Wafti balaadhan oo kormeer ku maraya Gobolada wadanka Maraykanka.
Waxaa booqasho Hawleed ku kala bixinayey Jaaliyaadka Ogaadeenya ee ka jira
Maraykanka Wafdi balaadhan oo ay Hogaaminayaan Halgame Hassan Ciise
Sheekeeye iyo Halgame Mohamed Kaahin oo dhawaan ka soo laabtay gudaha
Ogaadeenya. Booqashadaas ayay ujeedadeedu ahayd in Jaaliyadaha Ogaadeenya ee
Dibada ka hawl kala lala socod siiyo xaqiiqada dhabta ah ee Ogaadeenya ka
jirta iyo sidii loo taageeri lahaa halganka xaq u durirka ah ee ay Jabhada
wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ku doonayso madax banaanida Shacbiga
Ogaadeenya, ayaa waxay waftigaas shirarkii ay qabteen warbixinadii ugu
danbeeyay ku siiyeen dadwaynihii ay kula kulmeen Goboladii ay booqdeen.
Masuuliyiintan oo socdaalkoodii ka bilaabay 13-15 bishan June ee Sanadkan
2003 magaalada Kensas City ayaa Warbixino faah faahsan oo Maqal iyo Muuqaal
isugu jira halkaas ugu soo gudbiyay dadwaynihii ka soo qaybgalay shirarkii
ay qabteen. Dhinaca kale waxaa abaabul hor leh oo dhidibada loogu adkaynayo
Halganka Ogaadeenya iyo Kaalinta ay Haweenku qaataan qabtay Ururka Haweenka
Ogaadeenya ee Magaalada Kansas iyagoo sameeyey 6 Gudi oo kala qaban doona
hawlo lagu xoojinayo Halganka kuwaas oo hada hawshoodii Guda Galay.Haweenka
Ogaadeenya ayaa meel ay joogaanba xil Gooniya iska saaray sidii ay
kaalintooda u buuxin lahaayeen iyagoo og in ay iyaga yihiin kuwa dhibka
rasmiga ahi ay u Geystaan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya.
Wadanka Kenya oo Sharci cusub kusoo rogatay Muwaadiniinta Itobiya.
Dawlada Kenya ayaa soo saartay sharci cusub oo ay ku soo rogtay dadka u
dhashay dalka Itoobiya. Sharcigaas cusub ayaa waxuu sheegayaa in dadka wata
Baasaboorada Itoobiya la siin karo oo kaliya 3 Bilood oo fiiso ah oo ay ku
joogi karaan wadanka Kenya, halkii ay markii hore joogi kareen 6 Bilood iyo
wax ka badan cidii doontana ay ka heli kartay daganaansho wadanka Kenya.
Go,aankan ay gaadhay dawlada Kenya ayaa waxaa uu ka danbeeyay cabashooyin ay
qaar ka mid ah
xildhibaanada wadanka Kenya kaga cabanayeen ciidamada Itoobiya oo si sharci
daro ah uga soo talaaba xadka wadanka Kenya ay la leedahay Itoobiya.
Xildhibaanadaas ayaa sheegay in soogudubka ciidamada Itoobiya ay wax u
dhimayso amaanka wadanka Kenya. Dhinaca kale waxaa mar walba heegan adag la
galiyaa ciidamada Kenya ee ku sugan xadka labada dal taas oo keeni karta
isku dhac keena colaad halkaas ka bilaabata. Ciidamada xukuumada Itoobiya
ayaa dhamaan wadamada Dariska la ah ku samaysa xadgudubyo ka dhan ah
sharciga caalamiga ah ee
xuduudaha dalalka.
Jaamacada Adis Ababa oo uu qas ka taaganyahay.
Xukuumada Itoobiya ayaa wada olole ka dhan ah dadka ay tuhunsantahay in
ay xukuumadooda ka soo horjeedaan. Ololahan ay xukuumada wayaanuhu wado ayaa
ah mid aan dhinacna dhaafaynin oo shaqooyinka lagaga eryayo dhamaanba cidii
lagu tuhmo in ay ka soo horjeedo maamulka wareersan ee kaligii taliye Melis
Zenaawi. Waxaa dhawaan shaqadii laga qaaday Madaxwaynihii Jaamacada Adis
Ababa iyo ku xigeenkiisii Dr. Gemechu Megersa, kuwaas oo lagu tuhmay in ay
mucaarad ku yihiin taliska TPLF, kadib markay Ardayda Jaamacadu cabashooyin
ku saabsan nolashooda iyo dhaliilo u soo jeediyeen Xukuumada.
Xilalka Jaamacada Adis Ababa ayaa waxaa loo magacaabay Professor Indrias
Eshete oo loo magacaabay Madaxa Jaamacada iyo Dr. Samuel Aseffa oo ah ku
xigeenkiisa, masuuliyiintan cusub ayaa ah rag taageersan taliska
dhiigyacabka ah ee Adis Ababa, balse wararku waxay intaas ku darayaan in
macalimiintii ay isu diyaarinayaan banaanbax ka dhan ah masuuliyiinta cusub
ee jaamacada, taasina waxaa laga yaabaa in ay Ardayda kiciso oo ay rabshado
cusub ka bilaabmaan Magaalada Adis Ababa.
Abay Tsehaye oo awood loo siiyay in uu saraakiisha sare eryi karo.
Warar aanu ka helay ilo mihiim ah ayaa sheegaya in Abay Tsehaye oo ah
wasiiru dawlaha Itoobiya awood dheeraad ah loo siiyey in uu shaqada ka eryi
karo saraakiisha sare ee maamulada Kililada. Ra,isal wasaaraha Itoobiya
Melis Zenawi ayaa Warqad qoraal ah oo uu u soo qoray Abay Tsehaye ugu
sheegay in uu awood buuxda u leeyahay in uu shaqada ka eryo cidii uu u arko
in ay ka soo horjeedaan maamulkiisa. Wasiiru Dawlaha Itoobiya ayaa isla
markiiba waxuu shaqadii ka eryay
Yaregal Aysheshum, oo ahaa nin katirsanaa gudida fulinta ee Benishangul,
Ismail Ali Sero oo ahaa madax waynihii ismaamulka Canfarta, madax wayne
kuxigeenka dadyowga koonfurta Ethiopia Meles Maremo iyo nin sare oo
katirsanaa ismaamulka Oromia. Saraakiishaas oo dhamaantood ahaa kuwo la soo
doortay ayaa shaqdoodii ku waayay in ayna u jajabneen maamulka
gabidhacleeynaya ee uu ,madaxda ka yahay Melis Zenaawi.
Joornaaliistayaashii Ethiopia oo wadanka ka qaxaya.
Xukuumada Adis Ababa ayaa waxay soo saartay sharciyo ad adag oo lagu
xakameeynayo saxaafada xorta ah. Sharciyadaas ayaa sheegaya in ayna si madax
banaan wax u qori karin Joornaaliistayaasha wadanka Itoobiya, waxaa kaloo
sharciyadaas lagu cadeeyay in ayna suxufiyiintu wax ayna dawladu raali ka
aheeyn ka qori karin arimaha maamulka wadanka Itoobiya, taas oo loola jeedo
in aan wax laga sheegin khaladaadka taliska talada wadanka Itoobiya haya ee
TPLF.
Joornaalistayaasha ayaa waxaa la siiyay dignin adag oo loogu sheegayo cidii
wax ayna Xukuumadu raali ka ahayn qorta in ay ciqaab adag la kulmi doonto,
taasina waxay dhalisay in ay wadanka iskaga qaxaan qorayaashii ugu
qaalisanaa wadanka Itoobiya, si ay naftooda u badbaadiyaan. Waxaa dhawaan
wadanka Itoobiya ka baxsaday Rahel Hailu oo tafatre ka ahaan jirtay
joornaalka Todobaadlaha ah ee layidhaahdo Mebrek oo ku soo baxa Afka
axmaariga. Shantii bilood ee u danbeeysay waxaa socday muran adag oo ku
saabsanaa qorshahan ay dawladu doonayso in ay ku xakameeyso saxaafada xorta
ah, waxaana cabashooyin ay kaga soo horjeedaan sharcigan cusub soo jeediyay
Ururada u dooda xuquuqda suxufiyiinta oo caalimi ah, hay,ado madax banaan
iyo kuwo dawli ahba, balse marnaba Xukuumada wayaanuhu kama waantoobin ku
adkaysiga Go,ankeedan ay ku ilaalinayso danaheeda gaarka ah.
Xaafadaha Adisababa oo boolis lagu sii daayay.
Warar aanu kahelay magaalada Adis Ababa ayaa waxa ay sheegayaan in ay
dawlad wayaanuhu todobaadkii la soo dhaafay ay magaalada Adis Ababa ku
siidayasay ciidamo aad u faro badan iyo niman katirsan nabad sugida, kuwaas
oo adeegsanayay hub aad u khalkhal galiyay dadkii daganaa magalada Adis
Ababa. Ciidamadu waxa ay baadhayeen guri kasta oo ay kutunsanyihiin in ay ku
noolyihiin dad aan daacad u ahayn Taliska wakhtigiisii dhamaaday ee EPRDF.
Xaafadaha aadka loo baadhay waxa ka mid ah Bole, Sarris iyo Kazanches,
talaabadan ay ciidamudu qaadeen ayaa lagu qabqabtay dadbadan oo aan la
ogeeyn meel ay ku danbeeyeen. wararku waxa ay intaa
ku dareen in la xidhay dad saraakiil sare ka ahaaan jiray dawladii hore ee
Somaliya oo ku sugnaa Magaalada Adis Ababa.
Bangiga Aduunka oo amaah u diiday Itoobiya.
Bangiga aduunka ayaa waxa la sheegayaa in uu diiday Itoobiya dayn dhan
609 Malyun oo Dollar oo ay dawlada Ethiopia sanadakan kacodsatay Bangiga
Aduunka. Diidmadan ayaa laxidhidha kadib markii la,ogaaday in ay Xukuumada
Adisabab, kusoo gadato Daynta lasiiyo, Hub, iyo iyada oo dhaqaalaha
Itoobiya intiisa badan kubixisa Arimaha Militeriga. Wuxuu warku intaa ku
darayaa in aysan Itoobiya waxba kaqabanin, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo
iyada oo iska bixin wayday Dulsaarkii daymihii horay loosiiyay oo gaadhaya
90 milyan oo dolar.
Madaxwayne Cabdi-qaasim Salaad Xasan oo mar kale Itoobiya
eedeeyay.
Mdaxwaynaha Soomaaliya Dr. C/qaasan Salaad Xasan ayaa Shir jaraa,id oo ay
si wada jir ah ugu qabteen Hoteel ku yaala Magaalada Nairobi isaga iyo
Madaxwaynaha wadanka Kenya Mudane Mwai Kibaki, ayaa ku eedeeyay Dawlada
Itoobiya in ay ku dadaalayso sidii uusan shirka u midha dhali leheeyn,
madaxwaynuhu waxaa kale oo uu Itoobiya ku eedeeyay in ay wadato ajende u
gaar ah oo ayna wali soo bandhigin, kaas oo lagu minja xaabinayo dadaalka
beesha caalamku ugu jirto nabad u helida wadanka Soomaaliya.
Madaxwaynaha wadanka Kenya Kibaki ayaa yidhi waxa aanu dadaal wayn ugu jiraa
sidii Somaliya dawlada loogu dhisi lahaa, taas oo dan u ah guud ahaan
dawladaha ku bahoobay IGAD gaar ahaana Somalida. Dhinaca kale Xubnaha
dowladda Itoobiya ugu jira guddiga farsamada IGAD ayaa ku tilmaamay aragtida
beesha caalamka ee ku wajahan tirada xubnaha baarlamaanka mid aan
qancinaynin ka qaybgalayaasha Shirka, Mawqifka Dawlada Itoobiya oo ah in
Xubnaha Baarlamaanka laga dhigo 450 si ay u adkaato wada shaqaynta iyo
go,aan qaadashada ayaa noqotay mid aan u cuntamaynin beesha caalamka iyo
wadamad deeqda bixiya.
Radio Xoriyo
24.06.2003
Geesood Waran
radioxorio@yahoo.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|