwaynaha reer sudan ka codsaday in ay soo sheegaan wixii qaxooti sharci
darro ah ee ay Wadanka ku arkaan.
Geesood Waran
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|