Dagaalo kulul oo dhex maray
Ciidanka wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya.
06.06.2003 Iska hor imaad dagaal oo ku dhex
maray Ciidamada Doolka ku jooga Ogaadeenya ee gumaysiga Itoobiya iyo
ciidamada xaqudirirka Xoreeynta Ogaadeenya, meesha la yiraahda Malablay oo
ka tirsan Dagmada Danood, ayaa waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 2 Askari
waxaana lagaga dhawcay 2 Askari oo kale.
21.06.2003 weerar mir ah oo ay ku qaadeen
Ciidamada geesiyiinta Xoreeynta Ogaadeenya, fadhiisimaha
Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee magaalada
Qabridahare, ayaa waxaa Ciidamada dulmiga dheefsada ee gumaysiga Itoobiya
loogu gaystay jab xoog leh oo ku riday Jaha wareer iyo khalkhal. Dagaalkaas
oo ahaa mid mudo dheer socday ayaa waxaa Ciidamada Cadawga Itoobiya lagaga
dilay tiro lagu sheegay 25 Askari, waxaana lagaga dhaawacay tiro kale oo
badan balse aan lasoo xaqiijin. Wararku waxay intaas ku darayaan in ay
halkaasi ku dhaawacantay qof dumar ah oo ka mid ahayd shacabka magaalada
kadib markay ciidamada gumaysiga Itoobiya rasaas la beegsadeen xaafadihii
shacabku daganaa.
18.06.2003 waxaa dhinaca Soomaaliya u dhaqaaqay Ciidamo Itoobiyaan ah oo
wata 200 oo gawaadhida gaashaman ah iyo Hub kale oo aad u fara badan.
Ciidamadaas oo ka dhaqaaqay Magaalada Qabri Dahare ayaa la sheegayaa in ay u
sii jeedaan dhinaca koonfurta Soomaaliya. Dad ku dhadhaw saraakiisha
ciidamada ayaa noo sheegay in ay ciidamadaasi xoojinayaa kooxaha Itoobiya
gacan sarka la leh ee koonfurta Soomaaliya.
Dabaal dag loo sameeyay Xoriyada
Gobolada waqooyi ee wadanka Soomaaliya.
Waxaa shalay oo bishu ay aheeyd 26.06.2003
shacabka Soomaaliyeed ay u dabaal dagayeen maalintii madax banaanida
Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. Dabaal dagaas oo ka dhacay guud ahaan
Soomaaliya ayay dadku hanbalyo ku saabsan maalinta qaaliga ah isugu dirayeen.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu
hambalyo u diirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, Maalinta 26ka bisha
juun oo ku aadan maalintii ay xoroobeen gobollada Waqooyiga Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed.
Maanta waa maalin ku weyn shacbiga
Soomaaliyeed, sidaas darteed wuxuu Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed u
jeedinayaa ummadda Soomaaliyeed in ay dib uga fekeraan dhibaatadii iyo
halgankii dheeraa ee loo soo maray madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya,
ayna ku dadaalaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waana tii
horey loo yiri "Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan", taas oo na dareensiineysa
qiimaha uu leeyahay wadajirku.
Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu
ilaahey uga baryeynaa munaasabadan qiimaha badan darteed in shacbiga
Soomaaliyeed ka dulqaado dhibaatadan 13 jirsatay, isla markaana ilaahey
tusiyo dariiqa toosan.
Maamulak Itoobiya ka taliya oo meel walba
Musuqmaasuqii gaadhsiiyay.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Adis
Ababa ayaa sheegaya in wakaalada Xooga Korantada ee wadanka Itoobiya uu ku
yimid sanadihii ugu danbeeyay 50% hoos u dhac dhaqaalaheeda iyo wax
qabadkeedaba.
Hoos u dhacan ku yimid xooga Korantada ayaa
waxuu sababay in warshadihii yayaraa ee wax soo saarka ay waayaan Koronto ku
filan, taasina waxay sababtay in ay shaqadoodii ku waayaan qaar badan oo ka
mid ahaa Shaqaalaha warshadaha wadanka Itoobiya.
Dad ku dhadhaw Saraakiisha Xooga Korantada
ayaa noo sheegay in hoos u dhacan ku yimid korontada uu sababay musuqmaasuq
ka jira maamulka sare ee xooga korantada.
Muran xuduudeed oo ka dhex taagan beeralay
Ehtiopian ah iyo beeralay Sudaan ah.
Warar aanu ka soo xiganay wakaalada wararka
AFP ayaa sheegaya in uu muran ba,ani ka taagan yahay Beeralayda Itoobiya iyo
Suudan. Muranbkaas oo soo socday mudo 7 Sano ka badan ayaa waxaa uu dhaliyay
dagaal dhex maray Beeraleeydaas. Nin u hadlay beeraleeyda Suudaan ayaa yidhi
waa in xal laga gaadho arintan oo waliba beeralayda suudaan dhulkooda loo
daayo, hadii kale waxaa hoos u dhacaya wax soo saarka beeralayda Suudaan.
Wadanka Suudaan ayaa dhulkaas ka heli jiray Hadhuudh gaadhaya 2.8 Malyan oo
tan iyo 1.4 Milyan tan oo Saliid ah.
Khilaafkan oo hada maraya muran iyo gacan
ka hadal kooban ayaa laga cabsi qabaa in uu dhaliyo colaad balaadhan oo
deegaanka saameeysa.
Meles Abihii oo sheegay in ay dhibaato haysato wiilkiisa.
Wargayska Infoytement oo waraysi la yeeshay
Ra,isal wasaaraha wadanka Itoobiya Abihii oo 77 jir ah, dhalayna 13 ilmood,
ayaa sheegay in ay wiilkiisa dhibaato wayni haysato, dhibaatadaas oo
la xidhiidha dhinaca siyaasada & dhaqaalaha, taas oo keenatay in aad uu u
fikiro oo hurdo la, aan ku riday.
Waxuu yidhi Wakhtigan casri ah oo ay
siyaasadu hor martay ayuu rabaa in uu wiilkaygu Itoobiya u taliyo, waxaa
kale oo uu Odoygu sheegay in maalinba maalinta ka danbeeysa uu Mucaaradku
sii badanayo oo waliba ay ka mid yihiin kuwii uu u soo halgamay waa sida uu
hadalka u dhigaye.
Mar wax laga waydiiyay waxuu jeclaa in uu
wiilkiisu nodo waxuu yidhi Wiilkayga waxaan la rabay in uu dhaktarnimo barto
siyaasadana lama rabin laakii Sanadkii sadexaad ayuu wax barashadii kaga
tagay oo uu duurka galay.
Waraysiga Melis Abihii ayaa waxuu
muujinayaa in uu Ra, isal wasaraha Itoobiya xaaladiisa caafimaad ee dhinaca
maskada ay wax soo gadheeyn.
Labanin oo wadanka Kenya lagu xidhay.
war aan kasoo xiganay Ideecada STN ayaa
sheegaya in Ciidamada Amaanka ee Kenya ay gacanta ku dhigeen 25.06.2003
labanin oo lagu tuhmay fal Argagixiso. Labada nin oo mid somali yahay
magaciisana lagu sheegay Jareef, iyo mid Itoobiyaan ah, ayaa lasheegayaa in
ay qaban qaabinayeen fal ay ku qarxinayaan guriga ku yaala goobta shirku uga
socdo kooxaha Soomaaliyeed, oo uu daganaa Kornayl Cabdullaahi Yusuf Ahmed
Ninka Itobiyaanka ah ayaa kudoodaya in uu katirsan yahay Ciidanka Sirdoonka
ee Itoobiya, wararku waxay intaa ku darayaan in ay labada nin xidhidh
lalahayeen 4 nin oo katirsan ciidamada sirdoonka ee itoobiya oo lagu xidh
xidhay magaalada Gaal kacayo.
Waxaan horay uga war haynay in ay dowlada Kenya ku soo rogtay muwaadiniinta
Itobiya sharci xadadaya joogitaan kooda kenya, wararku waxay intaas kudara
yaan in ay xukuumada Itoobiya khal khal ku hayso arimaha nabad galyada ee
Kenya.
Radio Xoriyo
27.06.003
Dhiidhi Nuur
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|