SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: June 17, 2003 

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Itoobiya oo Qandaraas ku bixisay shidaalka Ogadenya.
  • Ø kaligii taliye Meles oo caafimaadkiisu liito.
  • Ø Shir xasuuqa lagaga hadlayay oo ka dhacay dalka Ireland.
  • Ø Amnesty oo ka digtay in xukuumada cusub ee Som. dhagar qabayaal lagu soo daro.
  • Ø Emiirka Qadar oo booqasho ku tagay wadanka Jabuuti.
  • Ø Wasiirka arimaha gudaha wadanka Kenya oo ku dhawaaqay in dadka aan sharciga laheeyn ee wadanka ku sugan sharci la siiyo.
  • Ø Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadanayno eedeeyn uu Madaxwayna DKMG Soomaaliya u soo jeediyay Itoobiya iyo suugaan kala duwan.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis  

Itoobiya oo Qandaraas ku bixisay shidaalka Ogadenya

Xukuumada Itoobiya ayaa heshiis la gashay Sharikada Baatroolka iyo Gaaska ee dalka Mallaysiya, heshiiskaasi waxaa uu dhigayaa in dhul ay baaxadiisu dhan tahay 15,356 km oo isku wareeg ah oo ku yaala Gobolka Gambeella iyo Dhulka Bariga Ogaadeeniya waa dhinaca Xuduudka Ogaadeniya iyo Soomaaliya ay si rasmi ah uga hawlgali karto Sharikadaas Gaaska iyo Badroolka ee Wadanka Malaysiya Laga leeyahay.

Heshiiskan oo ka dhacay Magaalada Adis-Ababa waxaa dhinaca Itoobiya u sixiixay Wasiirka Macdanta Maxamuud Dirir dhinaca Mallaysyana waxaa u saxiixay Shamsul Azhar Abbas oo ah ku xigeenka Madaxa Sharikada Gaaska iyo Badroolka ee Mallaysiya.

Heshiiskan ayaa waxaay Dawladda Itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqday Maalinyii Sabtyida ahayd.

Qaybta Gambella ku saabsan ee heshiiskan waxay sharikadani haysataa shan sano inay ku soo bandhigto barnaamij ay ku qeexayso qaabka ay shidaalka u soo saarayso, waxayna ku Khasban tahay inay qorshaha guda-galka ah ku bixiso shan milyan oo dollar.

Xukuumada Itoobiya waxay marar hore oo badan heshiis kula gashay shidaalka Ogadenya sharikado kala duwan, hase yeeshee heshiisyadaas oo dhani way burbureen, ka dib markii ay sharikadahaasi ka cabsadeen inay shaqo ka billaabaan dhul uu dagaal ka socdo, mana muuqato in heshiiskan cusub uu ka ayaan badnaan doono kuwii hore haddii aan xal siyaasadeed loo helin dhibaatada Ogadenya oo lagu xallin karo oo kaliya in dadwaynaha ku dhaqan Ogaadeeniya loo oggolaado inay maamulka Dalkooda u madaxbannaanaadaan.

kaligii taliye Meles oo caafimaadkiisu liito.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhadhaw xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegaya in caafimaadka kaligii taliye Meles Zenawi uu aad u liito, iyadoo ay ugu wacan tahay Khal-khal xagga Maskaxda kaga yimid iyo Daganaansho la’aan.

Wararkani waxay intaa ku dareen in dhaakhtarka gaarka ah ee Meles Zenawi uu kula taliyay inuu caafimaad u aado dalka dibaddiisa, hase yeeshee uu ka diiday, isagoo ka cabsi qaba in Saraakiisha ka soo horjeeda ay Afgambi ku sameeyaan inta uu wadanka ka maqan yahay.

Dhinaca kale dawlada wayaanaha ee Meles Zenawi uu hor-kacayo ayaa lagu tilmaamay in ay hayso tubtii ay horay u qaadday dawladii dhirgiga ee uu madaxda ka ahaa Mingustu Xayle Maryam, sababtoo ah xukuumada Meles Zenawi billowday qorshe cusub oo ay shaqada kaga fadhiisiinayso saraakiishii ururka TPLF ku soo biiray wixii ka horeeyey sanadkii 1980.

Saraakiishan waxaa lagaga shakisan yahay inay ka soo horjeedaan qorshaha xukuumada wayaanaha, waxaana talada saraakiishan lagu caydhinayo soo jeediyay ururka xabashida ee ANDM, oo si dhaw ula shaqeeya xukuumada Meles Zenawi.

Qorshahani wuxuu dhigayaa in saraakiishaas shaqada laga fadhiisiiyo, iyagoo loo ballanqaadayo lacag hawlgab ah oo la siin doono, balse waxaa laga soo reebay jennaraal Samora Yenus, oo lagu tilmaamo inuu yahay garabka midig ee Meles Zenawi.

Saraakiisha qaabkan lagu eryayo waxaa ka mid ah Kornayl Geytsu Molla, oo ururka TPLF ku soo biiray sanadkii 1974.

Warar kale oo qorshahan la xidhiidha ayaa sheegaya in qorshahan loogu gogol-xaadhayo siyaasad ay dawladu damacsan tahay oo ka dhigan in la magacaabo

Wax ay ku tilmaameen kaadiriin xukuumada wakiillo uga noqda gobollada iyo degmooyinka, kuwaasoo u shaqayn doona sidii ay u shaqayn jireen xubnihii xisbigii Dhirgiga ee loo yaqaanay Isibaako.

Waxaana laga yaabaa in xiisad wayni ay ka dhalato kaadiriintan cusub ee xukuumada Zenawi ay gobollada iyo degmooyinka dhiganayso iyo Saraakiisha Ciidamada ee Gobolada iyo Dagmooyinka ku sugan.

Shir xasuuqa lagaga hadlayay oo ka dhacay dalka Ireland.

Shir caalami ah oo lagaga hadlayay arrimaha xasuuqa ayaa ka dhacay Jaamacadda the National University, oo ku taalla magaalada Galway ee waddanka Ireland, intii u dhaxaysay 7-10 June.

Shirkaas waxa ka qayb galay aqoonyanno adduunka oo dhan isaga yimid oo ku takhasusay xasuuqa dadyowga loo gaysto, waxaana ka mid ahaa xasuuqyada laga wada hadlay xasuuqyadii ka dhacay dalalka Rwanda, Cambodia, iyo Itoobiya.

Wadamada aadka looga hadlay waxaa ka mid ahaa wadanka Itoobiya oo si wayn loogu dheeraaday xasuuqa ay dadyow farabadan u gaysatay xukuumadii Mingiste iyo midda hadda dalka ka tilaisa ee wayaanaha.

Shirkaa waxaa la soo hordhigay warbixino dhaadheer oo ay soo diyaariyrrn aqoonyahanno waayo-aragnimo dheer u leh arrimaha xasuuqa, waxana ka mid ahaa aqoonayahannadii halkaas warbixinaha muhiimka ah ka soo jeediyay:

Dr. Fowsia Abdulkadir oo ka socotay Uruka Xuquuquk insaanka Ogaadeenya, oo ka hadashay siyaasada xasuuqa ah ee Itoobiya ay u gaysato dadka ku dhaqan Ogadeniya (Genocidal policies in the Ogaden).

Maxamed Xasan oo isaguna ka hadlay xasuuqa ay Itoobiya u gatsato dhaqmada dadka ay gumaysato (Cultural genocide in Ethiopia).

Amnesty oo ka digtay in xukuumada cusub ee Som. dhagar qabayaal lagu soo daro.

Ururka xuquuqda bani’aadamka daneeya ee Amnesty International ayaa warsaxaafadeed uu dhawaan soo saaray kaga digay in dawlada la filayo in lagu soo dhiso shirka dib u-heshiisiinta ee soomaalida uga socda dalka Kenya lagu soo daro dad denbiyo dagaal ka galay dalka Soomaaliya.

Ururka Amnesty International wuxuu ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta ka qayb galay ugu baaqay inay xaqiijiyaan soo-yaalka qofka ay dooranayaan, si ay u hubsadaan inuusan Dalka Dembi ka galin, wuxuuna arrin aan cuntamaynin ku tilmaamay in hooggaamiye kooxeedyada iyo saraakiishii hore ee dalka ka galay denbiyada ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka lagu abaal-mariyo inay xilal ka qabtaan xukuumada shirka dib u-heshiisiinta lagu soo dhisayo.

Ururka Amnesty International wuxuu ku taliyay in la dhiso guddi heer Qaran oo madaxbannaan oo ka shaqeeya daryeelka iyo dhawrista xuquuda Aadanaha ee Dalka Soomaaliya.

Emiirka Qadar oo booqasho ku tagay wadanka Jabuuti.

Emiirka qatar Emiir Hamad bin khalifa al thaani iyo wafdi balaaran u hogaaminayo ayaa maalinta khamiista (12 june) booqasho rasmi ah ku tagay dalka jabuuti.

Waxaa garoonka diyuuradaha Jabuuti ku soo dhoweeyay Emiirka iyo waftigii uu hogaaminayay, madaxweynaha dalka jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geele.

Sida wararka sheegayaan Qatar iyo Jabuuti ayaa balaadhin doono xidhiidhkooda ganacsi iyo wadashaqeyntooda dhinaca dalalka carabta iyo geeska Afrika.

Wasiirka arimaha gudaha wadanka Kenya oo ku dhawaaqay in dadka aan sharciga laheeyn ee wadanka ku sugan sharci la siiyo.

wararka naga soo gaadhaya magaaladda Nairobi ayaa sheeggaya in war ka soo baxay wasaaradda arrimaha guddaha ee waddanka kenya lagu sheeggay in dadka aan u dhalan waddanka loo sameeyo sharci ay ku jooggaan waddanka kenya.

Arrintan ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha guddaha ee waddanka kenya mr. Mudi Awori, wasiirku waxaa uu amar ku bixiyey in si dhakhso ah loogu gooyo sharciga waddanka lagu jooggo dadka aan Kenyaanka ahyn ee wadanka Jooga.

Wasiirka ayaa warkan ka sheeggay meel fagaare ah mar uu ka qeybgalay Munaasabad ballaahdan oo looga hadlayey arrimaha dhaqaalaha waddanka Kenya. Munaasabaddaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha waddanka kenya Mr Mwai Kibaki iyo Qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda. Madaxweynaha Maddanka Kenya ayaa soo dhaweeyey arrinta sharci goynta Dadka Qaxootiga ah ee ku suggan Waddanka kuwaas oo aan haysanin sharciga Waddanka kenya.

Warkan ka soo Baxay wasiirka arrimaha guddaha ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey qaar ka mid ah xildhibaanadda Soomaaliyeed ee laga soo doorto gobolka waqooyi beri.

Wasiirka ayaa sheeggay in ay jiraan dad ka yimid dibaddaha islamarkaasna shaqooyin u soo doonta waddanka kuwaas oo durbaddiiba la siiyo shaqaddii ay dalbadeen, laakiin waxuu sheeggay in dad ku nool waddanka in muddo ah aynan haysan wax sharci ah ama shaqo ah kuwaas oo intooda badani ay ku noolyihiin Xereeyinka Qaxootiga ee wadanka Kenya.

Radio Xoriyo

17.06.003

Geesood Waran


radioxorio@yahoo.com

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD