SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Mar 4, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamujka Caawa waxyaabaha aan idiinku hayno waxaa ka mid ah.

  • Ø Qaybtii Labaad ee waraysigii anu la yeelanay Madaxwaynaha Jabhada Wadinga Xoreenta Ogaadeenya.
  • Ø Ciidamada Itoobiya oo Dadbadan Dil, Xadhig iyo boob Hanti ugu gaystay Gobolo iyo Dagmooyin ka mid ah Ogaadeenya.
  • Ø Saraakiil Sirdoonka Itoobiya ka mid ahaa oo baxsaday.
  • Ø Baaq uu Xoghayaha Guud ee Jumciyada Quruumaha Koofi Anaan u soo jeediyay kooxaha Soomaaliyeed.
  • Ø Dalka Jabuuti oo burburisay Miinoyin badan.
  • Ø Maamulka Waqooyi Galbeed oo ciidamadiisa heegan geliyay.
  • Ø Iyo waxyaabo kale oo badan ood ka heli doontaan.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ø Ciidamada Itoobiya oo Dadbadan Dil, Xadhig iyo boob Hanti ugu gaystay Gobolo iyo Dagmooyin ka mid ah Ogaadeenya.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolo iyo Dagmooyin ka mid ah ogaadeenya ayaa sheegaya in ay Ciidamada Cadawga Itoobiya Dad badan u gaysteen Dil, Xadhig iyo Boob hanti.

Ciidamada Itoobiya ee lagu yaqaano Xasuuqa iyo Xaqdarada Shucuubta ayaa wali sii wada xasuuqii iyo Boobkii Hantidad dad waynaha aan waxba galabsan ee ku hoos nool Xukuumada Itoobiya.

20.02.2003 waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku Dileen Tuulada Koladatto oo ka tirsan Gobolka Shiniile 13 Ruux oo Shacab ah waxayna ku dhaaqaceen tiro aad u badan oo kale.

Dilkan waxashnimo ee ay Ciidamada u hamuunqaba dhiiga shacabka aan waxaba galabsan u geysteen dadwaynaha Gobolka Shiniile ayaa waxuu ka danbeeyay Boob ay Ciidamada Cawadga Itoobiyxa ku soo qaadeen Suuqa Tuulada Koladatto. Dadwaynihii Suuqa ku sugnaa ee hantida iska lahaa ayaa iska difaacay Ciidamada Cadawga Itoobiya, ayagoo wata Ulo iyo dhagaxaan ay iskaga difaacayaan boobka Ciidamada Itoobiya. Nasiib darase waxay Ciidamadii Itoobiya ee suuqa boobayay Rasaas ooda kaga qaadeen dadwaynihii Suuqa ku sugnaa waxaana halkaas ku naf waayay dad u badan Waayeel, Caruur iyo Haween. Ma aha markii ugu horaysay ee ay Ciidamada Itoobiya boob u gaystaan dadka ku dhaqan deegaankaas, Bishii koowaad ee Sanadkan waxay boob kaas la mid ah u gaysteen Dagmada Baki oo ay markii danbana Dab qabadsiiyeen.

Sidoo kale waxay 20/02/03 Ciidamada Caadeestay Boobka Hantidada dadwaynaha ee Itoobiya Magalada Nusdariiqa ku boobeen Adhi dhan 160 Neef oo ay lahaayeen Laba Islaamood oo waayeel ah, kuna nool agagaarka Tuulada Nusdariiqa. Adhigaas ayaa la sheegayaa in ay Ciidamada Itoobiya dhamaantiiba ay halkaas ku qasheen. Ciidamada Itoobiya oo mar walaba sii badinaya boobka hantida dawaynaha ayaa waxay Adhigaas ka qasheen labadan Dumarka ah ee kala ah.

1- Waris Shariif Yuusuf.
2- Zahra Seeraar Bedel.

Ciidamada Itoobiya ee Naflacarigu waxay Magaalada Jigjiga Xadhig iyo Jidhdil ugu gaysteen dad aad u badan oo aan waxba galabsan, waxaana ka mid ah dadkaas.

1- Ahmed Kaamil Macallin.
2- Xassan Cali Daahir.
3- Faadumo Cabdulaahi.
4- Raaxo Qambi.

24.02.2003 waxay Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ku xidheen Magaalada Qalaafe nin Shacba ah oo aan waxba galabsan laguna magacaabo.

Cali Farah Dayl.

Ciidamada Itoobiya ee aan Xishoodka laheen ayaa waxay Tuulada Daawo-Diid oo ka tirsan Gobolka Nogbeed Jidh dil iyo Xadhig ugu gaysteen Qooysaska kala ah.

1- Cabdi Soofe & Xaaskiisa.

2- Cabdi Siyaad & Xaaskiisa, Nimco Mohaned.

Labadan qoos oo aan waxba galabsan ayaa lasheegayaa in ay Ciidamada Itoobiya ugu tageen meeshay daganaayeen oo aheed Baadiyaha Tuuladaas, kadibna ay si xun u jidh dileen si ay u cabsi galiyaan.
Ciidamada Itoobiya ee caadeestey ku xadgudubka Xuquuqda aadamaha ayaa baryahan waxay sii badiyeen ku tumashada xuquuqda iyo ku xadgudubka sharafta Shaqsiga taas oo meel kaga dhacaysa guud ahaanba qawaaniinta Caalamka.

Ø Saraakiil Sirdoonka Itoobiya ka mid ahaa oo baxsaday.

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in 26.02.03 ay Ciidamada Itoobiya ka baxsadeen 4 Sargaal oo Ciidamada sirdoonka Itoobiya ka mid ahaa. Saraakiishaas fakatay ayaa la sheegayaa in Shaqo loogu soo diray Gobolada is maamulka Wayooyi Galbeed. Wararku waxay intaas ku darayaan in laqabtay Sargaal ka mid ah Saraakiishaas oo ay Qabtee mamulka Magaalada hargaysa, kaas oo la sheegayo in dib gacanta loogu galinayo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xadka soomaliya. Saraakiishan oo laga soo diray magaalada Jigjiga ayaa la sheegayaa in ay go,aansadeen inayna dib ugu laban Xukuumada Itoobiya ee macangaga ah. Baryahan danbe ayaa waxaa batay baxsashada Saraakiisha iyo Ciidamada wadanka Itoobiya kuwaas oo galaya wadamada Dariska la ah Itoobiya si ay uga fogaadaan maamulka guracan ee shucuubta Lagumayso iyo kuwa lacadaadiyo lagula dhaqmayo.

Sidoo kale Todobaad ka hor Sargaal ka mid ah Ciidamada Sirdoonka Itoobiya oo ugu waramayay Radio Xoriyo magaalada Jigjiga ayaa sheegay in ay Ciidamada ku sugan Gobolada Ogaadeenya baxsi diyaar u wada yihiin haday helaan meel amaan ah oo ay maraan. Sargaal kaas oo codsaday in aan magciisa la sheegin ayaa Carabka ku dhuftay in ay Ciidamadu u adkaysan la yihiin Dagaalada Joogtada ah ee ay JWXO ku hayso, Noloxumo Ciidamada haysa iyo Maamulxumo ka dhex jirta Ciidamada dhexdooda, waxuu kaloo sheegay in Shacbiga Ogaadeenya oo ay soo kartay Cadaadiskii lagu hayay ay u soo jeedsadeen siday xoriyadooda ku gaadhi lahaayeen, Cidna lama diriri karto shacab gadooday ayuu sii raaciyay. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in uu burbur xoogle ka dhex muuqdo Ciidamada Itoobiya.

Ø Baaq uu Xoghayaha Guud ee Jumciyada Quruumaha Koofi Anaan u soo jeediyay kooxaha Soomaaliyeed.



warbixin uu soo saaray 01.03.03 Xaghaya guud ee Jumciyada Quruumaha ka dhaxaysa Koofi Anaan ayaa wuxuu ku sheegay in kooxaha hubaysani ay yihiin kuwa sii wadda in shacabka ay ku hayaan xabsi iyo colaad. Waxaan shaki ku jirin in shacabka Soomaaliyeed iyo bulshadda caalamku ay kooxahas eeda dusha uga tuuri doonaan haddii ay ku sii adkaystaan dariiqa cadaawada iyo iska horimaadka, ayuu yidhi xoghayaha guud. Isagoo la hadlaya kooxaha ka qayb gelaya shirka Kenya ka socda wuxuu ugu yeedhay inay raadiyaan nabada. Wuxuu sheegay in qaar ka tirsan saxeexayaashii heshiiskii Bishii Desember iyo taageerayaashoodu ay sameeyeen dagaalo iyo colaad.

Wuxuu carabka ku dhuftay in colaadu ay xayirtay garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, isla markaana ay arintaasi si xun u saamaysay keenida waxyaalaha laga maarmaanka u ah bani'aadnimadda iyo horumarinta. Wuxuu ka codsaday kooxaha Soomaalida inay fuliyaan balanqaadyada ay sameeyeen. Dhanka kale, Koofi canaan wuxuu ka codsaday deeq bixiyayaasha inay ka qaybqaataan oo ay dardar geliyaan barnaamijyadda la xidhiidha Nabada iyo hawlaha baniaadamnimada. Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweeyay deeqaha ay bixiyeen wadamada Canada, Switzerland iyo midowga yurub. Wuxuu ka codsaday deeq bixiyayaasha kale inay ka qayb qaataan dib u dhisida nabada iyo arimaha baniaadnimada isla markaana aynan la daahin kaalmooyinka.

Ø Dalka Jabuuti oo burburiyay Miinoyin badan.

Waddanka Jabuuti ayaa la sheegay inuu burburiyay in ka badan 1000 xabbo oo Miino ah, isagoo fulinaya heshiiskii Ottawo ee lagu joojinayay isticmaalka Miinada. Dalka Jabuuti wuxuu ka mid ahaa dalal fara badan oo dunida ka mid ah oo saxiixay heshiis lagu gaadhay magaalada Ottawa ee dalka Canada, kaasoo lagu mamnuucay isticmaalka Miinada, oo khasaare aan la koobi Karin u gaysata kumayaal dad ah oo ku dhaqan meelo kala duwan oo dinida ka mid ah. Munaasabadii miinooyinkaas lagu burburinayay waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga ee waddanka Jabuuti.

Ø Maamulka Waqooyi Galbeed oo ciidamadiisa heegan geliyay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada maamulka Waqooyi Galbed uu amar ku bixiyay in heegan adag la geliyo ciidamada qalabka sida ee ku sugan soohdinta u dhaxaysa woqooyiga Soomaaliya iyo Itoobiya. Tallaabadan ayaa la sheegayaa inay ka denbaysay, ka dib markii ay dawlada Itoobiya ciidammo aad u fara badan soo dhoobtay soohdinta labada dhinac u dhaxaysa. Lama garanayo sababta ay Itoobiya Ciimmadeeda u soo dhoobtay soohdinta ay la leedahay woqooyiga Soomaaliya, hase yeeshee muddooyinkii denbaba waxay Itoobiya wadday olole cunaqabatayn ah oo ay ku kala xidhayso labada shacab ee isaga gudba xuduudaha.

Waxay kaloo joojisay ganacsigii uu shacbiga soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Woqooyi Galbeed ka ganacsan jiray meelo Itoobiya ka mid ah iyo gobollada Ogaadeenya, arrintaasoo dar-xumo fara badan u soo jiidday dadka soomaalida ah ee ku kala dhaqan labada dhinac ee xuduudda iyo waliba dad fara badan oo Itoobiyaan ah oo si wayn uga faa,iidaysan jiray ganacsiga ka yimaadda Woqooyiga Soomaaliya.

 

Hibaaq Samater
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD